Guddoomiyihii
Baarlamaanka Puntland oo Xilkii Laga Qaaday....
Garoowe: June 21, 2006 -
Kulankii Golaha Wakiilada Puntland ee lagu qabtay magaalada
Garoowe ayaa maanta (Arbaca June 21) xilkii looga qaaday
guddomihii golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland, Cismaan Dalmar Yuusuf,
kaddib markii cod bixin loo qaaday.
Wararka ugu horeeya ee ka
soo baxay magaalada Garoowe ayaa tibaaxay in xubnihii maanta
soo xaadiray baarlamaanka ay 32 xildhibaan u codeeyeen in
guddoomiha xilka laga qaado, halka 8 xubnood ay si diidmo ah
kulanka uga baxeen, 4 xubnoodna ay ka aamuseen, sidaasna
guddoomihii baarlamaanka Punland xilkii looga xayuubiyey. (Tirada
xubnaha barlamaank aka baxay ayaa markii dambe la xaqiijiyey
in ay ahayeen 16 xubnood).
Maalmaha soo socda ayaa la
qorshaynayaa in la soo doorto guddoomiye cusub oo uu yeesho
baarlamaanka Puntland, kaddibna laga doodo arrimaha hor yaal
baarlamaanka Puntland oo ah sidii loola xisaab tami lahaa
Dowlada maadaama arrimaaha xilka looga qaaday guddoomiyii
hore ay ka mid ahaayeen isaga oo ku milmay Dowlada ii aan la
xisaabtamin dowlada, dowladuna ay iska fushato qorshayaal
aan la hor keenin hay'adda sharci dejinta Puntland. (Hoos ka
akhri sababaha keenay xil ka qaadista guddoomiyihii golaha
wakiilada PL.)
Puntland oo ka laabatay
Qodob ka mid ah Heshiiskii ay la galeen "Range Resources"...
Wararaka ka imanaya
magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta ayaa tibaaxay in DGPL
ay shirkadda Range Resources la ogolaysiiyey in ay
Puntland ka laabato qodobkii ahaa in shirkadaas oo keliya ay
lahaato xuquuqda gebi ahaanba shidaal iyo macdanbaarista
Puntland. Waxana hadda shirkaas la ogolaysiiyey in Puntland
ay imaan karaan shirkado kale oo ku tartami kara baaritaanka
Khayraadka Dabiiciga.
Maalmahan waxaa magaalada
Dubai ku sugnaa madaxda sarsare ee DGPL ee hore heshiiska
ula galay "Consort ltd", shirkadaas oo markii dambe
saamiyada intooda badan ku wareejisey "Range Resoureses".
Arrintaas oo ay Puntland hir gelisey ayadoo aan la hor
keenin Baarlamaanka.
Waxaana beryahan magaalada
Dubai ay dood uga socotey Madaxweynaha Puntland, Gen. Cadde
Muuse oo dhinac ah iyo dhinaca kale oo ah Wasiirka
Maaliyadda PL iyo wakiilada Range Resources, waxaana laga
doodayey sidii ay Puntland uga laabanlahayd qodob ka mid ah
heshiiskii hore loola galay shirkadaas. Madaxweynaha ayaana
sidaas ku taliyey, waxaana markii
hore diidanaa dhinaca kale.
Qodobka hadda laga laabtay
ayaa ah kii shirkadda Consort Private ltd (ee lagu
soo dhisay, kana diiwaan gashan Maldives) siinayey
lahaanshada gebi ahaan xuquuqda baaritaanka iyo qodista
dhammaan khayraadka Puntland (macdan & shidaal). Waxaana
heshiiskaas hore bishii
Agoosto ee 2005 Hotelka Hilton ee Dubai ay Puntland ugu
saxiixaday Terry oo madax ka ahaa Consort. Bishii
October ee 2005 ayaa shirkadda "Consort ltd" waxa
ay "Range Resources ltd" ka iibisey saamiga
boqolkiiba 50.1% kaas oo "Range" xuquuq u siinayay
gebi ahaanba khayraadka dabiiciga ah ee dhul baaxadiisu dhan
tahay 212,000km2. Qodobkaas weeye kan hadda uu
Madaxweynaha Puntland soo jeediyey in laga laabto.
7 Xubnood oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka
Puntland oo soo hor dhigay Baarlamanka in xilka laga Xayuubiyo Guddoomiyaha
Baarlamanaka PL.
