Kulan ay yeesheen Aqoonyahanada ku xeel dheer Badda Soomaaliya oo sheegey in
Badda Soomaaliya lagu soo Duuley.
Hotelka Kuwait Plaza ee magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan ballaaran oo
ay ka soo qeyb galeen in ka badan 50-Aqoonyahanada Badda Soomaaliya, kulankaasi
oo ujeedadiisu ahayd isbarasho, is Wareysi iyo Aqoon isweydaarsi. Aqoonyahanada
Badda Soomaaliya ee kulanka ka soo qeyb galay waxaa ka mid ahaa khubarro, Xeel
dheerayaal, Madax iyo Badmaaxiin dhinaca Badaha horay uga soo shaqeeyay, waxaana
ka mid ahaa: Eng. Cadde oo ah Bare dhinaca Badda iyo howlaha Kalluumeysiga
Soomaaliya.
Madaxda kale ee iyagu ka soo qeyb galay Kulanka waxaa ka mid ahaa:- Taliyaha
Ciidanka Badda Soomaaliya Jan. Faarax Qare, Axmed (Faarax Qare), Eng. Cabdi
Jiinow Calasow, Eng. Yaasiin, Axmed Cabdi Xasan (Wataac), Kabtan Mooge, Kabtan
C/qaadir iyo xubno kale. Sidoo kale xubnaha ka soo qeyb galay waxaa ka mid ah
Aqoonyahanada Badda Soomaaliya ee iyagu ka yimid Dalka dibadiisa, waxaana
isbarasho kaddib la guda galay ujeedada kulanka, waxaana khudbad furitaan ah ka
jeediyay Guddoomiyaha qabanqaabada kulanka Axmed Xasan Cabdi (Wataac).
Waxa uu sheegay Guddoomiye Wataac in ujeedada kulankan ay tahay sidii Boorka
looga jafi lahaa Aqoonyahanada Badda Soomaaliya isla markaana loo baahan yahay
inay yeeshaan guddi ka shaqeeya Dhismaha Urur ama Hay'ad ay ku Mideysan yihiin
Aqoonyahanada Badeed ee Soomaaliya.
Eng. Cadde oo ka mid ah Barayaashii Dugsiyada iyo Khabiir ku Takhasusay Badda
Soomaaliya ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyay waxa uu sheegay in kulankani uu
yahay mid muhiim u ah Horumarinta Badda Soomaaliya, isagoona sheegay in
aqoonyahanada Badda Soomaaliya ay yeeshaan Hoggaan iyo Maamul ka Madax bannaan
Dowladda.
"Mar haddii ay isku yimaadeen intaan oo aqoonyahano Badeed ah, anigu waxaan
isleeyahay inta kale ee maqanna inay yihiin kuwo Geeriyooday iyo kuwo Dalka
Dibadiisa ku maqan" ayuu yiri Eng. Cadde oo sheegay in kulankani yahay mid rajo
gelinayaa Xirfadleyda Badda inay dib boorka uga jafaan sidii ay Aqoontooda uga
faa'iideysan lahaayeen.
Jan. Faarax Qare ayaa isna khudbad dhinacyo badan taabaneysay kulanka ka
jeediyay, isagoona si weyn ugu Mahadceliyay Guddiga qabanqaabada ee kulankaan
soo abaabulay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aqoonyahanada Badda ee kulanka ka
qeyb gelaya wax badan ka qaban karaan dhibaatooyin ka jira Badda Soomaaliya.
Waxa uu sheegay Taliyaha Badda Soomaaliya in meelaha ugu weyn ee dalka looga soo
duulay ay ugu weyn tahay Badda Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay si dhibaatadaas
looga baxo ay muhiim tahay in la kordhiyo kulamada noocaan oo kale ah.
"Badeena waa lagu soo Duulay, waana in aan noqon dad wax loo yeeriyo maalin
kastana ay warqado u soo diyaariyaan shaqsiyaad sheeganaya inay ka socdaan
Beesha Caalamka" ayuu yiri Jan, Faarax Qare oo sheegay in dhibaatada lagu hayo
Badda Soomaaliya aanay ahayn mid halkaan lagu soo koobi karo.
Eng. Cabdi Jiinow Calasow oo ka mid ah khabiirada dhinaca Badda, horayna
Maareeye uga soo noqday Dekedda Muqdisho isla markaana hadda ah Guddoomiyaha
Gobolka Sh/Dhexe ayaa daboolka ka qaaday in kulani aanu noqon mid lagu kala tago
oo aan ka soo bixin wax natiijo ah."Aniga waxaan qabaa in la magacaabo Guddi soo
diyaariya Dhismaha Urur ay ku Mideysan Aqoonyahanada Badda Soomaaliya" ayuu yiri
Eng. Cabdi Jiinow Calasow oo sheegay in kulankaan uu yahay mid ka soo daahay
xilligii ku habooneyd.
Dhinaca kale Eng. Muuse oo ah khubarada Badda Soomaaliya isla markaana gacanta
ku hayay Dugsiga Badda muddo dhowr Sanadood ah, ayaa Madasha ka sheegay in
qabashada kulanka Aqoonyahanada ay isugu yimaadeen uu isagu ka mid ahaa xubnihii
isku duba riday. Eng. Muuse ayaa sheegay in maanta uu ku faraxsan yahay marba
haddii aqoonyahanadii Badda Soomaaliya ay ku dhan yihiin looga baahan yahay inay
ka soo saaraan go'aano dhaxalgal ah, isla markaana si degdeg ah loo meel mariyo
Go'aanada ay isku raacaan.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 30, 2013
|