Faalladii Xagar Yare ee Billada Zenawi
Bartamaha bishan julay ayaa
waxaa saxaafadda dalka ethiopia si xoogleh loogu faafiyay in raiizal wasaaraha
dalka ethiopia mr meles zenaawi uu ku guulaystay(world peace award) biladda
nabada caalamka oo lagu xuso nabad doonada caalamka, taasoo ay gudoonsiiyeen THE
WORLD PEACE COUNCIL : isagoo ku mutaystay xal u helida dagaalka sokeeye ee
soomaaliya, iyo nabad ka aslaaxinta ethiopia iyo eritrea..
[WARKA
OO DHAN HOOS KA AKHRI] |
|
|
World Peace Council (Athens)
July 23, 2002 Athens
In light of published accounts that the World Peace Council
awarded a prize to President Meles Zenawi of Ethiopia, the WPC press bureau
wishes to declare that no such award was given by our organization in the past
or will be given to anyone.
All other information on this subject, wherever they
originate from, should be considered as false and deceptive.
More information on WPC’s believes and activities can be
found on our official web site: www.wpc-in.org
. Email: info@wpc-in.org
ISHA: http://allafrica.com/ethiopia
FADEEXADII UGU WEYNEYD OO LASOO GUDBOONATA DALKA ITOOBIYA
KA KAHRI Halkan
ama halkan
|
Laguma soo saarin sawirada
xafladda lagu gudoonsiinaayay raiisal wasaaraha jaraa'idada dalka Itoobiya, hayeeshee
waxaa laga arkayay sawiro uu labisnaa dharka ay xidhaan marka ay ardaydu
jaamacadaha ka qalin jabiyaan, taasoo la sheegay in isla maalinta bilada lasiiyay
uu gudoomay oo kale shahaado sare oo uu ka helay addis abeba universty, ka dib
markii uu soo afjaray aqoonta culuunta siyaasada iyo dhaqaalaha.
Urururka (WORLD PEACE COUNCIL)
xafiis wayn oo uu ku leeyahay magaalada ATHENS ee dalka giriigga ayaa
bishan julay 23 war saxaafadeed uu soosaaray sicaro leh ugu beeniyaay inay
raiisal wazaaraha dalka ethiopia mr meles zenaawi gudoonsiiyeen wax bilad ah,
waxa uu ururku intaasi ku daray
inaanay bixinin waayadan biladda noocan ah, islamarkaana waa siday hadalka
udhigeene aanay ninkan oo kale waligood bilad gudoonsiinin.
Ethiopia iyo eritrea
ayaa wali qilaafkoodii halkii ka aloosanyahay, iyadoo arimaha ay wali is ku mari
la yihiini ugu wayntahay aqoonsiga xuduudaha labada dal iyo is waydaarsiga
maxaabiista dagaal,iyo eritrea oo dalbanaysa in ra,iisal wazaare zenaawi si heer
qaran ah uga noqdo ugu yeerida uu ugu yeeri jiray madax waynaha dalka eritrea mr
esayoos afwerku inuu yahay madax waynaha ugu jaahilsan aduunka.
Dhanka kale warbixin ay golaha
amaanka ee qaramada midoobay ka soo saareen bishan julay cuna qabatayntii hubka
ee soomaaliya ayay ethiopia ugu horaysay liiskii wadamo lagu sheegay inay
jabiyeen xeerkii lagu heshiiyay inaan kooxaha iska soo horjeeda wax hub ah loo
gudbinim. ururka jaamacada carabta,iyo dalal afrikaana ayaa ethiopia iyaguna ku
tuhunsan in ay masuul ka tahay kala siifogaanshaha xoogaga ku hardamaya
soomaaliya.
Ururkan (wpc)oo ay dhismihiisa
ka danbaysay kulan ay 6 Augost 1948dii ku yeesheen dalka POLAND magaalada WARSO
koox markaasi la oran jiray (GOLAHA AQOONYAHANNADA EE U HIILINTA NABADDA)
halkaasina sanad kadib APRIL 20keedii 1949 dhidibada loogu taagay
ururkan oo haatan layiraa (WORLD PEACE COUNCEL w.p.c).
Waxaana madaxwaynihii ugu
horeeyay ka noqday academician sare biladda nabadda caalamkana haystay oo u
dhashay dalka faransiiska mr.FREDERIC JOLIOT CURIE.
iyadoo talaabadii ugu horeysay
ee ay qaadaanna ahayd u ololaynta baabi'nta hubka atomigga.
waxay door wayn ka cayaareen
joojinta fara galintii military ee maraykanku ku halaagay dalka vietnam.
waxay si xoogleh olole ugu
qaadeen ka hortagga dagaalkii loobixiyay THE STAR WAR. (dagaalka xidigaha).
Qoraalkii
Hore ee Xagar Yare
Xagar yare
xagar91@hotmail.com
Germany
SOMALITALK.COM | JULY 27, 2002
XAGAR YARE WAA
WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO
RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.
###
Warkii Hore ee Billada
Been Abuurka ah ee Zenawi
GUJI
Zenawi
Kuma Guulaysan Billada Nabada
Sidaas waxaa caddeeyey ururka "World Peace Council" oo ah ururkii
lasheegay in ay billada bixiyeen, waxay ahayd
Halkan ama halkan
July 27
Qoraalkii hore ee xagaryare
XAGAR YARE WAA
WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO
RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.