Shirkaddii shidaalka la saxeexatay wasaaradda macadanta.
ISHA: Wargeyska Jamhuuriya ee kasoo baxa Hargeysa
December
2002: Heshiis ayaa dhex maray madaxda Somaliland
iyo nin lagu magacaabo Meier oo reer Norway ah. Mr.
Meier oo uu lasocdey nin asakiisu Hindi yahay oo la
yiraahdo Rajan wax ay la kulmeen Daahir Rayaale
Kaahin, heshiiskana waxaa la saxiixay wasiirkii
Biyaha iyo Khayradka Dabiiciga ah, Mohamed Abdi
Farah (Malow).
January
2005 ayey ahayd markii afar dhakhtar ay shegeen
in ay woqooyi bari Soomaaliya u safri doonaan bisha
Febraury. Dhakhaatiirtaas oo kala ahaa Graham
Forward, Wayne Pennington, Mark Salib iyo Debbie
Wilson (kalkaaliso). Bishii Febraayo ayey
dhakhaatiirtaas reer Australian ah waxay Puntland u
yimadeen in ay caawinaad gaarsiiyaan dadkii ay
dhibaatadu ka soo gaartey bad-gariirka (Tsunami).
Waxaa
dhakhaatiirtaas soo racay Terry oo reer Australia ah
oo markaas sheeganayey in uu ka socdey hay'ad
samofal oo caawisa carruurta magaceedana la yiraahdo
"Kids In Need".
May
2005: Waxaa magaalada Nairobi ku kulmay Ra'iisul
wasaaraha DFKMG iyo mr. Meier oo uu la socdo wiil la
yiraahdo C/raxmaan Liibaan oo reer Norway ah.
Wiilkii waxaa markiiba loo magacaabay Qunsulka
Soomaalida u fadhiya Norway, ninkii reer Norwayna
lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha
Soomaaliya kala taliyaha arimaha soo saarida
Shiidaalka.
June
10, 2005: Terry waxa uu ka mid noqday wafti uu
hoggaminayey madaxweyna DGPL, Gen. Cadde Muuse,
waftigaas oo sii maray dubai, kaddibna aadey Nairobi
si ayug aqayb galaan xafladii guuritaanka e DFKMg
ayugu guureysey Soomaaliya. Waxaa kale oo waftigaas
ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirika
Caalamiga ah ee DGPL, Dr. Faroole. [Eeg
halkan]
Waftigii
Puntland, Markii
ay Nairobi tageen waxay la kulmeen madaxweynaha iyo
ra'iisul wasaaraha DFKMG, halkaas oo ay ku kala
xanaaqen Gen. cadde Muuse iyo C/Laahi Yuusuf kadib
markii DFKMG diidey in heshiis loo saxiixo Terry. [Eeg
halkan]
August 25, 2005: Ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay heshiiska hoose
ee DGPL l agashay Terry in uu ku saabsan yahay
dhammaan waxa ku jira dhulk ahoos tiisa, sida macdan,
bartool ama gaas. Heshiiskaas oo si qarsoodi ah u
socdey.
August
26, 2005: Waxaa maxkamad lasoo taagey ninkii
Reer Norway ee heshiiska la galay Somaliland,
noqdayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha
DFKMG ee xagga soo saarida shiidaalka, mr. Meier.
August
28, 2005: ayaa ra'iisul wasaraha DFKMG waxa uu war
ka soo saaray magaalada Nairobi uu shaaca kag
aqaadayin heshiis caalami ah oo ay gasho Puntland uu
yahay waxba kama jiraan... [Eeg
Halkan]
August 29, 2005:
ayaa DGPL waxay u jawaabtey hadalkii Ra'iisul
wasaaraha Soomaaliya, ayagoo soo saaray war
saxaafadeed uu ku saxiixnaa
Axmed Cabdi Xaabsade oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga
ee DGPuntland. [Eeg halkan]
August
31, 2005: Magaalaad Dubai ee dalka isutaga
imaaraadka carabta waxaa heshiis ku saabsan
baaritaanka khayraadka dabiiciga ah kala saxiixday
Terry iyo DGPL, waxaana heshiiskaas goob joog ka aha
madaxweynaha DGPL iyo wasiirka maaliyada (Dr.
Gaagaab).. [Eeg halkan]
September
9, 2005: Madaxweynaha Soomaaliya, C/Laahi Yuusud
Axmed oo jooga Jawhar ayaa yiri: "Sharci ahaan marka
maanta in Puntland laga gar leeyahay anaa maanta
qiraya, weliba Puntland-na waa ka imid, waana ku
dhashay, madaxweyne waa u ahaa, ninkii dembi
gelayaa yeelkiis anigu lama wadaago, ninkii khalad
gelayaa yeelkiis." [Eeg halkan]
September 10,2005:
Wasiirka maaliyada DGPL, Dr. Gaagaab ayaa shir ku
qabtay Boosaaso, waxana uu sheegay shirkada bishiiba
ay bixin doonto $200,000 iyadana ammaankeeda loo
sugi doono, waxana uu sheegay in ay hawsheeda
bilaabi doonto October 2005. [Eeg
halkan] |
Oct 15 2002
Hargeysa - Xukuumadda Somaliland ayaa toddobaadkii hore
heshiis ku saabsan baadhista iyo soo saarista saliidda
caydhiin (batrool) iyo macdanta ku jirta dalka, waxa ay la
saxeexatay laba nin oo sheegtay in ay ka socdaan shirkad la
yidhaahdo Seminole Copanhegan Group oo ah shirkad caalami ah
oo ka shaqaysa qodista shidaalka iyo macdanta.
Qabanqaabada iyo ka baaraandegga heshiiska shirkaddaas waxa
uu madaxweynuhu u saaray guddi farsamo oo ka kooban saddexda
Wasiir ee waasaradaha Macdanta iyo Biyaha, Maaliyadda iyo
Ganacsiga, dhammaystirka daraasada heshiiskaas ka dibna waxa
dhinaca xukuumadda Somaliland qalinka ugu duugay Wasiirka
Macdanta iyo Biyaha Md. Maxamuud Cabdi Faarax, dhinaca
shirkadda Seminole Copanhegan Group-na waxa u saxeexay
labada nin ee sheegtay in ay ka socdaan shirkaddaas oo
magacyadooda la kala yidhaahdo; Mr. Stephen James Musker iyo
Faysal Qaasim.
Hase yeeshee, markii heshiiskaas la kala saxeexday ka dib
waxa soo shaac baxay dareeno shaki leh oo muujinaya in aanay
cidna metelin labada nin ee sheegtay in ay yihiin
hawlwadeeno sare oo ka tirsanshirkadda Seminole Copanhegan
Group, heshiiska ay la galeen xukuumadda Somaliland-na uu
yahay mid been abuur ah oo aanay cidna kaga wakiil ahayn.
Mr. Stephen James Musker iyo Mr. Faysal Qaasim ee xukuumadda
Somaliland heshiiska qodista batroolka ah kula galay magaca
shirkadda Seminole Copanhegan Group, ka hor intii aanay
heshiiskan saxeexin waxa ay kulan xafiiskiisa kula yeesheen
Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, markii u horreysay ee
labadaas nin dalka yimaadeen.
Warsaxaafaddeed uu kulankaas ka soo saaray Afhayeenka
madaxtooyada Somaliland Cabdi Idiris Ducaale, waxa uu ku
sheegay in labadaas nin ay ka socdaan shirkad caalami ah oo
ku shuqul leh hawlaha baadhista iyo soo saarista batroolka
iyo gaaska dabiiciga ah ee Bad iyo Beriba, shirkaddaas oo
lagu magacaabo Spot International Service, oo xarunteedu
tahay waddanka Ingiriiska, gaar ahaana ay ka tirsan yihiin
xafiis waaxeedka shirkaddaasi ku leedahay gobolka Taxes ee
dalka Maraykanka .
kulanka ay labadaas nin la yeesheen Madaxweyne Rayaale waxa
ay ku sheegeen in maalgelinta shirkadda ay sheegteen ku
samaynayso Somaliland ay oggolaansho uga heleen xafiiska
Arrimaha Dibadda ee dawladda Maraykanka.
Haddaba, dareenka shakiga ah ee ku saabsan arrinta labada
nin iyo heshiiska ay la galeen xukuumadda Somaliland waxa uu
markii u horreysay muuqday, markii la oggaaday magacyada
labada shirkaddood ee kala ah Spot International Service iyo
Seminole Copanhegan Group ee ay marba mid sheegteen in ay ka
socdaan.
Waxase shakiga raggani sii xooggaystay Khamiistii
toddobaadkii hore, ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda
ee Somaliland Md. Maxamed Siciid Gees uu saxaafadda u
sheegaya in uu meelo kala duwan oo Yurub ah ka helay
dhambaalo badan oo Fax-yo ah, kuwaas oo sheegay in mid ka
mid ah labada nin ee heshiiska la saxeexday xukuumadda
Somaliland oo magaciisu yahay Mr. Stephen James Musker, uu
yahay nin khaayin ah oo maxkamadda sare ee dalka Ingiriisku
ay mar hore ka mamnuucday in uu ku shaqaysto hawlaha ganacsi
ee shirkaddaha qodista saliidda iyo macdanaha ka ganacsada
dhammaantood.
Wasiirku waxa uu sheegay in ay isku mid yihiin magaca
saddexan ee ninkaas heshiiska la galay Somaliland iyo magaca
saddexan ee lagaga hadlayo dhambaalada dibadaha ka soo
gaadhay, kaas oo la sheegay in si buuxda looga joojiyey
ruqsaddii shaqo ee uu haystay gebi ahaanteedba, ka dib
markii lagu helay dembiyo fara badan oo la xidhiidha
musuqmaasuq, been abuur iyo wax is dhaafin.
Waxase uu Md. Gees yidhi; “Balse, saddexda magac ee laba nin
isku mid way noqon karaan.” Wasiirka Macdanta iyo Biyaha
Somaliland Md. Maxamuud Cabdi Faarax, oo isagu magaca
xukuumadda Somaliland u metelayey heshiiska uu la saxeexday
Mr. Stephen James Musker iyo Faysal Qaasim, oo aanu wax ka
weydiinay arrinta heshiiska shakiga laga muujiyey ayaa waxa
uu sheegay in shirkadda ay xukuumadda Somaliland heshiiska
la saxeexatay tahay shirkadda Seminole Copanhegan Group, oo
saldhiggeedu yahay dalka Ingiriiska, qaybo ka mid ah
xafiisyadoodana ay ku leeyihiin Tyler, Taxes ee waddanka
Maraykanka.
Wasiirku waxa uu sheegay in shirkaddani ay maamusho 76 ceel
iyo 127 ceel oo ceelasha shidaalka ah oo u diyaar ah in dib
loo qodo oo ku yaalla dalal kala duwan oo
adduunka ah.
Md. Maxamuud Cabdi Malow, waxa uu xusay in uu sax yahay oo
aanu been abuur ahayn heshiiska ay la saxeexdeen labada
hawlawadeen ee uu sheegay in ay ka tirsan yihiin shirkadda
Seminole Copanhegan Group.
Isaga oo faahfaahinaya heshiiska xukuumaddu la saxeexatay
shirkaddaas waxa uu md. Maxamuud yidhi; “Waxaanu ku
heshiinay in ay ku yimaadaan Somaliland team farsamo yaqaano
ah oo ay ku soo diraan muddo 21 cisho ah, si ay qiimayn ugu
sameeyaan bilowga hawsha.
Isla markaana in ay ku soo guuraan [shirkaddu] muddo saddex
bilood ah, laba bilood gudahoodna ay ku diyaariyaan qodista.”
Md. Maxamuud Cabdi Faarax, waxa uu sheegay oo kale in labada
nin Mr. Stephen James Musker iyo Faysal Qaasim aanay ka
socon shirkadda Spot International Service, balse
shirkaddaasi ay tahay ta idhiidhisay xukuumadda Somaliland
iyo shirkadda ay heshiiska la gashay ee Seminole Copanhegan
Group.
Wasiirka Macdanta iyo Biyuhu, wax faallo ah kama uu bixin
dareenka shakiga ah ee laga muujiyey masuuliyadda Mr.
Stephen James Musker, oo ka mid ah labada nin ee uu
heshiiska la saxeexday. Caddeymo iyo dukomantiyo uu helay
Wargeyska Jamhuuriya oo naloogu soo gudbiyey khadka
Internet-ka ayaa waxa ay war cad ka bixiyeen shaqsiyadda Mr.
Stephen James Musker, oo dhalashadiisu tahay Ingiriis iyo
falal khaayinimo ee uu galay ee lagaga mamnuucay dhammaan
shaqo uu ka qabto dalka Ingiriiska nooc kasta oo ay tahayba.
Caddaymahaas wargeysku helay mid ka mid ah oo ka soo baxday
xafiiska guddoomiyaha guddiga sare ee Hay’adda ganacsiga
Yurub, Margaret Beckett, waxa ay sheegtay in hay’addaas
ganacsiga Yurub ay Mr. Stephen James Musker ay ka qaaday
ruqsadii shaqo ee uu haystay, ka dib markii maxkamadda sare
ee Ingiriisku ay ku riday ninkaas xukun ka mamnuucaya in uu
wax shaqo ah ka qabto, isaga oo lagu helay dembiyo kala
duwan oo la xidhiidha musuqmaasuq iyo been abuur uu ku
sameeyey shirkadaha ka ganacsada shidaalka.
Sida ay caddaysaya hay’adda ganacsiga Yurub, 24 April, 1998,
ayey maxkamadda sare ee waddanka Ingiriisku ku xukuntay Mr.
Stephen in aanu ku shaqaysan ruqsadaas muddo shan iyo toban
sannadood ah, waqtigaas oo Mr. Musker uu horjooge ka ahaa
shirkadda STRATTON.
Shirkaddani waxay ahayd shirkad soo saarta saliida iyo
tegnoolajiyada casriga ah. Sababta keentay in laga qaado
ruqsadda shaqo Mr. Musker, waxa ka mid ahaa, ka dib markii
uu ku xad-gudbay qodobka 8aad ee u yaalay ee sharciga
shirkaddaas, markaas oo uu aflegaadooyin cay ah u geystay
guddoomiyeyaashii shirkaddaas, isla markaana shaqadii ka
curyaamiyey, waxa kale oo intaas dheer in uu faro-geliyey
shirkaddo kale.
Cambaarayntan ku saabsan edeb-darrada uu sameeyey Mr.Musker
iyo weliba been abuur uu sameeyey ayaa keliftay in laga
qaado ruqsaddii shaqo.
Mr. Musker, intaa wixii ka dambeeyey waxa uu ku kacay in uu
si been abuur ah, isaga oo u metelaya shirkaddaas hore ee uu
u shaqayn jiray heshiisyo la galo ururo, shaqsiyaad ama
waddamo, kuwaas oo uu ugu ballanqaadayo in uu ku samaynayo
maalgelin, taas oo uu kaga aar goosanayey in khasaare uu u
soo hooyo shirkaddaas uu ka tirsanaa.
Maxkamaddu waxa kale oo ay tixgelisay dhawr fal dambiyeed oo
uu hore ugu galay heshiisyo socon waayey sannadahan dambe,
waxaana kuwaas ka mid ah isaga oo sheegtay in laga codsaday
in uu bixiyo kharashaadka ku baxa xoghaya Arrimaha
Dhaqaalaha iyo Wershadaha ee dalka Ingiriiska, iyada oo
sharciga Ingiriisku aanu dhigayn in xoghayuhu wax weydiisto
mid ka mid ah guddoomiyeyaasha shirkadaha hoos taga
maamulkiisa.
Qofka haddaba arrinta noocaas oo kale ah ku kaca, waxa
sharci ah in aanu wax shaqo ah ka qaban waddanka gudihiisa,
isla markaana fadeexadda uu sameeyey lagu xukumo xadhig laba
sannadood ah ama lacag ganaax ah oo u dhiganta.
Shirkadda STRATTON EUROPE Plc, oo ka shaqaysa qodista
shidaalka iyo farsamooyinka casriga ah ayaa sheegtay in aan
Mr. Musker, la shaqayn iyaga , magacoodana heshiis ku geli
karin.
