Halkan waxaan ugu talogalay maqaal kale oo aan kan ka jeclaa, waxaanse ka
fursan waayey in aan dad uu Cabdiwaaxid Khaliif ka mid yahay toos wax ugu
sheego. Waxayse muujinaysaa muranka inaga dhexeeya ee aan waxtarka lahayn.
Cilmiga dadka (anthropology) waxaa hoos yimaada cilmiga
isirrada (ethnology) oo baadha isirrada iyo dhaqammadooda. Danta cilmigaa laga
lahaa waa in sida ugu fudud loo fahmo fekerka iyo dhaqanka dadka. Cilmigaasi
mujtamacyada dunida wuxuu u qaybiyaa qaybo, qayb walbana wuu sii kala qaybiyaa.
Qayb kasta oo qaybahaas ah waxaa mudddo dheer lagu samaynayey daraasado aan
kala go lahayn. Natiijaduna waxaa ay noqotay in maanta la hayo macluumaad aad u
badan oo qolo walba oo meel ku dhaqan sina u dhaqan dabeecado u gaarka ah lagu
sifayn karo laguna garan karo.
Cilmigaasi innaga wuxuu inagu qoqobay meel lagu wada xereeyey
bulshooyin loo bixiyey reer miyi reer guuraa ah. Dabcan weligeen reer magaal
iyo beerato waa aynu lahayn, laakiin qaybta inoogu badan ee hab-nololeedka jaan
goysa saamaynta kama dambaysta ahna leh ayaa ahayd reer miyi reer guuraa ah.
Dabadeed waxaa aynu yeelannay sifooyin iyo dabeecado la inagu yaqaan. Waxaa
aynu ka duwan nahay qowmiyadda amxaarada ee kumanyaalka sano lahayd
boqortooyada deggan. Waxaa aynu ka duwan nahay cadmaawiyiinta firfircoonida
ganacsi ee kumanyaalka sano jirka ah leh. Waxaa aynu ka duwan nahay bushmaanka
ku dhaqan lamadegaanka Kalahaari, ee ay weligii noloshoodu qadhaabsiga iyo
ugaadhsiga u taagnayd. Waxaa aynu la mid nahay caruusaha iyo booranta geela
badan agteenna daaqsada. Waxaa aynu la mid nahay barbariyiinta Saxaraha Weyn ee
waqooyiga afrika xoolaha oomman la hayaama. Waxaynu la dabci iyo feker nahay
carabtii hore, oo ay weli wax ka sii jiraan.
Dabeecadda la inagu garto ee aynu dadkaas iyo kuwo kale la
wadaagno waxaa ka mid ah kuwan:
1) Adkaysi badan oo lagu wajaho dhirbaaxooyinka kulkulul ee
dabeecadda.
2) Dhiirranaan loogu babacdhigo cadowga dad iyo dugaagba leh.
3) Nolosha qofka oo aad u macno liidata looguna adeego
qabiilka.
4) Dedaalka qofka iyo dagaalkiisa oo aan ka duulin maslaxad
shakhsi iyo waaqici jira ee ah faalso ay hagaan caaddifad iyo ilaalin sharaf
aan koob madhan buuxin karin.
5) Deeqsinnimo iyo wax isa siin aan shardi lahayn.
Arrimahaasi gaar inooma aha ee waa dhaqan ka dhexeeye
dhammaan bulshooyinka reer guuraaga ah. Baahida dabeecadda in loo adkaysto ayaa
lagu dedaalaa halkii xal loo raadin lahaa. Macangegnimo ayaa cadowga lagu
qaabbilaa halkii caqli lagu fardaamin lahaa ama xeel lagu dagi lahaa. Magac
qabiil oo aan macno lahayn ayaa loo noolaadaa loona dhintaa halkii qofku
noloshiisa macno u yeeli lahaa. Ujeeddo hagaagsan oo horumar leh looma dedaalo,
ee khuraafaad iyo caado gabowdey ilaalinteed ayaa lagu dan seegaa. Wadaagga iyo
wax isa siintu waa mid ka mid ah dhawr sifo oo wanaagsan oo uu dhaqanka reer
guuraagu leh yahay.
