SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - NAIROBI
TAXANAHA SIYAASADDA [Qaybtii 5aad]

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

editor@somalitalk.com

SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya

Janaayo 2, 2004

13. OO DOWLAD DUMIS AH. IYO 13. OO DOWLAD LA’AAN AH.

Sanadku markuu ahaa 1978kii Ayaa qaar kamid ah Saraakiishii Xoogga dalka Soomaaliyeed, ka baxsadeen Dowladii Soomaaliya, waxayna u galeen Itoobiya, rag farabadan ayaa wadadaas qaaday, qofkii ka soo carooda dowladiisa wuxuu gaashaan ka dhiganayey Itoobiya, waxaana wadan-kaas isugu tagay tiro aad u badan oo kamid ahaa hawl-wadeenadii xukunkii Soomaaliya.

Gacansiintii dowladii Mingiste awgeed ayey fariisimo ciidan ka samaysteen gudaha wadanka Itoobiya, magacyadii lagu hawlgalayey waxaa kamid ahaa. S.S.D.F., kadibna S.N.M. waxaa ku soo xigay U.S.C. iyo S.P.M. intuba waa magacyada jabhadihii xarumaha ciidan ka samaystay gudaha Itoobiya.

Intoodaas waxay ka mideys-naayeen in la rido dowladdii Siyaad Barre, laakiin majirin qorshe Siyaasadeed oo u abuurnaa, qaarkood caadifad qabiil bey ku abuurmeen, qaarna sababtii loo aasasay maba aysan aqoon raggii aasaasay. Ciidanka dagaalka loogu yeerayana waxaa loo sheegay in beesha Madaxweynaha ay dhibaato u geystay beeshiisa, saas darteed ay haboon-tahay inuu daafac tolkiis.

Dagaallo lagu hoobtay ayaa la is weydaarsaday, dhibtuna waxay cirka isku shareertay goortii ay Jabhadaasi soo gaareen gudaha Somaaliya, halkaasoo ay xadgudubyo badani ka dheceen, oo ay dowladiina dad aan waxba galabsan u geysatay dhibaato, iyadoo eryaneysa ciidamo ay ugu yeertay MAHBAR.

Laga soo bilaabo 1978kii ilaa 1991kii waxay jahadahaasi ku hawlanaayeen sidii ay u dumin lahaayeen maamulkii Siyaad Barre. Abaabulkii ay 78kii bilaabeen waxay ku guuleysteen 91kii Intaas shacabka Soomaaliyeed ayaa ku dhimanayey dagaaladii u dhaxeeyey dowlada iyo mucaaradkeeda, maadama aysan jabhadahaasi lahayn Barnaamij Siyaasadeed oo ah iney gacanta ku dhigaan hanaanka maamulka ee dalka, waxaa la oran karaa hawl-galkii ahaa iney ridaan dowladda wey ku guuleesteen, maxaa yeelay hadaf intaa ka weyn maba aysan lahayn.

"Wax dumintu aqoon uma baahna ee wax garad la’aan ayey u baahan-tahay, laakiin wax dhisiddu aqoon iyo xilkasnimo ayey rabtaa"

Sida lawada ogsoon yahay wax dumintu aqoon uma baahna ee wax garad la’aan ayey u baahan-tahay, laakiin wax dhisiddu aqoon iyo xilkasnimo ayey rabtaa. Taas waxaa marag u ah, jabhadihii mucaaraday dowladii markaa jirtay mid waliba danteeda waxay ahayd Siyaad meesha ka saar, xilkaaguna intaas haku ekaado.

HALKEY KU DANBEEYEEN MADAXDII JABHADAHA:

C/Laahi Yuusuf Axmed:

Waxaa raggaas ugu magac dheer Col C/Laahi Yuusuf Axmed, oo ah aabihii bilowgii burburka Soomaalida, waa maskaxdii hindistay wiiqinta Dowladii Soomaaliyeed ee uu taladeeda hayey Jen Maxamed Siyaad Barre. C/Laahi markaas wuxuu islahaa intaad M/S/Barre xukunka ka eridid adigu ku fariiso, laakiin nasiib xumo iyo nasiib wanaag midey u noqotaba maanta wuxu gogol la fadhiyaa qaar siyaasiyiin Soomaaliyeed sheeganaya oo wiilshiisa lada’ ah.

Dhawr jeer wuxuu ku celceliyey inuu ka shalaysan-yahay bilaabistii baladatan, wuxuu yiraahdaa, ma moodeyn inuu xaalku saan noqon doono, ee hadaan ogaan lahaa maba aanan bilaabeen, wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyaa hadeerna xal Soomaaliyed baan Diyaar u ahay.

1978kii ayey ku dhalatay inuu dowlada ka horyimaado, wuxuu dhisay jabhaddii S.S.D.F. dagaallo culculus ayuu la galay dowladii dalkiisa, isagoo hubka ka soo qaadanaya codowgii dalkiisa, kuma guuleysan inuu miro ka dhaliyo, kadib isla dowladii uu gacanta ka helayey ayaa garatay iney xabsi u taxaabto, waxaa la soo daayey 91kii. Somaliya oo uusan Siyaad Barre ka talineyn, wuxuu lugta la galay Dagaaladii Sokeeye, dagaal hubeysan ayey isaga horyimaadeen isaga iyo raggii ay shalay mucaaradka isla’ahaayeen, waa Jen Caydiid, hadana Xamar bey ku shireen C/Laahi iyo Caydiid si ay dowlad u dhisaan, laakiin iskuma aysan afgaran, iyadoo nin waliba is yiri beeshaada saan uma cuntanto.

1998kii ayuu C/Laahi xaar-xaartay 5.gobol oo ugu walqalay Puntland, Magacii uu raadintiisa bilaabay 78kiiina halkaas ayuu ka helay, waa Madaxweynaha D/G/P. Sadax sano oo doorasha ah ayaa u dhamaatay, kadibna iyadoo muruq ah ayaa hadana loogu yeeraa Madaxweyne. Misana waxa uu kala qayb galayaa shirarka dib-u-heshiisiinta Soomaalida qaar socodka bilaabay 2.ama 3. sano kahor.

C/Laahi waa nin kalya adag, waxa uu rabana yaqaan, siduu ku heli lahaana yaqaan, xaq iyo xaqdarro tey rabto ha u noqotee. Waa nin u sabraa dantiisa, dunida oo dhan hadey mucaaraddo tiisa ayuu ka wataa, noloshiisa iyo wax kastaba waxaa kala muhimsan sidee baad Madaxweyne ku noqotaa. Siyaasiyiinta Soomaalidana waa ku yar yihiin hadda nin isaga oo kala ah dabci ahaan.

JEN: MAXAMED FAARAX “CAYDIID”.

Mucaaradkii dowladii Soomaaliya hadii la soo qaado waa ninka dunida ugu magaca dheer, taasoo uu ku gaaray waagii uu Sadaamka Soomaaliya ahaa, ee uu dunida oo dhan la dagaalsanaa,

Waa madaxii U.S.C. maadama uu Jenan ahaa, wuxuu noqday hogaamiyaha ciidan ee jabhaddaas, hadafkiisii ahaa inuu rido dowlada waa u meel martay, waxaa la sheegaa inuu maanka ku hayey isaga oo Madaxweyne mar un laga dhahayo dhamaan dalka Soomaaliya, si uu taas u gaaro, waxaa ciidankiisa u suura-gashay inuu Gado ka saaro Siyaad Bare, Kismaaya uu qabsado, dhinaca kalana uu ilaa Gaal-kacayo gacanta ku dhigo, mudo yar gudahood Gedo, G/Kacayo, Kismaayo, B/Weyne waa laga soo wada ceshay, kolkii danbe waxaa isugu soo hartay K/Muqdisho, ilaa Jilib agteeda iyo ilaa Baydhabo.

Intaas isaga oo gacanta ku haya ayaa isla K/Muqdisho lagu qabsaday oo ururkiisii qaar ka falliiq-meen, dagaallo culus ayaa gudaha xamar ku qabsaday, ilaa ay tiisiiba ku gashay, maalintuu dhintay ayaan Idaacaddo badan daaray si aan bal war u helo, waxaan furay Idaacadda dalka Suuriya oo warkeedii sidan u dhigtay.

(Waxaa maanta magalada Muqdisho ku geeryooday Jen.Caydiid oo kamid ahaa dagaal-oogayasha Soomaaliya, iyadoo ay toogteen dad aan la’aqoon, Caydiid wuxuu sheeganayey inuu yahay Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuse maanta dhintay isagoo ku dhex dagaalamayey K/Muqdihso).

Jananku wuxuu geeryooday isagoo sheegta inuu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuuna dhisay dowlad ka kooban Madaxweyne,Madaxweyne ku xigeenno iyoWasiirro, mase lahayn goloyaal Barlamaan. Wiilkiisii Xuseen Caydiid ayaa dhaxal u helay, isagana sanado yar kadib wuuba kala aftaxay dowladii, halkii uu salkeeda balaarin lahaa.

Jen Caydiid wuxuu ahaa nin qofkii jecelna soo dhawaysta, kan necebna la dirira, xabad ayuuna u qaadan jiray qofkuu ka dareemo inuusan Madaxweyne-nimadiisa meel u dhigayn.

C/Raxmaan Axmed Cali “Tuur” .

Waa siyaasi ruug caddaa ah, Alaha u naxariistee dhawaan ayuu geeryooday, dagaalkii 77kii wuxuu ahaa Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey Itoobiya, mudo kadib Dowladiisii ayuu ka carooday wuxuu ku biiray mucaaradkii, isagoo gabaadsaday isla dowladii uu shalay maqaamka Safiireed ku joogay, isagoo leh dowladii aan shalay matalayey ayaan hada ka horjeedaa.

Madax ayuu ka noqday Jabhaddii S.N.M. haddii dowladii dhexe la riday, wuxuu mahad naq u helay in Madaxweyne looga dhigay Somaliland, waana Madaxweynihii Koowaad ee ay yeelato Somaliland, wax yar kadib jagadii waa lagala noqday, misana waxaa soo dhawayn loo siiyey M/Cigaal.

Tuur hadii laga qaaday jagadaas, Xamar ayuu iska soo xaadiriyey, wuxuuna qayb ka noqday dowladii salballaar, oo uu madaxweyne ku xigeen ka helay, haddii iyadiina wiilkii kala diray oo uu xoogaa wareeray, wuxuu si xal kale waa ah, isku qanciyey inuu Siyaasadda isaga fariisto, go’aankaas isagoo ku taagan ayey tii Alle u timid. ALAHA U NAXARIISTO.

Dadkii yaqaanay waxay ku tilmaameen inuu ahaa nin qabow, oo dagan.

Axmed Cumar Jees:

Waa sargaal sare oo ka tirsanaa Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxay walaalo ahaayeen M.Cumar Jees oo ka tirsanaa Golihii sare ee kacaanka. Markii uu ka goostay Dowladdii Soomaaliya, waxa uu ku biiray Jabhadihii joogay Itoobiya, kadibna ciidankii S.P.M. ayuu Ammaan-duule ka noqday, wuxuu watay Jabhaddii qabsatay Gobolada Bay iyo Bakool isagoo fulinayey heshiis ay wadagaleen Saaxiibadiis.

Waxa uu qayb firfircoon ka qaatay dagaaladii sokeeye ee dalka, magaalada Kismaayo ayuu marna gacanta ku dhigayey, marna looga adkaanayey. Maxaqiijin karo inuu hankiisu ahaa Madaxweyne noqo, waxaase muuqatay inuu islahaa bal marka hore Siyaad Barre meesha haka baxo. Kadib wuxuu wax ka dhisay dowladii fadhiidka ahayd ee Salballaar loogu magac daray.

Mar dhawayd ayaa la weydiiyey inuu islahaa maalintuu dagaalka Soomaaliya ku soo qaadayey, in xaalku uu saan ku danbeyn doono, wuxuu ku jawaabay inuusan sidan filayn, laakiin uu islahaa ugu badnaan 30.cisho kabadan dalka ma qasnaan doono.

Kadib waxaa aad u daciifay dowrkii uu ku lahaa Siyaasada Soomaaliya, hada shirka Soomaalida uga socdo Kenya, wuxuu ku guuleysan waayey in dowlada Kenya ay u aqoonsato inuu kamid noqdo madaxda Siyaasadda Soomaaliya. Haddeerna waxaa soo hinqiyey golaha samata-bixinta Soomaaliyeed. Ee Balcad lagu dhisay.

Su’aasha isweydiniita leh waxay tahay. 4.taas oday ee ay labana geeryootay, labana noo shahay, hankoodii magaareen? Hadeysan gaarinna maxay ku danbeeyeen? Haddii ay 13. ku hawlanaayeen duminta Dowladdii Soomaaliyeed oo misana ka qayb qaateen 13.kii sano ee Dowlad la’aanta, maxaa talo ah oo ay hadda hayaan? .

"Hadaf la’aantu waxay dhashaa inaad qiima dhacdo"

Hadaf la’aantu waxay dhashaa inaad qiima dhacdo, waana waxa ay hada la kulmeen, malaha inkaartii umadda ayaa ku dhacday, haba ku dhacdee, ma ogyihiin iyagu iney inkaaran yihiin? Ma umalayneysaa inuu garaad leeyahay ninkii 13. sano ku hawlanaa inuu dowladiisa dumiyo, hadana 13. oo dowlad la’aan ah kadib faylka raashinka lagalay 800. qof oo ergo ah, isagoo ka soo qayb galay shir looga hadlayo sidii Somaaliya Dowladdii loogu soo celin lahaa, xusuusnow Dowlada la soo celinayo waa tii uu isagu gacantii ku dunshay.

Kuwaas waxaa ka xun, shacbiga wali ay la tahay inuu yahay kan beeshooda matala, kaba sii daranee waxay u haystaan inuu isagu yahay badbaadi-yahoodii, waxaaba macquul ah, sababta aan dowladayada u la’nahay ineyba tahay, kuwii 13.ka sano ka shaqaynayey iney dowladii dumiyaan, oo hadana 13. kale oo Dowlad la’aan ahna masuul ka ah, misana isla iyagii baa 26.sano kadib dowlad laga sugayaa.

Anigu quustayee akhristoow talo keen, maadaama aan kuu soo koobay 26.sano oo shido ah, oo ay Soomaalidu soo martay, bal xalka ii sheeg.

Kulaabo qaybtii 4aad 

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
editor@somalitalk.com

. SIYAASIGA SOOMAALIGA AH EE AAN RABNO YAA INOO HAYA??!!

. XAFLADII UGU FOOSHA XUMAYD EE GEESKA AFRIKA LAGU QABTO

.MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
ALLAH IS GREAT
KOORSO: BARO SAMAYNTA BARNAAMIYADA C PROGRAMMING
Waa casharro taxane ah oo kusaabsan C Programming
Guji...


xayaysiis


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


Markaan Tagay Madaxtooyada C/Qaasim GUJI...


SOCDAALKII DHEERAA EE SHIIKE GUJI...   




HTML CD