Tobankii sannadood ee u dambeeyey, xukuumadda Somaliland
waxa ay heshiisyo ganacsi iyo kuwo maal-gashi ah oo aan si
dhab ah loo dersin xaqiiqdooda iyo kalsoonidooda ay la
gashay shirkaddo kala duwan oo adduunka ka kala socda,
kuwaas oo aan haba yaraatee mid keliya wax ka hirgalayt aanu
jirin, ayaa waxa inta dhalliishooda loo xambaariyaa
xukuumadda Somaliland, oo inta badan si fudud iskaga gasha
heshiisyo aan laga baaraandegin iyo iyada oo aan wax baadhis
ah ku samaynin jiritaanka iyo aamminaada shirkadaha ay
heshiisyada la gelayaan masuuliyiinta xukuumaddu, oo qaar
badan oo ka mid ahi ay ahaayeen dillaaliin aan sharciyad
haysan iyo qaar wata magacyo shirkaddo been abuur ah.
Dhawaaqii diblomaasiyiinta Reer Galbeedka yaan loo dayicin
sidii kuwii hore. Tan iyo 18 may 1991, oo ahayd markii lagu
dhawaaqay dib ula soo noqoshada madax bannaanida Somaliland,
waxay dadka Reer Somaliland naawilayeen Ictiraaf buuxa oo
bulshada Caalamka uga yimaada Somaliland, hasa yeeshee
naawiladaasi ma noqon mid u dhacda sidii la filayay, illaa
iyo haddana Somaliland kama helin aqoonsi Caalamka. Waxayna
inta badan xukuumadihii kala duwanaa ee talada Somaliland
soo qabtay xoogga saareen dhisidda iyo xoojinta siyaasadda
arrimaha gudaha ee Somaliland oo laga soo bilaabay dib u
heshiisiinta beelaha Somaliland ee dalka wada dega,balse
xukuumadihii Somaliland u kala dambeeyay Marnaba ma qaadin
olole balaadhan oo iblomaasiyadeed oo lagu baadi goobayo
sidii Somaliland loogu heli lahaa Ictiraaf, kaas oo haddii
olole la qaadi lahaa la heli lahaa natiijo ha tognaato ama
ha tabnaato’e, waxaana inta badan Diblomaasiyiinta Caalamka
aan si hufan looga dhaadhicin qadiyadda iyo gooni isu taaga
madax bannaanida Somaliland. Waxase xusid muddan talaabooyin
wax ku ool ah oo uu qaaday wasiirkii hore ee arrimaha
dibadda Somaliland Md.Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe), oo
sannadkii 1997 loo magacaabay Wasiirka
arrimaha dibadda Somaliland, xilligaas oo uu garaacay, isla
markaana debciyey albaabo lagu jebiyay qufulo.
Inkasta oo aanu Md.Fagadhe si buuxda ugu guulaysan inuu
foodda soo dhigo Ictiraafka Somaliland, haddana waxa uu
qaaday tallaabooyin horumar leh, kuwaas oo oo jiitay indho
hore uga sii jiiday madax bannaanida iyo goonni isu taagga
Somaliland. Laakiin waxa aan la qaadin tallaabooyin lagu sii
horumarinayo xirfadahaa diblomaasiyadeed ee uu qaaday
Md.Fagadhe, tallaabooyinkaa uu qaaday Md.Fagadhe waxa ka mid
ahaa isaga oo xoogga saaray inuu Qaramada Midoobay ka
dhaadhiciyo sida ay ku timid iyo siday ahayd taariikhdii
Somaliland, laakiin talaabooyinkaasi ma
noqon kuwa sii waara markii uu iscasilay.
Aftidii ay dadka Reer Somaliland 97% ku oggolaadeen madax
bannaanida Somaliland oo ay ka soo qayb galeen goob
joogayaal Caalami ah, ayaa iyana ahayd fursad
diblomaasiyadeed oo dahabi ah, taas oo mudnayd in la raaciyo
oo lagu kaabo dedaal lagu qaadayo soo dhoweynta iyo
dhiraan-dhirinta ictiraafka Somaliland, laakiin sida muuqata
noqotay sheeko halkeedii lagu dhaafay oo aan ka daba tag
lagu samayn, taas oo lagu micnayn karo fursad qaali ah oo
aan looga faa’iidaysan sidii loogu tala galay ee loo
qorsheeyay.
Haddaba, waxa jira fursado kale oo iyada qudhoodu muddan in
laga faa’iidaysto, kuwaas oo haddii si qurux badan loo
salaxo ay soo baasgarayn karaan diblomaasiyiin badan oo il
gaar ah ku eegaya Somaliland,fursadahaas oo ay ka mid yihiin
go’aankii
ay horaantii bishan Oktoobar kaga dhawaaqeen
diblomaasiyiinta Midawga Yurub iyo Maraykan magaalada
Nayroobi, go’aankaas oo ay ku sheegeen in aanay Somaliland
ka qayb geli doonin shirka dib u heshiisiinta soomaalida ee
lagu qabanayo dalka Kenya,
ayaa Somaliland u leh miisaan balaadhan oo siyaasadeed, una
soo jeedin kara ragtiyo shisheeye ama ba qolooyin aan ka
warqabi xaqaa’iqa iyo waaqica yaala Somaliland. Go’aankan
diblomaasiyiinta oo ah mid ka soo maaxay aragti fog waxa uu
Somaliland u horseedi karaa waxyaabo ay in badan raadinaysay
oo aanay ka filayn inuu ka soo baxo dalka Kenya dhexdiisa,
balse si lama filaan ah uga soo dhexbooday.
Inkasta oo muddadii koobnayd ee uu xilka hayay Madaxweyne
Rayaale uu qaaday dhaqdhaqaaqyo uu ku horumarinayo
siyaasadda dibadda ee Somaliland,kuwaas oo ay muuqdaan midho
dhalkoodii, oo go’aanka diblomaasiyiinta lagu micnayn karo
inuu qayb ka ahaa dhaqdhaqaaqyadaa uu qaaday Madaxweyne
Rayaale, haddana taa macnaheedu maaha inuu guushii gaadhay
oo dheeraysto barkimada, balse Hoggaanka sare ee Xukuumadda
Somaliland waxa looga fadhiyaa martina looga yahay inuu
qaado dedaal diblomaasiyadeed oo dheeraad ah oo ay ku
raadinayo soo dhawaynta iyo dhiraandhirinta Ictiraaf buuxa
oo ay somaliland hesho, isla markaana ay kasbato aragtiyaha
diblomaasiyiinta kale ee aan go’aankan la wadaagin kuwa
midawga Yurub iyo Maraykan, kuwaas oo haddii xukuumaddu ay
sii xoojiso noqon kara fursad ay xukuumaddu ka faa’iidaysato,
haddii kalena noqon kara oo ku biiri kara fursadihii hore
loo dayacay, isla markaana uu hadalkaasi diblomaasiyiintu
noqdo mid halkiisa lagaga hadho.
Go’aankan miisanka leh ee ay diblomaasiyiintu ku dhawaaqeen
waxa weeye mid ay u soo bandhigeen shacbiga Somaliland oo si
ay wixii qabyo ah u dhamaystirtaan, taas oo cidda keliya ee
si hufan oo ay ka muuqato faro dhuudhuubni diblomaasiyadeed
ku daba gali karaa ay tahay xukuumadda.
Ugu dambayn waxaan ugu baaqayaa xukuumadda Somaliland inay
fiiro gaar ah ku eegto go’aankaas ayna ku samayso daba gal,
oo aanay sugin fursad kale oo haddana la soo bandhigo.
Si kastaba ha ahaatee guul laga gaadho muddada uu talada
hayo Md.Rayaale Ictiraaf u helidda Somaliland, waxay u noqon
doontaa mid u gasha taariikhda sooyaalka ah ee aan duugoobin,
kursiga halagaga guulaysto ama ha ku guulaystee, haddana
waxa weeye hawl maraynteedu ay u taalo Mudane Rayaale.
ISHA: Jamhuuriya | Oct 2002
|
|
|