Qorahan wuxuu si talaxtag ah uga hadlay Sayid Maxamad Cabdille Xassan
(Allaha u naxariistee), asagoo jecel inuu naga tuso dhinaca xun ee
Halgankii Daraawiishta, waxa uu ka qoray Sayidka dhamaan waxay u egtahay
propaganda riqiis ah.
Waxaad moodaa in qorahani istilmaamayo markuu leeyahay; "
Taariikhdii
daraawiishta waxaa si basarxumo ah u dhaandhaamay humaagyadii siyaasada
soomaaliya."
Sayidka iyo Darwiishtiiba way ka tilmaamanyihiin Qaaradda Afrika
markii laga hadlayo halgankii lala galay Gumaysigii foosha xumaa ee
Qaaradda iyo dadkeedaba bahdilooday!
Waxaan naqaan dadkan aan la noolnahay ee reer Galbeedka inay ku
dheereeyaan xagga warbaahinta, wakhtigii uu Sayidku halganka kulajirayna
waxay isku dayeen inay af iyo adinba kula dagaalamaan...Waxwalba oo ay ka
qoreen markaas run ma ahan xitaa waxwalba oo la sheego inuu Sayidku yiri
ama sameeyey wax la hubo maahan...Laakiinse hal waa xaqiiq, in Sayidku la
dagaalamayey Gaalada waddanka gumaysanaysay, dagaalkaasna ujeedadiisu
ahayd in soomaaliya laga xoreeyo Gumaysiga...
Waxaa la dhihi karaa Halgankii Sayidka faa'iidada uu keenay iyo
khasaaraha, waxaa aad u badan faa'iidada, waxaana ka mid ah inaan meelaha
uu ka dagaalamay oo dhan aan Gaalo ku nagaan(hakan), waligoodna cabsi ka
qabeen sidaas darteedna aysan ka furin iskuuladii missionary ga ahaa!
Seyid Mohamed Abdulle Hassan |
Runtii waxaa nasiib darro ah, in la simo halgamaagii ahaa aabaha
xoreynta ummadda soomaaliyeed, iyo raggii burburiyey waddankii soomaaliya..
Waana wax laga xishoodo in qofka wax kala garanayaa uu u maago
Sayidkoo kale si caadifo ku jirto.
Maanta qofkii u baahan taariikhda iyo halgankii Sayidka ha akhriyo
waxa ay ka yiraahdeen raggii la dagaalamayey ee Ingiriiska ahaa markay
warbixinta siinayeen House of commonska UK...Soomaalidu xitaa hadday
ogolaan wayday xaqiiqdii ay qireen caddowgii sayidka, soo ma ahan nasiib
darro nagu habsatay....
Ugu dambayntii ragga aad tilmaantay dhamaantood haddii inta Sayidka
loo ballan qaaday in la siiyo loo ballan qaadi lahaa maanta waxaan
malaynayaa inay billaa shuruud ku gadan lahaayeen.
Soomaaliya hogaamiyayaasheeda waxaan aniga iyo adigaba aaminsanahay in
Cabdullaahi Yuusuf ugu mudanyahay ragga horbooda waddanka, laakiinse
anigu waxaan ku qanacsanahay inuusan Sayidka la tartami karin, kalana
aragti fogyihiin, maanta ninkaan taageerno uu Ingriis iska daaye hadday
Kenya u ballanqaado Madaxweynanimo uu waxwalba ka ogolaan lahaa, qofkii
yiraahda armaysan waxani sax ahayna aniga iyo adigaba waan ognahay
meeshay ku dambeyn doonaan!
Miicaad M.
marasheeg@hotmail.com