Warka madaxdiisii
·Ciidamada Cadawga Itoobiya oo Xasuuq u gaystay Dadka ku dhaqan Magaalada
Dhanaan.
·Ciidamada Nacabka Gumaysiga Itoobiya oo falal Budhcadnimo ah oo ay ku
dhacayaan Gadiidka u kala Goosha Ogadeenya iyo Soomaliya Bilaabay.
·Dagaalo Culus oo dhex maray Ciidamada wadaniga Xoreenta Ogaadeenya iyo
Ciidamada Cadawga Itoobiya.
·Ergooyinka shirka dib u-heshiisiinta oo tallaabadii ugu horraysay qaaday.
Warkii oo faahfaahsan
Ciidamada Cadawga Itoobiya oo Xasuuq u gaystay Daka ku dhaqan Magaalada Dhanaan.
Waxay 26.10.2002, ciidanka cabudhiska Gumaysiga Itoobiya xasuuq u gaysteen
shacabkii ku nool Dagmada Dhanaan, waxay dileen laba caruur ah oo kala ahaa
Maxamed Ibraahim Shuuriye oo 12 jir ah iyo gabadh 10 jir oo magaceeda naloo soo
sheegin, Caruurtaasi waxay ka yimaadeen Magaalada Banaankeeda oo ay kasoo
kaxeyeey Waylo yar yar, kadibma Ciidanka Gumaysiga Itoobiya oo maalin nimadii
magaalada bandoow kusoo riday ayaa Carruurta Rasaas ku furay ,waxaana goobtoo ku
dhintay wiilkii 12 ahaa , gabadhiina waxay ku dhimatay Isbitaalka Godeey.
Waxay sidoo kale xabsiga Mileteriga Dhanaan ku xidh xidheen dad gaadhaya 50 ruux
oo isgu jira Odayaasha deegaanka iyo maamul kii degmada, oo ay kamid yihiin
Aadan-mahad oo ahaa gudoomiyaha degmada
Maxamed sooraan oo ahaa G/kuxigeenka degmada
iyo Ibraahin Shuuriye oo ku magac dheer Dhageey oo ahaa wiilka yar ee ladilay
Aadbihii.
waxaa sidoo kale lasheegayaa in ay magaaladu ilaa iyo hada bandoow kujirtu oo
wax gali kara iyo wax kasoo bixi kara midna ma jiro.
Ciidamada Nacabka Gumaysiga Itoobiya oo falal Budhcadnimo ah oo ay ku dhacayaan
Gadiidka u kala Goosha Ogadeenya iyo Soomaliya Bilaabay.
Maamulka gumaysiga ah ee Itoobiya ayaa beryahan denbe oo dhan Ogadenya ka wada
fal budhcadnimo ah, waxayna askarta gumaysiga Itoobiya ku wareegtaa
magaalooyinka iyo tuulooyinka uu dalku ka kooban yahay, waxayna dhacaan wixi
gaadiid ah ee ay magaalooyinka iyo waddooyinka kula kulmaan, isla markaana waxay
xabsiga u taxaabaan dadka gaadiidkaas iska leh iyo rakaabka saaranba.
Ololahan budhcadnimada ahi wuxuu barbar socdaa olole kale oo ciidammada
gumaysigu ay ku doonayeen inay ku xidheen soohdinta ay Ogadenya la leedahay
Soomaaliya, hase yeeshee soohdinta oo aad u dheer iyo dadka soomaaliyeed oo si
wayn isugu xidhan awgeed ciidammada gumaysiga way u suurageli wayday inay
ololahaas ka gaadhaan ujeeddadi ay ka lahaayeen oo ahayd inay curyaamiyaan
dhaqaalaha iyo nolosha shacbiga soomaaliyeed ee Ogadenya ku dhaqan iyo midka
Soomalida Xorta ah.
Sidaas darteed waxay ka barbar abuureen qorshahan kale ee budhcadnimada ah,
kaaso ilaa iyo hadda, sida ay sheegeen wararku , lagu dhacay hanti farabadan oo
ay shacbigu lahaayeen, isla markaana lagu xidhxidhay shacbi badan oo si
wad-la-kulan ah ay ciidammada gumaysigu gacanta ugu dhigeen.
Arrintan ayaa sida ay wararku sheegayaan abuurtay dhibaato dhinaca maciishadda
ah, iyadoo ay qiimaha maciishaddu cirka isku shareertay, ka dib markii ay
joogsadeen ama la dhacayba badeecooyinkii laga keeni jiray dhinaca Soomaaliya.
