SOOMAALIDA MAXAY CADDAALAD DARRIDA KU
JECLAATAY
(Tanna waa caddaalad darro cusub oo
iminka ka taagan GOS)
MUDANE WIISH: "Balaagoow been baad iga
sheegtay, oo liiskii aad tiri Qalinka
cas iyo midka madow ayuu u haystay ma
ahayn….!"

Guddiga Olympic-kada
Soomaaliyeed (GOS) tan iyo xilligii
burburka wuxuu ahaa ha’ayd u taagan
difaaca iyo ilaalinta Magaca
Soomaaliyeed, waxayna ku guuleysatay in
goobo badan ay ka taagaan calanka
Soom-aaliyeed, sidoo kalena waxay soo
saareen ciyaartoy fara badan oo
Soomaaliyeed oo qaarkood iminka dibadda
ay ka ciyaaraan. Si kastaba ha ahaatee,
Dadaalkaas GOS ay waday iyo guulihii ay
gaartay waxaan marnaba ka marnayn
qaladaad iyo ku tumasho sharciyada GOS u
yaallay, balse xubnaha faraha badan ee
GOS ku midoobay oo intooda badan ku
shaqeeya si mutadawacnimo ayaa mar kasta
ku dadaali jiray in qalad kasta oo dhaca
uusan noqon mid GOS u baaba’ado. Qalinka
uma qaadan in aan soo dhiraandhiriyo
qaladaadka faraha badan leh ee salka ku
haya cadaaladdarro ee ka dhacay guddiga
Olympic-kada Soomaaliyeed (GOS), balse
waxaan doonayaa inaan ifiyo qalad iminka
ka taagan GOS gudaheeda, kaasoo
dulucdiisu tahay in qaar ka mid ah
Mas’uuliyiinta GOS ay ku tumanayaan
sharciga iyo nidaamka GOS ay lafteeda
degsatay.
Waxaa dhawaan u amababaxaya dalka Al-Jeeriya
koox Soomaaliyeed oo kubadda Koleyga ah
ayna wehlin doonaan mas’uulyiiin ka
tirsan xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda
Koleyga iyo kuwo ka socda GOS iyo weliba
weriyeyaal, howshaan safarka ah markii
ay soo baxday ayaa mas’uuliyiintii u
xilsaarnaa howshaan ku dhaqaaqeen
xulidda dadkii bixi lahaa, waxaana
durbadiiba soo if baxay qaladaadkii ugu
horreeyay, waxaanan doonayaa inaan si
gaar ah u tilmaamo xubintii weriye ee
raaci lahaa wafdigaa oo aan anigu markii
hore u haystay in ay laba ruux ahaayeen
balse uu Mudane C/qaadir Gacal Abkoow
igu yiri "Waa hal xubin".
Waxaa dhacday in xubintaas loo
maga-caabay Weriye aan ka mid ahayn
ururka Saxafiyiinta Isboortiga oo ka mid
ah ururrada hoos yimaada GOS kaas oo
waajibaadkiisa ay ka mid yihiin
daboolidda baahida saxaafadeed ee GOS,
isla markaana xaq u leh fursad kasta oo
ay GOS hesho oo dhanka saxaafadda ah.

Markii arrintani ay soo ifbaxday ayaa
waxan la xiriiray habeennimadii
Khamiista ahayd Mudane Aadan Xaaji
Yabarow Wiish oo ah Guddoomiye ku
xigeenka GOS, isla markaana ah madaxa
howl fulinta GOS isla markaana ah
guddoomiyaha xiriirka kubadda Koleyga
Soomaaliyeed, taasoo muujinaysa in uu si
toos ah howsha safarka maamulkeeda u
leeyahay, habeenkaasi wax hadal ah oo
badan isma aynaan dhaafsan oo
subaxnimadii khamiista ayuu igu
ballamiyay xafiiskiisa, waxaan u wada
tagnay aniga oo C/llaahi Black ah ahna
guddoomiyaha ururka Saxafiyiinta
Isboortiga iyo Xog-hayaha guud ee ururka
Shaafici Muxyadiin Isloow, guddoomiye
Wiish markiiba wuxuu noo sheegay in
howshan uusan waxaba ka ogeyn waxna kala
socon, wuxuuna yiri: "Intii aan Athens
ku maqnaa ayaa howshaan bixitaanka ah
billaabatay, markii aan imidna waan ka
gaabsaday inaan faraha la galo, waxaana
howshaan horay u waday qaar ka mid ah
mas’uuliyiinta GOS iyo xiriirka kubadda
Koleyga, iyaga ayaadna kala xiriiraysaan".
Markii uu Wiish ereyadaa nagu oranayay
waxaa miiska u saarnaa liis dheer oo ay
ku taxan yihiin magacyada ciyaartoyda,
tababarayaasha iyo mas’uuliyiinta
kubadda koleyga ee loo qorsheeyay inay
safarka Aljeeriya u ambababaxaan, wuxuu
gacanta ku haystay laba qalin oo mid
madow yahay midna casaan (guduud) yahay,
isha ayuu la raacay liiska wuxuuna
bilaabay in dhowr qof uu qalinka
casaanka ah mariyo uuna ka reebo safarka,
waxaana xilligaa dul taagnaa guddoomiye
ku xigeenkiisa Ibraahim Roombe oo qofkii
uu garan waayo u sharxayay Wiish,
taasina waxay si dhab ah u muujinaysay
awooddiisa iyo xilkiisa.
Qorshuhu wuxuu ahaa in Aniga, Shaafici,
Wiish iyo Abkoow aan shir wadajir ah
qaadanno fikraddaas oo uu noo soo
jeediyay Mudane Wiish, balse markii aan
duhurkii tukannay ayuu Wiish qadhiisa
cudurdaar la yimid, isagoo nagu yiri: "Kowda
Duhurnimo ayaan ballan magaalada ku
leeyahay ee adinku u taga Abkoow".
Markiiba waxaan u soo gudubnay xafiiskii
Mudane Abkoow, oo markaa ka faaruqay
kulan ballaaran oo loo sameeyay wafdi ka
socday magaalada Caabudwaaq, markii aan
arrintaan dhacday wax ka weydiinnay iyo
sababta keentay in weriye aan GOS ka
tirsanayn loo magacaabo safarkaas wuxuu
ereyo kulkulul nagu yiri: "Hadal yuusan
idin dilin howshaan innagaa sameynay
mana laga noqonayo". Intaa kaddib wixii
aan la kulannay waxaan ogeysiinnay
xoghayaha guud ee GOS iyo qaar ka mid ah
Mas’uulyiiinta GOS oo intooda badan noo
sheegay in qaladkaasi ay wada arkeen.
Waxaan maanta oo sabti ah qoraalo
ashtako ah gaarsiinaynaa Wakiilka
Guddoo-miyaha GOS Mudane Xaaji Cabdi
Guddoomiyaha GOS Mudane Sendiko, iyo
weliba Abkow, Wiish iyo Xoghayaha Guud
ee GOS Tarabi, waxaana rajeynaynaa in
qaladka jira la sixi doono haddii EEBBE
idmo.
Qormadii shalay ee hal ku dhiggeedu ahaa
Caddaalad darro cusub oo iminka ka
taagan GOS oo uu wargeysku soo baddhigay
ayaa waxay dood uga timid mudane Aadan
Xaaji Yabaroow "Wiish" oo aniga
shaqsiyan mar aan xafiiskiisa ugu tagay
igu yiri: "Balaagoow been baad iga
sheegtay!".
Markii
uu ereygaa igu dhahayay waxaan taagnaa
albaabka xafiiskiisa, waxaana u siday
nuqul ka mid ah warqad ashtako ah oo ay
soo qoreen ururka saxafiyiinta
Isboortiga, gudaha ayaan u soo gudbay
waxayna indhahaygu ku dhaceen nuqul ka
mid ah wargeyska Ayaamaha oo hor yiillay
mudane Wiish markii aan dul imid ayaan
weydiiyay beenta aan ka sheegay waxay
tahay wuxuuna igu yiri: "Liiskii aad
tiri: Wiish wuxuu u haystay qalin cas
iyo mid madow oo dadkii safarka aadayay
ayuu qaarna ka reebayay qaarna ku
darayay been baad ku sheegtay, oo liiska
aan saxayay oo aan dadka ka reebayay
wuxuu ahaa liiskii ciyaartoyda kubadda
Koleyga ee kooxaha Heegan iyo Horseed
kuwaasoo la doonayay in ciyaartoy
xaddidan ay ka qaybgalaan tartankaas,
waxaa qorsheysnaa in koox walba ay la
timaaddo 12-ciyaartoy iyo saddex isugu
jira guddi iyo garsoor, waxayna soo
qorteen illaa 30-ciyaarto, taas ayaana
kala saarayay".
Wiish
waxaan u ballan qaaday in wixii khalad
ah ee aan qoray aan saxayo, si ay
anigana aan fursad ugu helo in erayo
intaas ka badan aan ka helo guddoomiye
Wiish ayaa xalay khadka taleefoonka ku
weydiiyay dhowr su’aalood, waxaana ku
iri: "Waxaad tahay madaxa howl fulinta
ee GOS sidey ku dhici kartaa howl aadan
gacan ku lahayn in laga fuliyo GOS
gudaheeda?" wuxuu iigu jawaabay: "Horay
ayaan kuugu sheegay anigu safar ayaan ku
maqnaa markii ay howshaan billaabanaysay
markii aan imidna meel fiican ayay
maraysay, sideedabana howshu waxay ahayd
howl guddiga Olympic-kada ay hormuud ka
yihiin, waxaana jooga madax iga
sarreysa, annaga ka xiriir ahaan waxaan
lahayn xulidda kooxdii Basketball-ka iyo
tababarayaashooda, markii aan imid waxaa
la ii sheegay in dhamaan la xulay
aniguna waan ku raacay".
Waxaa
weydiiyay su’aal kale oo ahayd: "Markii
la xulayay xubintii weriyaha adigu ma
maqanayd mise waad joogtay?" wuxuu ku
jawaabay: "Waan joogay", waxaan ku iri:
"Mar haddii aad joogtay adigu
go’aankaagu muxuu ahaa maadaama GOS ay
lahayd urur saxafiyiin?", wuxuu iigu
jawaabay: "Dhab ahaantii, ururka
saxafiyiinta waayadaan ma uusan shaqeyn,
waxaana la baadi goobay weriyeyaal
waayadaan nala shaqeynayay, markii laga
dooday oo la isku raacay xulashada
weriyaha, aniguna waan ku raacay".
Waxaan
ku iri: "Ururka suxufiyiinta Isboortiga
ma waxaad leedahay wax shaqo ah ma uusan
qaban, teeda kalena ma isagaa howl-gab
noqday mise amar mas’uuliyiintiina ka
yimid ayaa shaqadiisa hakad loo geliyay?"
mudane Wiish wuxuu ku jawaabay: "Waa
runtaa… ururka saxafiyiinta isboortiga
shaqo wanaagsan ayuu soo qabtay oo ma
beeninayo wayna jirtaa in amar ka yimid
maamulka sare ee GOS Howshiisa lagu
halkiyay balse howshan xulidda ah sidaas
ayay noogula muuqatay".
Mudane
Wiish waxaan kaloo ku iri: "Tallaabada
aad qaadateen ma habboon tahay, mana
habboon tahay in ururkii saxafiyiinta
isboortiga ee aad adinku dhisteen sidaa
lagu illoobo?", wuxuu ku jawaabay: "Way
habboon tahay in wixii la qabtay la qiro,
annaga waxaan ka hadalnay oo keliya
ciddii waayadaan shaqeynaysay, taas
keliya ayaa hadafkeennu ahaa".
Ugu
dambeyntii waxaan weydiiyay "Gooma ayay
baxayaan guddigaasi?" wuxuuna igu yiri:
"Weli waqti go’an looma qorsheyn waxaana
rajeynaynaa inay goor dhaw baxaan".
W/D: Abdullaahi Black
E-mail:
abdulahiblack@hotmail.com