shalay (21.11.03) ka dhacay hotelka 680-ti oo ay deggan
yihiin Ergada shirka dib u heshiisiinta Soomaalida
ayaa lagu magacaabey guddi heer qaran oo dabagala
dilalkii dhacey tan iyo intii shirka dib u
heshiisiinta soomaalida uu ka socdey Kenya.
Dilalka loo geystey Ergada Soomaalida ee shirka ka
qaybgalaya ayaa gaaraya ilaa iyo shan ruux marka laga
reebo kii ugu danbeeyey ee Marxuum Axmed Rashiid
,baaritaan kadib la ogaadey in wadnaha Istaagey.
Dilkii ugu horeeyey ayaa waxa loo geystey marxuumad
Istarliin Cabdi Caruush oo ka mid aheyd Ergada
Soomaalida ee shirka wadahadalka Nabad Kenya lagu
casuumay oo ilaa iyo haatan aan faraha lagu hayn
ciddii geysatey iyo cidii ka danbeysay muddo sanad ah.
shirka shalay ayaa ugu horeyntii hadala soo dhawynta
iyo furitaanka waxaa qaatey Cabdulle cali cagooley oo
ka masuul ah qaraabada marxuum sheekh Ibraahim cali
cabdi, waxaa lagu bilaabey aayado quraan oo uu akhriyey
Sheekh Aden Sheek Maxamed, aayadaha ka dib waxaa hadley
cadulle cagooley oo xilka dabagalka iyo la xisaabtanka
cidii geysatey iyo cidii ka danbeysay ku wareejiyey
hogaamiyayaasha soomaalida oo haatan ku sugan shirka
wadahadalka nabada Soomaalida ee kenya,
waxa uu ka dalbadey muddane Cabdulle in ay si taxadar
leh u dabagalaan dhamaan dilalkii dhacay iyo cidii
geysatey in ay kala xisaabtamaan dawlada Kenya oo
martigalisay shirkan dib u heshiisiinta Soomaalida .
Muddane Cabdalla Deerow Isaaq Guddomiyihii Barlamaanka
dawladda KMG ayaa hadalkii qaatey ugu horeyn waxa uu
ka dalbadey ergada shirka in faataxo loo
akhriyo,faataxada ka did waxa uu u sheegay dhamaan
Ergada iyo Soomaalida in maanta wixii ka danbeeya ay
dabal joogto ah sameeynayaan ilaa ay ka helaan
xaqiiqda ,waayo intii dilal dhacey ilaa iyo hada
dawlada Kenya waxba kama qaban ,cidna danbi kuma soo
oogin,maxkamadna ma soo istaajin,anaga saacadan wixii
ka danbeeya guddi ayaan u saareynaa iyagagaana daba
galaya,sababtoo ah Dawlada Kenya iyadaa na
martigalisay iyagaan ka war sugeynay,laakiin hadda
anagaa dabagal ku sameyneyna.
Maxamed Saciid Xirsi Morgan oo isna hadal qaatey ayaa
u sheegay ergada oo ku qanciyey in ay ka walwal
la`aadan maanta wixii ka danbeeya oo guddi loo
magacaabayo oo qabta shaqadaasi ,Anaga ceyb ayey nagu
tahay in aan sameyno baaritaan iyadoo aan fasax ka
heysanin dawlda ,waayo iyadaa na martigalisay oo
balanqaadey amaanka Ergada iyo cidkasta oo shirka lka
qayb galeysa.
Dilalka dhacey inta uu shirka socdey:-
1-Istarliin Cabdi Caruush -Ergada Civil.society- la
dilay hoaantii bisha Oktober,2002 ,Nairobi.
2-Sheekh Ibraahin Cali cabdi -Ergada TNG-
3-Xasan Cabdulle maxamed -Ergada TNG-
4-Maxamed Cali cabdi (wadihii gaariga sheekh ibrah.)
18-bishii oktober lagu dilay Nairobi.
5-Axmed Rashiid Axmed oo isna ku dhintey xerada shirka
oo ilaa iyo uu shaki ka jiro,oo 6-novembar lagu
sumeeyey xerada Mbagathi.
Dilalkaasi ayaa loo Magacabey Guddi Heer qaran oo kala
ah:-
1-cabdalla Deerow Isaaq
2-Cumar Maxamuud Maxamed Filsh
3-cabdullaahi Sheekh Ismaaciil
4-Axmed maxamed Kulan (Puntulant-State)
5-Maxamed Saciid Xirsi Morgan
6-Abdulle cali Cagooley.
Magacaabista Gudigaasi iyo shirka ka dhacey
Hotelka 680-ti waxaa kaloo Goob joog ka ahaa :-
Xasan Cabdule Qalaad
Ing.Naaleeye
iyo qaar kale oo wakiil ka ah hogaamiyayasha
Soomaalidda ee ka qayb galaya shirka wadahadalka
Nabada oo haatan ka socda Mbagtahi,Kenya.
dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein.
Nairobi,Kenya.
East-Africa.