Warka madaxdiisii
·Dagaallo ay JWXO ku qaadday ciidamada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya
·Shirkii nabadeynta Soomaaliya oo weli calowsan!!
·Madaxweyne Isayas Afewerki oo booqasho ku tagey Dalka Maser.
·Ingiriiska oo beeniayy baaqii Meles Zenaawi ee Abaarta
·C/risaaq Xaaji Xuseen oo Itoobiya canbaareeyay
Warkii oo faahfaahsan
Dagaallo ay JWXO ku qaadday ciidamada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya
Toddobaadyadii lasoo dhaafay ayay ciidamada geesiyiinta ah ee JWXO ku qaadeen
dagaallo isdaba joog ah goobo ka mid ah saldhigyada ciidamada cadawga Itoobiya
ee ay hogaamiyaan Wayaanuhu, waxaana dagaalladaas ka mid ah:
29.10. 02 Ciidamada Jabhada Wadaniga Xoreenta Ogaadeenya ee sida gaarka ah u
tababaran ayaa weerar mir ah ku qaaaday Ciidamada gumaysiga Itoobiya ee
magaalada Dig ku sugan, waxayna halkaas kaga dileen 10 askari, 15 kalana way
kaga dhaaweceen.
Isla wakhtigaas waxay ciidamada geesiyiinta ah ee Xoraynta Ogaadeenya weerar
ku qaadeen Ciidamada Cadawga ee ku sugnaa magaalada Guna-Gado, waxaana halkaas
lagaga dilay 9 skari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.
31.10.02 Dagaal ay iskaga horyimaadeen ciidamada dacdarraysan ee ay hogaamiso
EPRDF iyo ciidamada xaq u dirirka ah ee JWXO meesha lagu magacaabo Tontomi, oo
ka tirsan gobalka Dhagaxbuur waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay 7 askari,
waxaana laga dhaawacay 13 kale.
Weerarradaas isdaba joogga ah ee ay ku qaadeen ciidamada wadaniga Xoraynta
Ogaadenya kuwa isu-keenka ah ee Itoobiya waxay u keentay Niyojab, Baxsi iyo kala
amar qaadasho la,aan ka dhex oogantay Ciidamada dhexdooda.
Ciidamo uu Gumaysiga Itoobiya ku soo uruuriyay 10.10.02 meesha lagu magacaabo
Bohol-Xagarre waxaa ka baxsaday 30 Askari kadib markay u adkaysan waayeeyn
weerarada aan kala go,a lahayn ee Ciidamada Wadaniga Xorenta Ogaadeenya ku
hayaan iyo nolol xumo la soo daristay.
Dhinaca kale waxaa wali taagan khilaafkii Xarunta Gaaska 32aad ee Ciidamada
Cadawga Itoobiya ee saldhigiisu yahay Magaalada Qabri-Dahare. Ciidamadan ayaa
dhawr jeer oo hore dagaal dhex maray, ka dib markay wax amar ah kala qaadan
waayeen, waxaana la soo xaqiijiyay inay Ciidamo badan labada dhinac ee iska soo
horjeeda ka kala dhinteen, ku waas oo ay ka mid ahaayeen 6 Sargaal.
Shirkii nabadeynta Soomaaliya oo weli calowsan!!
Wararka ka imanaya magalaada Eldoret ayaa sheegaya in Shirkii dib u heshiisiinta
Soomaliya uu weli ku jiro khilaaf lixaad leh oo ku saabsan qaabka loo qaybsanayo
ergooyinka ka qayb galaya wejiga Labaad ee shirka.
Gudiga farsamada ee IGAD ayaa mar kale wax ka beddalay qaabka shaxda ee
ergooyinka, hase yeeshee kooxihii markii horaba saluugsanaa ayaan wali ku
qanacsanayn qaabka cusub ee shaxda loo sameeyay.
Waxay kaloo wararku sheegayaan in bannaanbaxyo ka dhan ah qaabka ergooyinka loo
qaybiyay uu ka dhacay goobta uu shirku ka socdo, waxayna bannaanbaxayaashu
tilmaameen in shaxada ergooyinku ay tahay mid ay Itoobiya wadato, oo loo
sad-buriyay kooxaha iyada gacan-saarka la leh.
