SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
 "Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 08-10-2002 waxaannu go’aan wadajir ah ku gaarnay in aannu sinna uga qayb gelin doonin Shirkada Eldoret ilaa la saxo qaladaadka....... " sidaas waxay ku cadahay warsaxaafadeedkan

WAR MURTIYEED

Shir degdeg ah oo ay isugu yimaadeen maanta oo ay taariikhdu tahay 08-10-02 Guddoomiyeyaasha Ururada kala ah:

USC, USC/SNA, SAMO, USC/SSA, GNS, USC/PA, SSNM/WAMO IYO SSNM/ASAL

Waxaa si qotodheer loo gorfeeyey qaabka iyo hannaanka qabanqaabada ka qayb-galka shirka dibuheshiisiinta Soomaaliyeed ee Eldoret, Kenya.

I  I  D  H  E  H

Dood dheer kadib, waxaa si wadajir ah loo go-aamiyey qodobada soo socda:-

1. Kadib markii la arkay lana hubiyey in ilaa hadda wax qoraal ama faafin rasmi ah oo ka soo baxday Guddiga Farsamada IGAD aysan jirin, laga soo bilaabo maalintii Madaxweynayaasha Dalladda IGAD KU BAHOOBAY ay Khartoum, Sudan ku go-aamiyeen kalfadhigii 8aad ee IGAD 10 ilaa 11ki Janaayo, ž in Somaliya loo qabto shir dibuheshiisiin qaran;

2. Kadib markii la darsay lana xaqiijiyey in Guddiga Farsamada ee IGAD ay ka talo qaataan qaybo kala duwan oo waayaragnimo u lahayn Umuuraha Soomaaliyeed isla markaana aan sinna u sugi karin caddaaladda kuwaasoo ku shaqeeyey caatifad qabiil;

3. Kadib markii la ogaaday lana hubiyey in qaabka loo diyaarinayo shirka uusan ahayn mid talooyin laga weydiyey Somaalida uu shirka quseeyo, shirkaasoo aad moodo inay gacanta ku hayaan amasaba ka talo bixiyaan shaqsiyaad aan daacad ka ahayn guusha shirka ee Eldoret;

4. Kadib markii la helay lana darsay warar duulduul ah oo lagu kalsoonaan karo oo ka soo baxay Guddiga Farsamada Igad iyo shaxdii ka qayb-galayaasha shirka (participants) waxaa cad in qaybinta ergooyinka aan lagu saleyn qabiil, beel, gobol iyo ururo siyaasadeed midna, shaxdaasoo aad iyo aad uga fog xaqiiqda dhabta ah ee Soomaaliya;

5. kadib markii la ogaaday lana darsay in shaxda ka qayb- galayaasha ka muuqato xaqiraad ulakac ah oo loo geysanayo qowmiyaddaha qowmiyad ka mid ah oo ay IGAD ku magacawday magac aan Somaalida dhexdheeda ka jirin sida (Other Minorities), qowmiyadaasoo loo yaqaano JAREERWEYNE.

6. kadib markii la ogaaday in si ulakac ah loo kala takooray gobollada Soomaaliyeed, iyadoo aan la xusin gobolo jira sida Jubada Dhexe, Gedo, Sh./Hoose, Benaadir, Galgaduud iyo Mudug (degmooyinka aan ka tirsaneyn Puntland); iyadoo ilaa hadda aan la garan sababaha loo takooray goboladaasi;

7. kadib markii aannu ogaanay in Guddiga farsamada ee IGAD ay si weyn u bunbuuniyeen aqoonsadeenna GUDDI loogu magac daray “Intellectuals Advisory Committee” oo ay IGAD iskeed u soo xushay, guddigaasoo aan lagala tashan Ururada Siyaasadeed iyo qaybaha kale ee ka qayb galaya shirka midna, iyadoo Xubnaha Guddigani 70% laga soo xulay Qowmiyad keliya, isla markaana aan la xusin Qowmiyad Soomaaliyeed oo jirta. Waxaa kaloo xusid midan in xubnaha guddigaas intooda badan ay yihiin kuwii iska horkeenay UNISOM I, UNISOM II iyo Shacbiga Soomaaliyed sagaashameeyadii, xubnahaasoo horey uga tirsanaa rejiimkii hore ee dalka laga xoreeyey una ceel qabay inay maalin –uun-ka aargoostaan ururadii xukunka ka riday imankana fursad loo siiyey. Tusaale: waxaan caqligal ahayn in Hoggamiyeyaashii Siyaasadda dalka uu Guddiga Farsamda IGAD siiyo min-2- xubnooda ergooyinka ka qayb galaya shirka, isla markaana bulshada raydka ah lagu maamusay 100 xubnood oo ergo ah.

Waxaannu caddeyneynaa inaan sinna loogu baahneyn hawlgalka Guddigaas, mar haddii ay gedigood Somali wada yihiin kana aan fogaan karin eex iyo ficilo kale oo burburin kara hannaanka iyo wanaagga shirka Eldoret;

8. kadib markii la maqlay lana qiimeeyey war-saxaafadeedkii ay magaalada Nairobi ku bixiyeen Diplomaasiyiinta Wadamada reer-Galbeedka kuna saabsanaa arrimaha Somaaliland oo aad moodo in si weyn loogu ololeynayo inay ka go’do Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyo markii la ogaaday cabburinta shirka Eldoret oo u socdo qaab laga damacsan yahay inuu fashilmo laguna tacdiyo dadaalkii weynaa ee Dawladdaha Carabka iyo Afrikaankuba ugu jireen in Somaliya loo dhiso Dawlad Qaran oo loo dhan yahay;

9. Kadib markii aannu ogaanay inaan wax tixgelin ama mudnaan ah la siin qoraalkii talooyinka ku qornaa oo ay horey ugu gudbityeen Guddiga Farsamada IGAD qaar ka mid ah Hoggamiyeyaasha Soomaaliyeed 27.9.02, qoraalkaasoo ay magaceenna ku saxiixeen iyagoo ku sugan Magaalada Nairobi;

10. kadib markii la xaqiijiyey in Guddiga Farsamada dibuheshiisiinta Soomaaliyeed ee Eldoret buro weyn laga siiyo wax lagu sheego BULSHADA RAYDKA AH (Civil Society), taasoo loola jeeday in lagu xaqiro jiritaanka Ururada Siyaasadeed ee dalka oo ah kuwa keliya oo mudan in loo dhigo gogol dibuheshiisiineed oo ay ku soo dhisaan Dawlad qaran oo loo dhan yahay. Balse hadiiba shirkaasi looga maarmin ln lagu casumo bulshada rayidka ah, waxaa soo magacaaban kara Ururadii Siyaasadeed iyo Maamul-Goboleedyadii aan ka qayb gelin shirkii Carta ee Djibouti.

11. kadib markii la darsay lana ogaaday in Qowmiyadaha Hawiye iyo Dir ee shaxda IGAD aan lagu xusin qabaail badan oo ka kala tirsan labadaas Qowmiyadood, sida: Shiiqaal, Gaaljecel iyo Madaxweyne Dir iyo Surre iyo qabiilo kale, qabaa’ilkaasoo xuquuqdii ay dalka ku lahaayeen la doonayo in si sahlan lagu dudsiiyo;

12. Si loo sugo caddaaladda waxaan marnaba la oggolaaneyn in tirada ergooyinka loo kala badiyo Kooxda Carta, SRRC Godey, SRRC Nakuru iyo Ururada kale ee wax ku lahaa saxiixi Nakuru Jaanib kasta ha u saxiixeene, waxase caddaalad darro qeexan ah in la kala fadli yeelo xooggagaas taasoo u muuqato in Guddiga Farsmada ee IGAD ay ku shaqeeyeen qaab ah nin-tooxsi iyo nin-jecleysi.

13. kadib markii la ogaaday inuu Shirku yahay shir ay ku amar-ku-taagleynayaan shisheeye oo ka talo qaata shaqsiyaad danley ah oo aan dooneyn inuu shirkaasi najaxo, sababtoo ah ilaa hadda waxaanan waxba ka ogeyn magacyada ergooyinka Shirka iyadoo xaqu yahay inaan anaga Soomaalida ah ogaano soona xulno cidda ina mataleysa. Waxaa la yaab leh inuu Ergaga Gaarka ee Dawladda Kenya caddeeyey inay wax waliba diyaar u yihiin shirka, ugu dambeynna la doonayo in ergooyinka 11ka bishan ku sugnaadaan magaalada Nairobi;

G O ‘ A A N:

Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 08-10-2002 waxaannu go’aan wadajir ah ku gaarnay in aannu sinna uga qayb gelin doonin Shirkada Eldoret ilaa la saxo qaladaadka kor ku xusan mooyane, iyo ilaa shirkaasi loogu ekeysiinayo inuu yahay shir ay go’aanadiisa, talooyinkiisa iyo ergoyinkiisaba u madax banaanadaan Ummadda Soomaliyeed, Dawladdaha IGADna ay ku ekaadaan kaabayaal shirka.

WABILLAAHI TOWFIIQ

###

AFHAYEENKA SH. AADAN MADOOBE IYO XAABSADE OO BEENIYEY WARARKA SHEEGAYA IN GABAR 8 JIR AH LAGU KUFSADAY MAGAALADA BAYDHABO  AKHRI...

cabdulaahi mire 
qadaafi114q@hotmail.com 
SomaliTalk.com | Muqdisho

Oct 8, 2002


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
DIGNIIN:
»» Virs cusub... BUGBEAR
»» Virus cusub .... OPASOFT
»» Viruska Halista ah ee Goldfish. 
»» Taxadarka Emailada Nayjeeriya
»» Xusuusin  carruurta iyo Internetka
 Dhammaan ka akhri halkan 
OGEYSIIS - OTTAWA

KALFADHIGA ISLAAMIGA EE 5AAD

QURBAHA IYO SOOMAALIDA 10 SANO KA DIB

Sat October 12, 2002
11:00 AM –8:00 Pm
202 Mont petit
125 University St 
(Ottawa University)

Faahfaahinta - GUJI...  



Lewiston-USA. Duqa magaalada ayaa ku yiri soomaalida ha yareeyaan soo quluqulkooda; waa la idin dhibsaday. 

Muslimiinta Kenya oo loogu baaqay in ay Midoobaan

  Muslimiinta Ethiopia oo Caawimo Geysanaya  


  
EU & Kenya oo Saxiixday Heshiis maalgelinya shirka Soomaalida
  Ogadeenya oo Lagu Xirxiray Shacab

I I D H E H 

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD