SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GERMANY

WAA KUMA CABDULLAAHI YUUSUF?????

XagarYare

xagar91@hotmail.com 

 

September 1, 2003

 

abdullahi yusuf ahmed
C/Laahi Yuusuf Axmed

QAYBTA LABAAD:

Qaybtii 1aad halkan ka akhi... GUJI

Cabdulaahi Yuusuf Axmad (YAY) waxaa uu ku dhashay bisha December sanadku markii uu ahaa 1934 xarunta gobolka mudug magaalda lagu tilamaamo in ay soomaaliya kala badho ee gaalkacayo,isagoo isla halkaas ku soo barbaaray.

Markii aan lasheekaystay Cabdulaahi Mire oo ay qayb kamida noloshiisii isla soo barbaareen ayaa yiri wuxuu C/laahi necbaa in uu ciyaaro qilida,iyo shaxda iyo ciyaaro kasta oo fadhiga lagu ciyaaro, aad ayuu u hadal yaraa, marka ay barbaartu wada cawaynayso wuxuu dhalinta ka fadhiisan jiray meel aad u geeesaysa, inkastoo uu aad u hadal yaraa hadana wuxuu isku dayi jiray in uu maalintii mar uun alle ha ka yeelee ka qosliyo dadka uu la joogo, Cabdulaahi Mire wuxuu igu yiri wuxuu ahaa nin aad moodid inuu aad u shaki badan yahay oo si xooggan u feejigan, marka uu nooyimaado yaraantiisii inta aanu salaan gacanta noodhiibin sidii uu nabaadhaayo ayuu isha dhamaantayo marin jiray isagoo aad noogu gubaaya indhaha, kadib ayuu na gacan qaadi jiray. shukaansiga gabdhaha aad ayuu uga cabsan jiray oo ma uusan ahayn SHINBIRO LAAYE balse gabdhuhu isaga ayay jeclaayeen, waxaa uu ahaa wiilyar oo dheer timo yix ahna leh oomadoow aadna u quruxbadan,aadnna u xarago badan iyadoo ay xaragadiisa muujin jirtay degenida uu saanta u qaado,iyo hadalka oo uu marka uu hadlaayo dhoolla caddays ku dari jiray.

C/llahi yuusuf markii uu waxbarashadiisa dugsiga dhexe iyo sare ku dhamaystay soomaaliya,waxaa uu waxbarashadii heerjaamacaded ka bilaabay isla soomaaliya,wuxuuna galay kuliyada sharciga ciidamada ee jaamacada ummadda, markaas kadib ayaa laba sano oo waxbarasho gaaban ah loogu diray dalka talyaaniga sanadadii 1954-1956.

Markkii uu talyaaniga ka soo noqday ayaa xilkiisii ugu horeeyay ee uu soomaaliya ka qabto sanadkii 1957 dii loomagacaabay ku xigeenka taliyaha booliiska ee gobolka Benaadir, isagoo jagadaas hayay mudo sanad ah. jagadiisii labaad waxaa 1958 kii uu noqday taliyaha qaybta booliiska ee gobolada jubada sare iyo jubada hoose.

1960 bilawgiisii ayaa Cabdulaahi yuusuf laga wareejiyay BOOLIISNIMADII,waxaana sanad waxbarasho militery ah uu ku soo qaatay dalka talyaaniga,isagoo soo bartay waxa afafka qalaad lagu yiraa(Military Topographic). markii uu talyaaniga kasoo laabtay ayuu ku qabtay jagadii ugu horaysay ee xagga militariga isagoo noqday taliyaha policemilitaryga ee qaybta 26 aad ee fadhigeedu ahaa gobolada woqooyiga soomaaliya.

Hawlqabadkiisa oo aad dawladii xiligaasi ugu bogtay aawadeed ayaa CABDULLAAHI YUUSUF waxaa sanadkii 1964tii la Gudoonsiiyay Bilad Dahab ah isagoo isla markaas loo Dalacsiiyay darajada Gaashaanle dhexe "Lieutenant Colonel" waxaa uuna isla markaasi u soo gudbay maamulka dhexe ee wasaarada gaashaandhiga soomaaliya.

Markale ayaa waxbarasho loogu diray dalka midawga soviet isagoo galay kuliyadda dagaalka ee militariga (Military war college) sanadkii 1965-66.

Markii uu halkaas ka soo noqdayna waxaa laga dhigay taliyaha hogaanka tababarka ee ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed biishii may ee sanadkii 1968dii.