Dhinaca kale kooxda SRRC ee Itoobiya gacan saarka la leh ayaa la sheegayaa in
khilaaf soo dhexgalay. Khilaafkaas oo ka aloosmey Jeneral Morgan iyo Jeneral
Aaden Gabyow oo isku dhacay, arrintaasoo keentay, sida ay wararku sheegayaa, in
Jeneral Aaden Gabyow uu ku biiro kooxda uu hormoodka u yahay Maxamed Qanyare
Afrax, oo diiddan qaabka wax loo qaybiyay.
Si kastaba ha ahaatee waxaa cad in ay soo badanayaan codadka ka dhanka ah
Dawladda Itoobiya ee ku wajahan shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya, iyadoo
hogaamiye kooxeedyada qaarkood soo jeediyeen in Itoobiya laga saaro Gudiga
farsamada ee IGAD.
Madaxweyne Isayas Afewerki oo booqasho ku tagey Dalka Maser
Madaxweynaha wadanka Eritrea Mudane Isayas Afewerki ayaa Arbacadii la soo dhafey
booqasho ku tagey Wadanka Masar, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Madaxweynah
Waddanka Masar Maxamed Husni Mubarak.
Labada Madaxweyne waxa ay ka wada hadleen xaalaadda Geeska afrika, gaar ahaan
arrihama Soomaliya iyo Suudaan iyo cilaaqaadka labadooda wadan ka dhaxeeya.
Dhinaca kale dawlada Eritereya ayaa qaraar ka soo baxay Jaamacadda Carabta ku
tilmaantay inuu ahaa qaraar aan daruuri ahayn, wuxuuna qaraarkani ka soo baxay
kulan ay Axadii ina dhaaftay yeesheen Wasiirrada Arimaha dibada ee Dalalka
Jaamacadda Carabta, kuwaasoo dawlada Eritereya uga digay inay faragelin ku
samayso arrimaha gudaha ee dalka Suudaan.
Ingiriiska oo beeniayy baaqii Meles Zenaawi ee Abaarta
Haweenayda lagu magacaabo Clare Short oo ah Xoghayaha Xiriirka Caalamiga iyo
Horumarintinta ee Dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in baahida laga sheegayo
Itoobiya ay tahay mid aan jirin oo si aan masuuliyadi ku dheehnayna loo sheegay.
Haweenaydaas oo wareysi siisay Radiyaha BBC 4 ayaa sheegtay in dhibaatadu ka
taagen tahay musuqmaasuq iyo maamul xumo ka jirta Wadankaasi Itoobiya.
C/risaaq Xaaji Xuseen oo Itoobiya canbaareeyay
Cabdirisaaq Xaaji Hussein oo Soomaalia horay uga ahaan jiray raíisulwasaare ayaa
dawlada Itoobiya ku eedeeyey inay xagal-daacinayso Shirka dib u heshiisiinta
Soomaalida ee ka socda Magaalada Eldoret ee dalka Keenya .
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen wuxuu sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jiro in iyaga
loo daayo inay aayahooda ka tashadaan, isla markaana ay itoobiya faraha kala
baxdo arrimaha shirka ,wuxuuna meesha ka saaray in wax natiijo ah ay ka soo baxi
doonto shirka Eldoret inta ay Itoobiya hor-boodayso.
Wuxuu kaloo sheegay in taliska Addis Ababa uu wixii ka dambeeyey ridistii
xukuumaddii Milatariga ahayd ee Soomaaliya, ay ku soo daad-guuraynaysay dalka
Soomaaliya rasaas iyo miinooyin, wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay in Itoobiya
oo sal u ahayd colaadda Soomaaliya ay xilligan isku tilmaanto mid ka shaqaynaysa
dib u heshiisiinta Soomaalida..
Hibaaq samatar
Radio Xoriyo
radioxoriyo@aol.com radioxoriyo@ogaden.com
Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk