Waxaan warbixintayda ku bilaabi doona dhibatoyinkii iyo tiiftii, iyo
rafaadkii iyo hoogii la baday shacabkan ka dhashay ee Somaliland, akhristayaal
qoraalkan hoos ku qoran waa qoraal muujinaaya xasuuqii loo gaystay shacabka
Somaliland sannadahii 1980 maadkii, waxaan ku bilaabaya xasuuqii ay ciidamadii
saxnuuniyadda faqashtu u gaysteen 46 qof ee aan waxba galabsan ee xeebta
Jaziira ee magaalada muqdisho,waa waraysi lala yeeshay Mujaahid Cumar Muuse oo
ahaa Wiilkii ka badbaaday xasuuqaasi dulmiga weyn ahaa, akhriste si fiican uga
bogo sawirada tiifta iyo xanuunka ku reebaysa iska daa Somalilanderks dunida ku
noole ka uurka ku jira hadda, suuro gal ma noqon karta mar labaad in ay
Somaliland shacabkeedu u hanqal taagan midnimo Soomaliyeed oo labaad, qoraalkan
waxaa iga caawiyey Bogga wararka ee halgan news , waxaan mahad balaadhan usoo
jeedinaya tafatirayaasha iyo isku dubayaasha boggaasi, gaar ahaan Cumar Cabdi
Nuux, wuxuu qoraalku ku bilaabmay sida tani:-
Waraysi ayaa Dhawaan laga Qaaday Gacan ku dhiigle Canjeex waraysigan oo ahaa
laba qaybood Waxaana soo tabiyay SDWO hadaba Anaga oo Tafiisiil Yar ka bixin
doona bal Ninkan Dhagar qabaha ah sida Afkiisiyo aanay isu maqlayn Dhagihisu
hadaba warayigan dhexdiisa Waxa uu ku sheegayaa in Saraakiisha Mareexaan
badbaadin Jireen Saraakiisha Isaaqa Waa yaabe Hadaba haday kuwa mareexaan wax
badbaadinayeen Yaa dili jiray Dadka Isaaqa ah. Waxaa dheer intaa Hadii ay
shicib Xasuuqi jireen ma Sarkaal bay badbaadin Jireen?? isaga o ahaa Kuwii ugu
Darnaa Waxa uu hadana halkan ku cadaynayaa in uu isla markiiba tagay Hargaysa
oo uu ahaa ciidankiii Baabi`inayay Magaalooyinka Somaliland Waxaa Dheer Hadii
uu ahaa Ragga ugu Dhawdhaw Kaligii Taliyihii Afwene Tol ahaan iyo Sxb ahaanba
Mu`aamarada isaga loo Samaynaya maxay ahayd Ee loogu samayn waayay Saraakiisha
Ogaadeeenka Hawiyaha iyo Ragii ku jiray Dawladii Afweyne intaa Waxaa Sii Dheer&nb!
