Khilaaf Xoogan oo ku saabsan Heshiiskii Adis-Ababa iyo Tagistii Baydhabo
Jawaari oo u Dhaxeeya Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka
27 Bishii Agoosto ee Sannadkaan ayaa Magaaladda Adis-Abab waxaa Heshiis ku
kala Saxiixey Maamulkii Axmed Madoobe iyo Dowladda Fedeeraalka taasoo Dowladu
Sheegtey in lagu soo Afjareyo Colaad Muddo ka taagneyd Magaaladda Kismaayo ,
hase yeeshee Heshiiskaa waxaa markiiba ka Hor yimid inta badan Beelaha Degga
Gobolada Jubooyinka iyagoo Sheegey in Heshiiskaas uu ahaa mid aan lagala tashan
Dadka Deegaanka sidoo kale waxaa Heshiiskaas ka Horyimid Beelaha Digil iyo
Mirifle oo Odoyaashoodu oo ay Sheegeen in Dowlada ay Heshiis kula gashey Deegaan
l ay leeyihiin Beelaha Digil iyo Mirifle.
Odayaasha Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa Kulan Deg Deg ah isugu yimaadeen
Magaaladda Baydhabo waxayna si Cad u sheegeen in ay Kalsoonidii kala laabteen
Dowladda Federaalka waxayna Xldhibaanadda iyo Wasiirada Beelaha Digil Mirifle ku
jira Dowladda u soo jeediyeen in ay Deg Deg ku soo gaaraan Magaalada Baydhabo si
looga arrinsado Heshiiskii ay wada gaareen Dowlaada Federaalka iyo Maamulka
Axmed Madoobe waxayna Sheegeen in Heshiiskaas wax badan oo Xaquuqa oo ay
lahaayeen Beelaha Digil iyo Mirifle lagu Duusiiyey, waxaana Magaaladda Baydhabo
lagu qabtey Banaanbax Looga soo horjeedo Heshiiskii Magaaladda Adis-Ababa.
Faarrax Cabduqaadir iyo Axmed Madoobe oo Heshiis ku kala Saxiixdey Adis-Abab 27
Agoosto 2013
Codsigii ka soo yeerey Odoyaasha Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa waxaa u
Hogaasamey inta badan Xildhibaanadii iyo Wasiiradii Dowladda Federaalka ku
lahaayeen waxaana Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka ay gaareen
Magaaladda Bayadhabo halkaas oo ay si weyn ugu soo Dhaweeyeen Odoyaasha Beelaha
Digil iyo Mirifle, isagoo mar la hadlayey Dadkii soo dhaweeyey ayaa yiri “Waxaa
Farxad noo ah inagoo isku Duuban in aan soo hor Fariisano Odayaasha Dhaqanka ee
soo Xulay Xidhibaanada iyo Wasiiradda waxaana Muhiim ah n Odayaasha Dhaqanku ay
yihiin kuwa iska leh go’aanka ugu Dambeeya”
Jawaari oo Gacan qaadaya Odoyaasha Dhaqanka Baydhabo
Dhowr Maamlmood oo uu joogey Ku Simaha Madaxweynaha Maxamed Shiikh Cismaan
Jawaari Magaaladda Baydhabo ayaa waxaa Odoyaasha iyo Masuuliyiintoii Dowladda ay
si Wadajir ah u soo saareen Qodobadaan 1. In la dhiso Dawlad G oboleed ka kooban
lix da Gobol l kuwaasoo kala ah : Shabeeladda Hoose Jubada Hoose, Jubadda Dhexe
, Bay, Bokool iyo Gedo. si da ugu Dhaqsiyaha badana loo Dardar galiyo Dhisida
Dawlad Goboleed ka Koonfur Galbeed .
2. In Heshiiska Xukuumada Federaalka Soomaaliya ay la gashay Ergadda ka socotay
Kismaayo ee ay kula gashay Magaalada Ad d is Ababa Bishii A g o o s t o 2 7 ,
2013 uu yahay mid aan marnaba la aqbali Karin, kaasoo ah mid aan Waafaqsaneyn
Dastuurka iyo Shuruucda Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, isla markaana Xuquuq
- Duudsi Bareer ku ah Shacbiga Deegaanada Gobolada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe
iyo Gedo. Sidaa daraadeedna si toos ah loo diido Xukuumaddana lagula Taliyo in
ay dib ugu fiirsato.
Jawaari iyo Saacid oo si hoose isula hadlaya inta uusan u Ambabixin Badhabo
3. In Beesha Caalamka iyo Dowldaha Deriska ah ee Goobjooga ka ahaa
Gorgortanka Heshiiskan kor ku xusan waxaa laga codsanayaa iney fiiro gaar ah u
yeeshaan Baaqa Qowmiyadan iyo iney Dib u eegis ugu noqdaan Heshiiskan oo aan ka
Turjumeynin Xuquuqda Dadka Deegaanka.
Warar aan a helney Rag SIiyaasiyiin ah oo ku Dhow Madaxtooyada waxay in sheegeen
in Heshiiskii ka dhacay Magaaadda Adis-Ababa ee u dhaxeeyey Dowladda Federaalka
iyo Maamulka Axmed Madoobe uu Khilaaf ku dhex Abuurey Madaxweynaha iyo
Gudoomiyaha Baarlamaanka iyadoo inta uusan u Ambabiixin Mudane Jawaari Magaalada
Baydhabo uu Madaxweynah uu ka Codsadey Gudoomiyaha Baarlamaanka in uu sii joogo
Magaalada Muqdisho inta uu ka soo laabanayo , waxayna Siyaasiyiintaas ay
sheegeen in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu diidey isagoo si cad Jawaari u sheegey
in ay u Hogaansamayaan Amarka Odayaasha
Ku Simaha Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa Warar aan
ka helney Siyaasiin ku Dhaw Dhaw Madaxtooyada wuxuu Warqad u direy Madaxweynaha
Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud taasoo ku saabsan sida ay uga soo horjeedaan
Heshiiskii Magaaladda Adis-Abab ee Dhex marey Dowladda Federalkaa iyo Maamulka
Axmed Madoobe isagoo Warqadiisa ku sheegey in Heshiiskaas uu ahaa mid dad gaar
ah Heshiis ku gaareen islamarkaan waxaa lagu sheegey Qoraalkaas in ay u
Hogaansamyaan Qododbadii sida Wadajirka Baydhabo uga soo saareen Gudoomiyaha
Baarlamaanka iyo Odoyaasha Dhaqanka Beelaha Digil iyo Mirifle kaasoo Nuxurkiisu
ahaa in laga soo Horjeesto Heshiiskii Adis-Ababa islamarkaana Lix Gobol loo
sameeyo Maamul Goboleed la Magac baxay Koonfur Galbeed taasoo la sheegey in
Madaxweyne Xasan Shiikh uu ka Caroodo.
Isku soo duuboo Qayla Dhaantu keliya kama eka Odoyaasha Dhaqanka ee Beelaha
Digil Mirifle waxay taas mid la mid ah ka tsoo yeertey Dadka Degan Gobolada
Jubooyinka iyo Gado waxayna Heshiiskaas ku Tilmaameen mid Cadaaladarro ah oo
Xaquuqdoodii lagu Duusiiyey inta badan Beelaha Dega Goboladda Jubbiyinka hase
yeeshee Khilaafka la sheegeyn in uu u dhaxeeyo Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha
Baarlamaanka ayaa la ogeyn halka uu ku Dambeyn Doono Iyadoo dadka Siyaasada
Odorosa ay Sheegayaan in Khliaafka uu Salka ku haye markii Madaxweynaha uu ka
Caroodey Markii Gudoomiyaha Baarlamaanka isagoo ku simaha Madaxweynaha ah uu ka
Doorbidey in uu Taageero wax ay ugu yeereen Danno Guracan oo ay Beeshisa Wadatey
oo ku Aadan Maamul u sameyn Lix Gobol taasoo Mustaqabalka Horseeedi doono
Dagaalo Beeleed mar kale soo Noqda Hadaba la arki doonee halka uu ku Dambeyn
Doono Khilaafkaan,waxayna Khilaafyada Noocaan ah ay yihiin kuwa aan laga waayin
Dowlad kasta oo Dhalata taasoo inta badan Dadka ku Macneeyeen la tashi la'aanta
Madaxda Dhexdooda ah
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Waraysi: Prof. Axmed Samatar oo ka hadlay Musuq Maasuqa Dawladda Federaalka
Soomaaliya.
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 28, 2013
|