aybtii
labaad ee silsilada maqaaladan waxa aan ku faalaynay qaar ka mida dhibaatooyinka
ka hor yimid qoyska Soomaliyeed ee qurbaha deggan. Hadii Alle yidhaa qaybtani
waxa ay dhamystir u tahay qaybtii labaad ee silsilada maqaladan.
Caydh
ama Saboolnimo
Soomaalida
qurbaha soo degtay badiba waxa ay ahaayeen dabaqadii ugu saraysay Soomaalida xag
dhaqaale iyo xag tacliimeedba. Qaxootinimadu waxa ay sababtay in
isbadal wayni uu ku yimaado arinkan. Halkii ay ka ahaayeen dabaqada ugu
sarysa mujtamca waxa ay badiba ka mid noqdeen dabaqadaha ugu hooseeya ee
mujtamcayada ay la soo degeen. Isbadalkan dabaqadeed ee ku dhacay nolosha qoyska
Soomaaliga aragtidayda aad looma fahmin. Si kor loogu soo qaado maceeshada
aqalka waxa dhacday in ay qoysku isku dayeen in ay helaan qaabab (habab)
lagu kordhiyo dakhliga qoyska. Hababkan waxa ka mida kii aan kaga soo
hadalay maqaalkii hore (hooyada kaliga ah). Waxa kale oo ka mida in
hooyooyin badani ay bilaabeen in ay
xoogsi tagaan. Mararka qaarkoodna waxaa dhacda in ay raggu u shaqa tagaan meelo
ka fogfog meelaha ay qoyskoodu ku noolyihiin. Arimahaas oo dhamina waxa ay
dhaawac ku keeneen xidhiidhka qoyska iyo tarbiyada ubbadka.
Khilaafaadka Qoyska
Khilafaadku
waa shay dabiiciya oo ka dhexdhaca aqal kasta. Lakiin waxa jira khilaafaad ay
sabab u yihiin duruufaha qurbuhu. Khilafaadka ugu waaweeyn ee Soomaalida qurbaha
deggan waxa ka mida in ninku uu xaaskiisa ku tuhmo in ayna u ixtiraamayn sidii
ay u ixtiraami jirtay waqtigii dhulkii la joogay. Waxa ka mida in ninku is
tusiyo in xaasku ay kula tartamayso masuuliyada aqalka. Waxa ka mida in ay
gabadhu is tusiso in ninku uu aqalka iska dhex fadhiyo wax caawimo ahna aanu ku
siinayan korinta caruurta iyo shaqada aqalka oo dhan. Khilaafaadkaa yar yar ee
kor ku qoran iyo kuwa la mida oo aan
sidaa u waa weyneeyn ayaa waxa ay mararka qaarkood keenaan in Boolis la isugu
yeedho oo raga qaar ku mutyastaan xadhig taas oo keenta in raga ay ku dhacdo
arintaasi ay kaba tagaan aqaladoodii .
Balwada
Balwadu
waxa ay ka mid tahay arimaha keena khilaafaadka qoysaska . Dhibaatooyinka bulsho
ee Soomaalida ku haysata dibad iyo guddaba aragtidayda
waxa ka mida balwada Qaadka taas oo lagu
ibtileeyay in aan yarayn oo ka mida raga Soomaaliyeed. Markii wadankii la joogay
waxaa dhici jitrtay in ninku uu ku cuno qaadka lacagta uu soo shaqaysto ama soo
shaxaado. Waxa ay arintani mushkilad noqotay marka uu ninkii doono in uu ku
qayilo waxoogaaygii yaraa ee reerku soo xamaalanayeen amaba macaawinadii yarayd
ee ay ka helayeen dawlada taas oo aan quudka reerkaba
ku filayn. Waxa aan arkay reer Soomaaliyeed oo 8 caruura haysata oo ku
kala tagay ninkii oo raba in uu qayilo iyo gabadhii
oo leh lacagta caanaha caruurta kuma qayilaysid. Balwada qaadku waxa ay
ahaan jirtay mid ku kooban ragga Soomaaliyeed laakiin maalmahan danbe waxa soo
badanaya hadalada sheegaya in musiibadani ay qaar ka mida dumarka Soomaaliyeed u
gudubtay.
Balwadaha
kale ee dhaawaca soo gaadhsiiyay xidhiidhka qoyska waxa ka mida balwada loo
yaqaan badeecada oo iyadu noqotay arin dumarka qaarkood ay aad u isticmaalaan
wadamada qaarkood. Sidaas oo kale waxa jirta arin ayna dad badani u arag balwada
laakiin aniga ila ah balwad taas oo ah xafladaha ay dumarku ku soo jeedaan
habaynkii, xafladahaasi ha noqdaan xafladaha aroosyada amaba ha noqdaan xaflado
kale oo munaasabooyin kale loo samaystaba.
Gabagabo
Arimaha aan
maqaalkan iyo kii ka horeeyayba kaga hadalaya waa turunturooyin horyaala aqalka
Soomaaliyeed. Hadii aan la dawayn ama laga
hor tagina waxa ay saamayn wayn ku yeelan doonaan mustaqablaka jaaliyada
Soomaaliyeed.
Hadiii Alle yidhaa
maqaal kale ayaan ku eegi doonaa mid kale oo ka mida dhibaatooyinka horyaal
jaaliyada.