WARARKA:
BOOSAASO |
HARGEYSA |
MUQDISHO |
NAIROBI |
QURBAHA |
XORIYO
April 14, 2004
“Inaad isoo Booqato ayaan Rabaa.. Aniga Kuma soo
Booqan karo !”-
Sheeko (Qaybtii 2aad)
Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com
Mudo saacad kudhow ayuu meesha aamus
hareeyey; xaaladeydana uma muuqato khatar sidaas looga walwalo sida ay aniga
ila aheyd.
Xaaladaas walwalka leh marka aan marayo
ayaan dib uxasuustey waayo waayo iyo wixii aan kuxisaabtamayey iyo noolasha
mustaqbalka. Dhankale, waxaan layaabanahey dhakhaatiirtan dhabanada haysata!
Waxaa jira dareen xaga caafimaadkeyga ah!
Hadana waxaan iskudayey inaan is-hilmaansiiyo
waxa dhakhaatiirta ka aamusiyey. “ Waligood waxay buun-buuniyaan waxaan
sidaas uweyneyn. Midkasta oo ayaga kamid ah wuxuu rabaa inuu soo bandhigo
aqoontiisa! Raajo (x-ray)? Arintu aad bay usahlantahey; xabo ama labo xabo oo
panadol ah, iyo ayagoo ii qora daawo yar oo indhaha ah, kadibna arintu intaas
ha kudhamaato” Ayaan isku oranayey, anigoo u arkayey inay arintu
kasahlantahey sida ay ulafajaxsanyihiin!
Waxaan isku dayey bal inaan fahmo waxa ay
dhakhaatiirada leeyihiin laakinse sida aan horey usoo sheegeyba way igu
adkaatey waxa ay leeyihiin maadama ay kuwada hadlayaan af Cajabi. Doodii iyo
falanqeyntii dhakhatiirta ayaa u ekaatey mid gaabsi ah ilaa uu aamus qabsadey
qolka. Waxay umuuqdeen inaay xaaladu ku adkaatey!
Dhakhtarkii 1aad ayaa baxay…. Kii
2abaad..kii 3xaad ilaa ay kusoo hartey goobtii 2 dhakhtar oo kali ah.
Midkood ayaa igu yiri: “Dhageyso
Abdullahi adigu waad kaweyntahey inaan kaa codsano inaad keento waalidka!”
Kheyr insha’Allah, doctor. Maxaad kawadaa? “Taqaariirta iyo raajada
laqaadeyba waxaay kutusinaysa inuu jiro barar xaga maskaxda ah! Sixuna wuu
usii siyaadayaa, wuxuu cirbinayaa xididada indha xaga hoose. Waqtikastana
wuxuu halis uyahey inuu qarxo oo markaasi ay kugu dhacdo indha la’aan,
kadibna uu usii gudbo maskaxda oo aad markaasi udhimatid!” Ayuu iigu
sheegey sigeesinimo iyo ixtiraam kujirta.
Kadibna wuu aamusay dhakhtarkii! Haa wuu
aamusay… haseyeeshe kalmadiisii ugu danbeysay ayaa dhagaheyga kusii labo
shubmaya….waa dhimaneysaa…waad dhimaneysaa…. Kalmad
kaxanuun badan ima soo marin! Miyaan dhimanayaa? Haa aan dhintey
dhalanyaronimadeydii…! Mishaarkeygii… ! Aabahey…hooyadey… waan
dhimanaya! Qayli ayaan afka furtey!
“Yaa doctor…maxay…? Sidey…? Goorma…?Madax
barar…? Maxaa igu ridey? Maxaa keena? Ma anigoo intaan jira! Ilaaheybaan
kamagan galey madax barar !…Cancer…? LAA XOWLA WALA QUWATA ILLA BILLAHI!
