ØBoob
ay Ciidamada cadawga Itoobiya kula kaceen ganacsadada magaalada Qabri-Dahare.
Ciidamada cadawga Itoobiya ayaa15.05.2003
Boob ku qaaday Dukaamada Magalda Qabri-Dahare. Waxayna halkaas ku boobeen
hanti badan oo badeeco iyo lacag isugu jirata, laguna qiyaasay 500,000 kun
oo Bir. Boobkan ayaa waxuu dhacay, mar ay koox Ciidamada Gumaysiga Itoobiya
ka mid ah soo galeen suuqa magaalada Qabri dahare, kooxdaas oo
labisnayd Dirayska Ciidamada Itoobiya ayaa markii ugu horaysay waxay Boobeen
Dukaan uu lahaa ninka lagu magacaabo Cabdulaahi Barkhadle oo ay ka qaateen
Lacag isugu jirta Doolar iyo Birta Itoobiya iyo hanti kale.
Dukaanlaydii iyo dadkii suuqa ka
adeeganayay ayaa ku soo xoomay halkii uu boobku ka dhacay, haseyeeshee
Ciidamada Gumaysigu waxay markiiba Boobka ku balaadhiyeen Suuqii oo dhan,
halkaas oo ay hanti aad u farobadan ku qaateen. Boobkaas balaadhan markii uu
dhacay dadwaynihii magaaladu waxay maciinsadeen dhagax tuur iyo dagaal ay
labeegsadeen budh-caddii soo weerartay, halkaasna waxay Ciidamada boobka iyo
xasuuqa ku caanbaxay ee Wayaanuhu, xabsiga u taxaabeen dad dhan 193 Ruux oo
u badan dadkii Dukaanlayda ahaa, waxayna Bandaw ku soo rogeen Magaalada oo
ilaa hada bandaw ku jirta. Dadka hantidooda laboobay kadibna xabsiga loo
taxaabay waxaa ka mid ah.
1- Mohamed Cabsdulaahi Barkhadle,
2- Sanweyne Cabdulaahi Barkhadle.
3- Ahmed Cabdi Cumar.
4- Ahmed Barre.
5- Nimco Cali Yare.
Isla 15.5.2003 magaalada Caado waxay Ciidamada Cadawga Itoobiya ku Xidheen
dadkan shacabka ah oo aan waxba galabsanin, waxayna kala yihiin.
1- Xassan Muxumed Suldaan (xasan-badhi).
2- Cali Rafle Guuleed.
3- Cabdi-waaxid Moxamed Siraad.
Diridhabo oo soomaalida laga
fara-maroojinayo.
Waxaa Magaalada Diridhabo dhawaan booqasho
ku yimid wasiirka fadaraalka Itoobiya Abay Sahay, kaasoo u yimid sidii uu u
hirgelin lahaa nidaamka cusub oo dadka soomaalida ah lagaga fara-maroojinayo
lahaanshaha magaalada Diridhabo.
Wasiirkani wuxuu kulamo la yeeshay
masuuliyiinta shisheeyaha ah ee xukuumada Itoobiya ay u soo magacawday
magaalada Diridhaba. Wuxuuna markii ugu horraysayba la kulmay ninka Tigreega
ah ee magaalada madaxda looga dhigay, wuxuu kaloo la kulmay madaxda
xafiisyada kala duwan ee gacanta ku haya maamulka magaalada Diridhabo oo
dhammaantoodba ay isu daba-fadhiyaan dad Tiigree iyo Amxaaro isu jira.
Wasiirka Ferderaalka ayaa shir gaar ah oo
uu ku la hadlayay waxgaradka Magaalada ku marti qaaday dad gaadhaya 350 Ruux,
waxaana Soomaali ka ahaa 20 Ruux oo kaliya. Arintaasna waxaa ku gacan
saydhay Gudida Ciisaha iyo Gurguraha oo hormuud u ah Soomalida Diridhaba.
Odayaashaas oo ka soo horjeeday inay noqoto Magaalada Diridhaba mid u
dhaxaysa qawmiyadaha Itoobiya oo dhan, ayaa shirkaas ku tilmaamay mid lagu
dhaxal wareejinaya Magaalada Diridhaba. Odayaashaas oo uu markii dambe si
gaar ah ula kulmay Wasiirku, ayuusan waxba ka qabanin Cabashooyinkoodii,
waxuuna u sheegay in Go,aanka Magaalada lagu wareejinayo ay mar hore
Dawladau gaadhay, ayna la socod siiyeen Madaxa Maamulka Kililku sheega C/rashiid
Duulane iyo Maxamuud Dirir oo ka mid ah Wasiirada Dawlada Melis Zenaawi.
Shir wayn oo Danmark ka dhacay.
18 May waxaa magaalada Copenhegen ee dalka
Denmark ka dhacay shirwayinihii sanadlaha ahaa ee Jaaliyadda Ogadenya ee
Denmark. Shirwaynahaas waxaa ka soo qayb galay xubno aad u fara badan oo ka
mid ah Jaaliyada Ogadenya ee ku dhaqan dalka Denmark.
Waxaa kaloo shirwaynaha ka soo qayb galay
masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya,
kuwaasoo kaalin wayn ka qaatay xog-siinta iyo dhiirigelinta dadwaynihii
shirkaas ka soo qayb galay.
Shirwaynahan, oo ah shirwayne sannadkiiba
mar la qabto, waxaa lagu doortay guddigii cusbaa ee sanadka soo socda
hooggaamin lahaa Jaaliyada Ogadenya ee Denmark, waxaa kaloo lagu dejiyay
qorshihii ay Jaaliyadu ku socon lahayd sanadka soo socda iyo hawlihii ay
fulin lahaydba.
Xisbiga TPLF oo xisaabo Bangiyeed gaar ah
furtay.
Xisbiga TPLF ayaa la sheegayaa inuu
billaabay inuu lacago ku shubto Bangiyo gaar ah oo loogu talagalay in si
fudud loogala baxo lacagta haday dhacdo xukumada Melez Zenaawi ama si degdeg
ah loogu baahdo dhaqaale lagaga hortago jabhadaha hubeeysan iyo ururrada
mucaaridka ah.
Sida wararka sheegayaan go'aanka xisaabahan
gaarka ah lagu furay waxaa isla gaadhay Melez Zenaawi, Seyoum Mesfin,
Sebxaat Nega iyo Abay Tsehaye, ka dib markii ay eegeen xaalada siyaasiga ee
xun ee dalku ku sugan yahay.
Tallaabadan oo si qarsoodi ah loogu
dhaqaaqay ayaa ah mid muujinaysa in ayna TPLF tu ku kalsooneeyn inay ku
raagi doonto xukunka.
Taliyihii ciidanka nabadsugidda Itoobiya oo
is-casilay.
Wararka naga soo gaaraya xukuumada kaligii
taliye Melez Zenaawi ayaa sheegaya inuu taliyaha ciidanka nabad sugida
Itoobiya Mesfin Gebremicheal oo loo yaqaano Mesfin Weteto is casilay, ka dib
markii uu khilaaf dhex maray isaga iyo Melez Zenaawi.
Ilaa iyo hadda wax faahfaahin ah oo
arrintaasi ku saabsan nama soo gaadhin, lakiin dadka siyaasada indha
indheeya ayaa arintaasi u arka jab weyn oo ku dhacday Melez Zenaawi.
Mdaxwaynihii hore ee Qoomiyada Oromada oo
lagu soo daray Xukuumada Zenaawi.
Iyada oo ay u muuqato in siyaasiyiinta u
dhashay qowmiyadda Tigreega ay hal-hal uga siibanayaan xukumada Melez
Zenaawi ayuu kaligii taliye Zenawi billaabay in uu xukumadiisa ku soo daro
dad u dhashay qowmiyado kale, lakiin aan kalsooni ka haysanin dadka ay
matalayaan.
Todobaadkii hore waxaa xukuumada Melez
Zenaawi lagu soo celiyay Kuma Demeska oo ahaan jiray madaxweyne ku sheegi
maamulka been-abuurka ah ee Oromiya. Kuma ayaa loo magacaabay inuu la-taliye
u noqdo wasiir ka mid ah wasiirrada xukumada Zenaawi.
Sida la ogyahay Kuma waxaa loo ceydhiyey
markii hore inuu si wanaagsan ula shaqeyn waayay xukumada Zenaawi isla
markaasna looga shakisanaa inuu wax ka qaban waayay Jabhada Xoreynta Oromiya,
lakiin waxaa maanta muuqata inuu dan gaar ah ka leeyahayZenaawi
Magacaabidiisa, iyadoo la wada-ogyahay in siyaasiyiinta Tigreega ah ay
intooda badan ka soo horjeedaan xukuumada Meles Zenawi, ayuu hada isku
dayayaa in uu dad taageersan ka soo uruursado Qoomiyadaha kale.
Wariye u shaqeeye wargayska IT'OP oo la
xiray.
Wariye u shaqeeya wargeyska It'op oo
magaciisa layidhaahdo Gebrekidan ayaa la xiray, ka dib markii uu qoray
maqaal uu kaga hadlay sida ay Itoobiya ugu guul-daraysatay dagaalkii dhex
maray iyada iyo Eritrea. Waxaana Wariyahaas lagu xukumay $250 doolar oo
ganaax ah.
Hay’adda caalamiga ah ee u dooda xuquuqda
suxufiyiinta ee la yiraahdo IFEX ayaa cambareysay xidhitaanka weriyahaas.
Waxayna Dawladda Itoobiya ugu baaqday inay si shuruud la’aan u sii dayso
Sargaal Al-qaacida ah oo Geeska Afrika laga
raadinayo.
Todobaadkii hore waxaa soo baxay warar
tibaaxaya in dhaqdhaqaaqa Al Qaciida diyaarinayo falal argagixisanimo ah oo
ay ka fulinayso Geeska Afrika. Sida wararkani sheegayaan waxay nabadsugida
Kenya, Ingriiska iyo Mareykanka si weyn u raadinayaan Fazul Abdullah
Mohammed oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al Qaciida, isla markaasna lagu eedeeyay
inuu ka dambeeyay qarax hadda ka hor loo gaystay huteel ku yaalla magaalada
Mombaaso oo ay dad badani ku dhinteen iyo qaraxyadii safaaradaha Mareykanka
ee dalka Kenya iyo Tanzaaniya sanadka 1998.
Fazul oo loo malaynayo inuu dib ugu soo
noqday Kenya, taasoo keentay in dalalka Mareykanka iyo Ingriisku ay u digaan
muwadiniintooda. Dalka Ingiriiska ayaa guud ahaanba joojiyay duullimaadyadii
dhinaca hawada ahaa ee dalka Kenya, iyadoo laga cabsi qabo in diyaaradaha u
kacaya ama ka imanaya dalka Kenya la qarxiyo.
Geesood Waran.
20 May 2003
Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com
Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|