sp; In uu leeyahay Isaaq baa Baxay oo Ethopia ayaa ka danbaysay oo Taajirkoodii
iyo Inankoodiiba ay dagaalamayeen Taasna ay isaga la dulmi tahay Maadaama aanu
arkaynba waxa dadkaa lagu hayay waxaaba ka sii daran ninkan oo Isticmaalaya
kalmadahihii ay iSticmaali jireen Ragii Gacanku dhiiglayaasha ahaa ee ugu
waawaynaa Sida kalamadaha Canaasiir Isaaqa ayaa i dacwaysay Waxaabu ku sii
indho cadyahay in aan si gaar ah loo xasuuqin Dadka Isaqa ah oo Soomali is wada
dishay waa yaabe Soomaali markay isaaq la dagaalamaysay Ma Soomaalibaa Soomaali
la dagaalamaysay mise Dawlad wadata Hubkii lagu iibiyay Canshuurtii Laga
Qaadayay kuwa la laynayo ee Uu isagu ka mid ahaa Ragii xooga wax u xasuuqay
Waxaanu intaa raaciyay in uu yidhidhaahdo Dadka Isaaqa Waxa loo Xasuuqay
Hargaysa iyo Burco ayay Dagaal ka rideen Deeto Xamar bay ku soo bateen Sidaa
daraadeed i waxaa laga baqay in Dagaal ay ka ridaan Muqdisho W! axaaba ka daran
in uu leeyahay Gooni isu taaga Somaliland ma u! arko in ay kaliftay xasuuq laga
galay Xasuuqna lagama galin ee Yaan soomaliya la kala goyn Ma wuxuu ku riyooday
sarkaal kuu ahaa iyo Fadhigii loogu adeegi jiray hadaba ninkani waraysigiisa
hore waxa uu ku sheegay in uu badbaadiyay niman Isaaq ah oo uu xiligaa soo
dhoofiyay Waxa ka mida Mujaahid Xuseen Dheere raguu jeedo oo Wakhtigaa ahaa
sarkaal SNM Oo kaba Dagaalamayya xiligaa goobaha ay Yaaleen Xoogii Faqashtu
Waxaa kaloo ka mida Sumuni oo aan noolayn xiligaa Allaaya Raxmee Kala
hadalkiisa waxa uu ku soo gabagabynayaa Toobiyihii uu Maray Gacan Ku dhiigle
Morgan oo waraysi ku sheegay in ay la shaqayn Jireen Rag isaaqii Xasuuqa ay u
gaysteen Isaaqa Isna waxa hadal ku soo gaba gabaynayaa in dawlada Somaliland
Madaxweynaheeda ilaa Sarkalkeedu u shaqaynayeen Dawladii Somaliya !! Waa loo
shaqayn karaa Dawlad se kuwani waxay u dhasheen Somaliland kumana hayno wax
xasuuqa Ninkii madaxa banaanaa ee mareexaan ee isagu door biday i! n uu
gacantiisa wax ku Xasuuqo Isaga iyo aaKhiradii Ifkana ku saamixi mayno waxaanu
halkan idiinku soo ban dhigi doonaa Waraysigii Cumar Muuse siiyay 1998
Somalilander.org iyo Waliba inamadii la dilay qaar ka mida Sawiradoodii..
Hadaba ninkani miyaanu ogayn in umad 3-4 milyuun ahi u haysato xasuuqa loo
gaystay Ardaydii iyo Dhalinyaradii Somaliland udhashay Fadlan Wada akhri m
Maqaalada Iyo waraysiyada si aad u fahanto Bal sidii la inoola dagaalami jiray
waxaanu halkan kaloonu idiin ku soo gudbin Waraysiyo laga qaaday eheladii U
dhawaa Dadkaa la xasuuqay iyo liiska Magacyadii dadka lagu laayay Jasiira
Waraysiga Labada Qaybood ah ee Gacan ku dhiigle Canjeex Hoos baydun ugu tagi
marka aad macluumaad kugu Filan ka hesho Bal sida ay wax u dhaceen hadaba
Fadlan u samir oo isku day in aad Akhrido Dhamaantii !!!
Akhri Waraysiga Cumar Muuse Oo ahaa inankii kaliya ee markaa ka badbaaday
Xasuuqii ay gaysteen Saraakiishii Siyaad Barre ee u ka midka yahay Gacan ku
dhiigle Canjeex
Cumar Muse Mire
waxa uu ka mid aha Dadkii kontomeeyaha ahaa ee lagu
xasuuqay xeebta Jazira. Cumar waxa weeye shaqsiga keliya ee ka badbaaday
xasuuqaa. Ilaahay (swt) maalin kale ayuu Cumar u reebtay. Ilaahay Cumar wuxu
maalintaasi ka badbaadshay xasuuqii Faqashtu ay ku oogeen walaalihiisii kale ee
halkaasi ku qudh waayey. Kontomeeyaha Ruux mawdkii baa ku haleelay isla meeshii
lagu toogtay. Ilaahay naxariistiisii Jano ha ka waraabiyo. Xasuuqa Jaziira wuxu
dhacay habeenkii 17 Julaay, 1989 kii. Dadka la xasuuqay dhamaantoodba waxay u
dhasheen Somaliland, waxayna ku wada noolaayeen xaafada Madiina ee magaalada
Xamar. Xasuuqa Jaziira wuxu ka mid yahay boqolaal xasuuq oo ay Faqashtu ku
gumaaday maatidii iyo shicibkii reer Somaliland.
Cumar Muuse markaasi da'diisu waxay ahayd 26 jir wuxuuna ahaa arday dhigta
machadkii Maaraynta iyo Maamulka ee Muqdisho ku yaalay. Cumar wuxu haatan ku
noolyahay dalalka Carabta wuxuuna leeyahay xaas iyo wiil.
Dhamaanba ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaanba umada reer
Somaliland waxanu ka tacsiyadaynaynaa geeridii haleeshay Kontomeeyadaa Ruux
xijaabtay Jaziira. "Innaa Lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun". Ilaahay agtiisa
qofka muslimka ah dhagartiisu waxay ka culustahay dhulka iyo cirka iyo waxa
saaran oo la isku daray. Qofka dulman Ilaahay waa kii u hiiliya ha dhawaato ama
ha dheeraato e. Dadka reer Somaliland iyo dhamaanba inta danaysa damiirka
dadnimada, islaamnimada iyo Soomaalinimadaba waxa ku waajib ah inay ka
shaqeeyaan sidii gacan-ku-dhiiglayaashii xasuuqan iyo kuwii la midka ahaaba ka
dambeeyey maxkamad loo soo taagi lahaa ifka. Aakhiro kolayba cadaabtii Jahanami
waa u "ina daanweyne
Sawirkan Qiirada leh waa Cumar Muuse Wakhtiyadaa 1989 Sawir uu galay
Sawirkan Waxa ka Danbeeyaa Waa Lafihii Dadka Reer Somaliland Ee La xasuuqay
Lafahani Waa Lafo ka mida Kuwii Roobku soo saaray ee Hargaysa Waa Dad u dhashay
Somaliland kuwan Cumar Dhabarkiisa ku sawiran iyo Kuwii Jaziira Lagu Xasuuqay
maadaama oonu waynay Sawir Lafihii Jaziira laga qaaday waxaanu Garanay in
Dadkii Faqashtu hargaysa ku laysay Soo daba dhigno Sawirka Si aad u dareento
Bal Goobta uu Cumar Ka badbaaday iyo Sida Maskaxdaada Soo gali karta Eeg
Sawirka oo Fikir Maxaad niyadaada ka dareemi kartaa maxayse se siiin kartaa
niyadaadu ???
Qaybtii 1aad Xasuuqii Jaziira - Warbixintii Cumar Muuse
"Habeenkii taariikhdu ahayd 16 - 17 Julaay 1989, mar ay saacadu ku beegnayd
1 habeenimo. Shan koofiyad cas ah ayaa soo jabsaday gurigii aanu jiifnay. Waxan
ahayn 5 rag ah iyo 4 dumar ah. Afar nin oo ka mida shantii nin ee aan guriga ku
jiifnay, oo uu ku jiro ninkii guriga lahaa Cabdirisaaq Caydiid Maxamed, ayaa la
duubay/qaaday. Nin da' weyn oo curyaan ah kaasoo aan socon karayn ayaa laga
tagay."
"Waxa naloo qaaday meel aan ku qiyaasayo inay guriga u jirtay ilaa 30
talaabo halkaasi oo ay joogeen ciidamo kale oo koofiyad cas ah kuwaasoo ku
wareegsanaa dad kale oo meesha lagu soo ururiyey. Ciidamadu waxay ku
jeeniqaarnaayeen qoryaha AK. Dadka ay koofiyad castu ku hareeraysnayd qaarkood
way feedho qaawanaayeen. Dadka meesha fadhiyey madaxoogu lugahooda ayuu ku hoos
jiray. Waxan markaa arkayey 3 gaadhi oo meesha taagnaa kuwaasi oo kala ahaa: 2
gawaadhida xamuulka ah ee Paggazi loo yaqaan, iyo midkale oo Toyota ah kaasoo
uu saaran yahay qori Braun ah. Qaar askarta ka mida ayaa nagu garaacay qoryihii
ay siteen dabadooda. Waxba nalama waydiin. Waxa nala fadhiisiyey meeshii dadka
kale ay fadhiyeen. Mid askarta ka mida ayaa tirinayey dadka markasta oo qaar
cusub lagu soo biiriyo. Ugu dambayntii wuxu u sheegay sarkaalkii watay in
tirada dadku yihiin 47 qof."
