Tiisa
daryeela tu kale ku dara!
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
Waxaa la yiri "xaqa haddii Afka laga
daboolo feeruhuu ka dilaaca!
Itoobiya dhulkeena ma joogto,
ciidankeedana ma soo galin gudaha Jamhuuryaddii xorta aheyd ee
Soomaaliya, farahana kulama jirto arrimaha siyaasadeed ee dalka haddii
aad shalay la'eyd cid runta kaaga sheegta ama shaki kaaga jiray, dagaal
oogeyaalka Soomaliyana ay inkirijireen maanta iyadoo mas'uulkii ugu
sareeyey qirtay runso. Wuxuu yiri Cali Maxamed Geedi" Hadaan been la
sheegeyn dowladdii C/qaasim waxaa burburiyey Itoobiya" hadalkan markuu
sidaas leeyahay duqa waxaa loo sheegay in dowladii isaga ka horeysay
dharaar cad la cabay fuudkeed tiisana aan loo daaheyne uu aayar danaha
laga leeyahay dalka fuliyo haddii kale sheekadiisu noqoneyso"
Isha Cali ka lulato"
Haddaba indhawaale waxaa taagneyd dood
ku saabsan xorreynta Soomaali galbeed iyo NFD goorta ay xor noqonayaan,
sidoo kale waxaa iyadana taagneyd aqoosi uu sheegay in proff aan
aqoontiisa dhaafin xoolaha uu ku fududaay inuu siinayo Somaliland haddii
waxa u ku sheegay beesha caalamka ay siinayaan. Doodahan waa kuwo
siyaalo kale duwan ay aragtidooda uga dhiibteen bulshada weynta
Soomaaliyeed.
Xaqiidiise intaan la gelin doodaha
kusaabsan Somaliland, Soomaali galbeed iyo NFD, waxaa mudan marka hore
in runta la isku sheego lana abaaro xaqiiqda jirta iyo sidii xal loogu
heli lahaa. La iskuma diidana in dalka uu jiro marxalad xun oo aan
weligeed soomarin. Taariikhda madow ee Soomaalida waxey waqtigan
sheegeysa in hogaankii ummadda laga arrimiyo Addis Ababa taasina sidey
waxey ku dhacday markii talada dalka loo dhiibay kuwo aan wadani aheyn
soona dhaweystay cadowgii soo jireenka ahaa, shacabka Soomaaliyeed
markaas ayaa igoo nool la duugay intaan la gaarin tii dhabta aheyd.
Soomaali galbeed dadka ku nool in badan oo
iyaga kamid ah dooonimayaan iney la xoroobaan Soomaaliyadii xorta aheyd,
shalay markii laga qaaday heeryaddii gumeysiga marna lagama maqal
mas'uulinta dhulkaas iney walaalahood ku biirayaan. Maantana haddii
lahelo ilama ahan labaddii gobol ee xorta ahaa oo hada is qoonsaday iney
ku soo biirayaan sababo jiro awgeed.
Somaliland maamulkeed maahan kuwa hada
diyaar u ah iney koonfur la midoobaan iyagoon laga daweyn boogta ku taal
ee koonfuri u geysatay. Midna waxaa u dheer iney si toosan iyo si
dadbanba ay usoo dhaweysteen cadowgoodii gaar aheeneed iyagoo ka
raadsanaya aqoonsi. (Tusaale waxaa kuugu filan dekada Barbara waxaa
maalin walba ku soo xirta maraakiib u raran cadowga Itoobiya iyadoon
abaal looga heyn, halka Amxaaro taagan tahay lafo maroodi iyagaa midba
mar la isku jabshaa)
Koonfur dadka siyaasadeeda siddii
dameerihi isku hirdinayana maahan kuwa doonaya iney nabad helaan hadey
taasi timaadana waxey ogyihiin iney cadaalad hor imanayaan, marka
nabaddeey weligaaba ha iman bey taagan yihiin. NFD- laftooda waa lamid
kuwa Soomaali galbeed ku nool ma rabaan iney xor noqdaan, mana doonayaan
waqtigan nin gurigiisa gubinaya iney iyagana ku gubtaan, Allow sii
dhameystir bey mareysaa xaalkoodu.
Itoobiya iyo Kenya waa kasiman yihiin arrinka
ah Illaahow adigaa cadowgeenii noo jashay Allow luguha ha u kabin.
Xasuus waxaa mudan maalintii doorashaddii madaxweynimada kooxda Embgathi
in wargeyska Daily Nation uu qoray, maqaal uu ku sheegayo inaaney
Itoobiya iyo Kenya marna rabin nabad guud oo ka islaaxda dalka
Soomaaliya, sidoo kale madaxweynihii hore ee dalkaas Moi waa kii
jaamacad ku taal Washington ka sheegay in Keenya iyo Itoobiya ay geed
dheer u koreen siddii aaney u dhalan dowlad awood badan oo xagga
Soomaaliya ka timaada , taasoo ay u arkaan iney jirtaankooda dhul
ahaaneed boobka gumeystihii foosha xumaa ee Ingiriis ku siiyey halis
yihiin.
Haddaba intaas aan soo sheegay iyo kuwo
kale iyadoo ay jirto dhibaataddii dalkii xorta ahaan wax laga qaban
siddee meelo kale loo haweysan karaa? Horey waxaa loo yiri "Miro
gunta ku jira mirro geed saaran looma daasho" Soomaaliya maanta
uma baahan iney ka hadasho qadiyadaha Soomaali Galbeed iyo NFD, taasi
markey timaado dowlad awood badan u babac dhigi karta cadowgan mindiyaha
soofeysanaya ayaa qeybaha maqan la soo dhacsan karaa. Hana la ogaado
nimaan heysan waran iyo gaashaan in aanu libaax neef geel ah ka ridi
karrin.Waqtigan anagaa is dilnay
waxaan u baahanahay nabaradaan isku dhifanay inaan iska dheyno markaan
caafimaadnana aan awood u yeelan karrno inaan waxkasta sameyno. Haddii
kale sheekadu dhaafimeyso" habar fadhiso legdin la fududaa"
ugu dambeyntii waxaan ku soo gunaanadayaa hadalkeyga soomaali waxey tiri"
Tiisa daryeela tu kale ku darra" Axmaaro iyo Keenyaati waxaad u babac
dhigi kartaan markaad kasoo kabataan jabka idiin ku dhacay ee yaan la
haweysan meelaan la hanan karrin, dowladahan awood waqtigan kuma dhamin
shalayna nagumeeysan dhameyn,beritana waan heleynaa awoodeeni shalay iyo
mid kasii badane ee ha isku calool fiyoobaado hana laga hortago cadowga
halista u ah dhulka hada xorta ah haddii kale weligeed lagama baxayo
duliga maanta na saaran.
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com Nov 18, 2005