Sool iyo Somaliland Yaa Ugarnaqa
Asad Cadaani Ibraahim
e-mail: asadlaska@hotmail.com
Laascaanood, Soomaaliya
I I D H
E H
|
|
Tan iyo intii Soomaliya ay ka
burburta xukuumadii dhexe ee umuraha bulshada maarayn jirta , waxaa soo
baxaayey in qofkasta oo Soomaali ahi uu ku dadaalaayey in uu danaha
qoyskiisa iyo bulshadiisa sidii uu u horumarin lahaa uu ku dhaqaaqay, isaga
oo u adeegsanaya talaabooyin kala gadisan , sida deegaanada Sool, Sanaag Iyo
Cayn oo iyagu run haantii la odhan karo burburkii xukuumadii dhexe ee
Soomaliya si gaar ah ayey uga faa'iideen, marka laga eego dhinaca horumarka
gaar ahaan adegyada Bulshada sida: dhismaha ,isgaadhsiinta iyo korontada oo
iyagu ah waxyaalaha daruuriga u ah nolol maalmeedka.
Waxaana jira in dadka degaankan ku nool in ay yihiin
dad had iyo jeer u heelan jiritaanka qarannimada iyo midnnimada Bulsha weynta
Soomaaliyeed, oo aan ahayn mid iyaga ku cusub marka la eego halgamadii ay u soo
galeen iyo dhiigagagii ay u soo daadiyeen ilaalinta sharafta ummadda
Soomaaliyeed , markii ay sutida u qabteen dhagar qabihii gumaysiga iyo dadkii
dabadhilifka u ahaa.
waxaana taariikhda ku cad marnna in aana beelaha
dhulbahante iyo warsangali aysan heshiis la gelin gumasigii ingiriiska, halka
ay beelaha kale ee waqooyiga Soomaaliya Degaa ay heshiis lagaleen Gumaysigii
Ingiriiska ee dalka xogga ku qabsaday, sida qabaa'ilka Dirta Waqooyi (Isaaq,Ciise
iyo Gedibiirsay) oo ay heshiiskaas u saxeexeen Beesha Habar Awal sannadkii
1887kii , heshiiskooduna uu ku salaysnaa in uu Ingiriisku qabaa'ilkaas ilaaliyo,
khayraadka waddankana gurto.
Arrintaas oo ay ka dhiidhiyeen qabaa'ilka Daaroodka
Waqooyiga Soomaaliya degaa, isla markaana ay dagaal qadhaadh oo soconaaye Rubuc
qarni(25sano) la galeen Gumasigii ingiriiska iyo dadkii raciyada u ahaa.
Markii danbe ee ay daraawiishtii meesha ka baxdayna ay
awood ku qabsadeen ingiriisku beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli,taas oo meesha
ka saaraysa in uu jira wax heshiis ah oo ka dhexeeyey Ingiriiska iyo Beelaha
Dhulbahante iyo Warsangeli,intii ka danbeysa 1921 ilaa iyo 1960kii Ingiriisku
waxa uu awood ku haystay dhulka ay degan beelaha aynu kor ku soo xunay, halka
uu Beelaha Dirta Waqooyina uu ka dhexeeyey Heshiis ku salaysan in ay yihiin dad
hoostaga Mustacmaradii Ingiriiska.
Haddaba waxaa isweydiin mudan masuurta galbaa maanta in
dadkii ingiriiska halkankii la ogaa kala hortagey in ay manta xubin wax ku ool
ah ka noqdaan kala goynta dhulka Soomaaliyeed ee ay isaga aawadii naf iyo
maalba u hureen?!, waxaa iyana isweydiin mudan maxaa faa'iido ah oo ugu jirta
belaha Sool,Sanag iyo Cayn in a ka mid noqdaan Somaliland?!.
Qoraagii ku talaxtegey
Halgamaagii Sayid Maxamad Cabdille Xassan...
Guji
|
Waxaan filayaa in aysan suurta gal ahayn Daraawiishtii
boqolaalka kun laga dhigay qalcadii Taleex, Afbakayle,Haradhiig,iyo goobihii
kale ee lamidka ahaa iyaga oo u halgamaya difaaca qaranka Soomaaliyeed in aysan
suurta gal ahayn in ay ka qayb qaataan kala goyn dhul Soomaaliyeed, waxaanuna u
sheegaynaa kuwa ku riyoonaya waxa lagu magacaabo Shankaroonland(Somaliland) ee
ku salaysan qabiilka qaawan ee aan qarsoonayn in aysan ku habsaamin riyada aan
dhaboobayn ee salka ku haysa shukaansiga ma dhalaysnnimada salka ku haya ee ay
had iyo jeer ku hadaaqayaan , ee ah dadka kuwada nool dhulkii la odhan jiray
wixii ka horeeyey 1960kii Somaliland in uu ilaahay isbaday,Ilaahay wuxuu
isbaday kuwa u halgamaaya in ay Soomaaliya Iyada oo mid ah bulshaweynta aduunka
ka muuqato, oo uu calankoodu ka dulbabado dhamaan wadamada aduunka.
Tankale wax faa'iido ah oo ugu jirtaa ma jirto dadka
deegaanka degaa in ay ka mid noqdaan kala goynta Soomaaliweyn, dhawr arrimoodba
awgood, waa tan ugu horaysee iyada oo la arko sida uu u dhisan yahay Maamulka
Soomaaliland ee qabiilka ku salaysani, oo ay ka muuqato golihiisa wasiirada ,Baarlamaankiisa
iyo waliba distoorka oo ah wax uu halqabiil soo dhoodhooobay, taasina ay
markiiba shaaca ka qaadayso sida ay u fakerayaan kuwa hogaamiya Maamulka
qabiilka ku salaysani.
waxaana arrintaa tusaale inoogu filan Golaha wasiirada
oo ay dhamaan intoodii muhiimka ahayd ay halqabiil gacanta ku hayaan sida,:-
wasaaradaha Maaliyada, Arrimha Dibada ,Gaashaandhiga,Arrimaha Guddaha,iyo Dib-udajinta,
taas oo kuu cadaynaysa in aanu halkaas qabiil diyaarba u ahayn in uu dadka
intooda kale wax uga ogolyaha.
Arrintan oo kuwa u ololeeya Maamulka qabiilka ku
salaysan ee(Somaliland)caqabad markasta ku ah,hasa eeshee aanu shirka mbakati
ka socdaa wax khatar ah uu san ku hayn, waxa kale oo khatar ku oo asan dhaadin
hadalada cunsurieysan ee ka soo burqada kuwo aan wali figlaynta wadaanta
siyaasada aan baran sida Fasal Cali Waaraabe.
Waxaa iyana jirta in aanay suurta galmarna ahayn in ay
bulshada deegaankan ku nool ay walaalahooda kale ee ay ab iyo isirka wadaagaan
mardanbe uu xaydaan kala dhexgalo, marhadii ilaahay meeshii ka saaray
gumaysigii ingiriiska iyo Talyaaniga oo kala qaybiyey dadkii wada dhashay.
Guntii iyo gabagabada maqaalkan gaaban waxaan ku soo
koobayaa, Bulshada halkan ku dhaqan oo am meesha aan haatan maqaalkaygan ka soo
qorayo ,bahdtamaha magaalada Laascaanood ee magaalo Madaxda Gobolka SOOL ayaad
waxa aad ka dareemaysaa in aanay bulshadani u jeedin wax lagu magacaabo
Somaliland, waxaadna meelkasta ku arkasaa astaanta qaranka Soomaaliyeed , oo ah
Calankii halka marka aad tegtid Hargeysa iyo Burco aad ku arkasid Calan aad
Moodid kuwii Qubuuraha la siyaaranaayo laga taagi jiray, oo ay ku qoran tahay
kalmadda Tawxiidka oo xaqdaro lagu raadinayo,halka ilaahay uu dadka muslimiinta
ah uu ku boorinaayo in ay midoobaan.
Waxa kale oo aad ogaanaysaa in uu xuduudka dhabta ahi
yaalo inta u dhaxaysa Caynabo Iyo Burco, iyadoo aadan wax xayndaab ah aadan ka
dareemayn Garoowe iyo Laascaanood dhexdooda.
Arrintan oo run ahaantii kaaf iyo kala dheeri ah, oo u
baahan in ay ku quustaan kuwa ay derdertay waxa lagu magacaabo gooni isu taag.
Assad Caddaani Ibraahim
Laascaanood Soomaaliya.
e-mail: asadlaska@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 3, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh oo
ay gaar u tahay qoraaga ku saxiixan
Qoraalkii hore ee Caddaani.... Guji...
Xaalada Magaalada
Laascaanood:-
Degaanka, dhaqaalaha, nabadgeliyada iyo guud ahaan horumarka Laascaanood ka
akhri warbixintii
Asad Cadaani
YAASABABAY DAGAALKII KADHACAY LASCAANOOD?
Qoraalkii IBRAAHIM MAXAMED HURUUSE.... Dec
14, 2002
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa
Ururka Darwiish Party oo Tacsi u diray laascaanood
Qoraal uu ururku maanta soosaaray ayaa ku bilaabmay....
GUJI
8/12/2002
Bayaan ay soo saareen jaaliyada
SSH ee Kuwiat
Annagoo ah
Jaaliyadda dalka Kuwait deggan ee ka soo jeedda Gobolada Somalia ee Sool,Sanaag
iyo Hawd in badan ayaanu
GUJI
12/12/2002
Jaaliyada dhulbahante ee w/america
warsaxaafadeed
la xiriira dagaalkii Laascaanood ayey ku sheegeen in
GUJI
11/12/2002
Warsaxaafadeedka Puntland ee Dagaalkii Lascanod
Madaxweyne ku xigeenka dawlad goboleedka Puntland mudane Maxamed Cabdi Xaashi
oo ku sugan Eldoret ayaa..
GUJI 8/12/2002
Woqooyi Sidee Looga arkay Dagaalkii Laascaanod
Dagaal aad u kulul ayaa ka dhacay magaalada laascaanood,
kaasoo ay sabab u ahayd booqashadii Madaxweynaha...
GUJI
8/12/2002
DUX LA'AANTA DAWLADDA CUSUB EE RIYAALE
iyo dibin daabyada dadweynaha ...
Guji June 7
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|