Taasi haddii ay taas tahay, waxaa jira dabeecado aan hubo in
ay inoo gooni yihiin, oo aanan ogeyn cid kale oo innala leh. Dabeecadahaa waxaa
ka mid ah ta aan qoraalkan uga dan lahaa, oo ah muranka badan iyo ismaqal
la’aanta. Waxaa aynu nahay dad aad u hadal badan, hadalkaas oo haddanaa aad u
qaab daran. Goob kasta oo aynu isugu nimaadno markiiba waxaa ka aloosma buuq,
qaylo, muran, cay iyo cadaawad. Qaarkeen waxaaba ay rumaysan yihiin caytanku in
uu ka tarjumo daacadnimo iyo isu qalbi furnaan. Laakiin dad cay iyo muran isugu
qalbi furmaya wax badan baa ka qaldan.
Karin Blixen waxaa ay inoo sifaysay si aan caddaanka caado u
ahayn. Weligeed dhul soomaaliyeed ma ay tegin, aqoonta ay soomaalida u lahaydna
waa dhawr qof oo qudheeda u shaqayn jirey iyo soomaali kale ee Afrikada Bari ku
dhaqnayd. Malaha intaa waxaa u dheeraa waxyaalo ay caddaanka kale xan kaga
maqashay. Waxaa ay inagu sheegtay dad isla weyn, adkaysi badan, dhiirran,
diinta iyo nebi Maxamed jecel, aan weligood la addonsan, dadka kale ee aan la
addoonsanna qaddariya. Laakiin waxaa kale oo ay inagu sifaysay dad qafal xun oo
qaba cudur ah muran, isl markaa caaddifiyiin ah oo aan lahayn dulqaad iyo
ismaqal ay ku maamulaan hawlaha ay carabta gacanyaraha uga yihiin. Karin Blixen
hubaashii soomaalida waa ay jeclayd, dhaliilahaasina waa uun canaan gacaltooyo.
Ismaqal la’aantu waxaa ay abuurtaa isfaham la’aan, taasina
waxaa ay sii abuurtaa cadaawad. Afhayeenka qabiilka, ee maanta siyaasiga
sheegtaa, ma fahmi karo afhayeenka qabiilka kale, waayo si anshax leh uma
dhegeysto. Ma leh dulqaad iyo bisayl ilbaxnimo uu waxii daw ah ugu garaabo
waxii kalena kaga qanciyo. Haddii ay taasi suurtogal tahay waxaa furmi lahayd
waddo xalka loogu tago. Laakiin wadahadalka ka hor ayuu ka ka soo hor jeeda
dadnimada oo dhan ka xayuubiyaa, kana dhigaa wax aan la fahmi karin. Markaa
miyaaba la isfahmi karaa? Siyaasigu waxaa uu sidaas u yahay dadkiisa ayaa
sidaas ah. Geedna midhihiisu meel ka fog kuma dhacaan.
Wadahadlku waa sifo wanaagsan oo dadnimo leh, waayo waxaa ka
dhashay isfaham, isbarasho iyo wax kala kororsi. Laakiin waa nasiibdarro haddii
uu sababo isfaham la’aan iyo cadaawad. Taasi waxaa ay dhacdaa haddii aan
wadahadalka loo raacin asluub iyo xushmad dhanka kale loo muujiyo, iyo isla
markaa in la fahmo lana qaddariyo aragtida qofka kale. Aad ayeynu taas ugu
liidannaa, sababtaas ayaana inoo keenta buuqa iyo muranka joogtada ah ee aan
macnaha lahayn.
Meel kasta oo aynu ku kulanno qof waliba wuxuu rabaa in
keligii la dhegeysto, isla markaas uu hadal kasta oo kale faalllo ku darsado.
Badanaa inta uu qofka la doodayaa hadlayo iskuma dayo fahamka iyo dhuuxidda
aragtida, ee wuxuu ku mashquulaa waxii uu kaga jawaabi lahaa. Jawaabta xaqa iyo
caqliga ku dhisani doodda qudheeda ayey ka soo dhex baxdaa ee kuma timaado in
la doondoono.
Mar kale waxaan odhan karaa sideennaba ma doodno ee waa aynu
sheekaysannaa, waana laba wax oo aad u kala duwan. Sheekaysigu waa in uu qof
wax sheego dabadeed, sheekaba sheeko ayey keentaa, ee kuwa kalena halkaa wax
kaga darsadaan. Sheekaysigu ma leh xeer aan ahayn in la isdhegeysto iyo in
dareenka dhegeystaha la xushmeeyo. Waxaase jirta mar uu qof soo bandhigo aragti
uu ka soo fekerey, ku soo qancay, soo abaabuley soona qaabeeyey. Taasi waa dood.
Wuxuu ku dedaalaa in uu fikrad uu rumaysan yahay meelmariyo ama difaaco, cidda
uu la hadlayana saamaynta uu rabo ku yeesho. Sidaa darteed garaadkeeda waa uu
qaddariyaa ee uguma xukunna in ay tahay cid isaga ka caqli xun kana cilmi
hoosaysa.
Dooddu mar haddii ay tahay mid ka mid ah heerarka ugu
sarreeya ee ay dadku aragtidooda isugu gudbiyaan, aragti walibana ka tarjumayso
qof dhan garaadkiisa iyo waxa uu xaqa u arko, waxaa khasab ah in la helo xeerar
iyo shuruudo loo raaco. Haddii kale waxaa lagu dhex dhacayaa xaalad ay
garashada suubban iyo dadnimadu ku macno beelaan.
Kuwan ayaa ah arrimaha lagama maarmaanka iigula muuqda dood
fayow:
·
Xeer Doodda loo raacaa waa
in uu jiraa (sidee ayey tahay in aynu u doodno?).
·
Mustawaha dooddu waa in uu
xaddidan yahay (heerkee ayeynu ka doodnaa?).
Labadaa qodob ilaalintoodu waxay suurto gelin lahayd in meel
la isla og yahay wax laga wada bilaabo, ee aan sidii waylo dhooqo galay hadalka
dhan walba loo walaaqin. Marka dood laga jawaabayana ma aha in qofka aragtida
soo bandhigay la weeraro ee waa in aragtida la abbaaraa. Dabadeed:
1) Waa in ay wax jawaab u baahina meesha yaallaan.
2) Waa in mas’alada meesha taal nuxurkeeda la fahmaa.
3) Waa in aan caaddifad lala boodin oo buuq la abuurin ee
caqli iyo aqoon lagu doodaa.
4) Waa in qodobbada la diiddan yahay iyo waxa lagu diiddan
yahay la caddeeyaa beddelkoodana la keenaa.
5) Waa in aan erey ama ereyo gaar ah doodda lagala bixin
dabadeed macne kale loo yeelin ee sida ay isu haysato la isugu hayaa.
6) Waa in aan gar iyo garowshiiyo lagu raadin in akhristaha
lagu abuuro xamaasad diineed, tusaale ahaan, ee doodda daacad laga ahaadaa.
7) Waa in aan qofka loo jawaabayo denbi uusan gelin lagu
rarin,
meeshana la keenin wax aan oollin.
8) Waa in mas’alada laga doodayo meel dhexe loo daayaa ee aan
dadka ay wada khusayso laga xigsan, wax kasta oo ay tahay.
Beri maalmo badan laga joogo ayaan faafiyey maqaal magaciisu
ahaa “Badownimo iyo ilbaxnimo”. Fikrad qaldan waan qabi karaa, qof kasta oo
qalad aan haystey iga saxana abaal baan u hayn lahaa. Nasiibdarro ama
nasiibwanaag taasi ma ay dhicin. Waxaase dhacday in uu ninka Inter Net-ka ugu
hadalka badani cay igu soo afrogey.
Cabdiwaaxid si aan xilkas ahayn, oo sabab lahayn, oo waxtar
lahayn, oo daliil lahayn, ee muran, buuq iyo faduul ah ayuu iila hadlay. Aqoon
iyo caqli midna ma uu cuskan. Cidina wax kama helin fadqalallada uu sameeyey.
Miyey jiraan wax doofaarka iyo geela kala duwaya oo aan ahayn
midkood in ay diintu inoo bannaysay midna inaga reebtay? Simista aan ka hadlay
waxaa ay ahayd dhinac dhaqaale iyo ilbaxnimo, ee shaqo kuma ay lahayn xaaraan
iyo xalaal. Cabdiwaaxid wuxuu sheegay in aan qalad u fasiray ereyga “il” inta
macne ee uu af soomaali ku yeesho. Saddex ayaan ka dhigay isaguna tiro aan xad
lahayn. Aniguse weli waxaan haystaa ereygaasi in uusan lahayn macne asal ah oo
ka baxsan isha wax lagu arko, il bannaan oo dhul jiq ah ku dhex taal iyo il
biyo ah. Ereyada kale ee magac “il” sitaa asal ma aha ee waa sarbeebo saddexdaa
hore laga soo qaatay. Il aqooneed, il dhaqaale, il warbixineed iyo kuwa la
midka ah waxaa laga sarbeebayaa il biyo ah. Waa meesha ay waxaasi asal ahaan ka
soo baxeen.
Ereyga ilbaxnimo mid lid ku ah in aanan af soomaali ku hayn
ayuu igu caayey, wuxuuna wax weyn inooga dhigay ilbaxnimo lidkeedu in uu yahay
ilbaxnimo la’aan! Ilmaha shan jirka ahi taas waa uu yaqaan, tii aan anigu
raadinayeyna ma aha. Waxaan raadinayey mid u dhigma carabiga “bidaa’iyah” iyo
gaalka “primitive”.
Arrinta kale ee aan weerarkii indhaha la’aa ka xasuusan ahay
waa fikrad uu qalad iiga fasiray. “Kuwa inoogu dedaalka badani weli waxaa ay
xalka ka raadiyaan buug uu nin carbeed ama caddaan ahi beri hore qoray.” Sidaas
ayaan qoray, waxayna ku saabsanayd fekerkeenna dabodhilifka ah. Wuxuu igu
eedeeyey in aan asxaabtii uga jeedo. Laakiin muxuu taas u cuskaday? Waa maxay
buugaagta ay asxaabtii qoreen? Aqoonta casriga ahi sida ay u dhan tahay waxaa
ay inooga timid gaalo ama carab. Mana hayno feker soomaaliyeed. Muxuu taas iigu
beenin waayey?
“Diintu waa hadal, hadalkuna waa mergi” ayuu Cabdiwaaxid
dacwaddda ugu daran ka oogey. Laakiin diidmadiisa taa ku saabsani ma sabab
falsafadeed baa mise waa mid luqadeed? Ma diinta ayuu hadal u diiddan yahay,
mise hadalka ayuu mergi u diiddan yahay? Culimadu sow iskuma ay khilaafin
fahamka naska diiniga ah? Taa sababteedu sow ma aha in aayadda iyo xadiiska
qofba si u fahmi karo?
Wadaaddada soomaalida waxaan ku dhaliilay in ay weligood
fahamka iyo fasirka diintooda carab marti uga ahaayeen, kuna dhici waaayeen in
ay iyaguba baadhitaan taa ku saabsan isu xilqaamaan. Wadaadka soomaaliyeed
weligii wuxuu ahaa macmiil daacad ah oo maalinba waxa dukaanka carbeed lagu
hayo soo gata. Taasi ma cay baa, mise waa naqdi?
Cabdiwaaxid waxaa uu qirtay maqaalka markii uu akhriyey in
uusan ka fekerin ee jawaab degdeg ah ku dul qoray. Taasi isaga, aniga, caqliga
iyo akhristahaba meelkadhac ayey nagu tahay. Waxaanan rajaynayaa in aanay inagu
soo noqnoqon.
Ibraahin Yuusuf Axmed
Hawd99@hotmail.com
Waa qoraa ku nool Iswiidhan