SOONKA IYO RAMADAANKA FADLIGIISA
Qaybta: 1aad ee Taxanaha Ramadaanka
Asalamu caleykum yaa muslimiin! Sidaa
dhamaantiin la wada socotaan waxaa fooda nagu soo haya bishii barakeysneyd {Ramadan}. Marka
waxaa is tusay inaan mawduucyo ka hadlaaya soonka iyo bisha bareykeysan aan
halkaan idin kula qeybsado, oo aan dad u wada diyaar ah noqono bishaan iyo
shaqada nalaka rabo haddaan nahay muslimiin. Ee fadlan ku aqrisada faham wacan
iyo qalbi xaadir ah:
Muxuu
Yahay SOON?
Soonku waa tiirka afaraad ee shanta tiir ee
Islaamka. Wuxuuna ka mid yahay cibaadooyinka kuwa ugu fadliga badan. Sharciguna
wuxuu soon u yaqaannaa in soon la niyaysto iyadoo Alle loogu dhowaanayo, lagana
reebtoomayo oo la iska daynayo waxyaabaha soonka burriya, inta u dhexaysa marka
waagu baryo iyo marka qorraxdu dhacdo. Si loo helo oo loo gaaro ajarka wayn oo
Ilaaheey uu ugu talagalay addoomadiisa soonka la yimaada, haddii aan lala imaan
niyada soonka, ama aan laga reebtoomin waxyaabaha soonka buriya, sharciga
Islaamka uma aqoonsanayo in waxaa lala yimid ay yihiin soon sharci ah.
Sidaa daraadeed qofka muslimka ahi isagoo aan
niyo la imaan haddii uu iska daayo waxyaabaha soonka jabiya oo dhan, sida
cunidda, cabidda iwm, falkaa uu la yimid iyo rafaadkaa uu maray ma noqonayo mid
loogu dhowaado Alle Subxaanahu Watacaalaa (SW), ajarna kama helayo. Sida tusaale
ahaan: dadka cunta joojinta sameeya marka ay rabaan inay ka ashtakoodaan dhib ay
tabanayaan, ama dadka raba inay iscaateeyaan, amaba duruufo kale oo haysta
awgood isaga joojiyey waxyaabaha soonka jabiya.
BISHA RAMADAN
Bisha Ramadaani waa bil khayr, waa bil barako,
waxaana Ilaaheey ku gooni yeelay fadiilooyin iyo wanaagyo badan, oo ay ugu
horreeyaan kuwan soo socda:
1) Waa bishii Quraanka: waxaa la soo dejiyey
kitaabkii qatimay oo ugu dambeeyey kutubtii uu Ilaaheey soo dejiyey, waxaana
lagu soo dejiyey Nebigii ugu dambeeyey Nebiyaasha Ilaahey SW uu soo diray waa
Nebi Muhommed Salalaahu Caleyhi Wasalam (SCW).
2) Waa bishii kutub badan oo kale la soo
dejiyey: Rasuulkuna SCW isagoo sheegaya kutubtaa iyo marka la soo dejiyey ayuu
wuxuu yiri: "Habeenkii ugu horreeyey bisha
Ramadaan waxaa la soo dejiyey Suxuftii (Warqadihii)
Nebi Ibraahim. Kitaabkii Tawreet ahaana waxaa la soo dejiyey 6dii Ramadaan.
Injiilna waxaa la soo dejiyey 13kii Ramadaan. Zabuurna waxaa la soo dejiyey
18kii Ramadaan. Qur'aankana waxaa la soo dejiyey 24kii Ramadaan".
3) Waa bisha ay ku jirto Laylatul-qadrigu:
Laylatul-qadrigu waa habeen ka khayr badan kun bilood (sideetan iyo sadex sano
iyo afar bilood), waana habeen barakaysan. Habeenkaasna wuxuu ku jiraa 10ka bari
ee ramadaanka ugu danbeeya.
4) Waa bishii xoraynta: waa bil habeen kasta oo
ka mid ah Ilaaheey uu dad badan Naarta ka xoreeyo, qof kasta oo muslim ahina uu
maalin iyo habeen kasta leeyahay duco laga ajiibayo (laga aqbalayo).
4) Waa bisha shayaadiinta la xiro: waa bisha
shayaadiinta oo dhan la xiro, albaabada Naarta oo dhanna la xiro, albaabada
Jannada oo dhanna la furo. Arrimahaas oo dhani waxay dhacaan oo la sameeyaa
habeenka ugu horreeya bishaas. Rasuulkuna SCW isagoo arrintaa ka hadlaya ayuu
wuxuu yiri: "Marka bisha Ramadaan soo gasho waxaa
la furaa albaabada Jannada, waxaa la xiraa albaabada Naarta, waxaana sil-silado
lagu xiraa shayaadiinta". Xadiisku wuxuu xusay in marka
Ramadaanku soo galo shayaadiinta la xir-xirayo, marka la xirxirana way taag
darraynayaan oo way daciifayaan, oo ma awoodayaan marka bishaas lagu jiro inay
sameeyaan wixii ay samayn jireen marka aan bishaas lagu jirin.
Xadiisku ma dhihin shayaadiinta waa la dilayaa
ama way dhimanayaan, laakiin waxaa kali ah oo uu yiri: waa la xir-xirayaa,
shaydaanka xiranina waxaa dhici karta inuu wax dhibo oo haraati, iwm rido isagoo
meeshiisa ku xiran, laakiin dhibkiisu wuu ka yaraanayaa midkii uu wadey bishaa
ka hor. Maadaama uu xiran yahayna dhibkiisu wuxuu la ekaanayaa hadba qofka uu
rabo inuu dhibo inta soonkiisu uu awood leeyahay, oo qofkii soonkiisu
dhamaystiran yahay oo xoog leeyahay wuxuu isaga celinayaa si uusan iskaga celin
karin qofka soonkiisu xosh-xoshka yahay.
Qaabilaada
Ramadaanka | Akhri
Qaybta 2aad.... Guji
WQ. OsmanBilad
osmanbilad@hotmail.com
-------Asalamu
aleikum--------
Waxaan Kuu
Dardaarmayaa Ku Dhaqanka Diinta Islaamka oo ah Jidka Badbaadada Aduun iyo
Aakhiro
Oct 20, 2002 | Updated: October 18, 2003
FADLIGA BISHA SHACBAAN
Asalamu aleykum Yaa Muslimiin!
In maalmo badan laga soomo bisha
SHACBAAN.
Caa'isha (a.k.n) mar ay ka sheekaynaysay
soonkii Rasuulka SCW ayey waxay tiri: "Ma aanan arkin Rasuulku SCW bil uu
ka soon badnaa bisha Shacbaan."
Sidaa daraadeed walaalayaal waxaa nafteyda iyo
tiinaba ugu dardaarmayaa inaa bishaan ka faa'ideysano, oo aan soonka badino
inteyna bishaan dhamaan, waayo xikmado badan ayaa ku jira soomida bisha Shacbaan
waxaa ka mid ah: In ay kuu diyaar gareyneyso bisha Ramadaan. Yacni adigoo soonka
la qabsaday ay bishii Ramadaan soo galeyso, saas daraadeed aan ka faa'ideysano
fursadaan qaaliga ah! Wabilaahi Towfiiq. W/C/W/W.-
Osmanbilad osmanbilad@hotmail.com
Columbus, OH, USA: "Waxaan
Kuu Dardaarmayaa Ku Dhaqanka Diinta Islaamka oo ah Jidka Badbaadada Aduun iyo
Aakhiro!"
Dheelmidii Nebiga Sallallahu Calayhi Wasalam GUJI
»» Israa wa Al-Micraaj & Shacbaan oo soo
dhow GUJI
»» Ninkii Qur'aanka & Nabiga Caayey oo MN
Booqday! GUJI
»» Ninkii Beeniyey Dajaal oo Lasiiyey
Jawaab Xaqiiqtusida GUJI
.... SU'aalo
Cilmiyeed
Akhri
Qaybta 2aad Casharada Ramadaanka .... Guji
www.Somalitalk.com/ramadan |