Warqad Furan
Soomaaliya iyo Itoobiya dan ma wadaagi karaan?
Axmed
Yaasiin Cabdi
ismalure@hotmail.com
December 1, 2001
”Xabashi bayna
aqooninee wallee inayna ku degdegeen, waligeedba
qofka ugu dhaw unbay dishaa markay soomaali noqoto,
iyadoon u kala aaba-yeelin in qofkaasi uu yahay
midkii wax yeelay ama mid kale oo aan waligeedba
daanno u gaysanin”, sidaas waxaa yidhi Cumar Yuusuf
Xareed oo 21 jir ah.
Hadalkaasi
wuxuu ahaa falcelintii ugu horraysay ee Cumar uu ka
bixiyo war markaas loo sheegay oo tilmaamaya in
cutubyo ka tirsan ciidammada Itoobiya ay soo galeen
magaalada Gaalkacyo.
Cumar, oo
wajigiisa uu xanaaq iyo naxdin isku dheehan ka
muuqdo, ayaa mar kale hadalkii boobay oo yidhi,
isagoo hadalka googoynaya ”Miyay illobeen
hadalmurtiyeedkii ahaa, nin Abeeso koriyow adigaa u
aayiyee, axdi ma laha xabshidu lagu aaminaayee”.
Cumar Yuusuf
Xareed wuxuu ka mid ahaa koox soomaali ah oo wax ka
barta mid ka mid ah dugsiyada luqadda dheenishka
lagu barto ee magaalada Kobanhegan ee dalka Denmark,
kuwaasoo si wayn dhagaha u raaricinayay nin
wargaleen ah oo soo ogaaday in goor aan fogayn ay
ciidammo itoobiyaan ah oo aad u hubaysan soo galeen
magaalada Gaalkacyo, kuwaasoo laga soo sheegay inay
martiqaad ka heleen hooggaamiyihii hore ee Puntalnd
C/llaahi Yuusuf Axmed.
In kastoo
dhalinyarada soomaalida ah ee halkaas ku sugnayd ay
markii hore si hallaasi ah u sheekaysanayeen, oo
hadalka si wanaagsan u qaybsanayeen haddana wax wayn
ayaa iska beddalay jawigii ay dhalinyaradaasi ku
sugnaayeen.
Qaar ka mid ah
waxaad wajigooda ka akhrisan karaysay inay aad uga
xumaadeen, isla markaana ay ka dhiidhiyeen in
ciidammada Itoobiya ay xalaashadaan ciidda
soomaaliyeed oo dhicay doonayaan ay u dhex
qaadayaan, lagana yaababa in cidday doonayaan ay
dalka Soomaaliya dhexdiisa ka soo qabsadaan.
Qaar kale ayaa
muujiyay dareen isku jira oo, in kastoo ayna
caddaynin inay dhinaca Itoobiya u janjeedhaan,
haddana isku dayay inay cudurdaarro badan u
sameeyaan soo gelidda ciidammadaasi ay soo galeen
magaalada Gaalkacyo, iyagoo tuhun u soo jeedinaya
dhiancyo badan oo Soomaaliya ka mid ah, tilmaamayana
in denbiyada ay shacabka soomaaliyeed ka galaan ay
yihiin kuwo ka xun oo bulshada uga daran ciidammada
Itoobiya ee barriba iska laaban doona.
Qaar kale oo
dhalinyaradaas ka mid ah waxay iyagu u muuqdeen kuwo
kohanaya warka meesha la soo dhex dhigay, iyagoo u
muuqday inay Soomaaliyaba quus ka yihiin, sidaas
darteed ayna jeclayn in arrimeheeda lagu soo
hadalqaado.
Dareenka
dhalinyaradaas ee kala jeeda wuxuu si fiican uga
turjumayaa wadciga siyaasadeed ee qallafsan ee
Soomaaliya ay ku sugnayd dhawr iyo tobankii sano ee
ugu denbeeyay.
Bulshada
soomaaliyeedna waxay xaqiiqdii u kala qaybsan tahay
bulshooyin yaryar oo ku dhax haftay dhalanteedka
siyaasadda qabiilka oo aan lahayn barnaamij qeexan
oo ujeeddo iyo yool sugan leh, isla markaana aan ka
turjumi karin dareenka bulshada ku abtirsata,
baahideedana aan dabooli karin.
Bulshadii
soomaaliyeed ee la aqoon jiray waxaa hadheeyay
bulshooyinka yaryar ee ay foodda ku wataan kooxaha
magacyada badan leh ee dalka Soomaaliya ka jira –
hooggaamiye kooxeed, qabqable dagaal, dagaal ooge,
madaxwayne is-magacaabay iyo madaxwayne dawlad aan
jirin - intuba waxay xirfad ka dhigteen abaabulidda
qabiilka iyo jihaynta dadka aan waaya-aragga ahayn
oo ay u isticmaalaan gaadhidda danahooda gaarka ah.
Waxaan ka
warhaynnaa dhibaatadii dhaca, dilka iyo kufsiga
lahayd ee bulshada soomaaliyeed soo martay, taasoo
ay masuul ka ahaayeen kooxo budhcad ah oo kursi iyo
maamul u dagaallamaya, kuwaasoo isticmaala qaab
kasta oo ay danahooda ku gaadhi karaan.
Hase yeeshee
xaaladda Soomaaliya marba heer ayay maraysay, mar
waxay ku sugnayd is-qalasho, marna waxay ku sugnayd
is-boob, marna waxay ku sugnayd is-xadid iyo
is-afduub.
Dhacdooyinkaa
taxanaha ahna waxay mid waliba ka turjumaysaa
taariikh Soomaaliya soo martay, in kastoo ay sii
kala madoobaayeen, xanuunkoodu uu sii kala badnaa.
Hase yeeshee
dhibaatada casharro badan ayaa laga faa’iiday,
bulshada soomaaliyeedna waxay beryihii denbe u
muuqatay mid ka aflaxday haydaartooyinkii iyo
hagardaamooyinkii soo maray, sidaas darteed waxaa
beryihii denbe oo dhan soo baxayay codad badan oo
diiddan dagaalka ay magacyo-badanayaashu horkacayaan
ee qabiilka u adeegsanayaan.
Waxaa
xoogaysatay bulshadii rayadka ahayd, gaar ahaan
intii ka denbaysay qabashadii shirkii nabadaynta ee
Carta, waxaana qabiilka dhexdiisii ka billowday
kacdoon diiddan siyaasadda dagaal-oogidda, taasoo
keentay in qabiilkii uu madaxyo badan yeesho oo
awooddii lala qaybsado hooggaamiye kooxeedyadii,
iyadoo aan xabbad lagu ridin, balse la maalgeliyay
dareenkii bulshada ee xabbadda iyo dhimashada ka
daalay.
Arrintaasi
waxay soo koobtay baaxaddii awoodeed ee hooggaamiye
kooxeedyada iyo intii la halmaasha ay bulshada ku
dhex lahaayeen, waxaana muuqatay in cimrigii dagaal
oogiddu uu gabaabsi yahay, sidaas darteed waxaa
billaabatay marxalad hor leh oo ah in hooggaamiye
waliba uu raadiyo tabtii uu ku badbaadi lahaa mar
haddii ay muuqatay in dhaga-adayg badani uu ka yimid
dhinicii qabiilka oo ahaa saldhigga kaliya ee ay ka
soo duulayeen hooggaamiyayaasha (siyaasad
maroorsiga) ee Soomaaliya.
Irridda kaliya
ee furan waxay noqotay in xulufo dhaw laga raadsado
caalamka intiisa kale (mar haddii qabiilkii dayr
laga taagan yahay), si markaas loo abuuro awood
siyaasad dibadda ah ku xidhan oo qabiilka laftiisaba
la gorgortanta, soomaalida inteeda kalana la
ficiltanta.
Hooggaamiye
kasta wuxuu tuubbada dhinac kaga ritay dawladda
Itoobiya oo dano taariikhi ah ka leh dalka iyo dadka
soomaaliyeed, waxaan wada ognahay in hooggaamiye
kooxeed kasta oo Soomaaliya ka jira - ha yaraado
hase waynaadee - uu qaab uun Itoobiya ugu xidhan
yahay.
Kuwo yar oo
fara-ku-tiris ah ayaan ku jirin.
Waa laga yaabaa
inay u kala horreeyeen oo mudnaanta (ama isyaanada)
kala leeyihiin, hase yeeshee mid waliba dhiniciisa
ayuu xaruunta Addis Ababa kaga soo arooraa, weelka
ay wataan - in kastoo loo kala badiyo - haddana isku
wax unbaa loogu ridaa.
{Yaan qaran
soomaaliyeed la dhisin, soomaaliduna dib isugu soo
noqonin}.
Dawladda ku
meelgaadhka ah lafteeda - sida muuqata - kama madhna
rajada ah in Itoobiya ay dhabarka ka taabato oo ku
taageerto hanashada awoodda Soomaaliya, waxaana
arrintaas caddayn u ah in labadii mar ee wafdiga
muhiimka ah loo dirayba ay noqotay tallaabadii ugu
horraysay ee wafdigu qaado inuu Itoobiya xaal siiyo
oo qiro in Itoobiya ayna wax xadgudub ah ku samaynin
dalka Soomaaliya, arrintaasoo yaab ku abuurtay dad
badan oo markii hore quud-darraynayay in dawladda ku
meelgaadhka ah ayna ahayn koox dan gaar ah wadata,
balse ay yihiin dad isu taagay danaha soomaaliyeed.
Hase yeeshee
nasiibdarro dawladda ku meelgaadhka ah wax nacfi ah
oo wayn kuma hesho mawqifkeeda ay beddasho, sababtoo
ah mawqif beddaliddu Itoobiya uma horseedayso inay
gaadho danaha ay Soomaaliya ka leedahay, oo ah sida
la wada ogyahay in dawlad awood kula tartami karta
ayna ka dhalanin dalka Soomaaliya.
Sidaas darteed
danta Itoobiya iyo danta dawladda ku meelgaadhka ah
ee Soomaaliya ama koox kasta oo si dhab ah u
danaynaysa mustaqblka Soomaaliya isuma iman karaan,
ismana waafaqi karaan, sababtuna waa iyadoon meel
kalaba la eegin in Itoobiya ay rumaysan tahay in
jiritaankeeda iyo qarannimadeeduba ay ku xidhan
yihiin inaan la helin dal soomaaliyeed oo u taagan
danaha shacabka soomaaliyeed, oo ay ku jiraan danaha
dadka soomaaliyeed ee deggan gobolka Ogadenya ee ay
Itoobiya gumaysato, kaasoo ay mar walba wadnaha
farta kaga hayso in xoogagga xorriyadda u
dagaallamaya ay maalin maalmaha ka mid ah taageero
ka helaan dhinaca Soomaaliya, sidii horayba u
dhacday.
Hase yeeshee
hooggaamiyayaasha soomaalidu – dawladda iyo
kooxahaba – taageerada (haddiiba ay jirto) ay
Itoobiya ka helaan ma ku gaadhi karaan danahooda,
muddo intee dhan bayse socon?!!!.
WQ.
Axmed Yaasiin Cabdi
ismalure@hotmail.com