"Waxa nalagu qaaday mid kamida labadii Paggazi. Intaanu saarnayn gaadhiga
xamuulka ah si isdabajooga ayaa naloo garaacayey, iyadoo naloo cagajuglaynayey.
Gaadhiga xamuulka ah jembiyadiisa waxa saarnaa askartii na ilaalinaysay. Waxa
naloo dhaqaajiyey dhinaca Koonfurta Muqdisho. Waxa na daba socday laba gaadhi.
Waxan u leexanay dhinaca bada, anagoo si tartiib ah ugu daadagayna dhinaca
biyaha bada. Markani waxay ahayd markii aan garawsaday in nala tooganayo oo aan
xabsi naloo wadin. Nin da' weyn oo i agfadhiyey ayaa isna dareenkaa mid la mida
qabay."
"Sadexdii baabuur waxay istaageen meel u dhow xeebta. Meel noogu beegnayd
bariga waxa ka muuqday ciidii bada oo si taal taal ah u tuulan. Askartii nala
socotay waxay isku qaybsheen laba kooxood: kooxi waxay isku xeereen baabuurkii
xamuulka ahaa ee aan saarnayn, kooxdii kalena waxay fuuleen ciidii tuulnayd. In
yar kadib waxay ka soo noqdeen ciidii tuulnayd waxaana naloo waday oo nala
geeyey ciida tuulan guudkeeda, waxaana amar nalagu siiyey in aanu fadhiisano.
Intaa kadib koox koox ayaa nalooga daadajiyey carada tuulan korkeeda iyadoo
shan shan naloo wadayo oo nala geynayo meel buurta hoosteeda ah. Waxan dareenay
in nala laynayo, hase yeeshee maanaan maqal wax dhawaaq ah. Waxan bilownay
xushxush, qaarkayo ayaa ducaysanaya, qaar waa ashahaadanayaan 'Laa Ilaaha
illaLaahu,Muxamadan Rasuulullahi'....'Laa Ilaaha illaLaah'."
"Si isdabajoog ah ayaa naloogu cagajuglayanayey, waxan maqlay rasaas. Waxa
dadka ku jiray Xasan Nuur Baaruud oon ka gartay. Waxan ahaa qofkii ugu
dambeeyey shantii qof ee ugu dambeeyey ee loo qaado buurta dhaadhaceeda. Waxa
nala fadhiisiyey meel ku beegan dhaadhaca iyadoo si isdabajoog ah naloo safay
madaxayaguna lugahayaga dhexdood ku jiro. Mid ka mida askartii ayaa amarka
bixiyey isagoo leh: Maxaad qabanaysaa oo aad sugaysaa? Fur rasaasta."
"Qaylo, oohin iyo humhum sakaraad ayaa la isku daray. Laabta ayaan dhulka
saaray anigoo ateero ku jira ilaa intii rasaastu socotay. Hal xabo ayaa iga
qabsatay meel ka hoosaysa garabkayga bidix. Cabbaar kadib ayey rasaastii
joogsatay. Askartii waxay gudogaleen inay dadkii eegaan si ay u hubiyaan in
dhamaantood naftu ka baxday. Qofkii sii nool shan xabo ayey laabta kaga
dhufanayeen si ay qudha uga qaadaan. Kadib waxay bilaabeen inay gacmahooda
maydka ku aasaan. Dhiig badan ayaa igu qubtay oo badhkii ahaa dhiig aniga iga
daatay badhkiina dadka igu dul daatay dhiigoodii yahay. Waan gariirayey tiiyoo
naxdin, argagax iyo cabsi badan igu wada kulmeen. Askari baa i arkay markaasuu
qaylyey oo uu yidhi 'kani waa nool yahay'. Mid kale oo agjoogay ayaa yidhi 'waar
ma noolee nafta ayaa ku sii xarbiyeysa, gariirkii sakaraadka weeyaane inaga
keen'. Ciid baa la igu rogrogay, si fiicana iimay aasin waayo wey
degdegsanaayeen."
Qaybtii 2aad Xasuuqii Jaziira - Warbixintii Cumar Muuse
"Askartii waxay fuuleen baabuurtoodii wayna tageen. Meeshiibaan ka soo kacay,
waxan eegay hareerahayga. Markaan hubsaday in askartii ay gebi ahaantoodba
muuqan ayaan dadkii la laayey dhex jubaaxay si aan bal baadigoobo wax naftu
weli ku sii jirto. Cid nooli may jirin, qudhu 46 kii qofba waa ka baxday. Waxan
u tukubay dhinaca bada si aan iskaga maydho dhiiga iyo ciida jidhkayga ku
dhegan."
"Qoraxdiibaa soo baxday, waxan u dhaqaaqay dhinaca galbeedka. Waxan gaadhay
degmada Jaziira mar ay saacadu ku beegnayd ilaa 11 subaxnimo. Waxan ka codsaday
nin bas waday in uu i qaado wuuna iga aqbalay. Waxan markiiba soo gaadhay
xaafadii aan deganaa waxanan dadkii uga waramay wixii dhacay. Dumarkii guriga
joogay markii aan u waramay qaylo dheer ayey ku dhufteen waxayna baroorteen
baroor tiiraanyo badan. Dumarka waxa ka mid ahayd Faadumo-Amal oon u adeer ahaa
oo uu qabay Cabdirisaaq Caydiid "Carab Saqiir". Qayladii ayey xaafadihii
jiiraanka ahaa iyaguna maqleen kadibna ay isku soo baxeen. Markii ay ogaadeen
in dadkii xaafadaha laga raafay la laayey ayey xaafadihii baroor iskuwada
dareen. Anigoo markii horeba didsanaa waan xamili kari waayey qaylada iyo
baroorta tiiraanyada iyo quustu ku ladhan yihiin."
"Si aan la iigusoo raacin qaylada oon mar kale la ii qaban ayaan dhar
gashaday oon iska bedelay macawistii aan guntanaa, kadibna aan uga baxay
xaafdii. Waxan raacay bas waxaanan tagay makhaayad la odhan jiray Cagaaran oon
wax ka cuni jiray asxaabtaydana kula sheekaysan jiray. Waxan la kulmay nin aanu
qaraabo ahayn oo la odhan jiray Cabdixaliil. Kadib markii aan uga waramay wixii
dhacay ayuu i kexeeyey iguna qariyey meel uu ku jiray. Dhawr saacadood kadib,
saddex nin ayaa ii yimid oo igu soo siyaartay gurigii aan isku qarinayey. Mid
ka mida saddexda nin ayaan iqiiney. Way iga tageen markii aan uga waramay wixii
dhacay. Wakhti aan ku qiyaasayo ilaa Saddexdii galabniumo, ayaa hadana waxa
isoo booqday 7 nin oo ay ku jiraan mid ka mida saddexdii hore iyo nin janan ah
oo dirays militeri iyo darajo ku lebisan. Waxay wateen gaadhi Landcruiser ah.
Mardambe ayaa la ii sheegay in jananku ahaa Jeneraal Xuseen Xasan "Karaj".
Dadka kale ee la socday qaar ka midi waxay ahaayeen Cabdiris! aaq Caydiid
qaraabadiisii."
"Way i qaadeen waxayna i geeyeen bartii xasuuqu ka dhacay si aan u tuso
maydkii dadka lagu laayey Jaziira. Waxay arkeen maydkii oo sidoodii u yaala,
dabayshuna ciidii lagu rogay ka qaaday oo hilbahoodii rasaasi googoysey. Markay
ku arkeen indhahooda wixii dhacay ayaanu dib u soo noqonay."
"Markii aanu ku soo noqonay Muqdisho Jeneraal "Karaj" wuxu soo jeediyey in
aanu u tagno Siyaad Barre oon uga soo warano wixi dhacay. Nin ka mida nimankii
kale ayaa figradan diiday isagoo oo u muuqday inuu baqanayo, wuxuuna soo
jeediyey in aanu u tagno Janaraal Axmed Saleebaan Dafle oo isagu markaa ahaa
Wasiirka Arrimaha Gudaha."
"Waxa naloo sheegay in Janaraal Axmed Dafle uu joogo Xarrunta Ciidamada
Booliiska. Janaraal Karaj ayaa xarruntii galay, intayadii kalena waxanu ku
sugaynay dibeda. Waan baqanayey, markaasaan isku dayey in aan baxsado.
Haseyeeshee waxa isoo qabtay laba askari oo Janaraal Karaj ilaaladiisa ahaa.
Wax yar kadib ayaa la gudaha la i geeyey. Waxa la ii geeyey Axmed Saleebaan iyo
shan nin oo kale oo la fadhiyey. Waxay igu yidhaahdeen waran oo bal sheeg siday
wax u dhaceen. Markii aan u waramay ayuu Axmed Saleebaan Jeneraal Booliska
haystay ku yidhi kaxee ninkan oo gurigaaga ha joogo. Haseyeeshee Janankii wuu
diiday wuxuna yidhi: 'gurigayga iyo gurigii lagala baxay waxba kuma kala duwana
ee adigu gurigaaga gee'. Axmed Saleebaan ayaa amar laba askari ku siiyey in ay
i kexeeyaan oo ay i geeyaan gurigiisa halkaana la igu ilaaliyo. Laba bilood
ayaan guriga Ina Saleebaan Dafle ku jiray. Mar mar ayey ii ogolaan jireen in la
isoo booqdo."
"Mudo markaan ku jiray guriga Axmed Saleebaan Dafle waxa la ii qaaday guriga
madaxtooyada halkaasi oo aah kula kulmay shan nin oo iskugu kay sheegay in ay
yihiin Guddida Baadhista Jaziira oo uu Siyaad Barre aasaasay. Waxay ii sheegeen
magacdoodii iyo qabiilada ay ka dhasheen. Waxan imika sii xasuustaa keliya
Jeneraal Abuukar "Suley" oo ahaa Janan ciidamada ka tirsan."
"Waxay gudogaleen waraysigoodii waxayna igu yidhaahdeen: 'sheeg wixii dhacay
adoon baqanayn beena aan sheegayn'. Waxan suaalay oon ku idhi: 'hadii ay run
idinka tahay in aad rabtaan inad ogaataan wixii dhacay maxaad u baadhi weydeen
markuu meydku yaalay banaanka?'. Iimay jawaabine way uun qosleen. Hadana waxay
yidhaahdeen: 'Waxaa iska ilow oo sheeg waxaad ogtahay', tiiyoonay iiga jawaabin
su'aashaan weydiiyey. Markaa kadib waxan uun u sheegay wixii dhacay. Way
qoranayeen, suaalona way i waydiiyeen waanan uga jawaabay."
"Intaa kabacdi waxa la ii qaaday gurigii Axmed Saleebaan Dafle. Maalmo kadib
ayaa hadana la ii qaaday qasrigii Madaxtooyada si aan ula soo kulmo shantii nin.
Waxay ii akhriyeen wixii aan u sheegay oo daabacan. Kadibna waan u saxeexay.
Hadana waxa la igu ceshay gurigii Axmed Saleebaan Dafle."
"Axmed Saleebaan Dafle iyo qaraabadiisu jimce kasta waxay tagi jireen
Afgooye oo ay ku soo nasan jireen, anigana waa la i kaxayn jiray. Intii guriga
aan joogay asxaabtayda ayaa guriga Ina Saleebaan Dafle igusoo siyaaran jiray
waxayna ii qorsheeyeen in la i saaro oon baxsado. Maalin Jimce ah ayey Axmed
Saleebaan iyo reerkiisii ay igu yidhaahdeen ina keen Afgooye ayeynu aadaynaaye,
hase yeeshee waxan ku idhi anigu maanta waan yara xanuusanayaa oo waan iska
jiifayaaye idinku iska taga. Gurigii ayaa la igaga tagay. Waxa uun guriga ku
hadhay aniga iyo askartii ilaalada ahayd. Wakhti ay qoraxdu kulushahay oo ah
saacatul-qaafuur ayaan dayrka ka booday tiiyoonay askartu i arkayn. Waxan
ordaba waxan soo gaadhay maqaaxi ay asxaabtaydu joogeen. Halkii ayaabaan gaadhi
ka raacay wuxuuna i geeyey Baladweyn. Laba maalmood ayaan Baladweyn ku
dhuumanayey, kadib waxa iga daba yimid gaadhi kale oo la iisoo diyaariyey.
