1.Hawlgalo milatari ooy si wada jir ah uqaadeen CWXO iyo Ciidanka Xoraynta
Oromia
2.Malise Zenawi oo Faragalin siyaasadeed kusamayn doona xisbiga
SEPDF
3.Ciidamo Itoobiyaan ah oo kusugan Magaalada Baydhabo
4.Madax waynaha DKMG ah ee Somalia oo marke baaq usoo jeediyay Dalka Maraykanaka
5.Taliyaha Ciidanka Jabuuti oo socdaal kumaraya Dalalka Farnsiiska iyo Jarmalka.
Warkii oo Faah Faahsan
1. Hawlgalo milatari ooy si wada jir ah uqaadeen CWXO iyo Ciidanka Xoraynta
Oromia.
Hawlgalo milatari ooy si wada jir ah uqaadeen Ciidanka wadaniga Xoreenta
Ogaadeenya iyo Ciidanka Xoreenta Oromiya ayaa si ba,an loogu jabiyay Ciidanka
Cabudhiska Gumaysiga Itoobiya.
Ciidamada Geesiyiinta JWXO iyo Ciidamada Xorenta Oromiya ayaa 13.09.2002 weerar
ku qaaday fadhiisimo ay Ciidamada Cabudhiska Gumaysatada Itobiya ku lahaayeeyn
meel xaga waqooyi kaxigta Magaalada harar.
Ciidamada Cagajiidka ah ee Gumaysiga Itoobiya ayagoo adeegsanaya Diyaaradaha
dagaalka waxaa dagaalkaas lagaga dilay 60 Askari ayadoo lagaga dhaawacay 90
Askari oo kale, waxaana Goobtaas lagaga furtay Hub iyo saanad aad u fara badan.
Iskaashiga labadan ciidan ee Gobanima doonka ah ayaa waxuu Ciidamada
NacabkaGumaysiga Itoobiya ku riday, Niyad jab, Burbur, kala,amarqaadasho la,aan,
iyo baxsad ay baxsadaan.
2. Malise Zenawi oo Faragalin siyaasadeed kusamayn doona xisbiga SEPDF.
Wararka naga soo gaadhaya xafiiska kaligii Taliye Meles Zenaawi ayaa sheegaya in
uu dhowaan ka bilaabi doono xisbiga SEPDF Faragalin weyn oo uu kagasaari doono
xubno sar sare oo ka tirsan Golaha Dhexe ee xisbiga SEPDF iyo guddiga fulinta
ba.
Xisbiga SEPDF oo ah Xisbiga Isutaga qowmiyadaha koonfureed ee Itoobiya, ahna
xisbiga ay TPLF tu u sameeysay Qowmiyada Sidaamo kana mid ah isbahaysiga EPRDF
ee ay TPLF tu hogaamiso, ayaa hada qarka usaaran in uu burburo, kadib markii ay
xubno badan oo xisbiga katirsan kasoo horjeedsadeen Siyaasada qalafsan ee uu
kudhaqmayo kaligii taliye Malise Zenawi, ka dib xasuuqi ka dhacay magaalada
Awassa bishii May ee sanadkan aan kujiro.
Sidaan ognahay, Waxaa itoobiya beesha caalamka kaga yimid, culeys weyn oo ah
inay sharciga horkeenaan dadkii ka dambeeyay xasuuqii Awassa oo ay ku dhinteen
boqolaal ruux oo rayid ah. Iyada ooy xaqiiqdu tahay in ciidanka u taba baran
cubudhinta iyo cadaadinta Shucuubta dulaman ee ka amar qaata Zenawi ay gaysteen
xasuuqaas, ayuu doonayaa in uu ceebta kula galgasho xisbiga SEPDF oo uu markii
horaba u samaystay Cadaadinta Shacabka siidaamo . waxaa haawshaa fulinteeda loo
xilasaaray Abaye Tsefaye oo ah wasiirka federaalka iyo Dr. Kasu Ilala oo ah
wasiirka dhismaha kana soo jeeda qowmiyadda Sidaamo.
3.Ciidamo Itoobiyaan ah oo kusugan Magaalada Baydhabo.
wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ay halkaa kusuganyihiin
ciidamo Itoobiyaan ah oo la soo noqday Korneel Maxamed Nuur Shaati Guduud, ka
dib markii looga yeedhay magaalada Doolow si loo siiyo amara cusub.
Ciidankaas ayaa wata gawaadhida Tignikada loo yaqaano iyo hub fudud.
Ujeedada ciidankaas loo keenay Baydhabo ayaa lagu sheegay in ay ahayd, Itoobiya
oo kacabsi qabta in qaar kamid ah raga ay shaati guduud is hayaan ay taageero
kahelaan DKMG ah.
4.Madax waynaha DKMG ah ee Somalia oo markale baaq usoo jeediyay Dalka
Maraykanaka iyo Beesha Caalamkaba
Madaxweynaha dowladda ku meel gaadhka Soomaaliya ayaa mar labaad Todobaadkii
hore dhamaadkisii oogu baaqay dalka mareykanka in ay dowladiisa gacan ka siyaan
dhinaca la dagaalanka argagixisada oo sida u sheegay madaxweyne C/qaasim saldhig
ka dhigan kara Somalia hadii aan DKMG ah la tageerin.
Madaxweyne Cabdiqaasim waxuu sidoo kale beesha caalamka oogu baaqay in ay
ciidamo keenaan soomaliya si hubka looga dhigo kooxaha Dagaal-oogayaasha ee uu
u macaanaday daadinta dhiiga shacabka Soomaliyeed, ku waas oo qaar ka mid ah
Gacan ay siiso Xukuumada Itoobiya.
Waa markii labaad uu madaxweyne cabdiqaasim dalka mareykanka iyo beesha
caalamkaba u muujiyo khatarta ka imaan karta kooxo argagixiso oo soomaliya
saldhig kayeesha hadii aan gacan la siinin dowladda soomaliyeed.
Dhinaca kale Ra,iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Abshir iyo Gudoomiyaha
Baarlamaanka Mudane Cabdala deroow Isaaq ayaa Booqashooyin ku kala tagay
dalalka Sacuudiga, Yamen, Ciraaq Suuriya iyo Imaaraadka Carabta. Labad masuul
iyo Wafuuday hogaaminayeen ayaa waxay kulamo layeesheen masuuliyiinta wadamadaas
ay soo booqdeen, .Waxaana lafilayaa markay booqashadan soo gaba gabeeyaan in ay
isu diyaarin doonaan shirka dib uheshiisiinta ee dhawaan ka dhici doona wadanka
kenya.
7. Taliyaha Ciidanka Jabuuti oo socdaal kumaraya Dalalka Farnsiiska iyo
Jarmalka.
Taliyaha ciidanka militariga Jabuutil
Generaal Fatxi Axmed Xuseen oo hogaaminaya
wafdi ka socda wasaarada gashandhiga jabuuti oo ka kooban 9 xubnood ayaa
habeenkii axada ee 15 kii bisha Septembar ka ambabaxay dalka Jabuuti isaga oo ku
siijeeday dalalka faransiiska iyo germalka.
Waxaa la filayaa in Generaal ka iyo wafdigiisa ay dalka kamaqnaan doonaan mudo
1 todobaad ah iyaga oo ku hor maraya dalka faransiiska kadib na aadaya dalka
Jarmalka.Wafdigaan ayaa la kulmi doona sarakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada
labadaas dall ooy ka wada hadli doonaan arrimo la xidhiidha la dagaalanka
argagixisada iyo ciidamada germalka iyo faransiiska oo haatan ku sugan xeebaha
dalka Jabuuti.
Dhoodi Danwaa.
Radio Xoriyo
radioxoriyo@aol.com | radioxoriyo@ogaden.com
Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay 15580 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga
Afrikada Bari.