SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
Waxgarad iyo Ganacsadayaal udhashay Somaliland oo Cambaareeyay Amarkii Dahir Riyaale

.Xaafadaha Hodan iyo buulo Xuubay oo la dhagaxyeyay meherado ay leeyihiin dad ka soo jeeda waqooyiga Soomaaliya, ayadoo dadkii wax tuuryeynayay ku dhawaaqayeen "Guura guura..."

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Waxgarad iyo ganacsadayaal udhashay somaliland oo ku sugan magaalada muqdisho ayaa cambaarayn kulul usoo jeediyay madaxweynaha somaaliland dahir Riyaale Kaahin ee ahaa amarka lagu masaafurinayo dadka aan udhalay gobalada waqooyi taasoo ay yiraahdeen waa mid aan waafaqsanayn sharciga iyo dhaqanka suuban ee ummadda soomaaliyeed ee ku dhisnaa islanoolaanshaha iyo tixgalinta martida ee walaalaha soomaaliyeed dhexdooda.

Ganacasade Jaamac Awnuur xuseen iyo Caaqil aaden Haaji Hoori oo ku hadlayay magaca waxgaradka iyo ganacsatada ku nool muqdisho ee kasoo jeeda gobalada waqooyi ayaa yiri amarka ina Riyaale ee lagu soo masaafurinayo dadka kasoo jeeda koofurta waa dhagar laga geliyo ummadda soomaliyeed ee walaalaha ah isla markaana colaad iyo iskudirid dhexdhigaya dadka ku kala nool waqooyi iyo koofur waxaanse u sheegaynaa maamulka Daahir riyaale inuu si dhaqso leh uga noqdo amarkaas abuuraya kala qobnaan iyo colaad hor leh.

Wixii ka dambeeyay shilkii ka dhacay Garowe ee ay ku dhinteen in kabadan 20 qof oo ahaa dadkii laga soo eryey gobalada somaliland waxa si isdaba jooga usoo badanayay hadalhaynta ku wajahan masaafurinta dadka aan udhalay somaliland taasoo dadka badankiisa walaac ka muujiyeen waxaana maalintii shalay xaafadaha Hodan iyo buulo xuubay la dhagaxyeyay meherado ay leeyihiin dad ka soo jeeda waqooyiga ayadoo dadkii wax tuuryeynayay ku dhawaaqayeen Guura guura waxaase markii dambe dadkii ucaqli celiyay culimada xaafadahaas xasaradiina damiyay .

Cabdi Xasan Cali somalitalk.com/Muqdisho
abdi172@hotmail.com

Warka Xiga... GUJI

 MAXAA GAACA BIYO JAW LEH...

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 23, 2003.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD