SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
KAAH

Halista Qarsoon

AIDS-ka oo Kusoo Badanaya Afrikaanka ku Dhashay Afrika ee Ku Nool Minnesota

April 17, 2003

Warbixin ay soo saartay waaxda Caafimaadka u qaabilsan gobolka Minnesota [Minnesota Department of Health] ayaa sheegtay in dadka Afrikaanka ah ee ku dhashay Afrika ee yimid gobolka Minnesota uu cudurka dilaaga ah ee AIDS-ku sannadkii 2002 ku kordhay, guud ahaana uu Cudurkani Minnesota ku kordhay boqolkiiba lix [6%]. 

Waxaa warku intaas ku daray in Cudurkaasii uu ku dhacay 65 qof oo ah dadka ku dhashay Afrika ee deggan Minnesota, tiradaas oo ka badan tii sannadkii kasii horeysey oo ahayd 46 qof.

Dadka Afrika ku dhashay ee hadda kusugan gobolka Minnesota tiro ahaan waa boqolkiiba hal (1%) tirada guud ee dadka gobolka Minnesota.

Sida ku cad shaxda hoose, sannad kasta cudurka AIDS-ku wuxuu ku siyaadayaa dadka Afrika ku dhashay ee ku dhaqan Minnesota, halka uu cudurkaasi ka yaraanayo dadka kale ee horay halkaas u deganaa.

DADKA REER MINNESOTA EE SANNADKII 2002 UU KU DHACAY CUDURKA AIDS-ku aids

Guud ahaan dadka uu cudurka AIDS-ku ku dhacay ee ku dhaqan gobolka Minnesota tiradoodu waa 218 rag ah iyo 87 dumar ah.

Waxaa xusuus mudan in gobolka Minnesota ay ku nool yihiin Soomaalida ugu tirada badan ee ku dhaqan Maraykanka, sidaas darteedna ay qiyaas ahaan noqonayaan tirada ugu badan ee dadka Afrika ku dhashay ee ku nool Minnesota, waana arin mudan in sidaas ay ugu baraarugsanaadaan Soomaalida Minnesota si ay uga taxadaraan cudurkaan faafidiisa. [Laakiin cilmi baarista waaxda Caafimaadku ma xusin tirada dadkaas uu cudurku ku dhacay wadamada Afrika ee ay asal ahaan ka yimaadeen.]

WARBIXINDII HORE EE AIDSKA....GUJI

ISHA: Waaxda Caafimaadka u Qaabilsan Minnesota, USA iyo Startribune. 

<><>

 DHAKHTAR SOOMAALIYEED OO BAAQ KASOO SAARAY CUDURKA SARS

<><>

Jaamac Cali Jaamac oo isu rogay afhayeen reer waqooyi
Waxaa nasiib daro noqotay in Jaamac uu dhinac maray rabitaankii shacabka reer puntland kadib markuu. GUJI... 16/4

Abaaro Ba,an oo ku habsatay Gobolada Ogaadeenya
Warkaan oo kamid ah wararka Jabhada Xoraynta Ogaden. GUJI... 16/4

Sheegitaanka Magaca Soomaaliya iyo dagaalka Ciraaq
waxyaabo badan iyo magacyo badan ayaan dagaalkan ka barannay. waxaa kamid ah.. GUJI... 16/4

WARARKII CIRAAQ
»» Maraykanka oo u digey Suuriya  »» Shirkadaha Canada oo laga Hor istaagey Qandaraasyada Ciraaq. GUJI 14/04/03

IRAQ TODAY'S NEWS... | WORLD LATEST NEWS  
DAGAALKA CIRAAQ MAALINTII:
26 | 25 | 24 | 23 | 22 | 21 | 20 | 19 | 18 | 17 | 16 | 15  | 14  | 13  | 12  |  11 | 10  | 9 | 8 | 7 |  6  | 5  | 43 | 2 & 1  

I  I  D  H  E  H

MILICSI KU SAABSAN AXDIGA FEDERAALKA EE KU MEEL GAARKA AH
Qormada-koowaad ee dastuurka federaaliga ah ee Soomaaliya oo ka kooban 30 baal waxaa soo akhriyey Ibraahim Maxameddeeq ... GUJI
 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD