MUSAAFIRKA SOONKIISA
Qaybta: 6aad ee Taxanaha Ramadaanka
Waxaa u bannaan oo loo rukhseeyey qofka
musaafirka ah inuu iska afuro haddii bil Ramadaan lagu jiro, waxaana rukhsaddaas
la siiyey qof kasta oo musaafir ah, waxaana aan kala duwanayn qofka soonka ku
rafaadaya oo aad ugu dhibtoonaya, sida dadka lugta ku safraya, gaar ahaan dhulka
kulaylaha ah, iyo qofka aan rafaadkaas marayn, sida dadka diyaaradaha,
maraakiibta, baabuurta, tareennada ku safraya qaarkood.
Xigmad wayn ayaana ku
jirta rukhsaddaa iyaga oo dhan la wada siiyey, sababtoo ah safarku sidiisaba waa
mid rafaad iyo dhib aan ka marnayn, haba lagu kala badnaadee, oo waxaa laga
yaabaa in qofku meel uusan aqoon u safro, dabadeedna uu lumo, ama meel uu wax ka
gato uu waayo, amaba inuusan af-garanayn dadka ku nool meesha uu u safray,
wuxuuna Rasuulku SCW ku tilmaamay safarka inuu yahay qayb ama jab cadaabta ka
mid ah, wuxuuna Abuu Hurayra (a.k.n) ka soo wariyey Rasuulka SCW inuu yiri “Safarku
waa cad ama qayb cadaabta ka mid ah, wuxuuna qofka u diidaa hurdadiisa,
cuntadiisa iyo cabitaankiisa, ee qofku marka uu dantiisa dhamaysto ha u deg-dego
reerkiisii iyo ciddiisii.” Waxaa wariyey Sh. Bukhaari.
QOFKII MAR WALBA AMA BADANAABA SAFAR KU JIRAA
MA AFURI KARAA?
Haa, waa afuri karaa, sababtoo ah afuridda
looma bannayn qofkii mar kaliya safraya oo kaliya, ee waxaa loo banneeyey qof
kasta oo safar ku jira, haba noqdo mid badanaaba safar ku jira, sida dadka
diyaaradaha, tareennada, tareellada iwm wada, oo marna waddada ku sii jira,
marna ku soo jira.
kulaabo
Qaybta 5aad | Akhri Qaybta 7aad.... Guji
WQ. OsmanBilad
osmanbilad@hotmail.com
-------Asalaamu
caleykum--------
Waxaan Kuu
Dardaarmayaa Ku Dhaqanka Diinta Islaamka oo ah Jidka Badbaadada Aduun iyo
Aakhiro
Nov 8, 2002 | Oct 18, 2003
www.Somalitalk.com/ramadan |