DAGAALKA CIRAAQ: 50 QOF AYAA KU DHIMATAY
WEERARADII LAGU QAADAY BASRA
Tarjumadii Ibraahim Saalax |
SomaliTalk Yurub | ibra88@hotmail.com |
March 22, 2003
TIXRAAC:
Daawo Warkaan oo Video ah
[Al Jazeera TV]
Diyaaradaha dagaalka ee USA, Sawirka IOL |
Ugu yaraan 50 qof oo ciraaqiyiin ah uuna ku
jiro nin u dhashay dalka Ruushka ayaa ku dhintay weeraradii qallafsanaa ee
ciidamada Mareekanka ay xaleey la beegsadeen magaallada Basra ee ku taalla
koonfurta Ciraaq. Sidaas waxaa shaaca ka qaaday weriyaha taleefishinka Aljazeera
u jooga Basra.
Weriyaha ayaa intaas raaciyay inuu dhimashadan
helay kadib markii uu booqday cusbitaalka ku yaalla Basra, halka dadkii dhaawaca
ahaa uu ku qiyaasay wax ka badan 100 qof. 50-ka qof ee weerarada ku dhintay ayaa
4 ka mid ah ay ka soo jeedeen hal qoys oo uu mid ka mid ah yahay cunug yar oo da’diisu
tahay 2 jir.
Dhinaca kale waxaa soo shaac baxaya wararka
sheegaya inay ciidamada Mareekanka iyo xulafadiisuba ay gacanta ku dhigeen
magaalooyinka ay ka mid yihiin Umm Qasr, Naasiriyah, Faaw, Umm shuyuukh iyo kuwa
kale, halka ciidamada Ciraaq ay si xoog leh u beeninayaan. “Umm Qasr, Faaw,
Naasiriyah iyo Umm Sheekh waxaa weli ka socda dagaal aad u qaraar, jab weyna wuu
ka soo gaaray safafka cadoowga, halka qaar kalena ay dib u gurteen” ayuu yiri
Maxammed Saciid Saxaaf oo ah wasiirka warfaafinta Ciraaq.
Ilma yar oo ku dhaawacmay dagaalka Ciraaq, Sawirka IOL |
Daqiiqad kasta gantaal ayaa ku habsanayay
Baghdad:
Dhinaca kale, gantaallihii lagu soo ganayay magaallada Baghdad ayaa
daqiiqaddiiba mar soo dhacayay, gantaalladaasoo aan horey loo arag. Sidaas waxaa
si kooban u yiri weriyaha wargayska Independent Ropert Fisk ee hadda jooga
Ciraaq. Laga soo billaabo jumcadii waxaa magaallada Baghdad lagu riday wax ka
badan 320 gantaal.
Fisk ayaa ku sheegay maqaal ay maanta wargayska
Independent ku daabacday hadalkan “waxaan arkayay daarihii uu lahaa Saddaam ee
ka koobnaa 20-ka dabaq oo burburay, waxaan maqlayay sawaxankii qaraxyada oo
saameeyay maqalkaygii muddo saacad ah”
Ropert Fisk ayaa ku tilmaamay inay weeraradii
xaleey lagu qaaday Baghdad ay ahaayeen mid aad u weyn 20-kii sanno ee ugu
danbeeyay, wuxuuna intaa raaciyay in qaraxyadii Mareekanka iyo Ingiriiska ay
qaadeen uu dhammaan magaallada si weyn u gilgilayay. “waxaan maqalnay cod aad
u weyn oo sababay in muraayadihii guryaha ay burburaan , daqiiqad kadib waxaan
aragnay gantaalladii waaweynaa oo duqeynaya caasimadda” ayuu yiri weriyaha
Independent, wuxuuna markale yiri isagoo wata hadalkiisa “ciraaqiyiintii ayaa
dhinacayga soo istaagay iyagoo doonaya inay daawadaan qaraxyada, dhimbilaha
dabka waxay ka kacayeen guriga madaxtooyada Ciraaq, waxayna ku jeedeen xagga
cirka”.
Weerarada ka socda Ciraaq oo ay hoggaaminayaan
ciidamada Mareekanka iyo Britain ayaa billawday subaxnimadii khamiistii la soo
dhaafay.
Dagaalka Ciraaq lagu qaadayo oo sababay
maslaxado badan oo ciidamada isbahaysiga ay ka leeyihiin gobolka, ayaa waxaa
hubaal ah inay ka dhalan doonaan khasaare insaaniyadeed iyo kuwo kale, taasoo
tusaale looga qaadan karo khasaarihii uu dhaliyay dagaalkii gacanka ee 1991-kii.
Wararka
Ugu Dambeeyey ee Daalka Ciraaq
TIXRAAC WARKAN:
http://aljazeera.net/news/arabic/2003/3/3-22-13.htm
http://news.independent.co.uk/world/middle_east/
http://islamonline.org/english/
<><><>
QORAALADII HORE EE IBRAAHMI SAALAX: http://www.somaliatalk.com/ibraahim/
<><><>
»»VIDEO: Mucjisooyinka
Quraanka... [English]
|