Ugu dambayntii cajladdu waxay dadweynihii u
soo bandhigtay sida loogu baahanyahay taageradooda, dhismihii Jaamacadda waakaas
qabyada ah ee ka qayb qaata dhamays tirkeeda hadal uu dulucdiisu ahaa ayaa
Ardaygaan dhidid ayuu iska hoobinayey asagoo u fadhiya Imtixanka Jaamacada Bariga Afrika, Boosaaso
|
lagu
soo khatimay, waxaana markii dambe lasheegay in ay cajladaasi aad u dheerayd oo lasoo
gaabiyey, ayadoo dhamaystina la heli karo ama la iibsan karo. Talloyin waan
idiinka baahanay, taageero dhinac kastana waa idiinka sugeynaa ayaa lagu soo
xiray filimkii.
Waxaas oo dhan waxaa ka xiiso iyo qiiro badnaa
markii cajladdu ka sheekaysay ardayda waxkabarta oo aad arkeysid kuwo maktabada
Jaamacadda buugaag ku akhrisanaya, iyo kuwo fasal kujira iyo kuwo imtixaan u
fadhiya,
taas waa Imtixaanka'e ayaa weliba ahayd tii ugu qiirada badnayd kaddib markii la
arkay wiil dhidid iska hoobinaya, ileyn xiligaas waxay ahayd bilihii June/July oo
ah bilaha ay magaalada Boosaaso ugu kulaylka badan tahay, taas oo lagu qiyaaso
in marmar uu heerkulku gaaro 40oC iyo kabadan oo uu dheeryahay hawada
oo xirmeysa, waa haddii aysan soo dhicin dabaysha Maansuunka loo yaqaan, reer
Bariguna u yaqaanaan FOORE ama FOORAHA. Xilligaas oo dhulkan Woqooyiga Ameerika
lagayaabo in ay tahay bilaha ugu hawada fiican, ama aad heleysid qaboojiye, kaas
oo aan ka muuqan cajladda ardayda Imtixaanka ku gelayey qolka aadka u kulaylka
badnaa.... waxaase muuqata in kulaylkaas ay kaga cararayaan Jahliga oo ka xanuun
badan kulayl kasta. Waxayna u qalmaan in si buuxda loo gacan qabto inta ay
ka gaarayaan hamigooda... Waxay tani isoo xusuusineysaa daar ku taal Kismaayo,
meel u dhow wadada gasha dekedda weyn oo ay wajiga hore kaga qornaanjitey "DADAALAA
WAA GAARAA" waagaasna waxaa la iisheegay in sartaas uu dhisay hal nin oo
lahaan jirey gaari-dameer, oo uu maalinba dhagax ku darijirey ilaa ay ka noqotay
kuwa ugu quruxda badan Kismaayo.... Aad ayey kuu qiira gelineysaa markaad
aragtid qof dadaalaya.....
Xog-Warran Xaaladda Jaamacadda Bariga
Afrika
Kaddib waxaa cod-tebiyaha lagu soo dhoweeyey C/Weli
C/raxmaan Geyre oo ah Hormuudka kulliyadda ganacisga ee Jaamacadda Baiga
Afrika, C/Weli waxa uu shahaadada Bachelor-ka ganacsiga (labo bachelor) ka
qaatay Jaamacadda Bariga Michigan (Eastern Michigan University), isla
jaamacadaas ayuu ka qaatay shahaadada Master-ka. labaatan (20) sano kaddib
markii uu ku noolaa USA ayuu Janaayo 2002 dib ugu laabtay dalkii, gaar ahaan
Bosaso. C/Weli waxa uu sheegay in ay muddo dheer oo u baahnayd samir ay ku
qaadatay in uu dhamaystirto wax barashadiisa, muddo ka dib ayaan go'aanaday in
aan Soomaaliya ku laabto ayuu yiri. C/Weli waxa uu sheegay in Prof. C/Raxmaan uu
yahay madaxweynaah Jaamacadda, kuxigeenkuna uu yahay Pro. Axmed. Waxayna
jaamacaddu hadda leedahay 14 macallin ayuu yiri. [ Eeg
qayb kamida magacayada macalimin ee 2001/2002].
Waxaa dhismaha Jaamacadda kow
ka ahaa oo hirgeliyey waa Hay'adda AL-MANHAL
oo ku xirirsan dalka Kuwait ayuu
yiri, kharashaka socodsiinta Jaamacadana waa lacagta adeega ah ee ay bixiyaan
ardaydu taas oo ah ardaygiiba $300 sannad-dugsiyeedkii. Dhanka gudaha waxaa
Jaamacadda Bosaso
xiriir la leedahay ayuu yiri Jaamacadaha Camuud,
Hargeysa, iyo Mogadishu, waxana uu
C/weli Jaamacadahaas ku sheegay Jaamacado walaalahana ah. Wafti ayaa sanadkii hore
kategey Boosaaso oo booqday Jaamacada Xamar ayuu yiri.
Maxaa Jaamacadda loogu doortay in laga dhiso
Boosaaso ayuu C/Weli yiri waxaa dhici karta in la isweydiiyo, waxana uu taas kaga jawaabey in sabatu
tahay
magaalada Boosaaso oo ah magaalada tiro ahaan ay ku nool yihiin dadka ugu badan
ee goboladaas deggan, waxaa taas dheer ayuu yiri waa magaalo laga helikaro
dadyow kala duwan oo xataa qaar ka yimaadeen wadamada Tanzania, Zair (Congo),
iyo wadamada deriska (sida Itoobiyaan) oo halkaas u shaqo yimaada.
Ardayda dhigta Jaamacadda kama yimadaan Bari oo
keliya ee waxay ka yimaadaan gobolada Sool, Sanaag, Mudug iyo Nugaal. Muqdisho
iyo Hargeysana waan ka rajayneynaa arday ayuu yiri.
C/Weli waxa uu yiri baahi ay Jaamacaddu qabto
ayaa sabatay in aan safarkaas idiin soo galo oo aan idin hor nimaadno.
Taageeradiina ayaana jaamacadu sugeysaa. Hadafka Jaamacada ee
ugu horeeya waxa uu yahay, ayuu yiri, in ay ku talo jiraan kulliyad
waxbarsho in ay furaan. Asagoo taas sii adkaynayana waxa uu yiri macalimiinta
hadda 35% ayaa tababaran, 65% ee soo hartay waxay u baahanayihiin tababar. Taas
ayaa ku tusineysa baahida kulliyadda waxbarasho ay leedahay.
Waxbarashada Soomaaliya asagoo ka waramaya waxa
uu C/Weli sheegay in sannadkii 1960 ay Soomaaliya lahayd 250 Iskuul, waxaana
jirey ayuu yiri 12 dugsi sare oo keliya waagaas. Hadda ayuu yiri dhinaca woqooyi
bari ee Soomaaliya oo keliya ayaa leh 12 dugsi sare. Asagoo guud ahaan
iskuulada Soomaaliya ee maanta ka hadlayana waxa uu yiri dhanka woqooyi bari
waxaa kuyaal 223 iskuul, dhanka woqooyi galbeedna 300 iskuul, halka dhanka
gobolada dhexe iyo koonfur ay kuyaalaan 1105 iskuul. Sannadkii 1997 daraadad ay
samaysay qaramada midoobey waxay kusheegtay in iskuulada gebi ahaan Soomaaliya
ka furaa ay dhamaayeen 773, halka isla daraasad kale oo qaramada midoobey 2003
ay samaysay ay sheegtay in iskuulada Soomaaliya ay dhanyihiin 1580 iskuul.
Halkaas waxa uu C/Weli ku muujiyey in kulliyada waxbarashadu ay tahay mid aad
loogu baahanyahay si ay usoo saarto macallimiin intaas oo dugsi wax ka dhiga,
maadaama aan macalimiintii hore wadanka joogin ama inta joogtaa aysan ku filayn
in ay booskaas buuxiyaan. Waxana uu C/Weli ku baaqay in aqoon yahanadii ay dib
ugu soo laabtaan dalka.
C/Weli oo ka waramayey isbedelka waxbarasho ee
dalkii waxa uu yiri waagii hore iskuuladu Soomaaliya lacag la'an ayey ahaayeen,
haddase waa lacag oo ardayga khidmad ayaa laga qaadayaa.. Waxana uu muujiyey in
haddii lahelo taageero dibadda ah laga yaabo in taas xal loo helo ama wax laga
qabto. Dadka jooga dalka Soomaaliya waxa uu yiri "dadkaas
ayaa maanta abaal mudan, waayo wax weyn ayey dalkii u qabteen". Dadka
qurbaha asagoo toos ula hadlayanha waxa uu yiri "dalkiinii ha hilmaaminina,
dhulka aad asalka u leedihiin ha ilaawina, ka qayb qaata waxbarashada, haddii
aad waxbarataan intiina halkan joogta jaaliyadda wax ayaad tareysaan, mujtamaca
aad la nooshihiin wax ayaad tareysaan, adduunka oo dhan wax ayaad tareysaan, dalkiina waxbaad tareysaan. Gobolada
woqooyi bari (puntland) waa idiin baahanyihiin, hadalka ficil u bedela oo wax u
qabta, Soomaaliya oo idil waa idiin baahanatahay, xal waa imanayaa ee yeynaan
teegeerin wax aan tacliin ahayn ayuu hadalkiisi kusoo xiray. Asagoo halkaas ku
sheegay in Jaamacadu yeelatay Website u gaara oo cinwaankiisu yahay www.bosasouniversity.com
ama www.puntlanduniversity.com.
Kaddib
Cabdirisaaq Lafoole oo kamid ah xiriiriya yaashii shirka ayaa akhriyey
su'aalo ay dadweynuhu waraaqo kusoo qoreen oo la weydiiyey C/Weli
C/raxmaan Geyre, waxaana su'alahaas ka mid
ahaa:
Su'aalo: Jaamacadda Bariga Afrika ma
hoos timadaa wasaarada waxbarashada ee Puntland, yaase bixiyey dhismaha
Jaamacadda, xiriir ma idinka dhexeeya State of Puntland, xiriir ma la leedihiin
jaamacadaha kale ee dalka, waa maxay shuruudaha Jaamacaddu, tabeelayaasha jaamacada ee ka
muuqdey cajladda waxaa kuligood ku qoraa ingiriisi iyo carabi ee Afsoomaaligii
ma qormi waayey, iyo Soomaalidu ma waxay ku qanceen in
ay nabad la'aan kujiraan , miyeysan Jaamacaddau ka qayb qaadan nabadda?
C/Weli oo su'aalahaas ka jawaabayey
waxa uu yiri: Jaamacaddu waxay ku taal gobolka Puntland (state of
Puntland), waxayna hoos timaadaa wasaaradda waxbarashada ee Puntland State.
Waxaana dhismaha jaamacada gacanta ugu weyn ka geystey dalka Kuwait. Xiiriir waa
naga dhexeeyaa Puntland state, jaamacaduna waa qayb kamida gobolka. Xiriir waan
leenahay jaamacadaha kale sida aad cajlada ku aragteen waftiga Jaamacadda Camuud
nooga yimid, Jaamacada xamarna wafti ayaan u diray sanadki hore. Shuruudaha
jaamacadda lagu soo galo waa in ardaygu dugsi sare ka baxay, waa in uu iska
bixin karaa khidmada jaamacadda, waana in uusan muddo dheer ka maqnayn iskuul,
haddii muddo hore iskuul ugu dambeysey waxaan u diyaarinay fasal (semester) aan
u bixinay fasal eber (semester zero) [oo lagu soo dhisayo ardayga]. Haddii aan
tacliint isu taagno, oo ciyaalka wax labaro, kuwaas waxbartay maxsuulkoodu
wuxuu noqonayaa nabad. Macalimiinta jaamacaddu hadda waa 14 macallin , labo
kamid ah ayaa ah Hindi. Hadda Ingiriis iyo Carabi ayaa ardayda wax lagu baraa
afsoomaali hadda Jaamacadda laguma dhigo waase laga higi doonaa.
Kaddib
waxaa xafladda soo gabagabeeyey Dr. Cali Khaliif Galaydh, ra'iisul
wasaarihii hore ee DKM, haddana ah bare-sare (professor) wax ka dhiga Jaamacada
Minnesota ee shirka lagu qabtay, ugu horayntiiba waxa uu dadweynihii ku
baraarujiyey in aysan siyaasad ka dhigin waxbarashada, waana in aad ogaataan
ayuu yiri in siyaasadda Soomaaliya ay waqti toddobaad ah waxweyn iska bedelikaro.
Waxana uu in cabbaar ah ku adkeeyey Soomaalidii madasha joogtey in aysan
waxbarashada Soomaaliya ka dhigin ama dhexgelin habayaraatee wax siyaasad ah....
aad ayaana dadkii goobta fadhiyey taas ugu riyaaqeen.
Dr. Cali Khaliif oo dib ugu laabtay taariikhdii
carta, waxa uu yiri anaga haddaan reer carta nahay far ayaa nagu mudneyd, taas
oo ahayd in la yiri idinkaaba Puntland burburiyey, taas waxaan ka leeyahay ayuu
yiri, qoraal ayaan u qoray hay'adihii taageerayey waxbarshada in ay Puntland
sidoodii u siiyaan waxay u qoondeeyeen. Sidoo kale waraaqo badan ayaan u qoran
hay'dda qaramada midoobey oo aan ku niri Puntland iyo Somaliland mucaawinadoodii
u wada, keliya ayaan niri wixii aad siisaan nala soo socodsiiya, taas waxaan uga
dan lahayn ayuu yiri, isagoo tusaalahan soo qaatay: Marti ayaa hilbo loo keenay,
waa hilib kala dhiman oo ay ka maqan tahay baridii, markaas ayaa martidii is
weydiiyeen sida ay reerka la martiyey u weydiin lahaayeen in cadkaasi maqan
yahay, markaas ayaa mid toosh qaatay oo reerka dabkiisii agagaarkiisa ku ifiyey,
markaas ayaa reerkii yiraahdeen war heedhe sidee wax u jiraan, markaas ayuu yiri
waxaan raadinayey cad idinkana idinka yimid anaga aan nasoo gaarin. Marka sidaas
ayaan qaramada midobey arinkaas u weydiiney, in aan ogaano waxa Soomaali
magaceeda lagu bixiyey in ay soo gaareen Soomaali.
Siyaasada
Soomaaliya asagoo ka hadlaaya Dr. Cali Khaliif waxa uu yiri waa sidii awrkii
sisinta wadey oo indhaha ka xiraa oo iska daba wareegayey ilaa indhaha laga furo.
waa siyaasad kusalaysan qabiil, waxaad arkaysaa (qof) aadan arkayn wax uu
kuu sheegayo, amaba aysan jirin wax uu sheegayo, waa iska daba wareega sida awrkaas
sisisnta. Waxana uu yiri intii aad qof daba joogi lahaydeen maad idinku
dadaashaan oo caqligiina adeegsataan.
Waxbarshada asagoo ka hadlaya waxa uu Prof.
Galaydh tusaale u soo qaatay jaamacado ka jira dunida sidii ay ku bilaabmeen,
marka laga reebo ayuu yiri jaamacada Al Azhar oo dawladii markaas jirtey ay
asaastay, iyo jaamacado kale oo dhawr ah, inta kale badankood Jaamacadaha maanta
la yaqaan waxaa asaasay kaniisado. Haddaba ayuu yiri Jaamacadaha Soomaaliya laga
bilaabay oo ay isu taageen dad soomaaliyeed hala taageero.
Jaamacada Bariga Afrika armey noqotaa meel
nabadeed oo hal abuur la keeni karo ayuu yiri Prof. Galaydh oo tilmaamayey
qiimaha Jaamacadu yeelankarto. Waxana uu intaas ku daray haddii Jaamacadda
Boosaaso si gaar ah isugu taxalujiso Kalluunka anigu waxba kama qabo.....
Cajladii ayey ahayd tii reer Boosaso ku celceliyeen Kalluunka. Waana qabaa ayuu
yiri in jaamacado laga dhiso meelo badan oo Soomaaliya ah.
Carruurta Soomaaliyeed aad ayaan ugu baqayaa
ayuu yiri Prof. Galaydh, carruurta yar yar ayaan u baqayaa. Tankale ayuu yiri
"Haani meel uun bay ka unkantaaye armaa jaaliyadu is raacdaa"
Prof. Galaydh waxa uu markale ku celiyey in la
taageero jaamacadaha Soomaaliya, waxana uu dadweynihii xusuusiyey cajladii aan
daawanay [ee Jaamacadda Boosaaso] in aanaan ku arkin wax computerro ah, waxaa
taasi muujineysaa baahida loo qabo computero, ayuu ku muujiyey hadalkiisa.
Waxana uu guubaabiyey Jaamacadaha Soomaaliya in ay yeeshaan xiriir, in ay wixii
macluumaad ah is dhaafsadaan, in muqararka qoran ee mid hayso ay kuwa kale ka
qaataan, in wixii cilmi ah la isweydaarsado. Luqada Soomaaligu waa in aysan
dhumin ayuu yiri Prof. Galaydh.
Ugu dambayntii Maxamed Xasan oo kamida
xiriiriyayashii shirka ayaa madashii u sheegay in mardhow shirku xirmayo
wuxuuse taas ka hormariyey asagoo yiri "inta wax baranaysay iskaashada oo
ka xorooba khilaafka", kolley idiinkaa ama buuxin doona ama gabi doona
fursadaas ayuu ku daray., waxana uu taas ku daray in kelmed kasta oo xun loo
helikaro mid wanaagsan. Waxana uu yiri Jaamacadda Boosaaso aan u ballaan qaadno
in aan taageereyno, aan u ballaan qaadno in aan ku xiraano. C/Welina hanoo
ballaan qaado ayuu yiri in uu midaynayo Jaamacadaha Soomaaliya. Waxana uu xusay sida loogu baahanyahay Jaamacadaha Soomaaliya oo laga dhiso meel
kasta. Waxana uu sheegay in uu soo bixi doono qoraal kusaabsan Jaamacadda.
Cabdirisaaq Lafoole ayaa sheegay meesha
taageerada reer Minnesota iyo Soomaalida kale ee qurbaha ay kusoo hagaajin
karaan waana:
Email: lafooleh@hotmail.com
ama warsameh@tiesmn.org
Tel: 612.532.5532 ama tel: 612. 267.3939
Sidaas ayaa shirkii kusoo gabagabooney:
Waxaa isku soo dubaridey:
Maxamed Cali (SomaliTalk.com
Editor-in-chief)
webmaster@somalitalk.com
XUSUUS: Xuquuqda qoraalkaan waxaa leh
SomaliTalk.com. Websitekasta iyowargeyskasta oo qoraalkaan dib u daabaca waxaa
shardi u ah in uu qoraalkasi ahaanayo sida uu yahay isla markaana uu shardi
ahaan wadanayo xuquuda qoraaga iyo websiteka www.SomaliTalk.com.
January 12, 2003
WEBSITEKA JAAMACADDA: www.bosasouniversity.com
... Warbixintii
Dhollowaa ee Jaamacada Bariga Afrika
WEBSITE-YADA JAAMACADAHA SOOMAALIYA:
....Bosaso
....Camuud
.....Hargeysa
.....Mogadishu com
Ardayda Soomaaliyeed
ee Minnesota.... shir....