WARBAAHINTA
MAXALLIGA EE PUNTLAND WAX YAABIHII AY KA QOREEN MARKII
UU SOO SHAAC BAXAY HESHIISKA KHAYRAADKA DABIICIGA AH EE
PUNTLAND...
- Radio Garoowe:::
Jara'idka Australia oo aan waxba ka qorin heshiiskii
Dubai
- Radio Midnimo:::
Puntland Ayaa Qalanka ku Duugtay Heshiis ay la Gashay
Shirkad Australian ah
- Radio SBC::: Dawlad
Goboleedka Puntland iyo shirkad Australian ah oo heshiis
kala saxiixday
Idaacda Garoowe waxa ay
qortay sidan:
Jara'idka Australia oo aan
waxba ka qorin heshiiskii Dubai
2005 Sep 01 - 19:10
Sida aan la wada
socono waxaa dhowaan heshiis dhinaca baarida iyo soo saarida
khayradka dabiiciga ah ee Puntland ku kala sixiiday magaalda
Dubai ee wadanka Imaradka Carabta Madaxwaynaha DGPL iyo
shirkad lagu sheegay in laga leeyahay wadanka Australia.
Hadaba si aan arintan wax uga ogaano ayan waxan baritaan ku
samaynay Jara段dka wadanka Australia kuwooda ugu afka dheer
bal in ay wax ka qoreen heshiiskaan iyo in kale, anagoo
filaynay in arinkaa ay ka qoraan madaama ay tahay arin
ganacsi oo guul u ah wadanka Australia.
Baaritaanka aan ku samaynay jara段dkan ayaa waxa ay ka
dambaysay ka dib markii warbaahinta qaarkeed qortay in
shirkadaan magaceeda la yiraahdo Concort isla markaana laga
leeyahay wadanka Australia ay heshiiskan la gashay Maamulka
DGPl.
Si aan arinkaan u sii xaqiijino ayaan waxaan sii baaray
Jaraa段dka ka soo baxa Western Asutralia oo ay ka soo
jeedaan Raga garwadeenada u ah shirkadaan gaar ahaan ninka
lagu Magacaabo Terry iyadana haba yaraatee ma jiraan meel
lagu xusay heshiiskaan.
Waxaan halkaan idinku soo gudbinaynaa Jaraaidka aan ka
eegnay heshiiskaan in uu dhacay iyo in kale magacyadooda iyo
guud ahaan Link-yada jara段dka ka soo baxa wadanka Australia
anagoo ka codsanayna dhamaan akhristayaasha in ay noo soo
gudbiyaan bal hadii ay arkaan wax ka badalan oo sheegaya in
heshiskan meel uun lagu xusay weliba boga-ga ganacsiga
(Business Section ) ee jar'a段dka Australia iyo kuwa adunka
kaleba hadiiba ay jiraan, idinka uu ku soo hagajinaya
radiogarowe@gmail.com
http://www.dailytelegraph.news.com.au/business
http://afr.com/
http://afr.com/
http://www.theage.com.au/business/index.html
http://www.heraldsun.news.com.au/
http://www.wabusinessnews.com.au/
http://www.thewest.com.au/
Guud ahaan jaraa'idka ka soo baxa Australia
intooda ugu afka dheer halka ka eego
Magaca shirkada
heshiiska la gashay DGPL
Tan iyo intaan soo daabacnay maqaalka Cinwaankiisu ahaa
Jara'idka Australia oo aan waxba ka qorin heshiiska Dubai
waxaa noo suuragashay In aan helo fariimo nooga imaanyay
akhristayaasha kuwaas oo qaarkood noo shegayeen magaca
shirkada heshiiska macdan baarista la saxiixatay DGPL iyo
raga ku lug leh heshiiskaa.
Madaama aysan warbaahinta Puntland qorin magacyo sax ah taas
oo loo aanay-nayo iyadoo aysan jirin warsaxafadeed DGPL
samaysay markii la sixiixay heshiiskaan ayaa waxaa khasab
noqotay in warbaahinta Puntland ay magacyo mala-awaal ah ay
ku sheegaan shirkada magaceeda sida magaca Concort iyo kuwa
kale sida in ay shirkadaan tahay mid Australian ah.
Hadaba baaritaan badan iyo fariimo aan ka helay
akhristayaasha ayaa waxa noo suura gashay in aan helo magaca
shirkada heshiiska la gashay DGPL, shirkadan waxa lagu
magcabaa Consort Private Limited.
Sidoo kale warar aan ka helay magaalda Dubai ayaa waxa ay
noo sheegeen in raga u ah garwadeenada shirkadaan ayaa
magacyadoodu kala yihiin Terry Donnelly, Antonny Black iyo
nin kale oo lagu magacaabo McLeod, dhamaan ragaan ayaa reer
Australian ah lakiinse shirkada ay sheegteen kama diwaan
gashana wadanka Australia
Si loo soo afjaro ka hadal haynta heshiskaan iyo cida lala
galay ayaa waxa madaxda DGPL ka codsanayna tafaasiil
dheerraad ah iyo in ay shacabka Puntland iyo guud ahaan
Ummada Somaliyeed-ba ay u soo bandhigaan heshiiska ay galeen,
cida ay la galeen iyo waxa lagu heshiiyay, taas oo meesha ka
saarysa wixii tuhun ah oo shacabku ka qabi karaan heshiiska
lagu sheegay in lala galay shirkadahaan.
Ka dhagayso halkan warysi madaxwayne Ku-xigeen DGPL siiyay
idaacada HornAfrik warysigan oo aan misaan wayn siinayn
heshiiskaan isla markaana ku tilmaamay in arinkaanu
baaritaan uun yahay isla markaasna uusan ku xusin haybta
shirkada iyo waxa uu heshiisku yahay.
###
M. Cade oo heshiis la galay
shirkado shisheeye
2005 Aug 31 - 23:28 |
Idaacada Garoowe.....
Warar rasmi oo naga soo
gaaraya wadanka isu-taga Imaaradka carabta magaaladiisa
Dubai waxay xaqiijinayaan in ay ku kala sixiixdeen heshiis
ku saabsan Khayraadka dabiiciga ah ee Puntland MDGPL iyo
shirkad aan magaceeda la faafin.
Heshiiskaas oo dhinaca Puntland uu u saxiixay MDGPL Cade
Muse dhinaca shirkadana ay u sixiixeen Rag uu garwadeen u
yahay Terry oo dhalashadiisu tahay Asutralian.
Saxiixa heshiiskaan oo ka dhacay Hotel ka mid ah Hotelada
waawayn ee magaalada Dubai waxa goob joog ka ahaa dhinaca
Puntland Wasiirka Maaliyada ee DGPL Mud.Mxamad Cabdi
Yusuf(Gaa-gaab) iyo ganacsato reer Puntland ah oo ay ka mid
yihiin:
1- Khaliif Ciise Mudan
2-Liibaan Muuse Boqor
3-Farax Xaaji Mire
4-Yusuf C/lahi Salax Deer
5-Shire Xaaji Farax
6-Maxamed Huruuse
7-Bile Cabdullaahi Warsame
8-Maxamed Siciid
Iyo ganacsato kale oo reer Puntland ah oo ku sugnaa isla
goobta heshiiskaanu ka dhacayay.
Heshiiskaan oo weli shacabka Puntland iyo Barlamanka
Puntland si rasmi ah loogu soo bandhigin ayaa waxa dad badan
is waydiinayaan in ay soo dhowayn doonaan iyo in ay cagta ku
dhufan doonaan shacabwaynaha reer Puntalnd iyo
xeer-beegtooda.
Sida aan la wada socono tan iyo intii ay soo shaac baxday in
heshiis noocaan ah ay DGPL ay la galiyaso shirkado shisheeya
ayaa waxaa ka jiray muran muujinaya in aan layku
waafaqsanayn arintaas, taas oo aad ka garan kartid shirkii
jaraa'id uu qabtay Raysul wasaare Geedi iyo jawaabtii
carada ka muuqatay oo ay ka bixisay maamulka Puntland.
Uga dambayntii wixii kale oo ka soo cusboonaada arintaas waa
idiin soo gudbinaynaa ... Idaacada Garoowe.....
Idaacada Midnimo ee
Boosaaso waxay qortay sidan:
Puntland Ayaa Qalanka ku
Duugtay Heshiis ay la Gashay Shirkad Australian ah
2005/8/31 8:14:45
Wararka naga soo gaaraya
magaalada Dubay ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in
xalay uu halkaas ka dhacay heshiis macdanta lagu baarayo oo
ay kala saxiixdeen Maamulka Puntland iyo shirkad laga
leeyahay dalka Ustaraaliya oo lagu magacaabo Consort.
Heshiiskan oo ka dhacay Hotel Hilton ayaa Dhinaca Puntland
waxaa u saxiixay Madaxweynaha Puntland Gen. Cadde Muuse
iyadoo Eng. Black nin lagu magacaabana uu u saxiixay dhinaca
shirkadda Consort.
Ganacsade goob joog ka ahaa goobtii uu heshiiskani ka dhacay,
ayaa sheegay in masuul u hadlay Shirkadda uu sheegay in ay
hawlaha baaritaanka macdanta ay sida ugu dhaqsaha badan uga
bilaabi doonaan gudaha Puntland, Ganasadahaas oo u waramayey
Radio Midnimo ayaa sheegay in si weyn loo soo agaasimay
xafladii heshiiskan, wuxuuse muujiyey in aan la caddeyn
macdanaha la baari doono nooca ay noqonayaan iyo goobaha
laga baari doono, wuxuu kaloo sheegay in aysan caddeyn cidda
hawshan la wadaagi doonta shirkaddan in ay noqon doonaan dad
shicib ah iyo in ay hoos tegi doonaan mid ka tirsan
Wasaaradaha Maamulka.
Arrintu siday doonto ha ahaatee, heshiiskan ayaa yimid mudo
yar ka dib iyadoo Raysal Wasaaraha Dowladda Federaalka
Soomaaliya Md. Geedi uu shir jaraa段d oo uu Nayroobi ku
qabtay uu ku sheegay in aysan Maamulada jira wax heshiis ah
la saxiixan Karin shirkaddaha iyo dowladdaha jira, wuxuuna
si gaar ah farta ugu fiiqay Maamulka Puntland oo uu sheegay
in ay ku hawlan yihiin in ay heshiis la sixiixdaan shirkad
Ustaraaliyaan ah oo dooneysa in ay baaritaan macdaneed
sameyso, haseyeeshee, maamulka Puntland ayaa hadalka Raysal
Wasaaraha si carol eh uga jawaabay.
Isaacda SBC ee Boosaaso
waxay qoryay Sidan:::
Dawlad
Goboleedka Puntland iyo shirkad Australian ah oo heshiis
kala saxiixday
Dubai -
31.August.2005 Wararka naga soo
gaaraya magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta
ayaa sheegaya in halkaasi ay heshiis kuwada saxiixdeen
maamul goboleedka Puntland iyo shirkad Australian ah oo lagu
magacaabo Concort.
Shirkaddaasi ayaa waxaa la sheegay in ka baari doonto
gobollada Puntland khayraadka dabiiciga sida shidaalka iyo
Macdanta.
Heshiiskan ayaa habeenimadii xalay lagu kala saxiixday
xaflad ballaaran oo lagu qabtay Hilton Hotel oo ku yaalla
magaalada Dubai.
Dhinaca maamul goboleedka Puntland heshiiska waxaa u
saxiixay madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Maxamuud
Muuse Xirsi (Gen. Cadde) halka dhinaca shirkadda Consort uu
u saxiixay nin lagu magacaabo Eng. Black.
Waxaa saxiixitaanka xafladdaasi dhinaca dawladda
Madaxweynaha ku wehliyay wasiirka maaliyadda ee dawlad
goboleedka Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab.
Sidoo kale xafladdaasi heshiiska ay ku kala saxiixdeen
shirkaddaasi Australian-ka ah waxaa goob joog ka ahaa ilaa
40 ka mid ah ganacsatada waawayn ee reer Puntland oo ay ka
mid yihiin:
Khaliif Ciise Mudan
Yuusuf Cabdullaahi Saalax Deer
Shire Xaaji Faarax
Maxamed Huruuse
Bile Cabdullaahi Warsame
Faarax Xaaji Mire
Cabdi Bootaan iyo
Maxamed Siciid.
Heshiiskan ay kala saxiixdeen Puntland iyo shirkadda
Australian-ka ah ee Concort ayaa wuxuu dhigayaa in shirkaddu
ay laba toddobaad gudohood ka hawl gasho Puntland.
Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Mudane Maxamuud
Muuse Xirsi oo ka hadlay xafladii Saxiixitaanka ayaa wuxuu u
mahad celiyay dawladda Australia iyo shirkadda isagoo u
sheegay in maamul goboleedka Puntland uu hoos yimaado
dowladda Federaalka, balse uu xor u yahay inuu ka shaqeeyo
horumarka shacabkiisa.
Wuxuu kaloo Madaxweyne Cadde halkaasi ka sheegay in shacabka
Puntland ay ku wargeliyeen in deegaamada Puntland laga baari
doono shidaal iyo macdan ayna taa raali ka yihiin shacabku.
Eng. Black oo u hadlay dhinaca shirkadda Concort ayaa isna
sheegay in ka shirkad ahaan ay aad u danaynayeen weligood
inay heshiiskan oo kale la saxiixdaan Puntland.
Eng. Black wuxuu mahadcelin u soo jeediyay dawlad goboleedka
Puntland iyo madaxweyne Cadde Muuse, wuxuuna ballan qaaday
inuu ka shaqayn doono sidii ay shirkaddu ku heli lahayd
khayraadka Puntland si ay uga faa'iidaystaan shacanka shaqo
la'aantu ay haysato.
Si kastaba ha ahaatee heshiiskan ay kala saxiixdeen maamul
goboleedka Puntland iyo shirkaddaasi ajnabiga ah ee dalka
Australia laga leeyahay ayaa soo baxay laba maalmood ka dib
markii ra'iisal wasaare Cali Maxamed Geedi uu sheegay in
maamul goboleedyadu aanay heshiis la geli karin shirkad
ajnabi ah, ciddii ku dhaqaaqdana uu sheegay in dowladda
federaalka ay tallaabo ka qaadi doonto.
Dawlad Goboleedka Puntland ayaa arrintaasi war cad ka soo
saaray isla markaasna sheegay in aanay cidna marti ugu ahayn
khayraadka Puntland iyo horumarinta dadka iyo dalka
Puntland.
C/qaadir Maxamed Nuunow
SBC Boosaaso
nuunow16@hotmail.com
|
|
|