Wasiirka Arrimaha Dibada Dawlada Kenya Muddane Kolonzo Musiyoko ayaa shaley
ka soo laabtey safarkii maalmaha ahaa oo ku tagey Dalka Jabuuti.
Ujeedada safarka wasiirka ayaa ahayd in wadaxaajood uu kala sameeyo Arrimaha
shirka dib u heshiisiinta Soomaalida dawlada jabuuti oo ay kalhore isku qabteen
hagista wadahadala geedi socodka Nabada Soomaalida Dawladaha Itoobiya iyo
Kenya.
Mr. Kolonzo musiyoka ayaa shir Jaraa`id ku qabtey qolka martida ee garoonka
dayaaraha ee Jomo kenyata Air-porta, 9-bisha ee Disember ayaa uu dib u
bilaabmayaa shirka wadahadalka Nabada ee Soomaalida oo hakad galey muddo ku
dhawaad 7-toddobaad,waa ayna wada Imanayaa dhamaan Hogaamiyayaasha Siyaasadda
Soomaalida oo haatan gaaraya ilaa 30-hogaamiye, ayuu ku bilaabey shirka
jaraa`id wasiirka.
Mar uu ka hadlayey suaal ku saabsaneyd in dhamaadka sannadka Dawlad loo
dhisayo Soomaaliya ?
wasiirka waxa uu yiri waa macquul in aan shirkan dhawr maalmood markii laga
wadahadlo arrimha yar ee ku Saabsan Axdiga Dastuurka la dhameeyo ,durbadiiba la
dhiso Dawlada taa wax adag maha oo waxa ay ku xirantahay Hogaamiyayaasha
Soomaalida ee ka qayb qaadanaya wadahadala Nabada ,anaga Dawlada kenya ahaan
waxaan jeclaan laheyn in ay maanta Soomaliya Dawlad Loo dhiso, waayo Shacabka
Soomaalida 13-sanno ayaa dagaal iyo darxumo ku jireen,dhibaatadaasina si toos
ah ayey noo taabaneysaa, Kenya iyo Soomaaliya waa dad walaalo ah ,wadaagana
xuduud Nabadeed.
Malaga yaabaa in qaar ka mid hogaamiyayaasha imanin 9-ka disember,haddii
aysan iman talabada ku xigta aad qaadi doontaan manoo sheegi kartaa ?
Wasiirka ayaa ku jawaabey waa dhici kartaa in hal ama labo iman ,laakiin markan
ma filayo.
talaabada ku xigta qaar ka mid ah hadii ay ka soo qaybgalin waanu ka tashan
doonaa .
Muddane Cabdiqasim ma kula kulantay Jabuuti ?
haa ,waan kula kulmay waxaana ku balaney in uu 9-bisha desember uu ka soo qayb
galo shirka wadahadalkja Nabada.
Shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ayaa 15-september hakad galey ka dib
markii dastuurkii Axdiga ku meel gaarka Soomaalida ansixintiisa ka maqnaayeen
qaar ka mid ah hogaamiyayaasha siyaasada Soomalida.
9-bisha disember ayaa lagu wadaa in uu dib loo furo wadahadalka Nabada oo wali
ka gudbin wajiga labaad.
dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein.
Nairobi ,Kenya.
abdikarimhussein@hotmail.com
Warka Xiga... GUJI