Qayladu waxay wax tartaa
wixii Noole ah, ma Horumar ayaa laga Hortaagan yahay reer
Puntland mise Burcad.
Nin Shaacir ah oo Carbeet
baa gabay yar tiriyey asaga oo markaas Cadaynaayay
Qayladhaantu inay wax tarto oo kaliya wixii nool wuxuuna
yiri hadal macnihiisu ahaa( Qaylada waad maqashiisay hadii
aad wax nafi ku jirto lahadlayso, laakiin nololi kuma jirto
waxa aad lahadlayso, Dabku hadii la afuufo waa ifaa laakiin
Dambas ayaad afuufeysaa).
Taas waxaan uga gol
leeyahay maqaal dheer oo aan kaga
hadlay Terry iyo joolka uu Puntland u laban yahay,
heshiishkii dhawaan uu la galay Madaxweynaha Puntland iyo
Wasiirkiisa Maaliyada, iyo arimo kale ayaa waxaa Email ii
soo dirtey Gabar Suxuxiyad Soomaaliyeed ah waxayna igu tiri
sidaan, (SAID ADOO MAHADSAN . WAXAA LAGA HADLAA WIXII NOOL
EE SOMALIYA WAY DHIMATAY KHAASATAN PUNTLAND EE CADE WAXBA HA
EEDEYN.: MAHADSANID), runtii aad ayaan u dareemay in wax
weyni ka jiraan hadalkaas, waxaana dareemay inay meel dheer
wax ka fiirisay, laakiin waxaan ugu jawaabay waa jiraan
meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah oo mar hore naftii ka
baxday, laakiin Gobolada Puntland wali naf yar ayaa ku jirta.
Waxaan taas uga gol
leeyahay nin sheegay inuu wax barto
Jaamacadda PSU ee ku taalla Xarunta Maamul Goboleedka
Puntland ee Garoowe ayaa sheegay inay haboon tahay in Reer
Puntland aan laga hor istaagin inay lasoo baxaan
khayraadkooda.
Hadaba Waxaa Murugo leh
ardaygaas oo larabay inuu ahaado qofka ugu horeeya ee fahma
waxa laysku haysto iyo waxa laga hor joogo Reer Puntland
inuusanba fahmin macnaha habeen iyo maalin looga hadlaayo
Terry iyo Saaxiibadiis iyo ujeedadooda, laakiin waa loo
baahan yahay dadka reer Puntland inay iyagu ka
faa'iideystaan khayraadkooda ee maahan inay ka boobaan dadka
kaga soo duuley Daafaha Aduunyada.
Waxaan mar labaad leeyahay
arimaha soo socda ayaa looga digayaa Reer Puntland Terry iyo
Shirkadda uu sheegay inuu Garwadeenka u yahay ee Concort (ama
consort).
-
Shirkadda
uu sheeganaayo Terry maahan mid lagu aamini karo
khayraadka dalkeena, waxaana cad inaysan lahayn wax
jiritaan ah ee ay tahay Magac layska sheegtay oo kaliya,
waxaa la sheegay Dalka Austaralia inaysan ka diiwaan
gashanayn, waxaa la hubaa inaysan ahayn Shirkad lagu
yaqaan inay baarto Macdanta, waxaa la ogsoon yahay Terry
markii hore inuu dalka kusoo galay isaga oo la socda
dhakhaatiir samafalayaal, kadib markii uu indha
indheeyay khayraadka ka buuxa Gobolada Puntland wuxuu
isu badalay Dilaal (broker),wuxuu markii hore sheegtay
in Shirkadiisu ay ka diiwaan gashan tahay Dalka
Australia, kadib markii lasoo ogaaday inaysan sal iyo
baar ku lahayn dalka Australia ayuu mar kale sheegtay
inay dagan tahay Jasiirada Maldives (Republic of the
Maldives) ee ku taala Badweynta Hindiya, Hadaba
waxaan ognahay looyaradii ay Mas'uuliyiinta Puntland
qabsadeen inay kula taliyeen Madaxda Puntland inaysan
wax heshiis ah la galin Terry iyo Shirkadda uu
sheeganaayo maadaama uusan haysan wax aqoonsi ah, hadaba
hadii Shirkadda Terry uu wato ay noqotey mid illaa iyo
hada aan la aqoon meesha ay ka diiwaan gashan tahay,
hantideeda, caymiskeeda ayna cadaatay Terry inuu yahay
Dilaal doonaya inuu boobo khayraadka Puntland, ma
haboontahay in laga aamuso?, si Terry iyo Burcadda la
socota ay u boobaan khayraadka Puntland iyada oo aan wax
badiil ah la siin shacabka dhibaateysan ee Reer
Puntland, mase xoogaaga Xeer
hoosaadka uu ku sheegay Dr. Gaagaab ayaa horumar u
ah Puntland?.
- Waxaan ognahay
warbixintii ugu danbeysay ee ay soo saartay Ha'yada
Unicef ayay ku sheegtay in Caruur gaaraysa 7000 aysan
haysan wax waxbarasho ah, waxaana iska cad in ka badan
tiradaasi inaysan haysan nolol maalmeedkoodii, iyaga oo
maalin kasta u le'anaaya jirooyin iyo nafaqa daro,
waxaan ognahay in Maamulka Puntland uu awoodo wax weyn
inuu ka qabto waxbarashada Caruurtaas iyo noloshooda,
laakiin aysan jirin wax dheg u jalaqsiinaya, waxaan
ognahay Puntland inay u baahan tahay Horumarin deegaan,
hadii ay noqon lahayd Wadooyin, Airportiyo, Dekedo,
Nadaafada iyo waxyaabo badan oo bulshada u dhexeeya wax
tarna u leh shacabka iyo Maamulkaba, laakiin taas waxaad
dareemaysaa marka aad fiiriso wadada weyn ee dhexmarta
Magaalada Boosaaso oo sidii loogu shubaayay Qashin ayba
aasantay, Hadaba ma haboonaan lahayd hadii khayraad
lasoo saarayo in horumarinta dhulka lagu sameeyo si ay
uga faa'iideystaan Maamulka iyo Shacabkuba?, mise waxaan
u daynaa inay boobaan dadka ka yimid Wadamo hodon ah,
wax dhibaato ahna aysan haysan dalkiisa iyo dadkiisa
midna?, mase ka aamusnaa kuwa sheegay inay xeer
hoosaadka la galeen si ay ugu darsadaan xoolihii hore ee
ay horey u boobeen?.
- Waxaan ognahay in
badda Soomaaliya ay ku jiraan maraakiib aan tiro lahayn
oo ah waliba kuwa ka reeban kalluumeysiga oo haba
yaraatee aan waxba hambeynayn, kuwaas oo habeen iyo
maalin khasaaro u gaysanaaya danyarta Soomaalida ah ee
noloshoodu ku xiran tahay khayraadka badda, waxaan
ognahay dhamaan maraakiibtaas in dilaalo u joogaan
dhamaan Gobolada Soomaaliya, kuwaas oo dhaqaale badan ka
qaataa maraakiibtaas, waxaan Xasuusanahay dadkii loo
xilsaaray inay ilaaliyaan Xeebaha Puntland waxa ay
sameeyeen, waxaan ognahay wiilal dhalinyaro wadaniyiin
reer Puntland ahi inay haatan ku xiran yihiin Bankood,
kuwaas oo maraakiib kalluumeysi la saaray si u
ilaaliyaan kadibna markii ay u adkaysan waayeen
xaalufinta ba'an ee ay ku hayaan maraakiibtaasi xeebaha
iyo waliba shabaagaha ay dhigtaan kalluumeystada
Soomaalida ahi, lagu sheegay inay yihiin Argagixiso
hadana ku xiran Bankood, isla markaana wax jawaab ah oo
ku aadan arintaas aysan ka soo saarin Maamulka Puntland.
Waxaan jeclahay in si
fiican loo fahmo arinta laysku hayo oo dad badani ay ku
taabayaan waa horumar, waxaana jeclahay inaad kasoo
jawaabtaan, waana midda aan qabo inay tahay Boob ee aysan
ahayn horumar, waxaan rajeynayaa in hurdada laga kaco, oo
xagga umadda loogu dhiciyo hadba sidii la awoodo.
