Dhakhtar Soomaaliyeed oo Baaq Kasoo Saaray
Cudurka SARS
- Xafiiska WHO ee Soomaaliya oo loogu
baaqayaa in ay ka qaataan doorka helitaanka Macluumaadka SARS
- Howlwadeenada caafimaadka Soomaaliyeed oo
laga codsaday in ay la socdaan macluumaadka cudurka SARS,
- Dadweynaha Soomaaliyeed oo lagu
Baraarujinayo ka feejignaanta SARS
SEVERE ACUTE RESPIRATORY SYNDROME (SARS)
Dr. Muse Yusuf Shirwac (Qeybdiid)
MD. TB and Respiratory diseases specialist
Faafin: April 18, 2003
Tan iyo bartamihii bishii feberaayo waxaad
la socoteen in aduunka gobo ka mid ah uu ka dilaacay cudurka la yiraahdo SARS.
Hay’ada Caafimaadka aduunka (WHO) waxay bogageeda internetka iyo saxaafada
caalamka ku wargelisay in xanuunka SARS uu isaga gudbayo qaaradaha caalamka.
Ilaa iyo haddana laga helay dalal ku dhow ilaa iyo 30 dal oo ka mid ah qaaradaha.
Aduunka, ilaa iyo hadana aan loo hayn wax dawo ah.
Hay’adu waxay qaylo dhaanteeda ku dartay in
taxadar laga ahaado lalana socdo macluumaadka ka soo baxa dadaalada loogu jiro
in xanuunkaas la xakameeyo.
TAARIIKHDA SARS
Xanuunkan markii ugu horeysay dhamaadkii bishii
Nofeembar 2002 dii, ayuu ka dilaacay magaalada la yiraahdo Guang Dong, oo ku
taal koonfurta dalka Shiinaha, nasiib darose dowlada shiinahu wey ka qarisay
caalamka xogtaas ku saabsan xanuunkan cusub, waxayna baahisay dhammaadkii bishii
Diseember 2002 dii, mar uu ku dhacay dad gaaraya 300 oo qof, inkastoo ay raali
gelin ka bixisay qarinta xanuunkaas.
Xanuunkaas oo hadda ku baahay dalal badan oo
caalamka ka mid ah. Markii ugu horeysa ee uu shiinaha ka soo gudbo, wuxuu
sababsaday takhtar ka mid ah takhaatiirtii shiinaha oo la dagaalamayey cudurkan
ayaa u soo gudbay dalka Hong Kong, wuxuuna ku dagay Hotel ku yiil magaalada lana
yiraahdo Foshan. Takhtarkaasi wuxuu xanuunkii u gudbiyey toddoba qof oo ajnabi
ah oo al deganaa isla Foshan Hotel.
Sidaas ayuu xanuunku ugu baahay caalamka,
takhtarkiina wuxuu isla xanuunkii u dhintay khamiis 20 maarso 2003.
MAXAA KEENA CUDURKA SARS
Dadaal badan oo ay sameeyeen hay’ada
caafimaadka aduunka iyo xarunta ilaalinta iyo ka-hortaga (CDG-Atlanta), ayaa
waxaa lagu ogaaday in xanuunkan uu keeno mid ka mid ah bahda viruska ee la
yiraahdo Paramyxovirus family, hase yeeshee taarikhdu markay ahayd 3 April 2003
da, ayaa laba kooxood oo takhaatiira oo ka mid ah kooxihii ku howlanaa cilmi
barista cudurkan waxay dalka markeykanka kaga dhawaaqeen in xanuunkan uu keeno
Viruska la yiraahdo Coronavirus (eeg, Medical Journal).
CALAAMADAHA LAGU GARTO CUDURKA SARS
Xanuunkan waxaa lagu gartaa
calaamadaha soo socda,
Xumad sare oo ka badan 30 C,
Mid ama laba ka mid ah calaamadaha
hargabka/duriga sida, qufaca, cabur, jirxanuun iyo neefta oo ku dhibta,
Waxaa kale oo lagu xisaabtamayaa
hadii qofka xanuunka laga baarayo uu horay xiriir ula lahaa qof kale
oo uu horey xanuunku ugu dhacay (close contact), ama horay u tagay ama
u dhoofa ama booqda meel uu cudurkan ka jiray.
SIDEE U FIDAA XANUUNKAN SARS
Ilaa hadda waxaa la ogayahay in xanuunkan u
fido, Neef ama Virusku la socdo oo kuu soo
gudubta, Close-contact- xiriir aad la yeelato qof xanuun qaba, Adigoo
u dhoofa ama booqda goob xanuunku ka jiro,
DAAWEYN (TREATMENT)
Inkastoo dadaal badani uu socdo ilaa hadda
laguma guuleysan in la helo daawadiisa, laakiin waxa kaliya oo la isticmaalaa
waa syntomatic treatment.
SIDEE LOOGA HORTAGAA XANUUNKAN SARS
Maadaama aysan ilaa iyo hadda jirin daawada
xanuunkan, haddana culumada caafimaadka waxay bixinayaan talooyinkan hoos ku
qoran.
Haddii aad isku aragtid calaamadaha aan kr ku
soo sheegnay sida ugu dhaqsaha badan ula xiriir takhtar,
Haddii xanuunka SARS lagu sheego degaankaaga
caadeyso inaad isticmaasho marada afka iyo sanka daboosha (maskaro),
Iska ilaali inaad u safarto goob lagu sheegay
xanuunka SARS,
Howlwadeenada caafimaadka oo iyagu ah kooxaha
halista u ah cudurkan (risk groups), caadeyso inaad isticmaasho maaskaada sanka
iyo afka, goloofiska gacmaha iyo in aad had iyo jeer goobta bukaanka qaba SARS
lagu nadiifiyo biyo leh jeermi dilaha Cholorin iyo inaad xirato dhar aan dhaafin
goobta shaqada,
Waxaa si aad ah laguugula talinayaa in dadka uu
ku dhaco xanuunkan lagu hayo goob karantiil (Isolation posts).
BAAQ
Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa baaq ku
saabsan in howlwadeenada caafimaadka ay sameeyaan la socod cudurka SARS
(surveillance for cases of SARS) haddii aad la kulantana isla markiiba aad
wargeliso, bukaankana la karantiilo, lana joojiyo isu socodka dadka. (eeg, WHO’s
global alrt on 15 march),
Xafiiska WHO ee Soomaaliya waxaana ugu baaqayaa
in ay ka qaataan doorka ay ku leeyihiin howlahaan oo aan hadda ii muuqan, kuna
daydaan xafiisyada la mid ka ah ee caalamka, ayna howlwadeenada caafimaadka
Soomaaliyeed u gudbiyaan macluumaadka cudurkan si looga taxadaro,
Howlwadeenada caafimaadka Soomaaliyeed gaar
ahaan takhaatiirta, waxaana si kalgacalnimo ah uga codsaneynaa in ay la socdaan
macluumaadka cudurka SARS, cidii awoodana ay si joogta u booqdaan websaaydyada
internetka eek ala ah.
http://www.cbc.ca/news/sars/
http://www.cdc.gov/ncidod/sars/
http://www.who.int/en
Waxaan kaloo idinka codsanayaa in xogta la
wadaago oo la isu gudbiyo.
Mahadsanidiin.
Allaha naga badbaadiyo.
Dr. Muse Yusuf Shirwac (Qeybdiid)
MD. TB and Respiratory diseases specialist
E-mail qeybdiid@hotmail.com
Tel: 00252-525-5220-Mob
Tel. 00252-523-5220-Res.
Bosasso.
NER - Somalia
MINNESOTA:
AIDS-ka oo Kusoo Badanaya Dadka Ku Dhashay Afrika ee Ku Dhaqan Gobolka
Minnesota, USA
Waaxda Caafimaadka u qaabilsan Minnesota
ayaa sheegtay in cudurka AIDS-ku uu..... GUJI...
17/4
MILICSI KU SAABSAN AXDIGA FEDERAALKA EE KU MEEL GAARKA AH
Qormada-koowaad ee dastuurka federaaliga
ah ee Soomaaliya oo ka kooban 30 baal waxaa soo akhriyey Ibraahim
Maxameddeeq ... GUJI
|