Sidaasi ayaan ku imid xeradii Daroor ee qoxootiga Somaliland degenaayeen.! "
Dadkii la xasuuqay iyo magacyadoodiina waa kuwan
1.Ibrahim Hasan Gelle( H.Y) US-OMC-somalia
2.Ibrahim H. Abdillahi Dirie(H.Y)Businessman
3.Mohamed Ismail Ahmed(H.Y) Businessman
4.Yusuf Mohame Handulle( H.Y)USAID
5.Saeed mohamed Mumin( C.G) Ass.pro.Lafole S.N.U
6.Musa Abdi Gaas( C.G) Businessman
7.Hussein Ali Aden(H.J)Businessman
8.Saeed Nur Musa( H.J)businesman
9.Abdirahman Mohamed Bihi( H.J)Businessman
10.Abiwahab Farah Ahmed(H.Y) Student
11.Abdifatah Ahmed Jiir( H.J) Student
12.Hassan Aw Nur Barud(H.Y) Businessman
13.Mohamed mohamud Abdi(H.A) Businessman Isla imandii Lagu Xasuuqay Jaziira
weeye Waxay inankan Walaalo Yihiin inamada hoos iman doona waa inankii koowaad
eed ku aragtaan Bajkan
14.Ali Mohamed Abdi (H.A) Student & 15Matan Abdi Habashi( Arab)Student Midi waa
mid ka mida inamada Walaalaha ah oo waa kii labaad eed ! Ku aragtaaan Halkan
Inanka kale Ee ee Midig xiga Marxuum Mataanna Waa sxb kii inamadaa Dhilin
yarada ahi maxay galabsadeen ee lagu dilay isaaq baad tihiin uun baa laga
ursaday
15.Hassan Aw Nur Barud(H.Y) Businessman
16.Abdi Mohamed Abdi (H.A)Technician
16.Abdi Mohamed Abdi (H.A)Technician Marxuumkan ad arkaysaan Sawirkuusu waa
markaas oo wiig uun aroos ahaa Ka dibna Gabadhaasina halkaa ku nin beeshay
Labadaa Arooska ahaa baa lakala dhuftay Ilaahay ha u naxariistoCabdi Maxamuud
waa inakii Sadexaad ee aad ku aragtaan Sawirakan ee wada dhashay
17.Ahmed Yassin Omar Jama( H.A) Businessman
18.Mohamed Abdi Hassan( H.A)Businessman
19.Ibrahim Hassan Ege(H.A) Technician
20.Abdi Muhumed Daud (H.A) Businessman Ninkan Waa nin yar oo dhalinyaro ahaa
Noloshiisuna ay Markaas uun u bilaabmaysay Waxa ay Wax isku yihiin Inankaa Hore
21.hassan Abdi Muhumed (Arab) Businessman
22.Ali Mohamed Dirie(H.J) C.Serv
23.Jama Mohamed Abdi(H.A) Trader Waa mid ka mida Inamada Walaala laha ahaa
Waxaad dareemi kartaa hooyadii Xanbaartay Maanta Sida ay Dareemi karto Inamo ay
dhashay oo wada dhalinyaro ah oo aanay wali dheeftooda dhadhamin ayaa Inta
Waxshnimo loo dilay hadana Waxshnimo loo aasay... fikir Maanta inankani waxa uu
ka mid ahaan lahaa aniga iyo Adiga Lodkeena waana inankii afraad Eed halkan ku
aragto ee la dhashay Inamadii hore
24.Abdi Osman Dubad(H.Y)Trader
25.Husein Omar Husein(C.G) Trader
26.Moh amed Musa Mohamed(H.Y) Trader
27.Ahmed Hassan Elmi(Dheereeye) (H.A)Sportsman
28.Muhumed Abdillahi Warsame (Madigan)Trader
29.Mohamed-Bashe Abdillahi Hebaan(H.A)Trader