Markale ayaa lagu celiyay gobolada woqooyiga soomaaliya sanadkii 1969kii isagoo halkaas looga dhigay abbaanduulaha ciidankii looyaqaanay "ciiidanka koobaad" ee fadhigooda woqooyiga soomaaliya. dib ayaa looga soo celiyay woqooyi waxaana ay xukuumadii maxamed siyad barre ku eedaysay in uu ka caga jiidaayo lasaanqaadka kacaankii maalmahaas curtay ee uu hogaaminaayay Brigadier General Moxamed Siyaad Barre, waxaana isla maalmihii curashada kacaanka sanadkii 1969kii loo taxaabay xabsiga. waxaana uu xidhnaa muddo lixsano ah iyadoo la soo daayay sanadkii 1975tii. Maxamed siyaad barre oo madaxa u salaaxaaya ayaa waxaa uu ka dhigay taliyaha hogaanka gaadiidka iyo dayactirka ee xoogga dalka sanadadii 1975-1977dii.

Dagaalkii xoraynta ee soomaalida Galbeed ayuu Alle Naxariistii Janno Ha kawaraabiyee Madaxweyne Moxamed Siyaad Barre waxaa uu u magacaabay in uu hogaamiyo ciidamada Dagaalka, wuxuuna noqday Cabdullaahi taliyaha qaybtii kadagaalamaysay koonfur Galbeed soomaaliya, wuxuuna ciidamadii itoobiyaanka cabdulaahi kaga adkaaday dhankaas isagoo ka qabtay dhamaan aaggii isaga ku aadanaa,illaa uu gaadhay magaala madaxda gobolka Nagaylle1978dii. Marka ay saraakiisha waaweyn ee dagaalka ku jiray ee ethiopianska ahi kuu sheekaynayaan waxaa ay ku tilmaamaan aagagga uu cabdulaahi yuusuf ku aadanaa in ay ahaayeen meelaha cutubyada ethiopia aadka loogu gumaaday xiligaasi,oo ay adagtahay in ay si sahala ku iloobayso Ethiopia.

Markii ay xulufadii reer bariga (gaashaanbuurtii Waarso)fashilisay dagaalkii xorraynta ahaa ayuu madaxweyne siyaad bare la tashi ugu yeeray cabdulaahi yuusuf magaalada muqdisho, hayeeshee meel lama filaana ayuu ka dabayshaday.???.

Waxaa uu abaabulay kadib markii uu ogaaday cabdulaahi inuu dhankaas iyo mooska ka fashilanyahay dagaalku saraakiil afganbida maamulka General Barre. muddo gaaban ayuu colenelku dabin ku maleegay wuxuuna gaarsiiyay heer guul u dhow.

Horraantii bishii April (1978) ayaa habeen kamida habeenada waxaa saraakiishii inqilaabka oo uu horboodaayay ninkii la oranjiray Alle hawnaxariiste CIRRO uu u soo sheegay Cabdulaahi yuusuf in uu soo galo xamar maadaamo afganbigu yahay mid si quruxbadan oo aan dhiig ku daadanin u meelmaray.

C/llaahi yuusuf oo isu soodiyaarinaya in uu badalo ninkii lixda sano xabsiga ku hayay ee M.S.BARRE soona aruursaday ajandayaal cusub oo uu ku hogaaminaayo Dawladiisa Curdanka ah ayaa subaxnimadii ay bisha Apriil ahayd 21ka 1978dii waxaa teendhadii uu degenaa meel u dhow buulo xaawo ugu soogalay wiil dhalinyaro ah oo ciidamadii cabdulaahi ka talinaayay u ah isagu "taar haye", salaan military kadib waxaa uu gacanta midig ka saaray taar ay dusha kaga qorantahay ""(Sir Culus)" "(DEG-DEG)"" kuma aysan qorrayn sheeko dheer iyo warbixin meelo badan jibaaxaysa ee kaliya waxaa uga muuqday hal sadar oo kaliya, wuxuuna sadarkaasi yiri.

..........................................................................

!!!!!!!NAAGTAADII_____WAY DHICISAY___!!!!!!!:.

..........................................................................

Akhri Qaybta 3aad....

XagarYare
xagar91@hotmail.com
 
SomaliTalk Germany

Aug 31, 2003

XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

 

Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

WARBIXINTII JAAMACADDA BOOSAASO... GUJI

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD