BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa
ENGLISH.VERSION
Ku: Maamulka Hargeysa.
Ku: Isimada iyo Indheergaradka Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya.
Ku: Warbaahinta oo Dhan.
Og:Isimada iyo Indheergaradka Soomaaliyeed.
Og:Ummadda Soomaaliyeed oo Dhan.
Og:Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Og:Dhamman Hay'adaha Qaramada Midoobay ee deggan dalka Soomaaliya.
Og:Dhammaan Hay'adaha Samafalka ee deggan dalka Soomaaliya.
Annagoo ah Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda ka soo jeedda gobolada Sool,Sanaag
iyo Hawd ee Somalia degganna dalka Kuwait waxaanu maamulka Hargeysa uga
digaynaa inuu iskudayo inuu doorashooyinka uu ku dhawaaqay inuu qabanayo
bisha Oktoobar 2002da ka hirgeliyo gobolada Sool,Sanaag iyo Hawd.Isla
markaas waxaanu maamulkaas kula talineynaa inuu ka waantoobo sheegashadiisa
ah in goboladaasi ka mid yihiin waxa uu ula baxay "Somaliland" taasoo ilaa
hadda laga kari la'yahay.
Waxaanu maamulkaas xusuusineynaa arrimaha soo socda oo ah kuwo isagoo og uu
iska indhatiro isla markaasna ah sababaha aanu doorashooyin ugu qaban karin
goboladaas ahna kuwa hortaagan himiladiisa dhalanteedka ah:-
1}Gobolada Sool,Sanaag
iyo Hawd oo baaxadooda dhuleed tahay in ka badan 50%
dhulkii sannadkii 1960kii ka hor loo yiqiin "British Protectorate of
Somaliland" qabiil ahaan dadkoodu waa ka duwanyahay dadka ku dhawaaqay ka
goosashada dalka hooyo.
2}Dadka goboladaasi waxay aaminsanyihiin midnimada dalka Somalia waxayna ka
soo horjeedaan siyaasadkasta oo ku saleysan kala goynta dalka.
3}Waxa Isimada iyo wax garadka goboladaasi aaminsanyihiin kuna dhaqmaan
habka nabad kuwada noolaanshaha,isxaqdhowrka iyo kala badbaadinta dadka
deriska ah taasoo ay u arkaan in nabaddu cid walba dan u tahay gaar ahaan ka
dib markii Ummadda Soomaaliyeed soo martay dagaal sokeeye oo cid walba
saameeyey.Waxa madaxda goboladas iyo dadweynohooduba aaminsanyihiin in isku
xadgudubku halis geliyo nabadda waana sababta aanay arrimaha deriskooda u
faragelin.Sidaas darteed waxay ka filayaan deriskoodu inuu ka waantoobo
faragelinta arrimahooda.
4}Goboladaasi waxay leeyihiin Isimo iyo indheer garad haga kana taliya
danahooda.Waxa u dhisan hay'ado u qaabilsan arrimaha bulshada sida
waxbarashada,caafimaadka,isgaarsiinta, biyaha iwm. waxayna hadda u
tabaabushaysanayaan dhisidda hay'adaha ka dhiman.Sidaas darteed cid kale
ugama baahna inay maamul bulsho u sameyso oo doorasho u abaabusho.
Waxaan rajeyneynaa in maamulka Hargeysa ku qanco qodobada kor ku xusan kana
digtoonaado inuu dab faraha la galo.Waxa la gudboon maamulka Hargeysa inuu
xusuusto jabkii iyo halaagii ku dhacay ragii uu hore ugu soo diray
goboladayada si ay siyaasadihiisa uga fuliyaan.Waa inuu xusuustaa guul
darraadii ka raacday afti ku sheegtii bishii May 2001.
In kastoo maamulkii ina Cigaal been ka sheegay afti ku sheegtaas haddana
maamulka cusub ee Hargeysa oo aan kii hore ka duwanayni waa ogyahay inaan
dadkayagu afti ku sheegtaas u codayn raggii sanaadiiqda loo soo dhiibayna ay
ku dhici waayeen inay goboladayada keenaan tiradii yarayd ee soo gashayna la
qabtay oo warbaahinta aduunka loo bandhigay.
Waa in maamulka Hargeysa xusuustaa guul darradii ka raacday ciidamadii uu
bishii July ee la soo dhaafay keenay xuduuda gobolka Sool halkaasoo
ciidamadiisu ku dhici waayeen inay soo galaan gobolka ka dibna guul darro
kula noqdeen meeshii ay yimaadeen.
Waa in maamulka Hargeysa ogaadaa in dagaalo ba'an uu la kulmi doono hadduu
isku dayo inuu doorasho ku sheegtiisa goboladayada la yimaado.Marka
dagaaladaasi dhacaan waa inuu ogaadaa in khasaaraha weyni isaga ku dhacayo
iyadoo jabka uu halkaas kala tegi doono ka sokow ay soo af jarmeyso
riyadiisii ahayd "Somaliland" iyo ictiraaf doonkiisii dhalanteedka ahaa.
Si uu tageero siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba u helo,waxa si joogta ah
maamulka gooni u goosatadu aduunweynaha ku beer laxawsadaa in waxa uu ula
baxay "Somaliland" nabadgelyo ka jirto.Haddi maamulkaasi soo farageliyo
arrimaha goboladayada waa inuu ogaadaa in mucaawamadii uu beerlaxawsigaas ku
heli jiray soo afjarmeyso.Sidoo kale waa inuu ogaadaa in riyadii beenta
ahayd ee ictiraaf rajayntu noqoneyso mid taageerayaashiisa riyoonayaa ka
rajabeelaan ka dib marka maamulku ku gubto dagaalada fargelintiisu huriso.
Waxaanu maamulkaas kula talinaynaa inuu ka feejignaado iskana hubiyo wararka
uu ka helo nimanka u dhashay gobolada Sool,Sanaag iyo Hawd kuwaas oo ugu
sheekeeya in maamulku taageerayaal badan ku leeyahay goboladaas.Maamulka iyo
axsaabta kale ee ka furan Hargeysi ha ku cibra qaateen guuldarradii ka
gaartay sahamadii ay u soo dirteen goboladayada kuwaas oo dhammaantood guul
daarro la noqday markay taageerayaal waayeen.
Waxaanu dhammaan dadka iyo hay'adaha Bayaankani tooska iyo ogeysiintaba ugu
socdo u sheegaynaa in maamulka Hargeysi ka mas'uul yahay dhibaatada dhacda
hadduu isku dayo inuu gobolada Sool,Sanaag iyo Hawd doorasho ka hirgeliyo.
NIN KUU DIGAY KUMA DILIN.
Waxa BAYAANKAN soo saaray Guddiga Fulinta ee SSH-Kuwait oo ah:
1}Saalax Shire Saalax.......................................Guddoomiye
2}Axmed Maxamed Aadan {Tabaatiig}..................Xubin
3}Xasan Cali Nuur {Guntan}....................................."
4}Cali Maxamuud Cali Bayr......................................."
5}Cabdullaahi Sheikh Maxamuud..............................."
6}Maxamed Xirsi Muuse {Caynab}............................"
7}Saciid Ismaaciil Ibraahim {Hiimbool}......................."
8}Axmed Maxamed Cali {Raadsato}........................."
9}Naasir Sheikh Saalax.........................................."
10}Maxamuud Xaaji Cumar {Barraadle}..................."
11}Maxamed Sacad Maxamed.................................."
12}Cabdullaahi Maxamed Aadan{Gadhyare}................"
13}Bashiir Maxamuud Jaamac...................................."
14}Yuusuf Axmed Kawir..........................................."
Kala Xiriir:
Axmed Maxamed Aadan {Tabaatiig} ssh_kuwait@hotmail.com
ENGLISH.VERSION
FAAFIN: SOMALITALK.COM | AUGUST
12, 2002
AFEEF: Aragtida qoraalkaan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
WARKA XIGA - GUJI
WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
Help The Fight Against Spam!
|