SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GERMANY

WAA KUMA CABDULLAAHI YUUSUF?????

XagarYare

xagar91@hotmail.com 

 

Aug 31, 2003

 

QAYBTA SADDEXAAD:

Qaybtii 1aad | Qaybtii 2aad

Sida aan kusoo aragnay qaybtii 1aad ee qormadan, subaxnimadii ay bisha Apriil ahayd 21ka 1978dii waxa uu cabdullaahi Yuusuf helay taar ay ku qoran tahay:

........................................................................

!!!!!!!NAAGTAADII_____WAY DHICISAY___!!!!!!!:.

..........................................................................

abdullahi yusuf ahmed
C/Laahi Yuusuf Axmed

Nin Gu kaawayni Il guruxeedna kaa wayne Garay Ruug cadaadigu in Sartii Qudhuntay oo Sirtuu Maleegaayay balo iyo baas dhexda uga dheceen, waxaa u baxay in ajandayaashii iyo axdigii cusbaa ee uu u dajiyay dawlada cusub ee uu dhidibada utaagaayo ku maamuli lahaa loo dhaamo haatan oo uu ku badalo ajandayaal iyo qorshe cusub oo u badala kaas kuna saabsan naf la carar iyo meeshii uu u ciirsan lahaa!!! xaalkuna taagan yahay oo kaliya "Naftu orodbay kugu aamintaa".

Meesha uu joogaa waa Koonfur Galbeed Soomaaliya, xaalna waa "XAGGAN GABI XAGGANA GABI GUNTA WALAC" waxaana uu u dhexeeyaa "koonfur Daniel Arab Moi----Koonfur Galbeed Mingistu Haylu Mariam,..Koonfur Bari Badweynta hindiya....Woqooyi barina Aabbe Siyaad."" Cakuyeey Hawl Adduun badanaa, Ma Cidla Ciirsilaan Fadhiyaa? Cir kaa dheer Dhul kaa Dheer, Caways ma Kuududaa?"".

Dhankaas iyo koonfur galbeed iyo Mingiste waxaan wali engegin Dhiigii uu ka qulquliyay ciidamadii ay ethiopia ku dhaaraynaysay, oo waxaa cabdulaahi u muuqata in hadii uu mingiste qabto uu ilkaha ku cunaayo... dhankaas iyo koonfur bari xalkiisu yahay Daldalaad aan dacwo lahayn, heesta xaaskiisa ,caruurtiisa iyo caailadiisa loo qaadayaana noqonayso "SAMADIIDOOW DABINBAA KUU DHIGAN LAGUGUDILI DOONEE".

Meesha kaliya ee ay il naruuro uga bixi karto ayaa ugu muuqatay in ay Daniel Arab Moi tahay. waxaa uu ka dabayshaday dhankaas iyo keenya iyadoo sidii uu filaayay dawlada keenya siisay megengelyo siyaasadeed.

Waxaa warkaas oo Warbaahinta aduunka lagu faafiyay maqlay madaxweynihii Ethiopia Gaashaanle Dhexe Mangistu Hailu Mariam.

iyadoo dawlada ethiopia Illaa xiligii Boqor Xayle silaase Geed dheer iyo Mid gaabanba u fuushay In ay mar uun indha saarto soomaali soomaali kale u sun iyo waabay ah ayaa u gacan haadiyay Col:C/laahi. wuxuuna ku dhawaaqay bishii September 1978dii mucaaradkii ugu horeeyay ee taariikhda dalka soomaaliya(SSF) oo markii danbena noqday (SSDF).

Waxaana uu ururkaasi sababay in uu aakhirkii wax laysla kacaa kufaba afka dhulka Darsado maamulkii madaxweyne maxamed siyaad barre.

Waxaa uu cabdulaahi xarun ka dhigtay magaalada Addis-Ababa, oo uu dabka kaga soo hurinaay soomaaliya. waxaa uu durbadiiba maamulkii madaxweyne Barre ka qabsaday tuulooyin kamida Geldogob iyo Balan Balle, labadaas tuulo waxaa ay sababbeen in Colenel Cabdulaahi yuusuf iyo Colenel Mingistu muran muddo jiitama sookala dhexgalo, taasoo ku timid kadib markii ay dawlada ethiopia calankeeda ka taagtay, cabdulaahina kadajiyay oo suray calankii SSDF iyo kii soomaaliya.

1985 kii ayaa shir sanadeedkii ururkii midawga afrika EE OAU ee magaalada Addis-Abeba UU wasiirkii hore ee arimaha dibadda ethiopia Mr Goshu Walde oo haatan ah Gudoomiyaha ALL AMARA PARTY uu kaga dhawaaqay in goldogob iyo balan balle yihiin meelo kamida ethiopis, taasoo aad uga cadhaysiisay Col:cabdulaahi yuusuf axmad, wuxuu isna tegey idaacadii uu xisbigiisu lahaa oo kaga dhawaaqay in hadalka wasiirka ka soo yeeray yahay mid waaliya ee dhulkaas oo ay haatan gacanta ku hayso SSDF yahay dhul soomaaliyeed.

Wax laysla Jiitamaba dabayaaqadii sanadkii 1985 ayuu mingiste xayle maryama xabsi ay leeyihiin ciidamadu u taxaabay C/llaahi. mase uusan shaacinin sababta uu uxidhay.

Lixsano oo kale ayuu sooliqay oo xadhiga Cabdulaahi, wuxuuna ka soo baxay 1991 kadib markii uu maamulkii MINGISTU HAILU MARIAM afka Ciidda Darsaday.

Cabdulaahi Yuusuf Axmad waxaa uu leeyahay afar caruur ah, waxayna ku noolyihiin dalka kanada waana Laba wiil iyo Laba Gabdhood, isagoo ku curtay Wiil loo Bixiyay MAXAMED, waxaana ku xigta Maryan oo ah Gabar aad ugu dheer dhanka diinta islaamka.

Marwada afartaba u dhashay oo ah tiisii reer ahaan ugu horaysay walina wadanoolyihiin waxaa layiraahdaa XAAWO CABDI SAMATAR:oo dadka yaqaanaa ku tilmaamaan marwo aad u degen caqlina eebbe ku manaystay, waxayna ku tilmaamaan in EEBE huwiyay xaawo qurux xad dhaaf ah.

Cabdulaahi yuusuf axmad oo ah madaxweynaha Dawlad Goboleedka puntland kana qaybgalaaya shirka dib u heshiisiinta soomaaliyeed, waxaa uu yahay musharaiinta madaxweynenimada soomaaliya musharaxa ugu cad cad

Lasoco Qaybta 4aad......

Qaybtii 1aad halkan ka akhi... GUJI

XagarYare
xagar91@hotmail.com
 
SomaliTalk Germany

Sept 14, 2003

XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

 

Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

WARBIXINTII JAAMACADDA BOOSAASO... GUJI

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD