SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
Barnaamij dood ah oo uu qaban qaabiyey Sagal Radio: ayaa waxaa ka qeyb galay dhageystayaal soomaaliyeed oo isugu jira rag iyo dumar waxaa laga doodayey Shirka Dib u Heshiisiinta Soomaalida ee Eldoret ee wadanka Kenya dhawaan ka dhacaya. waxaa soo jeedinaya weriye Abdulahi Nur Kolombo.oo ka tirsan bahda Sagal Radio. Riix Halkan  

AFHAYEENKA SH. AADAN MADOOBE IYO XAABSADE OO BEENIYEY WARARKA SHEEGAYA IN GABAR 8 JIR AH LAGU KUFSADAY MAGAALADA BAYDHABO

Baydhabo

Afhayeenka ku xigeenada RRA-da Sh. Aadan Madoobe iyo Max'ed Ibraahim Xaabsade oo haatan gacanta ku haya maamulka magaaladaas ayaa beeniyey, isla markaana wax aan sal iyo raad lahayn ku tilmaamay warar sheegaya in maalintii shalay ahayd gabar 8 jir lagu kufsaday magaaladaas.

I  I  D  H  E  H

Gabadhan 8 jirka ah ayaa la sheegay in ay fara xumeeyeen maleeshiyooyinka dhowaantan gacanta ku dhigay magaalada Baydhabo, iyadoo aabaha gabadhan oo lagu magacaabo Sh. Max'ed Xasan Diinlow uu shaaciyey in gabadhiisa la kufsaday.

Afhayeenkan oo xalay u waramayey warbaahinta ayaa sheegay in Sh. Diinlow oo ah gabadha aabaheed uu masaajidka weyn ee magaalada Baydhabo dhexdiisa uu ka caddeeyey in hadalkii uu shaaciyey uu ahaa mid been ah, iyadoo ay goobtaasi goobjoogayaal ku ahaayeen culumaa'udiin fara badan waa sida uu hadalka u dhigay Afhayeenkee.

Arrintan ayaa ka yaabisay dadka deegaanka, waxayna wararka qaar sheegayaan in waxa ku kalifay Sheekha in uu beeniyo hadal uu horey u yiri ay tahay cabsi uu ka qabo in la waxyeeleeyo, balse mar aan weydiinay Afhayeenka in cabsi darteed uu sheekhu u beeniyey hadalkiisii uu inoo sheegay in arrintaasi aysan waxba ka jirin.

SH. AADAN MADOOBE IYO XAABSADE OO DOWLADDA ITOOBIYA AY U YEERTAY IYADOO HALKAASI UU KAGA SII HOREEYO COL. SHAARGADUUD

Xudur

Wararka naga soo gaaraya magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ay u yeertay ku xigeenada RRA-da Sh. Aadan Madoobe iyo Xaabsade, iyadoo habeenimadii xalay ahayd uu Col. Xasan Max'ed Nuur Shaargaduud uu xalay u ambabaxay degmada Godey ee kilinka shanaad ee Soomaalidu degto.

Lama oga waxa ay dowladda Itoobiya ugu wacday Shaargaduud iyo ku xigeenadiisa dhinaca RRA-da, balse ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ay ku doonayso inay ku dhexdhexaadiso labadan dhinac oo khilaaf xoog lihi uu ka dhexeeyo.

Dhinaca ku xigeenada ayaa la sheegayaa in illaa iyo haatan aysan wax war ah oo diidmo ama ogolaansho ah aysan ka soo bixin, waxayse warar ku dhow dhow sheegayaan in Sh. Aadan Madoobe uu u ambabixi doono dalka Itoobiya halka uu Xaabsade sii joogayo Baydhabo.

Col. Shaargaduud oo horey isaga dhega tiray hadal ka soo yeeray dowladda Itobiya ee ahaa in uu ka tanasulo dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa haatan la garaneyn wuxuu kala kulmi doono. Halka ku xigeenadiisa dhanka RRA-da ay iyaguna heshiis la galeen dowladda KMG ah iyo Isbaheysiga Dooxada Jubba oo Itoobiya ay si weyn uga soo horjeeddo.

ILAALADA HOYGA MADAXWEYNE DKG C/QAASIM OO GADOOD SAMEEYEY

 
C/Qaasim iyo Waardiyihiisa
somalia Golaha Baarlamaanka DKG
Warbixintii Safaarada Soomaalida ee Liibiya
u qaybsanaha arimaha gobolka Baalkanka ee DKMG , ahna safiirka Soomaaliya u fadhiya Liibiya ayaa GUJI..   Oct 2
Muqdisho

Ilaalada hoyga C/qaasim ayaa maalintii shalay ahayd gadood sameeyey kadib markii min 300,000. Sh.So. (saddex boqol oo kun oo shilin Soomaali ah la siiyay iyadoo 9 bilood aan wax mushaar ah la siinin, waxayna ciidamadani hoyga madaxweyne C/qaasim ku foorariyeen qori noociisu ahaa B. Time oo gaari saarnaa.

Shalay ayaa mushaarkoodii la siiyay Mudanayaasha Baarlamaanka iyo Wasiirada dowladda KMG ah, taasoo la dhihi karo waa midda dhalisay in ay ka caroodaan ciidamada ilaalada qaaska ah guriga Madaxweyne C/qaasim.

Mushaarka la siiyey Mudanayaasha Baarlamaanka iyo Wasiirada ayaa ahaa mid ay ku qanceen, balse ay ilaaladani ku andacoonayaan in aan illaa iyo 9 bilood aan wax mushaar ah la siinin, isla markaan ay ka biyo diideen in ay qaataan lacagtan saddexda boqol ah oo ay ku tilmaameen mid aan dabooli karin baahidooda oo magac uun ku raacayo.

cabdulaahi mire 
qadaafi114q@hotmail.com 
SomaliTalk.com | Muqdisho

Oct 8, 2002

Ka Qaybgelimeyo Shirka Eldoret
ilaa la saxo khaladaadka... sidaas waxaa yiri ururo warsaxaafadeed kasoo saaray Muqdosho GUJI... oct 8

Nuur Cali Buubaal oo La Dhaawacay
MUQDISHO - Koox dabley ah ayaa ku dhaawacay Muqdisho ganacsade weyn oo caan ah GUJI... oct 7

Mudulod Denmark oo doortey Xubnihi GMM
Shir lagu qabtey Denmark Magalada Aarhus ayaa waxaa ka so qaybgaley Muduloodka degen Denmark GUJI. oct 7

Shaarguduud waxa uu kusoo laabankaraa
Baydhabo oo keliya isagoon huwanayn magac madaxweyninimo.. waxaa yiri C/laahi Axmed Black GUJI oct 7


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
DIGNIIN:
»» Virs cusub... BUGBEAR
»» Virus cusub .... OPASOFT
»» Viruska Halista ah ee Goldfish. 
»» Taxadarka Emailada Nayjeeriya
»» Xusuusin  carruurta iyo Internetka
 Dhammaan ka akhri halkan 
OGEYSIIS - OTTAWA

KALFADHIGA ISLAAMIGA EE 5AAD

QURBAHA IYO SOOMAALIDA 10 SANO KA DIB

Sat October 12, 2002
11:00 AM –8:00 Pm
202 Mont petit
125 University St 
(Ottawa University)

Faahfaahinta - GUJI...  



Lewiston-USA. Duqa magaalada ayaa ku yiri soomaalida ha yareeyaan soo quluqulkooda; waa la idin dhibsaday. 

Muslimiinta Kenya oo loogu baaqay in ay Midoobaan

  Muslimiinta Ethiopia oo Caawimo Geysanaya  


  
EU & Kenya oo Saxiixday Heshiis maalgelinya shirka Soomaalida
  Ogadeenya oo Lagu Xirxiray Shacab

I I D H E H 

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD