Dagaalo lagu jabiyay Ciidamada Taliska
Wayaanaha ee Itoobiya.
Wararka naga soo gaadhaya jiida hore ee
Ciidanka Xoreeynta Ogaadeenya ayaa sheegaya dagaalo culus oo dhex maray
Ciidamada Jabhada wadaniga Xoreenta Ogaadenya iyo Ciidamada waktigoodii
dhamaaday ee Gumaysiga Itoobiya.
9/5/03 Weerar gaadmo ah oo Ciidamada
Dhaarsan ee Halyeeyada Jabhadda wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya ku qaadeen
koox ka tirsan Ciidamada isukeen keenka ah ee gumaysiga Itoobiya, oo ku
sugnaa Tuulada Qalboobley oo ka tirsan Dagmada Shaygoosh, ayay waxay kaga
dileen ciidamada cadawga 10 Askari, waxayna kaga dhaaweceen 15 Askari oo
kale.
11/5/03 Koox ka tirsan sooma
jeedshadayaasha Ciidanka Ogaadeeniya ayaa waxay weerar ku qaadeen Saldhiga
ay Ciidamada Cadowgu ku leeyihiin Magaalada Danood. Halkaasna waxay
Ciidamada Cadawga kaga dileen 4 Askari waxayna kaga Dhaawaceen 9 Askari oo
Kale.
14/5/03 Weerar gaadmo ah oo ay Dagaal
yahaniinya Hubaysan ee Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya ku qaadeen
Qayb ka mid ah Ciidamada Dulmiga iyo Xaqdarada ku Caan baxay ee Gumaysiga
Itoobiya, oo ku sugnaa Miri-mirida oo Gunagado ka tirsan ayaa waxaa Cadowga
lagaga dilay 12 Askari 19 kalena waa lagaga dhaawacay.
15/5/03 Iska horimaad Dagaal oo Ciidama
Geesiyiinta Xoreynta Ogaadeeniya iyo Ciidamda Xaqdarada ku caanbaxay ee
Itoobiya ku dhex maray Tuulada la yidhaahdo Daawo-diid ayaa waxaa Ciidamada
dacdaraysan ee Cadowga lagaga dilay 5 Askari waxaa kale oo laga dhaawacay 13
Askari oo kale.
17/5/03 Dagaal ay iskaga Horyimaadeen
Ciidamda Xaq u dirirka ah ee Jabhadda wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya iyo
Ciidamda Daalan ee Gumaysiga Itoobiya, meesha lagu macaabo Ilcas oo u
dhexaysa Wiji-waaji iyo Shaygoosh oo ka tirsan Gobolka Qorraxay, ayaa waxaa
Ciidamada Cadawga lagaga dilay 3 Akari waxaana isla goobtaas lagaga
dhaawacay 5 Askari oo kale.
9/4/03 Dagaal ay Ciidamada Jabhada Xoreenta
Oromiya ku qaadeen Cidamada cagajiidka Gumaysiga Itoobiya ee ku sugnaa
Tuulada Kooro oo ka tirsan Baabili, ayaa waxay halkaas kaga dileen Ciidamada
Cadowga 3 Askari Qaarkalena way kaga dhaawaceen.
Dagaaladaas kulul ee ay Ciidamada hubaysan
ee Jabhadaha Xornomadoonku ku qaadeen Ciidamada Itoobiya, ayaa waxuu sababay
isku dhac iyo kala amar qaadasho la’aan ka dhex-dhacay Ciidanka Gumaysiga
Itoobiya. Horaantii todobadkii hore waxaa iskudhac dagaal dhex maray
Ciidamada Gumaysiga ee saldhigoodu yahay Magaalada Baabili waxayna halkaas
iskaga dileen 7 Askari waxaa kale oo ay iska dhawceen tiro badan oo aanaan
hadda haynin.
Gudoomiyaha Deegaanka Badame oo Diiday
inay aqbasha Go’aankii Jamciyadda ee la xidhiidhay Tuulada Baadame.
Haweenayda gudoomiyaha ka ah
Deegaanka Shiraaro oo ay Magaalada Badme ka tirsantahay, ayaa diiday Go’aankii
ay dhowaan Jamciyadda Quruumhu ku gaadhay in Tuulada Badame la raaciyo
Eritria. Gudoomiyuhu waxay sheegtay inaynan marnaba aqbalaynin in Badame ay
yeelato Eriteria,iyada oo weliba cadaysay in xitaa haddii ay Dawladda Meles
Zenawi ogolaato go’aankaas, ay iyada iyo maamulkeedu ogolaan doonin.
Mar ay u waramaysay Wakaalada Wararka ee
IRIN haweenaydaas oo la yiraahdo Tswahab ayaa waxay tidhi“ Gobolkan anaa
ku dhashay una soo halgamay, mana ogolaan doono in Eritria ay la wareegto"
hadalka ka soo baxay Gudoomiyaha Gobolka Sharaaro ayaa waxuu muujinayaa
Khilaafka ba,an ee ka dhex taagan Qoyska haya Talada wadanka Itoobiya ee uu
ka dhashay Melis Zenaawi.
Madaxwayne dawlada Ethiopia oo loo
diiday in ay qaraabadiisu soo booqdaan.
Warar naga soo gaadhay ilo lagu kalsoon
yahay ayaa waxay sheegayaan in laga mamnuucay Madaxweynaha Itoobiya Girma
Wolde in ay dadku ku soobooqdaan Guriga Madaxtooyada,isla markaana
ilaaladiisa khaaska ah amar lagu siiyey inaynan u’ogolaanin in Cidi
booqasho ugu timaada.
Arintan ayaa soo shaac baxdey todobaadkii
hore kadib markii Irida Madaxtooyada laga celiyay Laba nin oo ganacsato caan
ah ahaa. Labadaas nin oo mid ka mid ah lagu magacaabo Almitu oo qaraabo u
dhaw madaxwaynaha ah ayay ilaaladu u diiday inay ugalan Madaxwaynaha. ka
dibana waxaa halkaas ka dhacay Buuq iyo Dagaal lagaga eryayo Ganacsatadii
Booqashada ugu timid Madaxweynaha. Diidmada booqashada Madaxwaynaha ayaa
tuhun ku abuurtay qaraabadiisa, waxaana la dareeyn sanyahay in ay soo
dhawaatay waxkhtigii madaxwaynaha Xabsiga loo taxabi lahaa.
Dawlada Itoobiya oo lagu eedeeyay in ay
sii huriso dagaalada Qabiilada dhex mara.
Shir wayn oo ka dhacay xarunta Qaruumaha
midoobay ay ku leedahay magaalada Addis-Ababa, ayaa waxaa lagaga hadlay
dagaaladii 12kii sano ee ugu danbeeyay ka dhex dhacay qabiilada wadanka
Itoobiya dagan. Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen ergooyin ka kala socda
qaramada midoobay, Hayadaha Xuquuqul insaanka, Aqoon yahahaniinta iyo madax
ka socota dawlada wayaanha ayaa waxa si balaadhan loogu falanqeeyay ”Federalism,iskudhaca
Qabiilooyinka iyo nabad ku soo dabaalida”. Nin u hadalay dadkaas
aqoonayhamiinta ah oo cilmi baadhis ku soo sameeyay arintan oo layidhaahdo
Teshome Mokonin ayaa waxaa uu dawlada wayaanha ku eedeeyay in iyagu ka faa
iidaystaan isku dhaca qabiilada, oo meeshii ay ka xalin lahayeen
mushkildahaas oo kale ay labada qabiil ee isku dhacay mid kamid ah dhinaca
saarto, oo ay waliba hub khatar ah siiyaan , iyagoo siyaasadahooda ku
fushanaya. taas oo sababta inay dad badani halkaas ku dhamaadaan. Gabadh
kale oo katirsan aqoonyahamiinta arintaa soo baadhay oo Almaz ayale
layidhaahdo ayaa waxa ay sheegtay in ay sabab u tahay isku dhaca badan ee
qabiilda Itoobiya, maamul xumida dawlada wayaanaha.
Qarax ka dhacay magaalda Moyaale oo 8 qofi
ku dhaawacmeen.
Wakaalda wararka ee Reuters ayaa waxa ay
sheegatay in Dhamaadkii Todobaadkii hore lagu qarxiyay bomb Hotel ku yaala
magaalada moyaale oo 700 Km u’jirta Addis-Abeba 8 qofna ay ku dhaawacmeen
Qaraxaas. Wakaaladuna waxay warkaas ka soo xigatay dadkii halkaas degenaa
ilaa hadana aan la’ogayn cidii Qaraxaa ka dambaysay.
Eritrea oo sheegtay in ay Itoobiya dagaal
isu diyaarinayso.
Waraysi ay la yeelayatay wakaalda wararka
ee Reuters madax waynaha wadanka Eritrae Isayas Afewarki ayaa waxa uu
sheegay in dawlada Ethiopia ay isu diyaarinayso dagaal oo ay rabto inay dib
usoo Cusboonaysiiso Dagaalkii 1998-2000. Wuxuuna Ethiopia ku eedeeyay in
aynan raali ka ahayn in ay la shaqyso Qarmada midoobay oo ku hawshan sidii
Khilaafka Labada Wadan u’dhexeeya Nabadgalyo loogu soo dabaali lahaa.
waxa lawada ogsoonyahay in dagaalkii labada
wadan dhexmaray ay kaga dhinteen ila iyo 70,000 oo Askari. Gudida soohdinta
ee Itoobiya iyo Eritrea oo uu saldhigoodu yahay magaalda Hague ee wadanka
Holland ayaa waxay go,aan ku gaadheen Bishii Mars ee Sanadkan in ay magaalda
Badame oo ah magaaldii uu muranku kataaganaa loo xukumay wadanka Ertrea.
Shan Nin oo Xabsiga Itoobiya Ka baxsatay.
Wargayska Rundnet ayaa sheegay in 5 nin ay
ka baxsadeen Xabsi ku yaala Wadanka Itoobiya, hadana ay kusugan yihiin
Magaalada Luuq. Dadkii Nimankaas maxaabiista ahaa la kulmay ayaa waxay
Wargayska u’sheegeen in Nimankaas ay ka Muuqatay tabardaro aad u faro
badan iyo Jidh-dil culus.
Ninka mid ah Maxaabiistaas soo baxsatay
wuxuu sheegay in ilaa 1800 Soomaali ah ay ku xidhnaayeen Xabsigaas.
Wargaysku siduu sheegay uma suuroobin in uu soo shaaciya magacyada Ragaas
Xabsiga ka soo baxsaday sababo amankooda la xidhiidha awgood.
Geesood Waran.
23 May 2003
Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com
Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|