SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Qofkii Ilaah wax fahansiiyo baa wax fahma waa jawaabtii aan is fahanno

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

 

Ilaah baa mahadleh. Nabedgelyo iyo Naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Akhristayaal nin sheekh ah baa maalin kusoo baxay nin meel cidlo ah kaligii taagan markaasuu yiri war maxaa meesha ku taagay? Ninkii wuxuu yiri “insaan” qof baan sugayaa. Shiikhii wuxuu yiri wax badan baad meesha taagnaan. Kollay waxaan anigu u qaatay inuu shiikhu ka wado inaysan dad qumman oo badani joogin fursadda ay ku suuroobi karto in qof fiicani kusoo baxana ay yartahay laakiin Ilaah baa og wuxuu ka waday.

Horta xisaab ahaan xarriiqaha bar-barada ahi (parallel lines) isuma yimaadaan sidoo kale Ibraahim Yuusuf Axmed isuma imaankarno ismana fahmi karno maxaa yeelay miisaanka aan wax ku beeggano ayaa kala duwan. Isagu wuxuu soo qaatay “Anthropology” oo uu ku sheegay cilmiga dadka. Si kastaba ha ahaatee waa barashada iyo daraasadda lagu sameeyo dadka Binu Aadamka ah (human race) khaasatan asalkiisa, horumarkiisa/koridiisa/kobcintiisa, caadooyinkiisa iyo wuxuu rumaysanyahay. Waxaan ka soo qaatay qeexidaas qaamuus. Qoraaagu wuxuu aad uga hadlay qaybo ka mid ah qaybaha laantaas sida isirrada iyo caadooyinka. Aniguna waxaan jeclahay in aan wax ku dhiso waxa uu yiri Ilaahii dadka iyo dunida abuuray.

Inta badan dadka ugu caansan barashada laantaas ma aaminsana inuu dadku ka yimid Aadam iyo Xawaa. Qaar ka mid ahna ma rumaysna Ilaah. Sida aan horay ugu lahaa walaalkeen eraygii ilbaxnimo meeshuu ka soo qaatay ayaa khaldanayd ayaa haddeer dadka cilmigaan bartaa ku guul-darraysteen inay ogaadaan asalka dadka (origin) halka aniga oo aan cilmigaas aqoon aan garanayo asalka dadka. Marka ma Ilaahii dadka abuuray wuxuu yiraahdo ayaan raacaa mise waxa uu “anthropologist” yiraahdo? Dadka Soomaaliyeed baa la waydiin. Markuu walaalkay rabay inuu is difaaco wuxuu yiri eray lid ku ah ilbaxnimo ma waayine waxaan raadinayey kalmad u dhiganta “badaa’i iyo primitive”. Horta qoraagu kalmadaas buu maqlee ma jirtaa in dadkii ugu horreeyey ay saas ahaayeen?

Waxaan shakki ku jirin in qofkii ugu horreeyey dadka uu ahaa mid ka mid ah kuwa ugu aqoonta badan, waa Nabi Aadam (CS). Ilaah baa Qur’aanka ku sheegay inuu shay kasta baray. Marka Ibraahim waxaan waydiinayaa Nabi Aadam (CS) ma “primitive” buu ahaa? Jawaab baan kaaga fadhiyaa? Muslimiinta Soomaalida oo dhanna arrintaas waa ogyihiin. Marka hadalkaas ay “anthropologists” dhahaan waa wax-kama-jiraan. Nabi Aadam (CS) ilmihiisa ayaa qaarkood beeraley ahaayeen. Midaan ah darsida ay dadka darseen oo ay dhaqankooda iyo caadooyinkooda barteen waa arrin jirta oo aan la inkiri karin waa waxa ay ku gaareen horumarka maadiga ah. Ummaddihii hore qaar ka mid ah waxay yaqaaneen farsamooyin iyo aan ilaa hadda jirin. Qaarkoodna awood dheeraad ah bay lahaayeen. Quruumo badan oo kumanaan sano ka hor noolaa baa Soomaalida kaga horreeyey xagga farsamada. Akhri Qur’aanka sida uu Ilaah uga warramay qoomamkii sida Caad, Thamuud iyo kuwo kale. Fiiri Nabi Sulaymaan (CS). Marka arrintaas ay cusuurta u qaybiyeen waa wax-kama-jiraan. Dadkii aan ilbaxa ahayn ee waayadii hore waxay la midyihiin kuwa hadda jira iyagaana doortay inay saas u noolaadaan laakiin waxa dad badan aysan fahmin in sheegashadaas ay caawinayso laanta kale ee Sayniska ah ee tadawurka loo yaqaan (evolution). Hadday ku guulaystaan in qofka muslimka ah uu rumaysto inuu jiray waagii dhagaxa (casrul xajar ama the stone age) diintiisaa khatar ku sugan ama wuxuu ku soo baxayaa cawaan. Suurtogal ma ahan in qof muslim ah isku helo inuu rumaysnaado evolution iyo waagii dhagaxa iyo inuu Ilaahay iyo diinta rumaysto.

