Shaydaanku ma qubaystaa?!
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se
Haddii soomaalida la weydiin lahaa sababta ay
dhibaatadu weligood u haysatey, oo uu dalkoodu u degi waayey, waxaa laga yaabaa
in ay qaarba meel jawaabta la aadi lahaayeen.
Wadaaddada qaarkood waxay oran lahaayeen
diintii Alle ayaa laga fogaadey oo sidaas ayey nababgelyola’aanta, faqriga iyo
caqlixumadu inooku habsadeen. Waxaase su’aashaas ka hor imanaysa in soomaalida
badankoodu ay tukadaan, soomaan, oo sakoodaan, isla markaas aan ummadda Jabbaan
malaha qof muslim ah oo tukada lagu arag ayna nabadgelyo iyo dhaqaale fiican
haystaan.
Haddii in diinta islaamka laga fogaado colaad,
gaajo iyo caaqnimo laga dhaxlo wuxuu malaha dalka adduunka ugu faqrisan oo ugu
aqoon liitaa ahaan lahaa dalka Jarmalka, isla markaas la iskuma hayo in ay
labada dal oo ugu jimcooni ahaan lahaayeen Afganistaan iyo Soomaaliya, waayo
waa labo ummadood oo diinta Alle aad u jecel. Angoola iyo Soomaaliya sababta
halaagga ka sintay, isla markaas Sucuudiga iyo Norway shidaalka ka sintay arrin
diineed ma aha, oo qofkii colaadda iyo rafaadka Soomaaliya diin ku macneeya
afkiisa ayaa daloola ee maskaxdiisu ma ay daloosho.
Jawaabtaas midda ku xigta waxaa la shir-iman
lahaa dad badan, oo waa in uu dhibta Soomaaliya baday madaxweynihii ugu
danbeeyey mudane Maxame Siyaad Barre. Jawaabtaani sidii tii hore iskahadal ma
aha, waxaase laga yaabaa in aysan run buuxda ahayn, hase yeesho ee baaritaan
ayey u baahan tahay. Waxaa suurtagal ah in ay 50% in ka badan wax ka jiraan
jawaabtaan, laakiin waxaa aad u adag in la helo dad bilow ilaa dhammaad si run
ah oo aan eexasho lahayn u soo bandhigi kara in uu cudurku ninkaas ka yimid.
Doodaha iman kara amaba taagan waxaa ka mid ah
in la yiraahdo Itoobiya ayaa Soomaaliya sidaas u gashay, waxaase laga yaabaa in
qofka sidaas u doodayaa uusan Soomaaliya iyo Itoobiya midna maskaxda ku hayn ee
uu maqlay Cabdullaahi Yuusuf baa xariir la leh Itoobiya, oo uusan dooddiisa ku
salaynayn wax uu qeexi karo, uuna yahay beelihii Carta taageersanaa ama
shacabkii taageersanaa wadaaddadii Itixaad oo ay Itoobiya iyo Cabdullaahi
Yuusuf sida xun u xasuuqeen.
Haddaba muran shakhsi gaar ah, sida
Cabdullaahi Yuusuf, lagu ximinayo waxba lagama soo qaadi karo markii dhibaato
taagan si cilmiyaysan looga doodayo. Haddii hadalka la soo koobo wax weyn baa
ka jira in ay dhibaatada Soomaaliya dalal shisheeye weligood lug ku lahaayeen,
waxaanse kala caddayn inta ay la’eg yihiin dhibaatooyinka ay Itoobiya inoo
gaysatey iyo dibindaabyooyinka uu Qaddaafi ina ku loggooyey. Reer galbeed,
siiba Talyaani, iyo dalal iyo shakhsiyaad carab ah ayaa laftoodu lacago iyo
waxyaalo kale muudo dheer qubayey, Itoobiyana waa dalka xudduudda ugu dheer
Soomaaliya la leh, oo dano waaweyn bay inaka xurubsan kartaa, laakiin in ay
beel kastaa dalkii ay lacag iyo hub ka qaadato ma aha ee midkii kale oo
Soomaaliya dano kale ka fushada gaar u caydaa ma aha dood adag oo loo cuskan
karo dhibaatooyinka Soomaaliya.
Arrimahaas aynu sheegnay iyo kuwo kale oo aad
u badan ayey ku doodaan dadka badankoodu. Haddaba mowduucyadaan iyo kuwa la
midka ahi aad ayey u xiiso beeleen, lagumana kala garqaato, laakiin waxaa jira
meelo kale oo ay u weecdaan dadka falsafadda lihi. Meelahaasi waa kuwo uusan
qofka caadiga ah oo caamayga ahi filan karin in loo aaneeyo dhibaatada
Soomaaliya, laakiin waa mowduucyo ka xiiso badan kuwa ay jabhadaha iyo beeluhu
isku caayaan oo lagu daaley, sida Itoobiya, Masar iyo Sucuudiga.
Dad badan oo fiilasoofiyiin ah baa waxay
aragtiyahooda u dhiibteen si ka macaan, kana soojiidasho weyn in lagu daalo
Itoobiya iyo Masar, ama uu qabiil kastaa midka kale eed dhabarka u saaro, oo la
isku danbaabo.
Waxaa laga yaabaa in uu akhristuhu la yaabo
ama uu argagaxo haddii uu qof fiilasoof ahi sheego in ay dhibaatada dalkeenna
rafaadisay ka timid gudniinka gabdhaha! ”Haddii ay laabtu meel jirto indhuhu
waxba ma arkaan” waa maahmaah loo daliishan karo in ay laabta shacabku dagaal
iyo qabyaalad la ciirciirayso oo uusan falsafad boos uga bannaanayn, taasina
waxay keeni kartaa in fiilasoofkaaas dhibaatada ina haysata inoo sheegaya aynu
ka jecel nahay nin afgarooc ah oo idaacad been ka sheegaya. Haddaba arrintaas
ah in gudniinka dumarku uu dhibaatooyinka ina xanuujiyey inoo soo jiidey ayuu
nin fiilasoof ahi ku nuuxnuuxsaday, wuxuuna sheegay in gudniinka gabdhuhu uu
qayblibaax ka qaatay dhibaatada Boorama iyo Baraawe ku habsatey.
Fiilasoofku, sida wadaaddada diinla’aanta
cuskaday iyo beelaha Itoobiya iyo Masar caaya, iskama uu hadlin ee wuxuu miiska
soo saaray daliilo caddaynaya in uu gudniinka gabdhuhu sababay in ay heshiin
waayeen beelaha Soomaaliya, oo ay dadka hubka ka dhigi waayeen. Hadalkii
fiilasoofka oo kooban ayeynu sidiisii u soo guurinaynaa, waxaana fiilasoofka
magaciisa la yiraahdaa Dr Sabriye Dirir, oo yiri:
”Degganaanshaha bulshada waxaa saldhig weyn u
ah dumarka, waxayna gabdhaha soomaaliyeed yaraantooda ka walwalaan in uu
gudniin xanuun badani sugayo, oo habeenkii si fiican uma ay seexdaan.
Arrintaasi waxay hor istaagtaa in ay koraan qaybo badan oo maskaxda gabdhaha ka
mid ahi, waxayna hanaqaadaan ayaga oo qalbila’. Markii la gudo waxay waayaan
dareenkii dadnimada oo waxay noqdaan sidii lab xaniinyihii laga bixiyey. Weli
ma aynu arag rag la dhufaanay, laakiin xoolaha markii la xaniinyobixiyo waxay
waayaan kartiyo badan oo ay lahaayeen markii ay qoorta ahaayeen. Kartiyahaas
waxaa ka mid ah in uu jirkoodu dhaddig oo kale noqdo. Sidaas darteed dhaddiga
laftiisa haddii sida soomaalida loo gudo, oo naagnimada laga jaro, wuxuu
jirkoodu u dhawaanayaa jirka labka, oo dhaddignimadii baa ka guuraysa. Xagga
muuqaalka iyo xagga dareenkaba dumarka naagnimadii laga gooyey waxaa dhimanaysa
naagnimadoodii. Isla markaas waxay u fakarayaan sida raggii oo waa dad sirgaxan,
oo markii la guursado aan dabacsanayn oo qawaaban. Haddii lala hadlo waxay u
jawaabayaan sida nin oo kale, haddii la taabtana wax ay dareemayaan lama arko.
Maskaxda iyo jirkaba waxay dhibaato weyni kaga dhacday subixii naagnimada laga
xaabiyey, oo waa ay dhufaanan yihiin! Raggu waxay u baahan yihiin sheeko dumar,
oo dumarnimadii gabdhaha soomaalida waa laga qaaday, oo sheego xiiso uma ay
hayaan! Waxay nimanku u baahan yihiin raaxo oo weligiis qof dumar ah oo
dhamaystiran raggeennu lama ay kulmin! Sidaas awgeed ayey labadii soomaali ah
oo isguursadaa weligood in ay wiilal dhalaan keli ah uga fakaraayeen, maxaa
yeelay wax kale kama ay dhexeeyaan. Wiilashii la dhalay oo malaayiinta ahaa
markii ay naago u raaxeeya waayeen bay xanaaqeen, waxayna bilaabeen dagaal aan
weligiis dhammaanayn. Ilaa ay helaan dumar aan gudnayn oo u sheekeeya, una
raaxeeya dagaalku waa uu sii xoogoobayaa”.
Ha ka xumaan fiilasoofka hadalkiisa cilmiga ku
dhisan haddii aad dumar tahay, ogowna in ay bulshada, hooyadaa iyo aabbahaa
denbi kaa galeen, ee uusan fiilasoofku waxba kuu dhimin, balse uu kaaga digey
in aad carruurtaada denbi ka gashid. Haddii aad rag tahay adiga noloshii
raaxadu waa ay ku dhaaftay, ee bal carruurtaada iyo carruurtooda ku dadaal in
ay raaxaystaan, oo ay dagaalka ka nastaan! Sida uu fiilasoofku caddeeyey
nabadda Soomaaliya waxay ku xiran tahay in aadan gabdhahaaga gudin.
Dastuurka qaranka waxaa lagu qoraa in uusan
madaxweynuhu guursan xaas ajnebi ah, waana arrin laga naxo! Haddii ninkii dalka
hoggaamin lahaa loo diido in uu gabar aan la gudin Kenya ama Uganda ka soo
guursado si uu u raaxaysto, oo uu naftiisa ololaysa u qaboojiyo maxaa la
faa’iidey?!
Sida uu Dr Sabriye Dirir sheegay raggu waxay
dagaalka joojin doonaan markii gabdhaha gudniinka laga daayo oo ay koraan, oo
ay ragga dejiyaan. Haddaba maanta lama hayo gabdho aan gudnayn oo
xildhibaannada, wasiirrada iyo madaxweynaha dejiya si aysan colaadda u sii
wadin oo aysan shacabka ceelasha uga xabaalin sidii uu kacaankii ku sameeyey
Soomaaliya, ama aysan dagaal qabiil oo hor leh dalka uga oogin, sida
Cabdiqaasim. Guddoomiyeyaasha maxkamadaha iyo saraakiisha qudhoodu in ay dad
xanaaqsan oo uu gurigoodu ololayo noqdaan ma fiicna, oo waa in la qaboojiyaa!
Yaase qaboojinaya haddii uu dastuurku gabdhihii loo baahnaa madaxda ka
mamnuucay?
Hadalka Dr Sabriye Dirir waxaa ka muuqda in
sida aan cawinada midowga Yurub iyo Ameerika looga maarmayn aan looga maarmayn
in lala xidido dalal shisheeye sida Itoobiya, waayo carabuhu inama ay rabaan oo
”Addoomo madmadow” bay inoo yaqaanniin!
Sidee bay ku dhici kartaa in la mamnuuco
xaasas ajnebi ah?! Sow taasi ma aha in uusan dagaalku weligiis dhammaan?! Dadku
markii ay dhaawac qabaan waa la baantaa, waana in madaxda soomaalida lagu
baantaa gabdho ajnebi ah si ay nolosha u dhedhemiyaan oo dagaalka uga
tanaasulaan. Xataa madaxda dhaqanka waa in gabdho Afrikada aan gudnayn ama
Tayland looga soo guuriyaa si ay inta u qaboobaan gar caddaalad ah u gooyaan,
oo ay eexda iyo qabyaaladda ummadda uga daayaan.
Malaayiin nin oo aan weligood raaxaysan baa
soomaaliya isku laynaya, oo waa in marka hore madaxda loo guuriyaa, waxaase
dhibaato ah in uu madaxda Soomaalida midka ugu yari 50 sano dhaafay, oo
cimrigii ay guursan lahaayeenba uu waa hore ahaa. Ragga dalka isku laynaya
badankoodu 70 sano ayey jiraan, oo gabdho cusub oo Tanzanian ah tabar uma ay
hayaan, hase yeeshoo ee waxay soo guursan karaan habro ayaga gedohooda ah, oo
aan gudnayn si ay u qaboobaan. Xasaskoodi hore haddii ay masayraan loo hakan
mayo, waayo arrinta loo socdo ayaa wax walba ka weyn, oo dalka ayaa colaadda
laga daminayaa.
Soomaalidu falsafo ayey u baahan yihiin,
wuxuuna fiilasoof kale oo dalkeenna ka faallooday sheegay in dhibaatada
Soomaaliya iyo dalalka la midka ahi ay salka ku hayso sida xun oo carruurta loo
koriyo. Fiilasoofka magaciisa waxaa la dhahaa Dr David Baldacci, wuxuuna u
dhashay dalka New Zealand. Dadku falsafada uma ay dhegonugla, hase yeesho ee
falsafadu waa ay ka qiimo badan tahay dagaalka, kufsiga, qabyaaladda, beenta
iyo kooxdii uu xilligeedu dhammaaday ee Carta.
Hadalladii fiilasoofkaas kor ku xusan waxaa ka
mid ahaa in aan carruurta soomaalida marka ay yaryar yihiin lala hadlin ee
canaan iyo dil keli ah lagu koriyo. Isla markaas midkii wax barta aan la
fahamsiin ee la xafidsiiyo asaga oo aan waxaa uu xafiday macnahooda aqoon.
Qofkii sidaas u koraa dadka waa uu nebcaanayaa, waayo kuwii ugu dhawaa ayaaba
yaraantiisii dili jirey oo aan si xushmad leh ula hadli jirin, oo markii uu in
uu hadlo damco ”Us!” ku oran jirey. Wax barashada uusan qofku fahmayn ee
khasabka lagu xafidsiiyaa waxay u soo jiiddaa in uu nolosha oo dhan naco, waayo
waxaa loo diidey in uu fakaro.
Sida uu Dr David Baldacci sheegay markii
ciyaalka sidaas loo koriyey ay hanaqaadaan waxay jeclaadaan in ay aarsadaan oo
ay dadka cabburiyaan oo laayaan. Ciilkii uu markii uu yaraa oo ”Aamus!” lagu
oran jirey qabey iyo in aan waxba la barin ee sida geelii la ulayn jirey ayuu
qofka soomaaliga ahi weli godobtoodii dabajoogaa, waana taas sababta ay
Soomaaliya u xasili weydey.
Hadalkii fiilasoofkaas waxaa ka mid ahaa in
bulshooyinka sidaas dhallaanka ku koriya aysan dadkoodu xagga maskaxda horumar
ka samayn, oo ay xagga jirka keli ah ka koraan. Sidaas awgeed lama qiimeeyo
qofkii qaabkaas loo soo koriyey da’diisa, waayo kolley waa carruur xataa haddii
uu 60 sano kor u dhaafay. Wuxuu fiilasoofkaasi rumaysan yahay in uusan
koritaanku ahayn in uu ruuxu sanaddo daban soo noolaa, oo uu ka dheer yahay ama
uu ka ballaaran yahay carruurta.
Koritaanka wuxuu David Baldacci u haystaa in
uu heerba heer ula jaanqaado xogo isdabajoog ah, oo qofku inta uu yar yahay la
siiyo, iyo weliba qaabka loo siiyo. Xogahaas waxaa qofka siiya bay’adda iyo
bulshada.
Haddaba ilmaha soomaaliga ah gurigooda haddii
uu joogo inta cunto la siiyo ayaa waxaa lagu yiraahdaa ”Waryaa/Naa bax
meelahaas ku soo cayaar!” ama ”Bax seexo!”, haddii uu su’aal keenana lagama
dhegayso oo waxaa niyadda la iska yiraahdaa ”Waa buuryaqab ee muxuu noo sheegi
karaa!”. Qofka sidaas carruurta ku leh qudhiisu waxba ma uu oga, waayo laftiisa
ayaa sidaas yaraantiisii lagu oran jirey, oo aysan maskaxdiisu midda carruurta
dhaamin.
In ay bulshada soomaalidu dhammaantood carruur
yihiin ayaa meeshaas ka muuqata, waxaana daliil iyo tusaale ah sida ay dadkeenu
wax u taageeraan ama ay wax u mucaaradaan waa si aysan malaha jirin ummad la
mid ahi.
Dadkeennu waxay xagga taageerada iyo
mucaaradka ku dhaqmaan labo erey keli ah, waana ”Hebel baan raacsanahay” iyo
”Hebel baan ka soo horjeedaa”. Qofka ama kooxda la raacsan yahay haddii ay
khalad galaan iyo haddii ay wax fiican sameeyaan labadaba taageerayaashu wanaag
bay u haystaan, oo waa in ay iska ammaanaan oo difaacaan xataa haddii ay koox
tuugo yihiin, sidii Carta! Qofka laga soo horjeedo waxaa loo arkaa in uusan
haba yaraato ee wanaag samayn karin, oo tillaabo kasta oo uu qaadaa waa xumaan,
waana in mar kasta la caayo. Isla markaas dadka asaga taageersani waa cadow,
waayo waxay raacsan yihiin qof ama koox aan marna wanaag laga sugayn oo 100%
xun.
Haddii qof laga soo horjeedo aad wax wanaagsan
oo uu qabtay ku ammaantid waxaad noqonaysaa qof xubin weyn ka ah dadka raacsan,
sidaas oo kale haddii aad dhaalliil uu leeyahay sheegdid waxaad xubin ka tahay
mucaaradkiisa. Waxaa laga yaabaa in ayba bulshadeennu qofkii sidaas wax u kala
miiri kara ku magacaabaan ”Qof aan mabda’ lahayn, oo hadba meel iska aada!” ama
”Khaa’in”, waayo isku mar ayuu hal qof dhalliil iyo wanaag ku tilmaamay. Run
ahaantii qof kastaa dhalliil iyo wanaag buu leeyahay.
Carruurtu sida la og yahay waxay yaqaanniin
labo erey oo kala ah ”Shaxshax” iyo ”Uf”, maxkaxdooduna ma ay gaarsiisna heer
ay wax kasta dhinacyo badan ka eegaan, oo ay hal qof xumaantiisa iyo
samaantiisa kala miiraan. Wixii ”Uf” la ah in la dilo raalli ayey carrurtu ka
noqdaan, wixii ”Shaxshax” la ahna haddii la xumeeyo waa ay ooyaan. Go’aanka
noocaas ah marka ay dhallaanku qaadanayaan kama ay jawaabi karaan sababo badan,
ee maskaxdooda ayaa meel yar wax ka arki karta, oo aan baaxad weyn lahayn.
Carruurta yaryari wax kasta go’aan degdeg ah
ayey ka qaataan, haddana go’aankaas mid ka duwan ayey dhaqso uga dabaqaataan,
isla markaas wax walba oo ay arkaan waxay kula boodaan ”Shaxshax” ama ”Uf”.
