ISFAHAMKU WAA MUHIIM SOMALIYEEY
Cabdullahi Gulled Ali
abdullahigulled@hotmail.com
Waxaa nin aanu saaxiibo
nahay iiga sheekeeyey in nin sarkaal sare ka ahaa dowladii Maxamed Siyaad Barre
mar dambana u soo qaxay wadanka talyaaniga laga wareystay lana weydiiyey
dhibnaatada wadankeena ka jirtay, iyo xalka ummada lagu badbaadin karo maanta
waxa uu yahay. Xiliga ninkan la wareysanayo oo aheyd xili dagaalo ba’ani ay ka
socdaan wadankeenii hooyo, ayaa markuu hadal dhammaantii marshay wuxuu u soo
jeestay xalka wadanka lagu daba qaban karo in uu tilmaamo.
Waxaa uu ninkaasi hadalkiisii ku soo gaabshay waa DIINTA ISLAAMKA. Aqristoow
waxaa dhacday in ninkii misna la weydiiyey garanay in xalku ku xiraanshaha
Allah uu ku jiro, balse sidee ayey kula tahay in loo hirgelin karo, maadaama uu
dalku dagaal sokeeye ku jiro. Ninkii isagu su’aasha sidee loo hirgelin karaa
aheyd meeshaba keenay ayaa kalifay in sarkaalkii hadalkiisu nuxur saa u weyn
yeelan kari waayo, sababta oo ah waxaa ku adkaatay in uu nidaam la fahmi karo
dadka ugu tilmaamo hirgelinta ku dhaqanka shareecada islaamka.
Waxaan intaa oo idil uga gol leeyahay, qoraalo badan oo aan aqriyey, ayaa waxaa
igu adkaatay in aan fahmo xalka qoraagu tilmaamayo [hadiiba ay dhacdo in uu
tilmaamo, waloow ay aad u yartahay], waxaad badanaaba moodaa in soomalidu u
sahlan tahay tilmaamta, balse ay ku adagtahay sharaxaadeeda.
Waxaan arkay in qaabka soomaalidu u wada hadasho, uu isna yahay mid sii
fogeynaya wadahadalkooda, xitaa haday isku dan ka hadlayaan. Soomaalidu hadalka
iskama sugto, waxaana kuu tusaale ah hab wada sheekeysigeena oo badanaaba ay ka
muuqato in aanu isweydaar iyo is gudub-ba aanu u sheekeysano innaga oo halmar
wada buuqeyna.
Waxaad badanaaba arkeysaa in xitaa hab qoraalkeenu uu u’egyahay mid loogu tala
galay qof ku agtaagan oo uu markaasi muran idinka dhexeeyo. Waxaa badanaaba
dhacda sida caadiga ah in qoraalada soomaalidu ay yihiin kuwo aanan wadan talo
iyo tusaale wax iftiimin kara, waxaana badanaaba dadka aqrinayaa dhacda in ay u
aqriyaan si ay dul duleelo uga helaan, balse ay ka dhacsan yihiin fahamka guud
ee uu dhambaalku xambaarsan yahay.
Waxaa sidoo kale jira dad iyagu qoraalka u aqrisanaya wehel ahaan maadaama uu
ka hadlayo amaba uu ku qoran yahay luqad ay markaa daneynayaan. Dadkaasi muhiim
uma aha waxa uu dhambaalku xambaarsan yahay, waxaa uga muhiimsan in uu qoraalku
cabiray oo keli ah waxa ay damacsanaayeen
Hadaba aqristoow hadaad u
baahantahay in aad ogaato muhimada wax aqrintu waxa ay tahay, waxaad xooga
saartaa in aad fahamto qoraalka aad aqriyeyso sidiisaba waxa uu ka hadlayo, iyo
muhiimada uu koobayo, adoon u fiirin in aad la feker tahay qoraha iyo in kale.
Mar walbaa waxaad xooga saartaa macnaha kalmadaha uu qoraagu adeegsanayo iyo
habka uu u adeegsanayo, adigoon guud ahaan iyo gaar ahaanba u eegin. Waxaa
dhacdaa in qoraagu uu generaal-gareeyo dhacdooyinka qaarkood, hase ahaatee
hadaad u aqriso generaal ahaan waxaa kaa lumaya fahamka qoraalka, waxaase
muhiim ah in aad muhimada ka raacdo, oo aad u fahamto dhacdo koox somaliyeed ka
suuroowday, ee ayan aheyn mid koobeysa somaali oo dhan.
Waxaa badanaaba la yiraahdaa aqrinta waxaa ka muhiimsan fahamka, Wax walbaa oo
aad fahamtana waxaa ay raad ku yeeshaan noloshaada dhinacyadeeda badan.
Waxyaabaha laga dhaxlay nidaam xumida dalkeena ka jirta ayaa waxaa kamid ah ka
hor imaansho aanan cilmi ku dhisneyn, tan oo gashay meel kasta oo nolosha kamid
ah xitaa dhalinyaradii diinta barashadeeda niyada u heysay oo aad arkeyso iyaga
oo culumadii ka weyneyd isku taageysa.
In aad loyality [Dhexdhexaad] ahaato ayaa waxaad ku gaareysaa faham badan oo
muhiim ah, sababta oo ah sheikh aad necebtahay qudbadiisu ku anfici meyso,
balse hadaadan sheekha isku mashquulin oo aad raacdo nuxurka qudbada uu wado,
waxaad ogaaneysaa wanaaga ay diintu ledahay. Hadaad doontana waxaad ka soo
dhexsaari kartaa boqol erey oo aad is tusi karto in uu si guracan u yiri.
Hadaba waxaan oran lahaa qoraal hadba waa sida loo qoray iyo sida loo fahmo,
hadaanan ilo dhab ah oo lagama gudbaan ihi ayan ku jirin qoraalkaa. Waxaan ka
codsanayaa dhammaan dadweynaha soomaaliyeed in ay wanaajiyaan qoraaladooda,
ayna xooga saaraan sidii loo fahmi lahaa qoraalkooda muhiimka ah.
Waxaan aad ugu faraxsanahay in soomaalidu ay aad ugu badatay qoraalka iyo ka
doodidda waxyaabaha soo food saara mustaqbalka dantooda,dalkooda iyo weliba
diintoodaba. Soomaalidu waxaa ay weligeed wax ka oran jirtay waxa loola yimaado
oo arin ah, laguma aqoon in ay daqiiqad gudaheed xaajo ku gooyaan, waxaana
marqaati u ah “taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa”.
Walaalkiin
Cabdullahi Gulled Ali
abdullahigulled@hotmail.com
Nabad iyo wadan Insha Allah
WCWW
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 23, 2003
»
Soomaalidu Federaal
Ma Qaadan Kartaa [A.Gulleed]
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
|