Waxaa maalintii
Jimcihii ahayd
ee aynu soo
dhaafnay
magaallada
Zurich-Switzerland
ee ah xarunta
xiriirka Kubadda
Cagta Adduunka
ee marka
magiciisa la soo
gaabiyo loo
yaqaanno (FIFA)
lagu soo
dhoweeyey wafdi
uu hoggaaminayo
Salaad Macallin
Max’ed (Salaad
Gaab), oo ah
gudoomiyaha
xiriirka
soomaaliyeed ee
kubadda cagta
Siciid Nuur
Mugambe (ku
xigeenkiisa) iyo
Xoghayaha Guud
ee Kubadda Cagta
C/qani Siciid
Carab, waxaana
halkaasi ay kula
kulmeen
Guddoomiyaha
Xiriirka Kubadda
Cagta Adduunka
Joseph Sepp
Blatter,
Xoghayaha Guud
ee FIFA Dr. Urs
Linsi iyo ku
xigeenka
Xoghayaha Guud
Jerome
Champagne,
waxaana halkaasi
lagu
guddoonsiiyey
Salaad Macallin
Maxamed (Salaad
Gaab) Biladda
Boqol guuradii
ka soo
wareegatay
aas-aaskii
Xiriirka Kubadda
Cagta Adduunka
ee FIFA.

Salaad
Gaab iyo Blatter
oo wada haya
calanka FIFA
Isla xafladdaasi
waxa ay FIFA ku
dhawaaqday in
laga billaabo
8/10/2004 uu
Salaad Macallin
Maxamed (Salaad
Gaab) yahay
Guddoomiyaha
Xiriirka Kubadda
Cagta
Soomaaliyeed
(Somali Football
Federation SFF),
waxaana sidoo
kale FIFA ay ku
dhawaaqday in
Salaad Gaab lagu
wareejin doono
dhaqaalihii ka
xayirnaa labada
sanadood
waddanka
Soomaaliya ee
loogu talo galay
horumarinta iyo
socodsiinta
Kubadda Cagta
Soomaaliyeed.
FIFA waxa ay
sheegtay in
Soomaaliya ay
billaabi doonto
sharci cusub oo
dhinaca
maaliyadda ah,
iyadoo
Soomaaliya iyo
waddammada kale
ay FIFA kula
xisaabtami
doonto xagga ay
ku bixiyeen
shilin kasta oo
soo gaara.
Faarax Weheliye
Caddow (Sendiko)
oo FIFA ay dul
dhigtay ganaax
gaaraya
10-sanadood oo
looga joojinayo
ciyaaraha ayaa
waxa uu arrintan
ku tilmaamay mid
wax kama jiraan
ah, inksatoo
illaa iyo hadda
Faarax uusan wax
hadal ah ka soo
saarin
magacaabiddii
Salaad Gaab ee
Guddoomiyaha X/Kubadda
Cagta
Soomaaliyeed