Said Samatar
saidsurcad@hotmail.com
Enköping Sweden
Afeef: Aragtida qoralkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Sept 11, 2005
HEERARKII TERRY LA SOOMARAY
PUNTLAND
January
2005 ayey ahayd markii afar dhakhtar ay shegeen in ay
woqooyi bari Soomaaliya u safri doonaan bisha Febraury.
Dhakhaatiirtaas oo kala ahaa Graham Forward, Wayne
Pennington, Mark Salib iyo Debbie Wilson (kalkaaliso).
Bishii Febraayo ayey dhakhaatiirtaas reer Australian ah
waxay Puntland u yimadeen in ay caawinaad gaarsiiyaan dadkii
ay dhibaatadu ka soo gaartey bad-gariirka (Tsunami).
Waxaa
dhakhaatiirtaas soo racay Terry oo reer Australia ah
oo markaas sheeganayey in uu ka socdey hay'ad
samofal oo caawisa carruurta magaceedana la yiraahdo
"Kids In Need".
 June
10, 2005: Terry waxa uu ka mid noqday wafti uu
hoggaminayey madaxweyna DGPL, Gen. Cadde Muuse,
waftigaas oo sii maray dubai, kaddibna aadey Nairobi
si ayug aqayb galaan xafladii guuritaanka e DFKMg
ayugu guureysey Soomaaliya. Waxaa kale oo waftigaas
ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirika
Caalamiga ah ee DGPL, Dr. Faroole. [Eeg
halkan]
 Waftigii
Puntland, Markii ay Nairobi tageen waxay la kulmeen
madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha DFKMG, halkaas
oo ay ku kala xanaaqen Gen. cadde Muuse iyo C/Laahi
Yuusuf kadib markii DFKMG diidey in heshiis loo
saxiixo Terry. [Eeg halkan]
August 25, 2005:
Ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay heshiiska hoose
ee DGPL l agashay Terry in uu ku saabsan yahay
dhammaan waxa ku jira dhulk ahoos tiisa, sida macdan,
bartool ama gaas. Heshiiskaas oo si qarsoodi ah u
socdey.
August
28, 2005: ayaa ra'iisul wasaraha DFKMG waxa uu
war ka soo saaray magaalada Nairobi uu shaaca kag
aqaadayin heshiis caalami ah oo ay gasho Puntland uu
yahay waxba kama jiraan... [Eeg
Halkan]
August
29, 2005: ayaa DGPL waxay u jawaabtey hadalkii
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, ayagoo soo saaray war
saxaafadeed uu ku saxiixnaa Axmed Cabdi Xaabsade oo
ah Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga ee DGPuntland.
[Eeg halkan]
 August
31, 2005: Magaalaad Dubai ee dalka isutaga
imaaraadka carabta waxaa heshiis ku saabsan
baaritaanka khayraadka dabiiciga ah kala saxiixday
Terry iyo DGPL, waxaana heshiiskaas goob joog ka aha
madaxweynaha DGPL iyo wasiirka maaliyada (Dr.
Gaagaab).. [Eeg halkan]
September
9, 2005: Madaxweynaha Soomaaliya, C/Laahi Yuusud
Axmed oo jooga Jawhar ayaa yiri: "Sharci ahaan marka
maanta in Puntland laga gar leeyahay anaa maanta
qiraya, weliba Puntland-na waa ka imid, waana ku
dhashay, madaxweyne waa u ahaa, ninkii dembi
gelayaa yeelkiis anigu lama wadaago, ninkii khalad
gelayaa yeelkiis." [Eeg halkan]
September
10,2005:
Wasiirka maaliyada DGPL, Dr. Gaagaab ayaa shir ku
qabtay Boosaaso, waxana uu sheegay shirkada bishiiba
ay bixin doonto $200,000 iyadana ammaankeeda loo
sugi doono, waxana uu sheegay in ay hawsheeda
bilaabi doonto October 2005. Hadalkii Wasiirka
Maaliyada Puntland uu kaga Warbixinayey Heshiiskii
Puntland iyo Shirkada uu ku Sheegay Australian oo
Cod iyo Qoraal ah::::[Eeg
halkan]
|