“Haa waa waram(madax barar) waana
lagama maarmaan in sideg deg ah loo daaweeyo….daqiiqad kasta.. bal
secondkasta oo kudhaafa maslaxad kuguma jirta….Caawa ayaan kujiifineyna,
waxaan kaa qaadeyna wixii baritan ee laxariira arintan kadibna waa laguqalaya,
insha’Allah!” Ayuu iigu jawaabay isagoo ay kamuqato casiima iyo
daganaasho, dhana masaxaya okiyaalihiisa, indhahana ku rog-rogaya waraaqaha
horyeela.
Jirka oo dhan ayaa isu rogay wada dhago….
Dhaga waxna dhageysta waxna xifdiyo. Kadibna hadalkiisii ayuu sii watey oo
wuxuu yiri:
“Samir… oo Allah kaga ajir gurubso…
adiga kaliga matihid cida cudurkan kudhacay ee laqalay. Dad farabadan ayaan
horey uqaley oo Allah caafiyey! Adigu waxaad tahey nin da’ayar oo Allah
rumaysan oo hadana caaqil ah. Uma baahno qof adiga oo kale ah in loo
dardaarmo samir iyo sugnaansho”
Hadalkiisii ayuu sii watey isagoo isoo
eegaya laakinse aniga labada indhood ayaan kutaagayaa dhakhtarka…haa waan
dhageysanayey dhamaan waxa uu leeyahey oo dhan, ima dhaafin walaa kalmad.
Hadalkiisa ayaa iska key dhex galey, waxaay
maskaxda qabatey oo ay kucel-celineysa: ‘waram… cancer…qalliin…
Maxay arintu kudanbeyn doonta haddii Allah
ii qorey inaan kudhinta marka layqalayo? Maxay sameyn doonta hooyadey?
Muxuusa sameynaya aabahey oo iminka kor udhaafey 70 kii? Iyo walaalaheyga
yar-yarka ah.
Intaas waxaa iga daran sida aan kaliyey
qabriga ugalidoona? Sideen kudhaafi doona SIRAADKA ? Sidee…? Sidee..?
Meeyey waxyaabihii aan qorsheynayey? Shahaadooyinkii? Guurkii? Shaqadii marka
dhoweyd lii qorey? Sidey arinta deg dega ah udhacdey? Su’aalo farabadan
ayaa kuwareeganaya maskaxdeyda. Bad aan xeeb laheyn!
Waxaan bilaabey inaan
isciilkanbiyo(nadaamooda) wixii aan ka gaabiyey ee xaqa Allah ahaa ! Tola’ay
haddii aan wax uhormarsanlahaa Aakhiradeyda! Ma waxaan aadaya Aakhiro
anigoo fara maran oo waxba hormarsan. Adduunyo deg-deg badanaa! Haa!
Inyar haddii ay kaa qosliso, waxbadana waa
kaa oohinaysa! Haddii ay kaa farxiso maalmo, sanada badan ayey kumurug
galinaysa! Haa Adunya!.
Intii aan fara fiiq-fiiqa iyo nadamada
kujirey, ayuu soo galey dhakhtarkii oo igu yiri: “Waa kuwan waraaqihii
qalniinka! Saxiix si sariir lagugu qabto iyo howlaha kale ee laxariira!”
Afka ayaan taagay! Dhakhtarkii umbaan sidaas
usoo fiirinaya mana hadlaya!
“Hoo waraaqaha… qabo..! Maxaa kugu
dhacay?” Maya, masaxiixayo !
Doctor: Maxaa kugu dhacay? Miyaad
waalantahey? Faa’idada adiga ayaa iska leh ee anaga kama heleyno! Sidoo
kale, dhibka kayimaado adiga ayaa iska leh.! Ha umaleynin inaan anagu waxaan
qabano weyney oo aan raadineyno madaxaaga! Arintu waa humiin, waana khatar ee
lasoco!
Mayya.. Mayya… masaxiixayo!
Doctor: Almuhiim, awood umalihin inaan kugu
qasabno! Laakinse, saxiix waraaqdan inaan anaga mas’uul ka aheyn wixii kugu
yimaado!
Waraaqdii ayaan soo qaadey si’aan usaxiixo,
mise waxaa kuqoran, “Waxaan saxiixaya anigoon laygu qasbin! Aniga ayaana
mas’uul ka aha wixii igu yimaado!” iyo wax lamid ah. Intaan saxiix dhag
kusiiyey ayaan albaabka kadegay!
Xageen aadaa? Guriga oo hooyadey iyo aabahey
ayaan usheegaa? Mise dhakhtarkii ayaan kulaabtaa? Mise dhakhtar kale ayaan
doontaa ? LAA XOWLA WALA QUWATA ILLA
BILLAHI !
Fikir iyo qorshayn (maamin) kadib waxaan go’aansadey
inaan aado dhakhtar kale.
QAYBTA EMERGENCY:
Asalaamu aleykum?… Yaa doctor, waxaan laliita madax xanuun iyo araga oo sii
daciifaya!
Baaritaan deg deg ah kadib wuxuu igu yiri:
“Waxan ubaahanahey baaritan heer sare ah (x-ray), taasina kama suurto
galeyso halkan. Waxaad aada dhakhtar gaar ah, kadibna igu soo celi waxa ay
noqoto natiijada” Wuxuuna ii raaciyey: “Isku day inaad kukeentid
sida ugu dhakhsaha badan”
Gaariga ayaan kusoo noqday, waxaana soo
qaadey sawiradii aan horey uhayey kadibna kusoo laabtey.
“Cajiib! Maxaa kugu dhacay oo aad usoo
deg degtay! Sow kuma oran soo samee x-ray?” Ayuu igu yiri doctorkii oo
layaaban waxa isoo celiyey. Waxaan usheegey inaay waraaqaha diyaar yihiin oo
aan horey usoo sameeyey intaan imin kahor! Kadibna waan hor dhigey!
Inta uu dhakhtar akhriyey waraaqihii iyo
raajadii, ayaan isku tuurey kursi meesha yaaley kadib markii aan qaadiwaayey
lugaha.
Dhankale, aad iyo aad ayaan uga daganaa
sidii hore oo waxaad mooda inuu sii yaraanayo walwalkii faraha badnaa.
Waxaan bilaabey inaan Allah xasuusto.
Adkaarta ayaan afka saarey. Waxaan xasuustey dardaarankii Nabiga Salallaahu
caleyhi wasalim uu udardaarmayey ina adeerkiis Ibnu Cumar: “Ogow
wixii kugu dhaca inuusan kuseegi laheyn, wixii ku gafana kuguma dhicilaheyn!
Ogow inuu gargaarku kuxiranyahey samirka….Xadith”
Arintii ayaa ila sahlanaatey markan. ‘Aniga
ma’ahi qofkii ugu horeeyey ee cudurkan lagu sheego; mana ahi qofka ugu
danbeeya ee lagu sheegi doona cudurkan.
Hooyadey, aabahey iyo walaalahey maalin ama
labo m/mood ayaan oynayaan kadibna waa iska key hilmaami doonaan!
Si deg-deg ah ayuu dhakhtarkii uboobey
telephoneka ; wuxuuna dalbadey dhowr dhakhtar oo ah kuwa ugu sareeya meesha.
Waxyar kadib waay soo wada galeen. Waxaay udhaqaaqeen inaay waraaqihii
kawaada hadlaan [kaniqaashan], iyo sidii ay kayeeli lahaayeen arintan!
Waxaan ufadhiyaa waa iska cadahey ‘jawaab
naxdin leh’ hase ahaatee ma khal-khalsani sidii hore.
Waxyar haddii aan fadhiyey ayaan bilaabey
inaan isweydiyo “Horta muxuu iga soo dooney cudurkan(xun) , dadku waa badan
yahey. Laa ilaahi ilallaha. Waxaan isugu beer qaboojiyey “ Waa
intaas oo dhakhtarkii hore uu qaldamey oo aan waxba qabin!.”
Waxaa ila dheeraatey jawaabta dhakhtarka.
Xagiisa intaan eegey , ayaan weydiiyey “Doctor, bashir, kheyr Insha’Allah!”
“Waxyar isug , samir” Ayuu iga codsadey.
Kadibna wuu iga tagey. Saaxiibadiis ayuu kula hadlaya luuqad aan Carabi aheyn.
Markii ay saacad kasoo wareegtey , ayey
saaxiibadiis mid mid ubaxeen. Kadibna inta igu soo jeestey ayuu yiri: “ Yaa
Abdullahi, waxaad tahey qof rumaysan in ay wax waliba kudhacaan Qadarta Allah
iyo Awoodiisa. Warbixinadii iyo x-ray intaba waxay tilmaamayaan inaad qabtid
nooc kamid ah Cancer! Xowli xad dhaaf ahna wuu kusocda. Saacadba , saacada
kadanbeysa ayuu sii huraya. Dhiiga oo kugu furma, indha la’aan iyo geeri
ayaad qarka usaarantahey. Sidaasi daraadeed waxaan kugula talinaya inaad
dhakhtarka gashid oo aad gashid qalnin deg-deg ah caawa! Lafaha madaxa qeyb
kamid ah ayaan bixinayna, kadibna cudurka ayaa ladaweynaya, hadana waan
kucelineyna lafta meesheedii” Kadibna wuu iska aamusay.
Warkii ayaan ku aqbaley bilaa
daradud(shakila’aan) waayo horey ayaan usoo dhameystey naxdintan. Wuxuu
sheegey wixii horey la’iigu sheegey ee aan ogaa. Dhakhtarkii ayaa ila
yaabey waayo lama socdo inaan horey dhakhtar kale usoo marey oo aan soo
naxdin gooyey!
Telephoneka inta qaadey ayaan laxariirey
Aabahey!
Waxaa yimid aabahey oo 70 kor udhaafey,
maadaama uu siwanaagsan wax u arkeyn ayuu soo kaxeystey darawal. Markii uu
arkey wajigeyga waxa kamuuqda ayuu argagaxay oo yiri: “Maxaa
ku keeney halkan? Sababtu….?”
Waxaan usheegey inaan madaxa kasheeganayey
iyo inaan aaday dhakhtar. Markii la’ibaareyna layga heley cudurkan cancer.
Waxaana la ii sheegey inaan ubaahaney qalniin deg deg ah.
Markii uu maqley hadaladaas ayuu ashahaatey
“LAA ILAHA ILALLAHA! Waram…Waram…” Kadib dhulka ayuu fariistey isagoo
ku cel-celinayo “INNA LILLAHI WA INNA ILEYHI RAAJICUN!
“Hadaba haddii ay sidaas tahey waxaan kuu
direyna America oo walaalka ayaa lagaa daba geynaya” Erayadan ayuu ku
cel-celinayey isagoo horey ula liitey walaalkey iga weyn, Abdurahman, mudo
sanad ah lagu daaweynayey Mareykan Cancer awgiis!…….
Akhri Qaybta 3aad... Guji
Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com
Qiso Xiisa leh: “Sawirkan Lama Ogala. Waxan Rabna Sawir Midab ah oo
wajiga, timaha iyo qoorta wada muuqato”
»
Caruurtan Hooyadood Waa Faranji!
»
Fadeexada Paltalkga: iyo
Dulmiga Walaasha Muslimada ah
.
“Warhoy Dadow aniga Madilin Ninkan Laakiinse Waxaan
Dilay Nafkale!”
.
Sideed u seexataa anagoo xaaladan kujirna [Qabtii
2aad]
.
Sawirkan Lama Ogala, Waxan Rabna Sawir Midab ah
.
Cajalad Video ah ayaa burburisey noolasheyda
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|