30.Abdirahman Ahmed Dhimbil (H.A) Civil servent
31.Hussein Muhumed Farah (H.A)Civil servent
32.Mohamoud Bacadle (H.Y) Civil servent
33.Jama Aden (barosin)(H.J) Civil servent
34.Abdirahman Mohamed Osman(beledi)(H.A)Trader
35.Warsame Dugsiye Reydal (G.B) Trader
36.Barre Osman Abdi (C.G) Trader
37.Abdirizaq Aydiid Mohamed (H.A) Student
38.Hussein Osman Jama (H.A)student
39.Khadar Mohamed Ahmed (H.A) Student
40.Bihi Ibrahim Ahmed (H.A) Student
41.Hassan Nur Hersi (H.A) Student
42.Abokor Mohamed Yousuf (H.A)Trader
43.Hassan Guure Abdi (H.A) Trader
44.Khadar nuur Jama (H.A) Trader
45.Ahmed Yusuf Ibrahim (H.A) Trader
46.Mohamed Osman Ja! ma (H.A)Trader
47.Farah Ismail Awale (H.Y) student
48.Yusuf Abdillahi Roble (C.G) graduate Dr.
49.Dayib Abdi Burale (H.Y) Trader
50.Dahir Mohamed Jama Warfaa (H.Y) Trader
51.Ali Aw-Muhumed Mohamed (burale)(C.G) Trader
52.Muhidin Macalin Ahmed (Ogaaden)
53.Saadiq SH. Ahmed (ogaden)
54.Bahyaal Muhumud Jiri (Ogaden)
55.Fuad Abdillahi Ibrahim (Arab)
56.Daud SH. Ibrahim (H.Y).
57.Hussein Kheyre Abdi (H.J)
58.Rashid Mohamed Osman (H.A)
59.Abdi Barre Osman (C.G) graduate
Hadaba Jawiga guudba waxaad dareemi kartaa Sida Dadkeena loo ciqaabi jiray
inamad kor aad ku soo aragteen Sawiradoodu waa inta la hayo laakiin dhammaan
intan la xasuuqay is la da`ahaa uun bay ahaayeen Waxa kaloo aad Dareemi kartaa
Bal hooyadii Halkaa ku goblantay isla markaana lagu dilay awlaadeeda
Canshuurtii laga qaaday Xabado la soo siiyay Fadlan waxanu idinka Dalbanaynaa
Hadaad noo heli kartaan Sawira marxuumiinta in aad noo soo dirtaan Sawiradan
waxaa nagu Caawiyay Inankii ka hadhay inamadaaa Walaala ahaa
Jaziira uun maaha ee Bal halkanna ka daawo Sawiro ka mida Sidii loo Gali
jiray Isla Dhalinyartii joogtay Hargaysa iyo Burco iyo Magaaliynka La midka ah
Inankaa Dhalinyarada ah eed arkaysaan wa mid ka miad dhalinyaradii sida
foosha xun loo toogan jiray waliba ay faqashtu sawiratay si ay Xasuus ugu
haystaan
Isna waa mid ka mida Dhalinyarada lagu Shiish bartay balse nasiib darro
maalinna is may odhan Faqashtu Sawiradani Waxay Gali Doontaa Gacan idin
Dacwaysa
Ninkaa aad arkaysaana Waa nin Naftii la rafanaya madaamo oo Gaas inta lagu
shubay Kabriidna la qabadsiiyay Waliba Madaxa lagaga Bilaabay Gubitaankaas
Waxaa ay qisadani ka dhacday Gabiilay Waxaad aragtaan in uu Budh iskaga duwayo
inankaa Gacmaha ka xidhan ee nafla caaridka ah
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
diridhaba2001@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 11, 2003