7 xubnood oo ka tirsan
baarlamanaka DGPL ayaa kulankii Isniintii (June 19, 2006)
uga soconayay golaha wakiilada DGPL soo hor dhigay mooshin
xilka looga qaadayo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland
Cismaan Dalmar Yuusuf, mooshinkaan ayaa waxaa ku biiray 21
xubnood oo ka tirsan golaha baarlamaanka kuna taageeray
7-da xubnood oo soojeedisay in xilka laga qaado gudoomiyaha
golaha wakiilada DGPL iyaga oo sabab uga dhigay xil ka
qaadista lagu sameeyo gudoomiyaha baarlamaanka Cismaan
Dalmar Yuusuf in uu ku tagri falay shaqadii
guddoomiya-nimada baarlamaanka isla markaana uu ku dhex
milmay dawladda, buriyayna qodobo doora oo sharci ah oo uu
ku tagri falay guddomiyaha, waxaa kale oo ay sabab uga
dhigayaan in uu lug wayn ku leeyahay hawsha macdan baarista
khayraadka deegaanada Puntland oo ay dawladdu heshiisyo kula
gashay shirkado shisheeye iyo waliba isaga oo aan dawlada
cadaadis ku saarin sharciyo wali laalan soo hordhigistooda
golaha wakiilada dawlad gobaleedka Puntland.
Xeerka Golaha , ayaa qaba
in 6 Xildhibaan oo kaliya ay Mooshin soo hordhigi karto
Golaha isla markaasna cod loo qaado , haddii
3-meelood-00-2-meelood Golahu uu isku raaco mooshinka uu
dhaqan galayo.
Safar Guddoomiyha
Baarlamaanka DGPL uu dhawaan ku tagay dalka Sweden ayaa inta
badan Golaha ka caraysiisay, kaddib markii ay sheegeen in uu
ka dhuuntay, waa siday hadalka u dhigeene, uuna kaxaystay
dhowr xildhibaan oo isaga jeebkiisa ah isla markaana uu ka
fakatay halxildhibaan oo aan lagaranayan halka uu jaan iyo
cirib dhigay. (Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan
xildhibaanka fakaday waxaad ku arki doontaa LIFAAQA warkan
ka dambeeya.)
Si kastaba ha ahaatee
maalinta Talaadada (June 20, 2006) ah haddii Eebe idmo ayaa
Xildhibaanada soo diyaariyay Mooshinka ka dhanka ah
Guddoomiyaha ay ka hor akhrin doonaan Golaha hortiisa
qodobada ay doonayaan in xilka looga qaado , waxaana loo
qaadi doonaa cod , kaa soo uu ku waayi doono
Guddoomiyenimadiisa ama uu ku sii haysan doono.
Dhanaka kalena kalfadhigii
Isniintii ayaa si dag dag ah uu gudomiya golaha wakiilada
puntland u xidhay.
Gudoomiyaha baarlamaanka
puntland Cismaan Dalmar Xaaji Yuusuf ayaa si dag dag ah u
xidhay kalfadhigii Baarlamaanka Puntland oo
Sabti June 17, 2006 uga furmay
hoolka baarlamaanka Puntland ee Garoowe lamana garanayo
ujeedada rasmiga ah ee loo xidhay kalfadhigan oo looga fadhiyay in
loo qaado codka aqlabiyada guddoomiyaha baarlamaanka DGPL
Cismaan Dalmar.
Soo xiridda kalfadhiga
16-aad ee golaha baarlamanka Puntland ayaa timid kadib
markii fadhigii Isniinta ee xildhibaannada ay haraysay
arrinta ku saabsan cod u qaadista in xasaanadda lagala noqdo
guddoomiyaha baarlamanka, arrintaas oo maalintii shalay ay
soo jeediyeen qaar kamid ah xildhibaannada dawlad goboleedka
Puntland.
Mudanayaasha qaarkood ayaa Isniintii soo jeediyey in cod loo
qaado lagana doodo xasaanad ka qaadidda guddoomiyaha
baarlamanka arrintaas oo markii dambe dhalisay buuq sabab u
noqday in guddoomiyaha baarlamanku uu xiro kalfadhiga.
Qaar ka mid ah madaxda sar
sare ayaa la xaqiijinayaa in ay lug wayn ku leeyihiin soo
xidhida golaha baarlamaanaka lamana xaqiijin xubnahaas kuwa
ay yihiin, kuwaasi oo ka biyo diidsan xilka qaadis lagu
sameeyo gudoomiyaha golaha baarlamaanka DGPL Cismaan Dalmar
xaaji Yuusuf taasina waxay xaqiijinaysaa tuhunkii ahaa in
gudoomyuhu uu si wayn ugu dhex milmay dawlada.
c/rizak koronto
Garowe puntland
koronto_65@hotmail.com
###
LIFAAQ 1::: WARBIXIN SOO
GAARTEY SOMALITALK.COM SWEDEN:::::
Ilo wargal ah oo jooga
Sweden ayaa qormadan soo gaarsiiyey SomaliTalk.com:::
Warka sheegaya
fakadashada xildhibaanka ka tirsanaa
DGPL: Xildhibaankaasi waxa la xaqiijiyey in uu la socdey
wafti uu hoggaaminayey guddoomiyaha Golaha Wakiilada
Puntland, Cismaan Dalmar, waxaana dhacday in markii ay
Sweden yimaadeen ee ay dadweynaha u khudbadeynayeen in liiskii dadka ka
khudbadeyn lahaa uu magaciisa uu ku
jiray xildhibaankasi, balse aanu soo xaadirin.
Waxaana la aamin sanyahay in markii uu Sweden yimid uu hore
ka fakaday waftiga kaddibna uu aadey dalka Ingriiska.
Arrinta yaabka leh ayaa
waxey tahay in warkaan Sweden la qarinaayey
oo dowlada Sweden daboolka saartay
iyadoo ka baqeysay iney ku ceebowdo,
kaddib markii la sheegay wefdigaasi
dukumintiga ay ku soo galeen Sweden
uu ahaa baasaboorka laashabaasaara
la yiraahdo, waxeyna
u socdeen sida dadka wadankan u
dhashay. Taas
ayaana keentay in dowlada ay qariso
iyadoo ka baqeysay iney saxaafada
Sweden ogaato laguna qabsado waaxda
arrimaha dibada arrimaha arrimaha la
xiriira sida uu xildhibaankaasi
dalka kusoo galay iyo meesha uu
kudambeeyey ama sababta keentay in
uu fakado.
Sidoo kale, arrintaas
markii ay dhacday, guddoomiyaha Baarlamanka Puntland markii
uu ku laabtay Garoowe, sida wax u dhaceen lama uu socodsiin
golaha wakiilada ee Puntland, dowladuna kama hadlin.
Arrintaasi waxa ay ka
caraysiisay xubnaha ka tirsan golaha Baarlamaanka Puntland,
waxana ay qodob ka tahay arrimaha keenay in laga doodo xil
ka qaadista guddoomiyaha baarlamaanka maadaama uu
xildhibaanka fakaday isaga la socdey markii uu safarka ugu
baxay Sweden, la rabeyna in uu sida arrintu u dhacday la
socodsiiyo baarlamaanka iyo shacabka reer Puntland.
LIFAAQ 2::: Heshiisyada
Dowladu la gasho Shirkado Shisheeye oo aan weli baarlamaanku
ansixin...
Arrimaha kale ee keenay in
baarlamaanka Puntland uu ka doodo xil ka qaadisya
guddoomiyaha Golaha Wakiilada waxaa ka mid ah in ilaa intii
ay socdeen murankii ka dhashay heshiisyada ay Puntland la
gashay shirkado shisheeye in aan marna baarlamaanku ansixin
heshiisyadaas, isla mar ahaantaasna aan la hor geyn
baarlamaanka waxa ku qoran heshiisyadaas, sidaas daraadeedna
ay dowladdu ansaxisay heshiisyo aan sharci gooyayaashii
ogolaan.
Arrintaas waxa ay keentay
in uu baarlamaanku hadda is weydiiyo waxa arrintaas keenay,
waxana ay taas ku eedeeyeen in uu lug ku leeyahay
guddoomiyaha baarlamaanka ee DGPL, oo ay yiraahdeen waxa uu
aad ugu milmay dowladdii ay ahayd in uu la xisaabtamo si
wadanku u hor maro.
Dhanka kale miisaaniyadda
dowlad GPL oo lagu qiyaasi $35 million oo doolar sannadkii
ayaan dowlada cid kula xisaabtanta jirin, taas oo
siyaasiyiin badan ay u arkaan in taas ay dowladu ku
qarineyso heshiisyo ay la gashay shirkado si aanba loogula
xisaabtamin hantida hadda soo gasha dowladda.
Markii la furan kulankii
16-aad ee Baarlamaanka DGPL (Sabti June 17, 2006),
Heshiisyada la rajaynayey in si wayn looga doodo ayaa waxaa
ka mid ah: xisaab xirka dawladda Puntland ee sannadka 2006,
xeerka caasimadda DGPL, xeerka xadaynta degmooyinka &
gobollada Puntland, wasiirrada aan ansaxsanayn, lacagaha la
soo daabacay ee cusub, khayraadka dabiiciga ah ee Puntland
iyo xeerka xisbiyada badan.
Arrintaas waxa ay xubnaha
Baarlamaanku ka hor mariyeen in marka hore laga doodo xilka
guddoomiyaha Baarlamaanka, taas oo aysan dowladu ku
qanacsanayn in arrimuhu sidaas u dhacaan, sidaas darteedna
uu guddoomiyaha baarlamaanku inta uu miiska garaacay uu
xiray kulankii baarlamaanka.
Faafin: SomaliTalk.com |
June 19, 2006


|