SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - JAWAAB
Jawaab Qoraalka A. Dirir Ee Dhaqanka iyo Diinta kamaran

 C/shakuur Cali Mire
shakuur111@hotmail.com

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Marka Horre Waxaan ka cudur-daaranayaa inaanan ka mid ahayn dadka aadka u daneeya qoraaladda loogu jawaabo C/waaxid, Inkastoo aan aqristo qoraaladda C/waaxid maadaama uu yahay sida ay iila muuqato nin u bisil tusida shacabka dhibaatooyink ay dagaal ogaayaashu ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee Reer PuntLand ka midka yihiin.

Haddaan u soo laabto ujeedada qormadaan sida aan ognahay Ummadda Soomaaliyeed waxaa ay leedehay Diin iyo Dhaqan soo jireen ah oo lama taabtaan ah, Dhaqamada soo jireenka ah ee ay ku caan baxday Ummadda Soomaaliyeed waxaa ka mid ah xurmada iyo qadarinta Haweenka oo ay Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeedba makaan weyn ku dhexleh, waxaana la`og yahay marka dib loo raaco taariikhaha dagaaladii qabyaaladda ku dhisnaa ee ka dhex dhici jiray Beelaha Soomaaliyeed in ay qaarkood salka ku hayeen xadgud loo geystay gabar ka mid ah gabdhaha labadda Beelood ee markaas dirirtu dhextaal.

Haddaan toos u abaaro nuxurka qormadaan waxaa la yaab igu noqotay! markaan aqriyay qoraalka uu qoray ninka lagu magacaabo A.Dirir oo sida muuqata ka maran Akhlaaqda ay dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed iyo Diinta islaamkubaxambaarsan yihiin, markii uu u bareeray ku xadgudub Gabar Soomaaliyeed oo ay dhici karto marka laga tago khilaafka siyaasadeed ee ay ragu isku hayaan in ay xaq ugu leedahay xurmada ay kala mudan yihiin dadka xididka ah, waxaan la yaabay! markii uu ninkaas afka ku balaariyay Xadgud ula kac, asagoo dabcan sida uu iska dhigayay C/waaxid wax ka sheegayay balse geystay xad gudub haddii maxkamad lagu saari lahaa ay dhici lahayd inuu mutaysan lahaa cinqaab aad u kulul.

» C/waaxid oo Aqoon iyo Firfircooni Lagu Sheegay [Diirshe]

Waxaa mudan qof kasta oo wax qorayaa inuu marka uu qoraalkiisa gacanta ku hayo inuu ka hayo xog ku filan cida uu wax ka sheegayo, mase iswaydiiyay qoraaga qabyaaladdu ka tan badatay xiliga ay ganacsiga bilowaday Faadumo Xasan Maxamed oo uu magaceeda ku soo gaabiyay Marwada Jaamac Cali Jaamac, dabcan haddii aad ahaan lahayd qof taariikh ahaan u garanaya Faadumo Xasan iyo taariikhdeedii gacansiga dukaamada, marnaba carabkaaga masoo mareen buhtaanta illaahay kaa abaalmarin doono, waxaanse filyaa in aad waqtigaas xoolo jir ku ahayd Howdka Itoobiya ee aad kasoo jeedo, ma wayday Saaxiib qaar xigaalkaa ah oo kuu sheega in Dukaanka ku yaal London ee aad ku sheegtay in lagu camiray lacag laga xaday PuntLand inuu camirnaa Jaamac oo aan PuntLand waxba ka aheyn amaba si ka sahlan aan u dhigee PuntLand oo aan jirin, waxaan rumaysnahay haddii aad saddex midkood ahaan lahayd inaadan ku dhiirateen wax ka sheega gabar Soomaaliyeed oo aan waxba kuu dhimin aadna soo dhex galiso doodaha aan xadidnayn ee Reer PuntLand ka dhexeeyo, saddexdaas oo kala ah 1-haddii aad aqoon u lahaan lahayd Faadumo Xasan, 2 haddii aad ahaan lahayd nin wax kayaqaan dhaqanka Soomaaliyeed, iyo mida ugu dambaysa oo ah hadii aad noqon lahayd nin cabsida Rabi kawarqaba oo dareemi karaa dambiga aad illaahay xagiisa ka mudanaysid haddii aad qof Muslim ah ku xadgudubtid, wuxuuna Nabi Muxamed yiri Nabad galyo iyo Naxariis Korkiisa Ha ahaatee " Muslimku waa qofkii Afkiisa iyo gacantiisa ka nabadgaliya Muslimiinta"

» QORAALKA SHEYDAAN XIJAABKA AH EE BAYDAN [Dirir]

Inkastoo aan aaminsanahay markii aad u gigsan waydeen runta C/waaxid in aad doorbideen in aad arrinta walaaqdaan ayadoo aad isleedihiin armuu C/waaxid hakad galiyaa halganka qalinka ee uu kula jiro dulmi-wadayaasha..

Arrinta labaad ee Mudan in aan Qoraaga dhaqanka ka maran aan dareensiiyo waxaa weeye bal inuu dib ujaleeco qiimaha ay ugu kici karto orraahdiisa ah " waxaa ii sheegay "Waa iyaga iyo Allahoode" in ay iibiyayaal ka yihiin gabdho soo dhoweynta ku wanaagsan"

Qof kasta oo dhaqanka iyo Diinta Islaamka garanaya wuu fahmi karaa qiimaha hadalkaan aan loo meeldayin uu ku kici karo waxaanan rajaynyaa inuu Insha`allaah hadalkas uu ka qoomameeyo maalin maalmaha kamid ah.

Haddaba anigoo ku hadlaya magaca qoyska ay kasoo jeedo Faadumo Xasan Maxamed waxaan rajaynaynaa in uu qoraaga magiciisa aan dhameystirin uu si deg deg ah raali galin uga bixiyo xadgudubka Diin ahaan iyo dhaqan ahaanba uu ugaystay gabadhaanada uuna udiyaargaroobaa in uu uga garbaxo arrintaas qiimo kaste oo ay ugu kacdo.

Waxaan Somalitalk iyo inta wax ku qortaba kula dardaarmayaa in ay iska ilaaliyaan xadgudubyada loo geysanayo dumarka oo ah xurmada Ummad kasta oo jirta lana dareemaa nin kasta in ay gabari la dhalatay, dhashay, udad dhashay, haddiise ay arrintaan sidaas ku sii socoto waxaa muuqanaysa in ay bulshada Soomaaliyeed oo awalba aduunku layaabanaa! ay noqon doonto Ummad kamaran dhaqankooda iyo Diinta xaniifka ah.

C/shakuur Cali Mire
shakuur111@hotmail.com

FAALO: MAXAA HOOS U DHIGAY RAJADII LAGA QABAY SHIRKA SOOMAALIDA?

Qoraalka Xiga... GUJI

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 MAXAA GAACA BIYO JAW LEH...

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2003.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD