Wararka
ka imanaya magaalada Dubai ayaa tibaaxay in gebi
ahaanba khayradka Puntland markale loo beec geeyey
Korea. Arriintaasi waxa ay dhacday toddobaadkan
markii ay shirkadda "Range Resources" gorgortay iyo
heshiis qarsoodi ah la gashay shirkad laga leeyahay
Korea oo lagu magacaabo
KNOC (Korea
National Oil Corporation). Shirkadaas waxaa
lagula heshiiyey in la siinayo aaggaa Dooxada Nugaal
boqolkiiba 75% - maadaama shirkadda Terry ee
"Consort ltd" ee ka diiwaan gashan magaalada Male ee
caasimada Jasiirada Maldives ee ah tan markii hore
heshiiska la gashay Puntland aysan haysan qalab iyo
khubaro toona ayey ku gorgortameen dhulka
Soomaaliyeed.
Arrintaasi waxa ay
daba socotaa xirfadda ay adeegsato shirkadda ka
diiwaan gashan jasiiradda Maldives ee "Consort
Private Limited" si ay xaqiiqada jirta uga weeciso
indhaha shacabka Soomaaliyeed.
"Consort
ltd" oo uu asaasay Terry oo Puntland markii hore ku
yimid barnaamij uu u bixiyey "Kids In Need" kaddibna
shirkad waxa uu ka soo diiwaan geliyey Maldives.
Markaas ayaa Madaxweynha DGPL, Cadde Muuse, waxa uu
shirkaddii Terry u ogolaaday in ay yeelato xuquuqda
baaridda gebi ahaanba khayraadka dabiiciga ah ee
Puntland.
Wax yar ka dib
'Consort' waxa bishii Oct
2005 Khayraadka Puntland ka iibisey "Shirkada
Range Resources", taas oo saami ahaan laga iibiyey
ka 50.1% - Xeeladda halkaas ku jirtaa waxa ay tahay
in saamiga soo haray oo ah 49.9% ee u soo
haray "Consort ltd" aan dib dambe la isu weydiin,
markastana la xuso uun shirkadda dambe ee "Range
Resources", halkaasna lagu duudsiiyo cashuurtii la
siin lahaa dalka ay ka diiwaan gashan tahay ee
Maldives, iyo Soomaalida oo markasta lagula
xisaabtamayo saamiyada 50.1% keliya iyo in suuqa
Australia la majara habaabiyo.
- Maldives waa
dal yar oo ka kooban jasiirado ku yaal badweynta
Hindiya ee bariga kaga beegan Soomaaliya ,
tirada dadka ku nool waa 359,000 qof, waa dad ah
Muslim, madaxweynaha Maldives magaciisu waa
Maumoon Abdul Gayoom, Emailka lagala xiriiri
karona waa:
info@presidencymaldives.gov.mv )
Maadaama Terry waxa
uu ku gorgortamay saxiixii madaxda Soomaliyeed si
iib loogaga helo saamiyada suuqyada ama sayladaha
Australia. Lacagta saamiyadaas ka soo baxda ayaa
Puntland loo ballan qaaday in bil kasta laga siiyo
$200,000 - taas oo sida ay caddeeyeen lasiiyo hadda
DGPL.
Shirkadaas la
siiyey 50.1% xuquuqda khayraadka Soomaaliya meelaha
ay heshiisyada la gashay waxaa ka mid ah shirkad
laga leeyahay Bariga Dhexe oo lagu magacaabo "Middle
East Petroleum Services Limited" (MEPS), waxana
heshiiskaasi dhacay bishii Febraayo ee 2006, waxana
uu dhigayey in boqolkiiba 15% faa'iidada la siiyo
shirkadaas MEPS, waxana ay sheegeen in uu "Range
Resources" la shaqayn doono nin lagu magacaabo Asker
Ali Hussein Al-Thahiri, Yemen. Laakiin maalmahii
heshiiskaasi dhacay waxaa aad hoos ugu dhacay
saamiyadii "Range Resources", kuwaas oo gaarey 0.038
centi oo Australian ah.
Taasi
marka ay dhacday ayaa "Range Resources" waxa ay
raadiyeen shirkado kale oo ay heshiis la galaan,
waxana ay Khamiis April 20, 2006 heshiis cusub la
galeen shirkadda KNOC, heshiiskaas oo ka dhacay
Dubai, kaas oo shirkadaas Korea siinaya xuquuqda
boqolkiiba 75% aaga loo yaqaan 28aad iyo 29aad ee
dooxada Nugaal - [Aggaa 28aad & 29ad waa tirooyin ku
astaysan Nugaal oo ku qornaa waraaqo ay DGPL gacanta
u gelisey Terry, waraqahaas oo ay diyaarisay
shirkadda Conoco ee weli qalabkeedu yaal Soomaaliya,
arriintaas oo aan waafaqsanayn heshiisyada caalamiga
ah iyo xeerarka dawliga ah - meeshii ay Soomaalidu
ku gorgortami lahayd akhbaarta ayaa faraha loo
geliyey ajnebi kusii gorgortamaya. [EEG
Halkan...]
Xagga arrimaha
ammaanka Puntland, qoraal ay "Range Resources" ka
soo saartay, kaas oo ku qoran luqadda Soomaaliga,
ayey ku sheegtay sidan: ""Dhibaatooyinka laga sheego
Muqdisho iyo agagaarkeeda oo u jira Puntland
caasimadeeda Garoowe 900 Km dhinaca Koonfur saamayn
badan kuma laha nabadgelyada gobolka Puntland." Ugu
horayn waxa ay "Range resources" ilowsan yihiin in
caasimadda dowladda dhexe ee Soomaaliya, oo Puntland
ay ka mid tahay, in ay tahay magaalada Muqdisho.
Marka loo fiirsadona erayada shirkaasi waxa ay
muujinayaan in aysan danaynayn Soomaaliy aoo guud
ahaan nabad ah. Taas ka sokow, waxaa is khaafintooda
kaaga muuqanaya in aysan wax dan ah ka lahayn dadka
deggan meesha ay sheeganayaan in haystaan
xuquuqdeeda macdan qodis, sida Majayahan oo xitaa
DGPL oo iyaga heshiiska la gashay ay qirtay dhibka
halkaas ka dhacay.
Marka loo kuur galo
qaabka heshiisyada Terry iyo ficilladooda, waxaa
muuqanaya Nidaamka loo yaqaan "xeeladaynta suuqa" oo
luqadda Australia lagu yiraahdo ("Market
Manipulation") - taas oo ay ku dhaqmaan shirkada
taga dunida loo yaqaan tan saddexaad si ay ugu
lacagaystaan, muuddo ka dibna ay uga huleelaan
dalkii ay magaciisa iyo saxiixiisa ku lacagaysteen.
Dhanka kale, haddii
sida ay "Range Resources" sheegeyso ay run tahay,
waxa ay DGPL bil kasta siisaa $200,000 oo doolarka
Maraykanka, taas oo sida la qiyaasayo u bilaabatay
bishii Octoobar ee 2005, waxay lacagtaasi hadda
(April 2006) noqoneysaa 7 bilood x $200,000 =
$1,400,000 [oo ah 1.4 million]. Laakiin ilaa hadda
ma muuqato Iskuul cusub ama qorshe iskuul cusub oo
Puntland ay dawladdu ka hirgelisey ama daryeel loo
fidiyey carruurta reer Puntland ee qashinka ka gurta
meelaha qashinka lagu ururiyo. Waxaa kale oo in la
is xusuusiyo mudan in Puntland ay leedahay Bad dheer
oo ay ka kalluumaystaan shirkado heshiis kula jira
DGPL, kuwaas oo aan cid iskula xisaabtanta aysan
jirin. Waxaa taas sii raca in xitaa askartii ay u
xilsaartay in ay ilaaliyaan badda in laga qafaashay
xeebta Soomaaliya, oo loo gudbiyey xabsiyada
Thailand. [Akhri...]
Waxa intaas dheer musuqmaasuqa baahey oo
dowladdu aaney hoos u fiirin.
Dib u dhaca ay
Puntland u keentay shirkadda Terry waxaa ka mid ah:
in aan si xor ah saxaafada Puntland uga hadli karin
arrimaha Puntland iyo dant ashacabka ama laga doodi
karin wixii jira, waxa keliya oo Puntland ka hadli
kara saxaafadda ay maamulaan wasiirada ku jira
Dawladda oo hadalka u weriya sida ay dawladdu rabto,
arrintaas oo ah tii ridey Qarankii Soomaaliyeed,
mana jiro baarlamaan ka dhisan Puntland oo ka hadli
kara aarrimahaas. Arrimahaasi marka la isku daro
waxa ay dowladda hadda (2006) ka jirta Puntland ka
dhigeen mid aan shacabkeeda maqlin.
Dowlada dhexe waxay
iyadu ku habsaantay Jowhar iyo Baydhabo oo ay ka soo
dhammaan weydey laba sano (2004 - 2006).
Waa kuwan Carruurta
Puntland, oo qashinka cunto ka dhex raadsanaya.

Caruurta oo Qashinka ka doonanaysa waxay Cunaan,
Booasaaso, Soomaaliya
....Xeebtii ayaa u muuqata, haddii malaha loo samayn
lahaa laash ama huuri ama sixiimad loogu
kalluumeeyo!!!!!!
Faafin:
SomaliTalk.com | April 21, 2006