Qiimaha dhulka iyo qadarin la’aanta
Soomaalida!
cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Hordhac:
Dal aqoon la’aan
waa habaabaa, dad aqoon la’aanse waa la qadaa, diin aqoon la’aan ka warama?
Soomaalidu qiimaha dhulka ma taqaan baa iga dhaadhici lahayd hadaanan xidigta
calanka dhex dhacdiida aan dhab ugu fiirsan. Ma shanta tiir oo Islaamkay
sheegaysaa? Mise shan qolo oo qabiil ka koobanyahay?! Cawaale Allaha
unaxariisto caqli baa ku dhamaa haduusan kubad/banooni astaan nooga dhigin sida
Brazil ama xayawaan ama cunto ama geedo ama midabo kaliya laakiin dhulkii buu
ka dhigay.
Balantii
abwaankan waan dhinac marnay markuu lahaa:
I I D H
E H
|
|
“Adoon
boodin leexada ama badaha waawayn nafta aan ku biimayn, utalaabin Paris adoon
tagin Berlin ama Bonn ka sheekayn barashada dhulkaaga horta laga bogtaayoo
beryo la isku howlaa”. Cutubyadooda ayaad uga bogan doontaan intaas ka badan.
Shacabkii
wuxuu noqday mid la dilay iyo mid xiran iyo mid dibada meeraaya. Ma
qabqablayaasha ayaa dhagartii Qurayshtu Nabiga la maagtay isagoo Iblays dhex
fadhiyo qaatay oo dhibtaas na baday? Mise anagaa dhibta wadna oo waxay noo
isticmaaleen aayadii Suurat Al-Maa’ida ku jirtay oo waxay naga dhigeen mid la
dilay iyo mid la waray iyo mid lugaha iyo gacmaha isdhaaf loo jaray iyo mid
dhulkii laga soo cayrshay. Dhibtu meel ay ka socotoba cadaabkaas dhadhaminay.
Sunadii baan
dhinac marsanahay nin walba markuu wadankeena kasoo dhaqaaqayo oo uu visa
gacanta ku dhigo ama wax udhigma waa dhoola cadeeyaa sidii uu dhul kale u
dhashay haduu dhaqaale haystana xaflad buu dhigaa!
Waxaan arki
doonaa qiimaha dhulka oo aad moodid inuu ka horeeyo qaraabadeena. Waxaa
Quraanka ku jirta in dhulku nolol iyo geeriba uu na ogol yahay halka
qaraabadeena ama xitaa waalidkeena iyo ilmaheena aan nolasha isku xiriirino oo
marka aan dhimano nala fogeeyo. Waligiin ma aragteen waalid ilmahooda oo
dhintay guriga dhigta oo leh waan iska haysanayaa.
Jago laqaato
oo ka saraysa ma jirto qofka diintiisa iyo sharaftiisa kala baxsada dhulkuu ku
dhashay maxaa yeelay waa arin wayn. Xataa marka Hijrada iyo Jihaadku hal aayad
ku yimaadaan waxaad arkaysaa marar badan in Hijrada la hormariyo sidaan ku arki
doono meesheeda hadii Allaha ogolaado. Asxaabadiina waataan dhahno Al-Muhaajiriin
iyo Al-Ansaar. Waxaa la hormariyaa Al-Muhaajiriin.
Markaan
tukanayno bogcad dhulka ka mid ah ayaan wajahnaa waa Kacbadee. Xurmada uu
leeyahay dhulka Masaajikaa udhow iyo kan Madiina qofna ma mooga.
Ka waran
ninkii waalidkiis sumeeya ama cadow ugacan gasha!. Hadaba dhulkeenii wuxuu
noqday meel Qashinka nuclear-ka lagu qubo iyo meel cadow sida Amxaaro ka taliso.
Qisadan oo aan Buug ugu
talogalay waxaad moodaa inay ka soo hormarayso xaalada lagu jiro awgeed. Waxaan
rabaa inaan u qaybiyo cutubyo kala duwan (chapters). Qaar baa yaryar qaarna waa
badanyihiin. Inkastoonana ahayn nin cilmi leh hada aqooni kama marna. Khasab ma
ahan in ay cutubyadu saas isugu xigaan. Waxaan usoo gudbin doonaa hadii Ilaah
idmo sida ugu haboon anoo kala tashanaya walaalaha rag iyo dumar kay yihiinba
ee haga website-yada Soomaaliyeed. Waa kuwaan cutubyadii:
- 1. Waa maxay dhul
- 2. Yaa horeeyey dhulka iyo
dadka?
- 3. Xageen ka nimid, xageese
ku noqaynayaa.
- 4. Dhulka sharci ma ku degnay?
- 5. Qiimaha iyo sharafta
dhulka
- 6. Maxaa keena inuu qofku
dhulkiisa ka haajiro
- 7. Ganacsiga iyo Irzaaqada
markii la xusayo, dhulkaa la xusaa
- 8. Fasaadka markii la xusayo
dhulkaa la xusaa
- 9. Dhul iska cayrinta oo ah
ciqaab daran oo udhiganta dilka
- 10. Cinwaanka qofkii
diintiisa iyo cirdhigiisa kala baxsada dhulkiisii sida Muhaajiriin
- 11. Jazaha uu Ilaah siiyo
muhaajiriinta
- 12. Dhibta oo dadka dhulka
lagu xasuusiyo sida qurabaa’, qariib. Wadhaaqat calayhim Al-Ardhu bimaa
raxubat.
- 13. Ciqaabta qofkii dhul
qayira ama xada iyo ciqaabkii qoomu Luudh
- 14. Manasheegasha Allaah.
Dabadeed Fircoon wuxuu yiri miyaydaan arag wabiyada…………….
- 15. Jihaadka iyo dagaalka oo
dhulka loo galo (Wamaa lanaa alaa nuqaatila fii… ) hadii aanan dhulkaygoow
dhiig cadaawe kuu galin soomaali… (cadowgu bir ma ahee burburiya ciidayda
cadowga udiida.
- 16. Dhulka oo ka raaliya
wanaaga xumaantuna dhibto. Famaa bakat calayhimul…
- 17. Jaxiimo oo makaan xun
lagu sheego.
- 18. Dhul gaalo lama ogola
laakiin naagaha Ehlu-Kitaabka waan guursankarnaa cuntadoodana waan cunikarnaa.
- 19. Xurmada dhulka oo saraysa
sida Xaramaynka. Mushrikiintii oo xitaa xurmadaas tixgalin jirtay.
- 20. Markii wax la xuso waxaa
qalbiga kusoo dhaca dhulka (amin maa’ilCiraaq)
- 21. Dhulka Soomaalida
- 22. Dhul gaalo mise dhul geel
- 23. Dhulka oo tusaale loo soo
qaato marka cilmiga laga hadlayo
- 24. Allahayoow Soomaali
dhulkeeda fahansii
- 25. Dhulkan yaa iska leh?.
- 26. Dhulka habaarkiisa
- 27. Qashin Qub
- 28. Heshiisiin dhulka iyo
Dadka Soomaaliyeed
- 29. Dhulkii oo la xumeeyey oo
ka dib qabqalblayaal soo baxeen (Waladii Khabutha laa yakhruhu………….)
cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
October 9, 2002
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|