Qoraagu wuxuu ku adkaystay in erayadii uu il ka xussay ay asal ahaayeen kuwii aan anigu xussayna ay sarbeeb yihiin. Waxaan waydiinayaa qoraaga maxaa asal ah? Anigu waxaan keenayaa tusaale ay muslimiinta oo dhan arki karaan. Horta isha cilmiga ah ayaa asal ah oo ka horraysa kuwa kale. Sidee? Waxaa axaadiis sheegtaa inuu Ilaah qalinka u hor abuuray oo yiri qor waxa imaan doonaa ilaa qiyaamaha. Sidoo kale Aayadihii Qur’aanka usoo hor degay cilmi bay ka hadlayaan. Aayadaha iyo Axaadiista sheegaya araga oo laga wado wax fahma lama soo koobi karo. Khaasatan erayga ilbaxnimo inuu cilmi iyo horumar kasoo jeedo qofna shakki ugama jiro oo sidaan horay u sheegay araga dadka kaliya khaas kuma ahayn. Miyaadaan u jeedin in qalinkii iyo qoraalkii ay ka horreeyeen ilaha biyaha? Goormayse ilaha cilmigu sarbeeb noqdeen? Isha biyaha iyo tan cilmigu isku micnay ku fadhiyaan laakiin tan cilmigaa asal ah.

Nin qolyaha sabka ka qaraabta ayaa la waydiiyey waxa uu Qur’aanka ka yaqaan markaasuu yiri Qur’aankii aan aqaanay oo dhan waa la i iloowsiiyey marka laga reebo aayadda ay ku jirto “aatinaa qadaa’anaa laqad laqiinaa min safarinaa haadaa nasabaa” oo Nabi Muuse (CS) khaadimkiisii ku lahaa noo keen qadadeenii safarkeenaan waxaan kala kulanay daale. Waa sida ay Soomaalidu u dhahdo ninba ceesaantiisu ceel geystaa.

Qoraaga waxaan waydiinayaa haddii Hadalkii Ilaahay uu ku sheegay margi oo waliba uu ku sii indho adagyahay isagoo leh diintu waa hadal, hadalkuna waa mergi. Horta intuusan qofku u gelin barashada dadyowga kale waa inuu bartaa dadkiisa. Maah-maahdii ahayd hadal waa mergi jiidma waxaa loo dejiyey hadalka dadka ee looma dejin Kan Ilaah. Qofkii aan saa u fahmin khalad buu ku dhacayaa. Waxaan wada ognahay in ragga iyo dumarku xittaa ay kala leeyihiin hadalada qaar. Waligaa ma aragtay Soomaali oo leh waxaasi ma ahan wax rag loogu maahmaaho. Ma oran wax qof loogu maahmaaho. Waa dhaqan iyaga u khaasa oo ay dumarka ku liidi jireen laakiin waxaan ka hadlayaa caadada Soomaaliya ilayn adaa “anthropology” meesha keenee. Marka maah-maahyihii ragga lagala xishooday in Hadalka Ilaah iyo diinta la aado waa khalad weyn. Sidoo kale marka cuntada laga hadlayo sida hilbaha waa in hilbaha ragga la siinayo laga fiirsadaa. Hilbaha qaybta xaabka ah rag looma geeyo oo haddii la isku dayo waxaa ka dhacaya dagaal iyo in godob la isku qabsado iyagoo meesha uga tagaya. Shakki ma leh xaabku waa xalaal oo waa la cuni karaa laakiin waxaa jira curfi. Dadkii baa saas u xaalaya marka qoraagu maka xishoon waayey Ilaah iyo Diinta Islaamka?

Waxaan aaminsanahay inay jiraan qorshayaal dad weerar ku ah Diintii iyo Carabigii oo bilaabay inay weerar kusoo qaadaan. Waxaa kaaga sii daran waxay rabaan inay dhahaan yaan nalaka dabo qaadan, markaasaad noo gasheen talooyin ah qofka u daa fikirkiisa, qoraalada yaan laga dabo qaadan, IWM. Ninkii raba inaan cidna wax ka sheegin meel ha fariisto. “diirkaan ka garan xaajadaad dabaqa saarteene”. Anigu ma ahi nin fikradihiisa ku daaya wax dad falsafad barad ahi wataan. Dadka khaladka ka gelaya diinta iyo Caribiga waa dad sheegta inay yihiin qorayaal iyo suxufiyiin. Mid wuxuu yiri Addoon Hal isagoo C/Waaxid ka wada. Mid kale wuxuu yiri khuburo Maraykan ah baan ka dhagaystay iyagoo leh Carabiga kuma jiro eray “compromise u dhigma oo hal eray ah. Haddeerna waa adiga kusii indho adag Hadalka Ilaahay baa mergi jiidmo ah.

Teeda kale waxay Soomaalidu dhahdaa run iyo ilkaba waa la caddeeyaa marka Ibraahimoow markaad ka hadlaysay dadkii Ilaahay abuuray maad soo qaadan hal Hadal oo uu Ilaah yiri ama Rasuulkiisii (SCW) yiri. Hal mar baan Nabi Muxamed (SCW) soo galisay sheekada adoon xaddiis ka xussin markiina kumaad saliyin. Way dhici kartaa inaad afka kaga salisay. Waxaad noo soo qaadatay Karin iyo waxay ka qabtay Soomaalida. Marka hadday sheekadaadu ku ag-wareegayso dad, duunyadiina aad doofaar la gashay goormaan is fahmaynaa? Soomaalidu waxay tiraahdaa quffac iyo jacayl lama qarin karo. Marka nin walba wuxuu jecelyahay ayuu soo daliishadaa. Waxaan la yaabay qaar baa dhaha maxaad Qur’aanka iyo axaadiista usoo daliishataa? Diintaba waxaa loo soo dejiyey in la isku waaniyo oo la qaato. Qofkii aan muslim ahayn baa dhihi kara maxaa diinta iigu soo qaadanaysaa laakiin qof muslim ah uma habboona. Markii aan lahaa Imaam Shaafici wuxuu sheegi jiray xirfada dadkaas waxaan ka waday in nin aan haystay uusan diin Islaam shuqul ku lahayn. Walaalaha qaar baa sheegay isna wuxuu soo qoray hadal laga fahmayo arrintaas. Waxa aan Binu Aadam u nahay waa inaan fahanno qasadka wax loo qorayo.

Qoraaga waxaan u sheegayaa horta anigu muslim baan ahay waxaan aaminsanahay Hadalka Ilaahay waloow aan ka gaabiyey wax badan oo la ii diray oo danuubtayadu tiradii ka badatay laakiin bal waxaad soo heshaa wax uu Ilaah sheegay ama Nabi Muxamed (SCW) oo ay saynisyahannadu ama “anthropologists” beeniyeen?