Dadka waaweyn oo soomaalida ah haddii arrin
loo soo bandhigo jawaabtu waa ay ka soo horraysaa, oo waxay oranayaan ”War
nagala tag wax aad la wareegaysid!” ama jawaab kale oo degdeg ah. Haddii uu qof
wax ku soo dhibtoodo, oo markii uu diyaariyo uu bulshada u soo bandhigo, waxay
dadka ugu horreeya oo uu la kulmaa dhiibanayaan aragtiyo aysan fakarayn oo
riddin u badan.
In ay jawaabaha soomaalidu naqdin aan laga
fakarin u badan yihiin waxay salka ku haysaa in markii ay korayeen canaanta
lagu badin jirey, dabadeedna ay dagaallo ba’an muddo ku soo jireen. Gaajada
badan lafteedu waxay keentaa in uu qofku wax kasta dhibsado, oo uu dhaqso dadka
u canaanto, oo la isxagxagto.
Fiilasoof kale oo muslim ahi wuxuu qabaa in ay
dhibaatada Soomaaliya sabab u tahay in aysan dadka Soomaalida ahi qubaysan!
Waxaa fiilasoofka sidaas aamminsan magaciisa la dhahaa Dr Anwar Burhaan,
wuxuuna u dhashay dalka Masar.
Dr Anwar Burhaan wuxuu aragtidiisa ku dhafay
falsafooyin diini ah, wuxuuna ugu horrayntii daliishadey xaddiis oranaya
”Nadaafaddu iimaanka ayey ka mid tahay”. Wuxuuna halkaas ka ishaaray in ay
soomaalidu imaan la’ yihiin! Intaas ka gadaal ayuu galay qiso dheer oo
shaydaanka ku saabsan, wuxuuna sheegay in uusan shaydaanku qubaysan!
Wuxuu caddeeyey in uu shaydaanku waagii hore
qubaysan jirey, ka dibna uu Rabbigiisii abuuray ku gacansayray, oo uu Rabbi
markaas dayriyey. Meelo dhawr ah oo quraanka kariimka ah ka mid ah ayuu ka soo
daliishadey in Rabbi shaydaanka nacaladdiisa dusha ka saaray inta laga gaarayo
yowmulqiyaama, isla markaas uu u sheegay in uu asaga iyo taageerayaashiisa
hadhow cadaabi doono.
Qarracan ayuu shaydaanku maalintaas la dhacay,
wuxuuna go’aan buuxa ku gaarey in uusan wax uu Rabbi raalli ka yahay samayn.
Haddaba qubaysku waa wax uu Rabbi raalli ka yahay, waxaana shaydaanka qubays
ugu danbaysey maalintii uu Rabbi dayriyey, oo nacaladda weyn korka kaga
habbiyey.
Wuxuu fiilasoofku sheegay in uu shaydaanku
waagii la dayriyey hal mid ahaa, laakiin uu hadda bilyanno iyo bilyanno kor u
dhaafay. Habka uu shaydaanku u tarmo mar uu ka hadlayey wuxuu sheegay in
wasakhda iyo jeermiska ay shaydaan dhididkiis yihiin. Wuxuu caddeeyey in aysan
bagteeriya iyo fayras jirin waagii shaydaanka loo carooday, oo markii uu
qubayskii muddo moogaa ay jirkiisa ka soo buubeen welina ka soo buubaan waxa
adduunka jeermis yaallaa.
Jeermis kasta oo adduunka ka jiraa waa
carruurtii shaydaanka ayuu fiilasoofku yiri, wuxuuna sheegay xaddiis oranaya
shaydaanku dadka dhiiggooda ayuu xulaa, oo wuxuu markaas tusaale u soo qaatay
cudurka aydhiska.
Wuxuu sheegay in mar kasta oo ay dadku
dhididaan ay ku habboon tahay in ay qubaystaan ama maydhaan. Sababta dadka
loogu waajibyey in ay markii la isu galmoodo ay qubaystaan waa in ay shaydaan
carruurtiis oogadooda ka qasaalaan ayuu yiri, wuxuuna raaciyey istijada iyo
weesadu xataa waa dagaal islaami ah oo lagala hortegayo carruurta shaydaanka.
Qofka qayila ama biyaha shaydaanka cabba waxaa korkiisa ku bata carruurta
shaydaanka ayuu fiilasoofku yiri.
Dr Anwar Burhaan wuxuu sheegay in ay
soomaalidu xagga taariikhda ahaayeen dad aan qubaysan. Geeljiruhu biyaba indho
ma ay saari jirin, beeraleyduna ilaa maanta waa ay neceb yihiin in ay
qubaystaan, oo ayaga oo webiga qarkiisa deggan ayeysan dhawr bilood oogadooda
biyo taabsiin!
Dr Anwar Burhaan wuxuu kale sheegay in ay
masaarida iyo soomaalidu aad isu yaqaanniin! Xilligii ay dawladihii hore jireen
ayuu, sida uu sheegay, Soomaaliya tegey, wuxuuna dadkii madaxda iyo
reermagaalka ahaa oo uu la kulmay ku sheegay labo arrimood oo yaab leh.
Wuxuu sheegay in ay ahaayeen dad rumayga aad u
jecel, oo xafiisyada dhexdooda ku cadayda, oo weliba miiska xafiiska uu mid
kasta rumay dheeri u saarnaa, inta badanse uu afkooda caday ka soo taagnaa!
Sida uu fiilasoofku sheegay soomaalida
ilkahoodu aad bay u cabcaddaayeen, laakiin jirkoodu aad buu shiirayey. Waxay
ahaayeen dad aan qubaysan, oo uu mid kastaa shaatiga kulleetigiisa dawaad midda
awrta u eg ku lahaa. Markii la salaamo oo ay qoslayaan afkoodu nadiif ayuu ahaa
buu yiri, hase yeesho ee waxaa ka soo haadayey shuxuur aan loo soo dhawaan
karin.
Fiilasoofkaas carabka ahi wuxuu sheegay in ay
soomaalidu ka mid yihiin taageerayaasha shaydaanka. Wuxuu caddeeyey in ay
qoloba si shaydaanka u taageeraan, oo ay soomaalidu xagga qubayska shaydaanka
kala mid yihiin!
Xagga dagaallada sokeeye mar uu ka hadlayey
ayuu sheegay in ay ku badan yihiin meelaha uu qubaysku aad ugu yar yahay, oo
wuxuu rumaysan yahay haddii ay soomaalidu qubayska badsan lahaayeen in uu
dagaalku gebi ahaanba soo afjarmi lahaa.
Meelaha uu kufsigu ku badan yahay waxaaba laga
yaabaa in laga helo boqollaal nin oo aan ka qubaysan boqollaal hablood oo ay
bilihii la soo dhaafay googaradaha ka siibeen.
Wuxuu Dr Anwar Burhaan sheegay in ay dadka
Masar aad ugu dhuundalooleen arrimaha Soomaaliya muddadii ay dagaalladu socdeen,
siiba dhulka ay dagaalladu aad u saameeyeen. Shirkii Qaahira oo sannadihii
sagaashanaadka dhammaadkoodii soomaalida loo qabtay wuxuu sheegay in ay waftiga
ku yaraayeen wax qubaystey muddadii uu shirku socdey, isla markaas wafti sanad
danbe Masar yimid oo Carta ka socdey dadku gebi ahaanba ma ay qubaysan jirin
ayuu yiri Dr Anwar Burhaan, wuxuuna hadalkiisii u soo gunaanadey shaydaanka iyo
soomaalida midna ma qubaysto!
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail:
mi99mosh@chl.chalmers.se
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 23, 2003
»
HOOBALLO GAAJAYSAN.....FAALLO
[Shaafici]
»
MAQAALADII TODDOBAADKII HORE.... GUJI HALKAN
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
|