Dagaalo Culus oo dhex maray Ciidamada wadaniga Xoreenta Ogaadeenya iyo
Ciidamada Cadawga Itoobiya.
Dagaallada ay iskaga hor-yimaaddaan ciidammada xoraynta Ogadenya iyo kuwa
gumaysiga oo si aan kala go' lahayn u dhaca waxaa ugu denbeeyay:
19/10/02, waxaa meesha lagu magacaabo Dhala-cad, oo ka tirsan degmada Awaare, ka
dhacay dagaal aad u culus oo ay ka qayb qaateen ciidamadii ugu ballaadhnaa oy
labada dhinac isaga hor yimaadaan.
Ciidammada JWXO waxay meeshaas ku lahaayeen kulan ay ka soo qaybgaleen qaybaha
kala duwan ee Ciidanka Xoreenta Ogadeenya.
Cadowgu dhiniciisa wuxuu aaggaas ku soo ururiyay, ciidamo ka kala socda
Wardheer, Awaare iyo dhamaan tuulooyinka u dhexeeya.
Dagaalkaas oo ahaa mid markii dambe gacmaha la isula tagay, waxaa Ciidamada
Cadawga loogu gaystay jab xoogle, waxaana halkaas ku gacan sarreeyay
ciidammada JWXO, waxayna cadowga dagaalkaas kaga dileen ugu yaraan 60 askari
waxaana laga dhaaawacay tiro badan oonaan xaqiijin karin, waxaa gumaysiga
dagaalkaas lagaga furtay hub iyo saanad aad u badan.
23/10/02, Gole Dhargi, oo DhagaxBuur ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa cadowga
lagaga dilay, 5 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.
Itoobiya oo saanad Hubeed gaadhsiisay mamaulka C/llaahiYuusuf
Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in taliska Addis Abbaba ka
taliya uu dhawaan maamulka C/llaahi Yuusuf soo gaadhsiiyay saanad ciidan.
Saanaddan oo la sheegay inay u badan tahay rasaasta qoryaha, gaar ahaan nooca
loo yaqaano AK47, waxa lagu warramayaa in lagu dejiyay bakhaarro waawayn oo
rasaasta lagu kaydiyo oo maamulka C/llaahi Yuusuf uu ku leeyahya magaalada
Gaalkacyo.
Arinta ayay dadka aqoonta u leh siyaasada Itoobiya ku tilmaameen mid ay ku
carqaladeeynayso Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya ee ka socda wadanka
kenya,
Dhinaca kale warar ayaa jira iyaguna tibaaxay inuu mar kale khilaaf soo kala
dhex-galay saraakiisha sarsare ee ciidammada maamulka C/llaahi Yuusuf ee
qaabilsan dhinaca ammaanka.
Ergooyinka shirka dib u-heshiisiinta oo tallaabadii ugu horraysay qaaday
Kooxaha ku hardamaya siyaasada Soomaaliya ee haatan ka qayb qaadanaya shirka dib
u-heshiisiinta ee ka socda magaalada Eldoret ee addanka Kenya ayaa lagu
tilmaamay inay qaadeen tallaabadii ugu horraysay ee lagu xaqiijin lahaa nabad
laga dhaliyo dalka Soomaaliya, ka dib markii ay saxeexeen heshiis wadajir ah oo
ka dhigan in la joojiyo colaaddii u dhaxaysay, sidaasna waxaa sheegay saraakiil
sare oo ka tirsan guddiga dhexdhexaadinta.
Heshiiskan ay hooggaamiye kooxeedyadu isla saxeexeen wuxuu dhigayaa in
hooggaamiye kooxeedyadu ay ballanqaadayaan inay xabbada joojiyaan, dhidibbadana
u taagaan dawlad fedaraal ah, isla markaana ay sugaan nebedgelyada hawlaha
samafalka la xidhiidha ee Soomaaliya laga hirgelinayo.
Hooggaamiye kooxeedyadu waxay kaloo oggolaadeen in dawlada ku meelgaadhka ahi ay
shirka kaga qayb qaadato magaca ay wadato ee ah "Dawlada ku meelgaadhka ah ee
Soomaaliya", isla markaana waxay aqoonsadeen in Xasan Abshir Faarax uu yahay
ra’iisal wasaaraha ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya.
Waxaa iyaguna heshiiskan markhaati ahaan u saxeexay saraakiil ka socota Midowga
Yurub, Maraykanka, Talyaaniga, Itoobiya, Jabuuti iyo Masar.
Hibaaq Samatar.
Radio Xoriyo
radioxoriyo@aol.com
radioxoriyo@ogaden.com
Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk