BAAQ XABAD JOOJIN, DAGAAL JOOJIN IYO NABDEEN
KU SOCOTA: KUWA DAGAALKU KA DHEX SOCDA IYO DHAMAAN SHACABKA REER PUNTLAND EE
DIBADA IYO GUDAHA KU NOOL
ANIGA OO AH MOHAMED ABDIRASHID ALI SHARMARKE, AH SIYAASI, WADANI, WAXGARAD
SOMALIYEED, KA MID AH DADKA UGU FIR FIR COON RAADINTA HORUMARKA, MIDNIMADA IYO
NABADA PUNTLAND IYO SOMALIYA, WAXAAN LABADA KOXOOD EE IS DAGAALYA KA CODSAN IN
AY TIX GALIYAAN AQLABIYADA SHACABKA PUNTLAND OO RABA IN DAGAALKA IYO DILKU
JOOGSADO.
PUNTLAND 12KII SANO EE SOMALIA QAARKEED DAGAALO KA SOCDEEN, ILAAHAY WAA BAD
BAADSHAY. REER PUNTLAND WAXAA LOO HAYSTAY IN AY YIHIIN DAD BISIL OO NABADDA
JECEL, WAA NASIIB DARO IN FIKRADDA FIICAN EE NALA KA HAYSATAY EY BEENOWDAY.
MAANTA WAXAA LAMA FILAAN AH IN DAGAAL, DIL IYO DHIIG SOKEEYE UU KU DAADANI
GOBALKA BARI EE PUNTLAND, KHAASAN DAGMADA QARDHO.
ANIGA OO U HADLAYA DHAMAAN SHACABKA PUNTLAND WAXAAN KA CODSANI LABADA DHINAC EE
DAGAALKU KA DHEX SOCDO IN AY;
1. SI DEG DEG AH XABADA IYO DAGAALKA U JOOJIYAAN.
2. IN DHIBAATADA DHACDAY, TAN TAAGAN IYO MUSTAQBALKA PUNTLAND IYO UMADDA KU
NOOL, XAL DEG DEG AH AAN UGU HELNAA.
ANIGU WAXAAN DIYAAR U AHAY IN AAN HORSEEDO, KA SHAQEEYO, UNA GURMADO SIDII XAL
DEG DEG AH LOO HELI LAHAA DHIBAATADA SIYASADEED EE KA TAAGAN PUNTLAND.
INTII DHIMATEY ALLAHA U NAXARIISTO, INTA DHAAWAC AHNA ALLAHA CAAFIMAADSHO.
WA BILAHI TAWFIQ
MOHAMED ABDIRASHID ALI SHARMARKE
maarashid@yahoo.com
FAAFIN: SOMALITALK.COM | AUGUST
12, 2002
AFEEF: Aragtida qoraalkaan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Warsaxaafadeedyadii Maxamed Cabdirashiid
War-Saxaafadeed August 31, 2001
War-saxaafadeedkii
August 14, 2001
War-saxaafadeedkii
August 6, 2001
War-Saxaafadeedkii
June 26, 2001
War-Saxaafadedkii
June 13, 2001
War-Saxaafadedkii
Feb 8, 2001
War-Saxaafadedkii April 25,
2001
WARKA XIGA - GUJI
WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
Help The Fight Against Spam!
|