ISAGA DAB-QAAD DHINACYADA ISKU-HAYA SIYAASADDA
PUNTLAND
BOOSAASO | Agoosto 12, 2002
Waxaa ayaamahan laysla dhexmarayaa in ay bilaabatay
hawlgal siyaado ah oo ku saabsan sidii loogu kala
dabqaadi lahaa labada garab ee siyaasada Dawlada
Goboleedka Puntland isku haya, si nabad loogu helo
siyaasada guracan ee Puntland ka jirta.
Mar ay SomaliTalk u suurta gashay in aan dad xog-ogaal ah
waraysano, waxayna noo xaqiijiyeen in arinkaasi run
yahay, aadna loogu dadaalayo in nabad la helo. Waxaa
dadkaasi oo ah aqoon yahano reer Puntland ah noo
sheegeen in ay awoodooda labalaabayaan si loo helo is
afgarad ku saabsan sidii laysula fariisan lahaa loona
wadda hadli lahaa.
Iyada oo taasi jirto ayaana weli waxaa la gaarin
mawqif cad oo laysugu imaankaro. Qof aan arinkaas si
fiican uga waraysanayna waxaa uu noo cadayey in hawsha
nabadu ay ilaa hada aad iyo aad u qalafsan tahay.
Labada garab ee siyaasada isku hayana ay ilaa iyo hada
aad iyo aad u kala fog yihiin. Waxaase warku
sheegayaan in aad laysugu hawlayo sidii labad garab
laysugu soo dhoweyn lahaa loona heli lahaa is afgarad
keena marka hore nabad, marka xigana wadda hadal labad
dhinaca ah.
Waxaa dadka arinkan ku hawlani shegeen, in ay aad isu
hawlayaan sidii nabad loo keeni lahaa. Warkoodana
waxay ku dareen in aanay ka caajiseyn arinkan aad ugu
weyn dadka wadda dega Puntland. ISHA:
Wargal
========================================
PUNTLAND PEACE MISSION
A news coming from Bosaaso, in Puntland, is saying
that over the past one week there has been a
substantial efforts toward finding an effective
political solution for the political problems in
Puntland.
The news reaching us is saying that an intellectuals
from the Puntland Diaspora, who are trying to
facilitate a talk between the two, have been trying so
hard in finding initial agreement between the two
party and the difference between the two party, so
far, has been, huge one. A very informed person that
we have asked question on this issue informed us that
the situation has been so far a "up hill battle" as
the two party have been adamant to their positions.
However, there are some positive steps so far, said a
well informed individual who involve this issue. SOURCE:
Reliable sources
FAAFIN: SOMALITALK.COM | AUGUST
12, 2002
WARKA XIGA - GUJI
WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
Help The Fight Against Spam!
|