Allaahu Akbar markii Ilaahay lahaa “wafii anfusikum afalaa tubsiruun” oo ah miyeydaan naftiina u jeedin? Horta dadku waa cajaa’ib waxaad arkaysaa qof intaas oo sano baadiye taagnaa oo ku soo koray nolasha qoraaga ka sheekeeyey oo markay hanuunka Ilaah qaataan ama diinta bartaan hal habayn ku noqda qofka dadka ugu ilbaxsan. Haddaad i rumaysan waydaan fiiriya Saxaabadii Rasuulka (SCW) Ilaahay raali ka noqdee. Saxaabadii (RC) markii ay muslimeen ba sifooyinkii uu qoraagu soo xussay oo dhan hal habayn bay iska tureen. Qoraagu ma akhriyey heshiiskii Xudaybiya? Markii nin adeer u ah Muquurah Binu Shucbah ay Qurayshi Nabiga (SCW) xaggiisa u soo dirtay. Markuu laabtay wuxuu Quraysh ku yiri Wallaahi waxaan wafti u tagay Furus iyo Ruum oo waligay ma arag cid qof u jecel sida Saxaabadu (RC) ay Nabi Muxamed (SCW) u jecelyihiin. Wuxuu Quraysh kula taliyey inaysan dagaal isku deyin. Saxaabadii Carabta u badnayd oo aan waligood dowlad iyo kala-dambayn arag ayaa habayno dhowr ah ku noqday dad sida ay ukala dambeeyaan aan horay loo arag. Waa suu u sheegay taariikhdu ma qorin dad saxaabada ka jecel Nabi Muxamed (SCW). Waxaa dhici karta in dadka qaar is yiraahdo dad badan baa dad kale jecel sida fanaaniinta iyo xiddigaha kalaba loo jecelyahay. Waa adagtahay in la helo qof u diyaar ah inuu u dhinto.

Miyaadan u jeedin waxa Ilaah iyo Rasuulkiisu ka dhaheen in wax la barto, la walaaloobo, doodda iyo muranka la iska daayo, la is maqlo, derisku is tixgeliyaan xitta kala diimoba ha ahaadeene. Waxaan kaloo labo iswaydiinayn inuusan adduunkaan soo marin cid ka caddaalad badnayd Nabi Muxamed (SCW) sidoo kale sidii ay Khulafadii Raashidiinta ahayd wax usoo xukuntayna ma jirto cid wax usoo xukuntay waa dadka Nabiyada ka soo hara. Talooyinkaas aad bixisoo dhan Islaamkaa noo sheegay. Qof kasta oo Soomaali ah waa ogyahay in dadka Soomaaliyeed ee Ilaah ku xiran ayna cidna dhib ku hayn. Dad ma dilaan, dumar ma kufsadaan, wax ma dhacaan, isbaaro ma dhigtaan xittaa qaarkood baadiye haka yimaadeene. Dhakhaatiirtu dadka waxay ka daweeyaan cudurka haya marka hore haddii ay suurtogal tahay in cuduro laga sii talaalo waa arrin fiican marka qofkii Soomaaliyeed oo raba inuu dad Soomaaliyeed la taliyo ama wax ka qabto waa inuu ka bilaabaa kuwa u baahan oo dhibka wada waana qab-qablayaal iyo kuwa taagera.

Qoraalkii hore waxaan ku xussay in Islaamku naga badbaadshay gumaysiga. Kartida uu qoraagu Soomaalida ku sheegayna isagoo Karin xussay waxaan ka keenay Islaamka. Maddaama aan muslim nahay waxaa la rabaa qof kasta oo muslim ahi inuu ilbax noqdo oo ka tago caadooyinka iyo dhaqamada xun-xun.

Qoraalkii hore iska daayoo kanaan boobsiis ku qoray laakiin wixii boobsiis lagu qoro ka laasimimayso inaysan cilmi ku fadhin laakiin waxaan ka waday inaan u qori karay qaab ka sii fiican. Marka “Muraadkaa ku toos awgayoow ha ii makiikiyine”

Affeef: waxaa dhici karta inaan labo-laabo xarfo aan ahayn toddobadii marka qaarkoodna marna waa sameeyaa marna waan ka tagaa. Waxaan aaminsanahay in eray kasta loo qoro sida loogu dhawaaqo.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | OCT 22, 2003

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD