SOMALITALK.COM


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
ARAGTIDA - DADWEYNAHA

CATOOSH SIDEE BAY KAA NOQOTAY?!!

WQ: Mohamed-Deeq Abdi-Madar "Haldhaa"
Qoraa iyo saxafi Soomaaliyeed, Sweden, Borlänge
haldhaa35@hotmail.com | July 11, 2002

 

Run ahaantii aad baan u xiisayn jiray sida uu weriye Catoosh u soo diyaariyo wararka iyo faallooyinka Soomaalida ku saabsan amaba geeska Afrika. Laakiin wuxuu hankaygii hoos u dhacay markii aan akhriyay maqaalkii aad kaga jawaabaysay aragtidii Shariif Osmaan (BBC-du Maskaxda Soomaalida ayay Quudisaa". Sidee bayse kaa noqotay?!!.

"qof caadifiyaddu ka caraysiin karto ma qaadi karaa masu''uliyad u baahan xaqiiqo raadin iyo in loo falanqeeyo arrin kastaaba sida ay tahay" Jawaabtii Bashiir Jaamac. 

Shariif Osmaan wuxuu ka hadlay shir Soomaalida quseeyay oo ka dhacay Jaamacadda Minnesota, oo ay BBC-du Qabatay. Wuxuu kaloo sheegay in shirkaas si hoose oo dhabar ka taabosho ahayd laysugu yeeray, xittaa inaan loo yeerin arydaydii jaamacadda dhiganaysay iyo dad badan oo magaaladaas deganaa. Wuxuu kaloo sheegay inuu dhaliilay warbixintii Yuusuf Garaad iyo sida uu u sharraxay BBC-da iyo ujeedadeeda.

Haddaba waxaan rumaysnahay haddii Shariif Osmaan loo jawaabayo in looga jawaabi lahaa wixii uu yiri oo qura ee aan la aflagaadayn shaqsiyaddiisa iyo magaciisaba. Waxaan kaloon rumaysnahay ninka jawaabta leh inuusanba adiga ahayn ee uu ahaa Yusuf Garaad. Haddiise aad Catooshoow adigu meesha soo gashay, jawaabtii uu mudnaa Shariif Osmaan ma aadan siin ee waad aflagaadaysay. Arrintaasuna maahan mid ku habboon adiga iyo inta ku hawllan arrimaha saxaafadda. Taasna waxaannu kaaga baahannahay raalli gelin ku socotta Shariif Osman iyo bahda Saxaaffadda oo dhan.

" haddii aan mawduuca laga doodayo la weerarin oo shaqsiyadda qofka la weeraro waxaa lumaya ujeeddadii doodda ama quruxdii qoraalka, arrintuna waxay isu beddelaysaa weerar shaqsi iyo difaac shaqsi". Maxamed-Deeq 

Arrinta aad ku eedaysay Bogga "SomaliTalk" waan kugu khilaafsanahay, sababtoo ah maqaalkii Shariif Osmaan wax lagu dhalliilo igama muuqan wax laga jawaabo mooyaanee.

Waxaa kaloon iyadana ila qurxoonayn sida uu kuugu soo jawaabay ninka la yiraahdo Bashiir Jaamac. Sababtoo ah haddii aan mawduuca laga doodayo la weerarin oo shaqsiyadda qofka la weeraro waxaa lumaya ujeeddadii doodda ama quruxdii qoraalka, arrintuna waxay isu beddelaysaa weerar shaqsi iyo difaac shaqsi.

 

WQ: Mohamed-Deeq Abdi-Madar "Haldhaa"

Qoraa iyo saxafi Soomaaliyeed, Sweden, Borlänge

haldhaa35@hotmail.com 

###

AFEEF: Aragtida qoraalkan waa mid u gaara qoraaga kusaxiixan

SOMALITALK.COM | July 11, 2002

 

 
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.