PuntlandGov iyo Qoraalka
uu ka Diyaariyey arintaa SomaliTalk
Waxaan u malaynayaa inaan
ka mid ahaa dadkii ugu horreyey oo talo ka dhiibtay
intii webkani banaanka u soo baxay, kollay anigu si aad
ah uma badhin, laakiin baadhis gaaban oo aan ku sameeyey
waxaan waayey qofka ama cidda uu webkan u diiwaan
gashan yahay...
Waxaan webka u diray email
aan kula talinayo aniga oo u sheegay in webku noqdo mid
madaxtooyada PL laga maamulo isla markaana ay gebi
ahaanba gacanta ku hayaan, in aanu webkani ku dhex
milmin websiteyada kale ee siyaasada ama arrimaha
qabiilka loo samaystay, in webkan uu ka dheeraado soo
tebinta wararka aan danta u ahayn dadka Soomaaliyeed
sida dagaalada iyo waxyaalaha la midka ah, in webkan
uusan (noqon) mid soo xidhiidhiya ama linki u sameeya
websiteyada wararka ee Soomaalida, khaasatan kuwa Af
Soomaaliga ku hadla oo noqday kuwo aan ku haboonayn inay
soo dhex galaan magaca DGPL inay webkooda soo galaan, in
webku uu hoos tago masuuliyada qaybta u xilsaaran
madaxtooyada arrimaha warbaahinta ama institute (hay'ad) hoos
yimaada, in loo diyaariyo webku inuu noqdo meel
marjac u noqon karta horumarka iyo in la sii aasaaso
inuu noqdo meel laga helikaro macluumaadka Soomaaliya
guud ahaan iyo arimo kale oo badan ayaan kula taliyey...
Markii aan talada dhiibtay
ugu danbayntii waxaan ku soo gebgebeeyey "tolow maxaa
iga galay oo aan ula talinayaa webka reer hebel" aniga
oo ujeedo kalahaa arintaa...
Run ahaantii markii aan
akhriyey qoraalka uu SomaliTalk ka diyaariyey (http://www.somalitalk.com/terry/terry80.html)
arrintaa aad iyo aad ayaan uga naxay waayo waxay ahayd
arrin aan horay u baadhay oo aan la yaabanaa, waxaana ii
muuqatay in arrintan ay qayb ka tahay isku day ay
samaynayaan dad maafiya ah oo doonaya inay arrimaha
khaaska ah ee Soomaaliya inay gacanta la soo galaan si
dadka Soomaaliyeed loo dhaco ama waxyeelo loogu gaysto
isu soo dhawaanshaha ummada Soomaaliyeed....
Marka aad Web furanaysid
uma baahnid inaad cid kale wakiilato waa in:
- Aad heli karto
Credit
card aad ku furan karato web
- Mar hadii aad
garanaysid sababta aad u furanayso
- Mar hadii aad heli
karto dad arintaa kaaga shaqayn kara
- Marka had-iyo-gooraale
aad dad kale adeegsato in ay wax kuu sameeyaan waxay ku
shaqeeyaan per time (saacad) maintenance, upload and
design, waxayna shaqada ay qabanayaan ku naas nuujiyaan
dadkale oo shaqada u qabta sida designka iwm...
- Qofka arimahaa ka
shaqayn karaa waa inuu noqdaa qof shaqadu meesha ay ka
socoto jooga oo u dhuun daloola waxa looga baahan yahay
(ma aha in qofku uu isagu wax walba diyaarinayo ee waa
farsamo iyo diyaarinta document-yada)
- In dawladu ku faanto
wax qabadkeeda sirteeda waxa ay banaanka soo dhigayso
iyo waxa u qarsoon waa inay iyadu goosataa...
XAGGEE
KU DAMBEEYEY WEBKII DFKMG |

Websiteka DFKS.GS oo lagu lingaxay .GS - taas oo
dowlada loogu sheegay in ".GS" waxa laga soo gaabiyey
ay tahay "Government of Somalia",
laakiin xaqiiqadu waxay tahay in websiteyada ay
la socoto ama lagu lingaxay ".GS" (ama
DOMAIN-nada .GS) in diiwaan ahaan laga
leeyahay (South Georgia and the South Sandwich)
(taas oo ah: G= Georgia, S=South Sandwich) sidaas
daraadeed .GS lagama soo gaabin Government of
Somalia, balse dowladda FKMG ayaa arrinta sidaas
loogu sheegay. (eeg: diiwaanka
domainworldwide.com). Si kastaba ha ahaatee
websiteka DFKMS.GS waxa uu shaqeeyey muddo kooban (qoraalada
waxaa si xawli ah loogu bilaabay May 2006), laakiin
waxaa la joojiyey in wax qoraal ah lagu soo qoro
bishii Agoosto 2006. (Qoraalkii ugu dambeeyey waxaa lagu
soo qoray August 28, 2006, eeg:
http://dfks.gs/). Waxana qoraalkaas u dambeeyey
cinwaankiisu ahaa sidan::
August 28, 2006 Wafdi
uu hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka
shariif Shariif xasan Sheekh Aadan oo Khartuum u
banba baxay. |
JUQURAAFI:
South Georgia and the South Sandwich: waa
jasiirado ku yaal cirifka koonfureed ee South
America, jasiiradahaas waxaa maamula dowlada Britain
laakiin waxaa sheegta dalka Argentina. Bedka dhulka
ee jasiiradahaasi waa 3,903 sq km, mana ahan
jasiirado la degan yahay, sida caadiga ah waa
jasiirado caan ku ah shimbiraha. |

Website
Mustaqbalka ee Dolwada Soomaaliyeed waxa uu noqon
karaa mid u qoran qaabkan: www.GOV.SO (oo markaas
wasaarad kasta ay yeelato website lagu ururiyo
macluumaadka, tusaale ahaan website wasaaradda
waxbarashada waxa uu noqon karaa:
waxbarashada.gov.so) - Waxaase taas ka horeeya
waa in domain-ka .SO uu kusoo wareego gacanta
dowlada Soomaaliyeed. |
Arrintan oo kale marka qof
kale gacanta kuugu hayo dhibaatooyinka ka soo bixi kara
waxaa ka mid ah:
- In hadii uu kuu
ogolaado in webkan oo kale uu furihiisa ku siiyo 50% si
aad macluumaadka awood ugu yeelato inaad ka soo gelin
karto oo keliya, tusaale webka waxaa iska leh nin Sidny
jooga markaa adiga oo Garoowe jooga ayaad wax soo gelin
kartaa..
- In hadii la doono
webkaba lagaa xidhi karo waayo shirkada domainka laga
iibsaday waxay taqaanaa qofka wax ka iibsaday ee iska
leh cardka ama Giro-da lacagta lagu bixiyey...
- Shaqada webka oo ku
kacda dhaqaale xad dhaaf ah oo aan loo baahnayn in lagu
bixiyo ama aanu istaahilin...
- In macluumaadkaaga
lagula wadaago oo aad u gacan gasho dad aan dan kuu
ahayn
- In khilaaf dhici karo
waayo dadku mar kasta isku siyaasad ma noqdaan, hadii
dawlada la bedelana waxaaba dhici karta in qofkaasi
samaysto dad la shaqeeya uuna isu bedela jabhad dalka
kaaga war roon.., waxaan tusaale u soo qaadan karnaa
wiilkii ay dhashay R/W Ingiriiska Margaret Thatcher oo
Simbabwe lagu qabtay isaga oo manjarafado iyo mandaraqyo
wata oo doonaya inuu sameeyo jabhad xoog ku qodota
macdanta dal kale...
Halkan laguma soo koobi
karo cawaaqib xumada iyo dhibatada ka dhalan karta arrimaha
noocaan oo kale ah. Waxaa kale oo dadkan oo kale ay samayn
karaan inay had iyo gooraale abuuraan colaado ay dadka ku
kala ilaalinayaan si baahida loo baahan yahay ay u sii
jirto...
Waxaa DGPL looga baahan
yahay inay ka fiirsato waxyaalaha ay samaynayso mar hadii ay
tahay meesha la doonayo in ay Soomali dib isugu soo
celiso...
Waa in dadkeeda ay ku
shaqaalaysiisaa oo arrimaha noocan oo kale ah, waa inay la
tashataa dadkeeda aqoonta leh oo kala tashataa arrimaha loo
baahan yahay, kuwaas oo noqon kara kuwo dadka iyo dalka u
danaynaya isla markaana ka jaban dadka doonaya inay dalka
dhaqaan ugana tagaan faqri iyo khilaaf... maanta aduunku waa
ka gudbay meeshii qololka yaryar wax lagu go'aamin jiray,
waxaana loo baahan yahay in laga soo baxo xisaabtanka
masuuliyada iyo very sophisticated leading (hogaan
horumarsan), well informed (wax garad ah) oo adduunka wax
kala socota, waxaan codsanaynaa in hogaanka PL aqoon
yahanadeedu ugu deeqaan tababaro bilaash ah oo gelinka danbe
la siiyo, waa in laga kacaa
qaadka iyo habsanka...
Arrimaha qoraalka linkigan uu
xambaarsan yahay waan ku raacsanahay, hadii aan arrimahaa wax
laga qaban waxaan ku biiri doonaa dadka arrimaha noocaas ah
aadka uga soo horjeeda sida wax u socdaan ma fiicna, laakiin
waxaan diyaar u nahay inaan talo ka dhiibano, markaa MPL uu
talooyinka ka jawaabo markaa anaguna waanu ka jawaabi
doonaa, mucaarad kuma noqonayso hadii ay ka fiirsadaan
arrimaha qaran ee dadka iyo dalka wax u dhimi kara ...
Waxaan rajaynayaa in la
helo meel lagala talin karo MDGPL si loogu dhiiri geliyo in
ay adeegsato dadkeeda aqoonta leh in hawlaha yar yar ee ay
awoodaan ay u adeegsato...
Waxaanu ku talinaynaa in
gebi ahaanba ay DGPL ka noqoto webkan, ayna aqbalin wax
aan ka noqosho anayn mar hadii uu ku bilowday hab aan
sharciga iyo sharafta midna waafaqsanayn
Ref.:
Faafin: SomaliTalk.com |
Nov 4, 2006
FAALLADII
SOMALITALK.COM:
Websiteka PuntlandGov
ma waxaa leh DGPL mise shirkadaha Heshiiska kula ah macdan
Qodista


|