SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
 

Kulan diineedkii Sadexaad ee Soomaalida Waqooyiga Ameerika

Minneapolis, Minnesota | December 29, 2003

Sawiradii  Kulanka Somaalida W/A: Daawo halkan

risaalaHa moogaan Maktabada Risaala oo ku taal magaalada Minneapolis oo aad ka heli kartid kutub Islaami ah oo kala duwan..... GUJI

Waxaa magaalada Minneapolis, ee Gobolka MN lagu soo gaba gabeeyey shirwaynihii sadexaad ee xiliga qaboobaha kaas oo ku aadanaa 12/28/03, waxaana kasoo qayb galay Culimo farabadan oo ka kala socday Gobalada kala duwan ee wadanka Maraykana, iyo Ururada bulshada qaar ka mida sida: Ururka Caafimaadka, Ururka Macalimiinta, Suugaanta iyo Saxaafada.Waxaa shirawaynahaa kasoo qayb galay dad wayne aad u farabadan oo ka kala socday Waqooyiga Ameerika laguna qiyaasay in ka badan 5000 oo qof.

Waxaa Kulankaas laga soo jeediyey 12 Muxaadaro oo isugu jira Diini iyo Maadiba.

Qodobadii ugu Muhiim sanaa ee shirka lagu qaadaa dhigay waxaa ka mid ahaa;

· Dhibaatada haysata Soomaaliya in xalkeedu yahay Shareecada islaamka.

· Cudurada Halista ah ee Soomalida dhibta ku haya inay yihiin Qaaxada, Qaadka, Aids-ka iyo Qabyaalda.

· Naf waliba inay geeri dha dhamin doonto loona diyaar garoobo.

· Television-ka inuu dhib kuhayo Guryo badan oo Soomaaliyeed gaar ahaana Caruurta iyo Da’yarta.

· Asbaabaha nolasha wanaagsan inay yihiin iimaanka iyo Camalka suuban.

· In bulshada lagu dhiiri galiyo wax barashada iyo Aqoon kororsiga, taas oo dhibaatooyin badan looga gudbi karo.

· Xalinta khilaafaadka Qoyska oo lagu saleeyo Shareecada Islaamka.

· Warbixin ku saabsan dadka la hayb iyo guur sooco.

· Qabyaalada iyo Dhibaatooyinka ay ku hayso Bulshada Soomaaliyeed.

· Tarbiyada Caruurta iyo Muhiimadeeda.

· Su’aalo iyo jawaabo fara badan.

· Ducooyin iyo dar daaran culimadoo dhan ah.

Ugu danbayntii waxay soo saareen Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika (waa imaamayada Masaajida waqooyiga Ameerika) Baaq ku wajahan dhamaan umada Soomaaliyeed, waxayna ku dhamaatay iyadoo Muslimiintii halkaas isugu timid ay aad u farax sanaayeen looguna bishaareeyey inuu dhici doono Kulan Diineed kii Afraad ee Waqooyiga Ameerika kana dhici doono isla magaala Minneapolis ee Gobolka Minnesota. [Halkan ka akhri baaqa culimada]

Mahad allaa leh Nabi Muxamedna nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato.

xasan dhooye abu xafso
dhooye@hotmail.com
Minneapolis, MN, USA

Ma u baahan Tahay Cajladihii Laga Duubay Mu'Tamarka; Ka Dalbo Risaala

Sawiradii  Kulanka Somaalida W/A: Daawo halkan

Faafin SomaliTalk.com | December 29,  2003 

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD