SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Yusuf Dheeg : "DKMG ah diyaar beey u tahay ineey itoobiya la bohoowdo ....."

ISHA: asharqalawsat  | Tarjamadii C/raxman Ceynte

I  I  D  H  E  H

Cairo- Sida eey sheegtay jariidada Al-sharq-al-awsat ee fadhigooda yahay magaalada London, afka carabigana ku soo baxda, wasiirka arrimaha dibadda ee DKMG ah Mr Yusuf Xasan Ibrahim (Deeg) ayaa ku dhawaaqay in dowladiisu diyaar u tahay ineey Ethiopia kula midowdo nidaamka Confederal-ka, hadii eey " dowladda itoobiya taageerada ka joojiso mucaaradka DKMG ah" isla markaana " eey aqoonsato jiritaanka & sharcinimada DKMG " wuxuuna raaciyey " hadii eey sidaas sameyso Ethopia; wexeey noqon doontaa talaabadii ugu horeysay ee aan kula midoobi laheyn Itoobiya si Confederal ah " !

Bayaankan layaabka la lihi wuxuu ku soo beegmay waqti eey DKMG ahi dooneyso ineey wanaajiso xiriirka siyaasadeed oo eey la leedahay dariskeeda itoobiya, labada xukuumadood ayaa indhawaalaba isweydaarsanayey dhaleeceyn sababo la xiriira xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Itoobiya iyo golaha SRRC.

wasiirka Mr Yusuf Xasan Ibrahim (dheeg) ayaa sheegay inuu masuuliyiinta reer itoobiya ee uu kula kulmay shirkii Durban (South Africa) ka codsaday in itoobiya joojiso taageerada eey siineyso golaha SRRC ee " caqabadda ku ah geedi socodka dibu heshiisiinta soomlia " wuxuuna ka codsaday in itoobiya " eey aqoonsi siyaasadeed oo rasmi ah u fidiso dowladiisa " wuxuuna sii raaciyey " marka sidaasu dhacdo, DKMG ah wexeey diyaar u tahay ineey baadi goobto la bohoobidda Itoobiya, iyadoo loo sii marayo nidaamka Confederal-ka ah".

"Xalku waa : Karazaay soomaaliyeed"  GUJI Faaladii Ceynte

Wasiirka ayaa markale ku celiyey ineeysan waddankiisa ka jirin urur argagixiso, isagoo ku nuuxnuuxsaday in ururka Al-Itixaad uusan dhab ahaan joogitaan la taaban karo ku laheyn somalia - ururkan oo ah midka eey Itoobiya sheeganeyso inuu weeraro argagixiso uga soo qaado gudaha somalia - .

wuxuuna ku adkeystay in " Al-itixaad uusan sii aheyn mid sidii hore u xoogbadan, isla markaana uusan ururku awoodin inuu siyaasad ahaan dib isu habeeyo, dalalka dariska ahna uusan khatar ku aheyn, maxaa yeelay maba awoodi inuu weeraro lixaad leh qaadee " wasiirku wuxuu beeneystay in wax xiriir ah ka dhexeeyaan Al-Itixaad & Al-qacida, isagoo raaciyey " soomalida intooda badiniba sept 11 ayaa ugu horeysay maqalka Al-Qacida."

wasiirku wuxuu ku soo gunaanaday in dowladiisu diyaar u tahay ineey iskaashi xagga ka hortagga argagixisada & ururadoodaba ah lagasho Itoobiya, iyo ka hortagga jiritaanka urur kasta oo khatar galin kara waddanka Itoobiya ".

warkan ka soo yeeray masuulkan ayaa la yaab ku noqon doona kumanaan soomaali ah oo aaminsan in cadowga kaliya eey leeyihiinu uu Itoobiya yahay, isla markaana wuxuu dhabar jab ku noqon doonaa dadaalka eey ku jiraan ururada xornima u dirirka ah ee ka jira soonka 5aad ee dalka Itoobiya oo ah dhul soomaaliyeed, wasiirku hadalkiisan isaga ah wuxuu si dahsoon ugu qirtay itoobiya in dowladiisu eeysan wax rajjo ah ka laheyn u doodida dhulka soomalida ee Itoobiya heysato .

Arrinta sheegida mudani wexeey tahay in DKMG ah ee lagu soo dhisay tuulada Carta ee waddanka Djibuti eey ku guul dareysatay dib heshiisiinta iyo xasilooni u helida qaranka, wexeeyna dowladdu barnaamijyadeeda siyaasadeed ku fulisaa dhowr KM oo katirsan magaala madaxda Muqdisho, oo inteeda badani eey ka seed caleeyaan hoggaamiye kooxeedyadu, walow eey dowladdu qeyb ahaan heysato aqoonsi caalami ah oo eey ku fariistaan kursiga soomaliya ee shirarka caalamka.

DOODFURAN: Aragtida Dadweynaha & Hadalka Wasiirka A/D ee DKG 

C/raxman Ceynte

St.paul, MN

ceyntejournalist@attbi.com 

 

ISHA QORAALKA: http://www.asharqalawsat.com/view/news/2002,10,12,129559.html 

"Xalku waa : Karazaay soomaaliyeed"  GUJI

Oct 12, 2002


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
DIGNIIN:
 Virus Halis ah  akhri halkan 
OGEYSIIS - OTTAWA

KALFADHIGA ISLAAMIGA EE 5AAD

QURBAHA IYO SOOMAALIDA 10 SANO KA DIB

Sat October 12, 2002
11:00 AM –8:00 Pm
202 Mont petit
125 University St 
(Ottawa University)

Faahfaahinta - GUJI...  



Lewiston-USA. Duqa magaalada ayaa ku yiri soomaalida ha yareeyaan soo quluqulkooda; waa la idin dhibsaday. 

Muslimiinta Kenya oo loogu baaqay in ay Midoobaan

  Muslimiinta Ethiopia oo Caawimo Geysanaya  


  
EU & Kenya oo Saxiixday Heshiis maalgelinya shirka Soomaalida
  Ogadeenya oo Lagu Xirxiray Shacab

I I D H E H 

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD