Ma runbaa in Yusuf Garaad Cumar yidhi Idaacadda BBC.du “waxay quudisaa
maskaxda Soomaalida”
Horumarka is-gaadhsiintu waxay qayb libaax kaga jirtaa, is-fahanka, is-dhexgalka
iyo iska warhaynta dacalada aduunka, dabcan waxyeeladeeduna meesha ka madhna,
waxaa iyana mararka qaarkood ay ka qaalib noqoda fekerka shakhsigu.
Marka aan u soo noqdo mawduuca, laanta afka Soomaaliga ee BBCda iyo
shaqaalaheeda waxaa beryahan loo soo jeedinayey eedaymo iska daba joog ah oo
intooda badan loo aanaynayo dhacdooyin ula kac ah (si aan kama’ ahayn) oo ay
galeen shaqaalaha laantu.
Hadaba marka aad eegto hadafkii BBCda laanta Afka Soomaliga ma waxaa ka
qaalib noqday feker shakhsi oo noqtay mid si xun loogu takri-falay iyada oo
looga ka faa’iidaysanayo
1. kaalinta ay banaysay saxaafada dalka ee burbursan
2. Maamulka sare ee BBCda oo aan aad ula socon maamul xumada ka jirta
laanta?
Marka aynu eegno Soosaaraha iyo Isticmaalaha (Producer and User) had iyo
gooraale isticmaaluhu wuxuu leeyahay awood aad u saraysa. Go’aanka loo
adeeguhu waa kan ugu muhiimsan horumar kasta oo la gaadho, hadii kale wuxuu
xaalku isu bedeli-karaa dhaliil iyo waxyeelo, nacayb iyo karaahiyo loo qaado soo
saaraha, taasi waxay keentaa in badeecadiisu gadmiwaydo.
Hadii aynu tusaale usoo qaadano waxaa jiray mar 80’aadkii idaacada BBCda
laanteeda afka Soomaligu ku sigatay in la xidho kadib
1. Markii uu hirgalay nadaamkii curdanka ahaa ee warbaahinta Soomaaliya
2. Dagaalkii qaboobaa oo aduunka kala xidhay, kaas oo adkeeyey inay warar
sax ah helaan idaacadihii sida BBCda ahaa, kadibna ay garanba waayeen heerka
adeeg oo ay hayaan iyo waxtarkiisu inta uu le’eg yahay.
Taas waxaa gaashaanka u daruuray dad badan oo Soomaaliyeed oo wax laga
waydiiyey, waxa kale oo la waydiiyey Xasan Guleed Abtidoon madaxwaynihii jabuuti
ee waqtigaa oo cadeeyey in dadka Soomaaliyeed u baahan yahay BBCda, waxaa kale
oo la waydiiyey sida aan maqlay madaxwaynihii Soomaaliya waqtigaa Maxamed Siyaad
oo ku jawaabay inay soomaaliya leedahay idaacado. Yusuf miyuusan ka fekerin inuu
dadkiisa ku waxyeelaynayo masuuliyad ay u dhiibeen.
Erayada kasoo yeedhay tifatiraha laanta afka Soomaliga Yusuf Garaad Cumar
waxay daah fureen dhaliilo badan oo idaacada loo soo jeedinayey. Waxay dad badan
arkaan in idaacadu u gacan gashay koox iyadu dana gaara leh oo si xun u ugu
adeegaysada awooda idaacadeed iyo dhaqaalaheeda dana gaara.sida:
1. Kaalinta muhiimka ah oo ay buuxin kari wayday laanta afka soomaaligu
2. Miisaan la’aanta soo wajahday beryahan danbe
3. Tixgelin la’aanta dhaqanka soo jireenka ah ee qofka Soomaaligu
leeyahay
4. Waxaa lagu eedaynayaa in idaacadu ka danbayso dhibaatooyin fawdo ah oo
ka dhaca Soomaliya.
Hadaba war la helyaaba talo la hel, mar hadii waqtigan uusan ahayn 80’aadkii,
mar hadii dalka Soomaaliya uu burbursan yahay siyaasad, dhaqaalo iyo dhinacyada
kaleba, waxay iila muuqataa in loo qaybiyo waqtigeeda gobolo ama Area Group qolo
waliba markeeda soo gasho, aniga oo rumaysan in aanay ka waxtar yaraan doonin
kana waxyeelo yaraan doonaan Radio Dalmar, Radiogolis, Radio Sweden, Sagalradio,
scerdo ...
Xasan Nuur | SRG14@jubiimail.dk
QORAALADII
HORE EE XASSAN NUUR
July 16, 2002
AFEEF: Aragtida qoraalkan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan